.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya


Warkii Radio Xoriyo
25 June, 2002

Warka Madaxdiisii


· Jabka Ciidanka Gumeysiga Itoobiya oo sii Kordhaya
· Shacbi aan Waxba Galabsanin oo lagu Xasuuqay Dhabiile
· 3 Xubnood oo ka tirsan OLF oo Xabsi dheer lagu Xukumay
· Madaxweynaha Dalka Eriteriya oo ku Eedeeyey Itoobiya in ay Jabisay Heshiiskii Xabad Joojinta labada Dal
· Abaar ka Jirta Gobalka Tigray
· Dib u Heshiisiintii Soomaaliya oo Wali Socota
· Jaaliyada Ogaadeenya iyo Dadka Soomaaliyeed ee Canada oo si xoogan oogu Banaan Baxay Siyaasada Gumeysiga Itoobiya


Warkii oo Faah faahsan


Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama CWXO ayaa inoo soo diray Jab loogu gaystay degaaladii u danbeeyey ee dhex maray iyaga iyo Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya.Waxayna kala yihiin

15 June 2002 Farmadaow oo u dhow Degmada Shaygoos Degaal ka dhacay waxaa Ciidanka Isu Keen Keenka ah ee Itoobiya lagaga dilay 8 Askari iyadoo 7 kalena lagaga dhaawacay.

19 June 2002 Dhabiile oo u dhow Dh/buur Degaal adag oo halkaas ka dhacay waxaa CCGI lagaga dilay ilaa iyo 15 Askari iyadoo 13 kalena lagaga dhaawacay.Waxaa sidoo kale degaalkaas markuu mudo socday adkaysan waayey Ciidankii Gumeysiga Itoobiya iyagoo Cagaha wax ka dayey, waxayna goobtaas kaga Carareen Hub iyo Saanad iyadoo qaar kalena orodkii lagaga daadsaday.

Isu geyn waxaa CCGI degaaladaaas kaga dhintay 23 Askari waxaana lagu dhaawacay 20 kale iyadoo Hub iyo Saanad lagu furtay.

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo Waranta Arimaha Bulshada Maryama Ruun Liibaan ayaa inoo soo dirtay Bahalnimo lagula kacay Shacbiga Ogaadeenya ee aaga Dh/buur.

20 June 2002 Dhabiile oo u dhow Gobalka Dh/buur ayaa Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya oo lagu jabiyey degaal hal maalin ka hor aagan ka dhacay waxay ku gadoodeen sidii Caadada u ahaan jirtay Jabkii kaga yimid Degaalkaas awgiis dad Shacbi ah oon waxba galabsanin.Waxayna Xasuuq iyo Xidhay kula kaceen dadkii Shacbiga ahaa ee Agaga gaarka Dhabiile ku noolaa iyadoo tiro aad u badan oo isugu jira qaybaha Bulshada oo idil lagu xidhay,Waxaa sidoo kale iyadana la ooday Xoolo nooc walba leh ooy Shacbiga Dhabiile iska lahaayeen inagoo dib ka soo sheegi doona tirada dadka iyo Duunyada ee Xasuuqaas lagu Xidhay amaba lagu ooday.

Maryama Ruun Liibaan
Radio Xoriyo,Dh/buur
Ogaadeenya
-------------------------------------------------------------------


Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo Warama Adis-Ababa Qamaan Xirsi ayaa inoo soo diray Warar isku dhafan inagoo ku bilaabayna

SEDEX XUBNOOD OO KA TIRSAN JABHADDA XOREYNTA OROMIYA
OO SI XAQ DARO LAGU HUKUMAY 22 SANO OO XARIG AH


Wararka naga soo gaaraya Wasaarada Cadaalada ee dalka Itoobiya ayaa sheegayo in 3 nin oo ka mid ah Jabhadda Xoreynta Oromiya (OLF) lagu xukumay min 22 sano oo xarig ah.Sedexdaasi nin oo la kala yiraahdo Denbesh Geferse, Mekonnen Ruba iyo Bekele Atmosa ayaa loo diiday sharci yaqaan difaaco inkasto ay taasi tahay mid ku cad dastuurka Itoobiya.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in tilaabadani ay muujinayso wal walka weyn eey Itoobiya ka qabto Jabhadda Xoreynta Oromiya (OLF) oo sii xoogaysanaysa.

MADAXWEYNAHA ERITREA OO ITOOBIYA KU EEDEEYAY IN AY JABISAY HESHIISKA XABAD JOOJINTA LABADA DAL

Madaxweynaha dalka Eritrea Isayas Afwerki isaga oo Magaalada Asmara 21 June 2002 kula kulmay Xogayaha Ciidanka nabad ilaalinta ee Jimciyada Qurumaha ka Dhaxaysa Mr.Jean-Marie Guehenno ayaa ku eedeeyay Dowladda Itoobiya in ay jabisay dhowr qodob oo ka mid ah heshiiska xabadjoojinta oo dhex maray labada dal.Madaxweyne Afwerki waxuu u sheegay Xogayaha Ciidanka nabad ilaalinta ee Jimciyada Qurumaha in dowlada Itoobiya ay dhowr goor hor istaagtay Ciidanka nabad ilaalinta oo ku sugan soohdinta u dhaxeeyso labada dal taas oo si cad u jabinayso heshiiski xabadjoojinta.

Madaxweyne Afwerki waxuu sheegay oo kale in Itoobiya ay biloowday in ay shacab itoobiyaan ah dajiso dhulal ay si cad Maxkamada Aduunku u cadeeysay in ay leedahay dalka Eritrea iyada oo iska indha tirayso go'aanka kama dambeyska ay maxkamada dhowaan soo dajisay.Xogayaha ciidanka nabad ilaalinta ee jimicada qurumaha ayaa isaguna muujiyay in ay Itoobiya waajib ka saaran
yahay in ay ku dhaqanto qodobadii la isku afgartay oo ku cad heshiiska xabad joojinta ee dhex maray iyada iyo Eritrea. Xogayaha waxuu cadeeyay in hor istaaga ciidankiisa uu yahay sharci jabis cad oo Itoobiya loogu baaqayo in ay joojiso tilabooyinka noocaasi ah.



ABAAR KA JIRA GOBOLKA TIGRAY OO KEENAY XIISAD SIYAASADEED

Waxaa koonfurta gobolka tigree mudo ka jiray roob la'aan iyada oo dad tiradoodu lagu qiyaasay 64,000 ay yihiin biyo la'aan.Hadaba degmooyinka Endamehone iyo Enderta oo labadaba ku yaal koonfurta Gobolka Tigray ayaa arintani keentay xiisad siyaasadeed iyada oo ay shacabka tigreega aagaas degeni ku eedeeynayaan in dowladda Melez Zenaawi aysan dan ka lahayn shacabka biyo la'anta hayso xoolahooduna u dhimanayaan haraad daraadii.

Masuuliyiin ka tirsan degmooyinka Endamehone ayaa hore u codsadeen in laga soo gaaro lakiin aysan ilaa hada waxba helin.Xisada siyaasadeed waxay ka timid mar ay cadaatay in 8,000 oo kiintaal oo cuno ah oo ay Hayada Cunada ee Qaramada Midoobay WFP keentay la waayay meel ay ka baxdeen, arintaasi oo ah mid loo qabsaday Fisseha Tawek oo uu Zenaawi u xil saaray in uu gargaarka caalamka u qeybiyo shacabka Tigreega. hadaba Fisseha Tawek ayaa wararku sheegayaan in uu qeyb ka mid ah mucaawinadaas leexiyay iyadoo la daraneen yahay in cunadaasi beesha caalamka ka timid suuq madow lagu iibiyey.

Si kastaba ha ahaate shacabka Tigreega eey abaartu hayso ayaa u arka gargaarka caalamka ka yimid oo iyaga loogu tala galay in uu Melez Zenaawi ka bacmushtiro isaga oo adeegsanayo Fisseha Tawek.

Qamaan Xirsi
Radio Xoriyo
Addis Ababa

--------------------------------------------------



Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Soomaaliya Ahmed Yare Calasoo ayaa inoo soo diray Warkan.

HALKUU MARAYAA SHIRKA DIBUHESHINEED EE SOOMALIYA ???

Urur Goboleedka IGAD oo ka kooban dalalka Soomaaliya, Djibouti, Eritrea, Itoobiya, Sudan, Kenya iyo Uganda ayaa shir ay ku qabteen dalka Suudaan bilowga sanadkan go'aamiyay in dalka Kenya lagu qabto shir dib u heshineed oo soo afjaro xiisada siyaasadeed ee ka jirta soomaliya iyada oo loo xil saaray 3da dal ee kala ah Djibouti, Kenya iyo Itoobiya in ay noqdaan gudi farsamo oo ku howlan qorsheynta shirkaas.

Kulankii ugu horeyay ay gudidaas farsamada yesheen ayey dowladda Itoobiya cadeysatay mowqifkeeda oo ah in wax walba meel eber laga bilaabo oo aysan jirin haatan dowladd soomaliyeed, taas oo noqotay mid ay dowladda Jabuuti si xoogan u diiday in ay ka aqbasho halka ay dowladda Kenya ka gaabsatay in ay dhiibato aragtideeda dhankaasi.

Hadaba iyada oo gudiga farsamada ee urur goboleedka IGAD ka dhex taagan yahay khilaafkaasi gaar ahaan labada dal ee Jabuuti iyo Itoobiya oo aragtiyadoodu aad u kala fogyihiin ayaa dowladda Kenya codsatay in qorsheynta shirka dib u heshineed ee Soomaliya uu noqdo mid ay dhamaan dalalka IGAD u dhan yihiin. Taas oo micnaheedu yahay in dhamaan dalalka IGAD ay haatan ka qeyb galayaan qorsheynta shirka nabadeynta soomaaliya oo la filayo in uu ka dhaco dalka Kenya.

Dadka Siyaasada Indha Indheeya ayaa tani u arka mid jab weyn ku ah qorshaha Itoobiya ay wadatay oo ah in la tir tiro guulihii lagu gaaray shirka dib u heshineed oo ka dhacay magaalada Carta ee Dalka Jabuuti, kaas oo ahaa mid lagu doortay baarlamaan, ra'sul wasaaraa iyo madaxweyne ku meel gaar ah. Itoobiya oo ay u muuqatay in iyada iyo jabuuti isku af garan wayeen arrimaha soomaaliya ayaa culeys weyn saartay dalka Kenya in ay ku tageerto afkaarteeda in meel eber ah wax walba laga
bilaabo oo la tir tiro guulihi shirka carta lakiin itoobiya uma suurtoobin taasi iyada oo Kenya istaagtay
meel dhex dhexaad ah isla markaasna ku dhaqaaqday tilaabo lama filaan ah oo ay ugu baaqday dalalka kale ee IGAD in ay ka soo qeyb galaan qorsheynta shirka la filayo in uu ka dhaco Kenya.

Dowladda Itoobiya oo ay u muuqato in Dalalka Djibouti iyo Eritrea ay cadeysteen mowqifkooda oo ah mid ka soo hor jeedo barnaamijka ay wado Itoobiya ayaa haatan culeys saaraysa dalalka Sudaan, Uganda iyo Kenya. Lakiin warar aan ka helnay ilo xog-ogaal ah ayaa sheegayo in dalka Sudaan uusan marnaba ka leexan doonin aragatida Ururka Jamacada Carabta..taas oo ah in marnaba meel eber aan wax laga bilaabi Karin sida ay Itoobiya rabto.

Sidaasi awgeed dadka siyaasada indha indheeya ayaa u arka in Kenya iyo Uganda mowqifkii ay qaataan uu noqon doono mid aad muhiim u ah madaama qodobada qorsheeynta shirka dib u heshineed uu noqonayo mid ay dalalka Djibouti, Eritrea, Itoobiya, Kenya, Sudaan iyo Uganda cod u qaadi doonaan.Itoobiya ayaa dadaal weyn ugu jirta in Kenya iyo Uganda ay iyada la saftaan kaasi oo codka u kala jabinayo 3 iyo 3 hadii Eritrea, Djibouti iyo Sudaan dhinac ka wada istaagaan arrimaha Soomaaliya isla markaasna ay itoobiya helayso in ay u hirgasho siyaasadeeda oo ah in aan wax xal ah laga gaarin dhibaataday soomaliya. Ilaa hada ma muuqado wax guul ay ay itoobiya ka gaartay dhinaca soo jiidashada dalalka Kenya iyo Uganda

Iyado oo ay Dowladda Ku Meel Gaarka ee Soomaliya iyo Jamacada Carabtaba u muuqato arintani ayaa warar xog-ogaal ah sheegayaan in dhowaan wafdi sare ka ambabixi doono muqdhisho isaga oo u sii jeeda dalalka Kenya iyo Uganda si loogu muujiyo ujeedada ay Itoobiya ka leedahay Soomaliya iyo in aysan ahayn dal nabad la rabto Soomaaliya.Dhinaca kalena Dowladda Ku Meel Gaarka ee Soomaaliya ayaa markii lagu dhawaaqay in dhamaan dalalka IGAD ay qorsheynayaan shirka dib u heshineed ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay ka qeyb gali doonti shirkaasi, halka ay marka hore tiri in aysan ka qeyb gali doonin shir ay ku lug leedahay dowladda Itoobiya.

Dadka siyaasada indha indheeya ayaa arintani u arka mid ay dawladda soomaliyeed ay muujisay kalsooni in ay ka dhadhicin karto inta badan dalalka IGAD in Itoobiya wax ka baxsan Colaad ayna ka wadin soomaliya oo ay faragelin xoog leh ku hayso Soomaliya.Waxaa kale oon qarsooneeyn in xiriirka dalka Talyaniga iyo Itoobiya uu si xumaanayo ka dib baaq ay soo saartay dowladda Itoobiya ay ugu hanjabtay talyaaniga in ay tilabooyin weyn ka qaadi doonto xiriirka ganacsiga ee Itaaliya iyo Itoobiya hadii aan Itoobiya loo soo celinin taalo qadiimka ah oo ay talyaanigu la tageen marka ay Itoobiya qabsadeen wakhtiga dagaalka labaad ee aduunka.

Warar xog ogaal ah ayaa ayaa sheegayo in Talayinga uu haatan u soo jeedo arrimaha soomaliya uuna wado ololo uu rabo in uu ku sameeyo guddi la yiraahdo "Saxiibada Soomaliya" oo ka kobnaan doono dalal muhiim ah sida dalalka Europe, Mareykanka, Canada iyo Carabta. Si kastaba ha ahaatee dadka siyaasada indha indheeyo ayaa u arko in qorshaha talyaaniga uu isaguna yahay mid ka duwan tan Itoobiya iyada oo uu talyaanigu dareensanyahay in ay Itoobiya kaga awood badisay dal
uu isaga gumeeysan jiray wakhtiga isticmaarka isla markaasna xiriir wanagsan oo ganacsina la lahaa wixi ka dambeeyay sanadkii ay soomaliya xornimo qaadatay.Talyaaniga ayaana marnaba rabin in Itoobiya kaga cod badiso arrimaha soomaliya.

Jamacada carabta oo mowqifkeedu cadyahay ayaa ah mid ay arrimaha soomaliya hormuud u yihiin dalalka Masar, Libya, Yemen iyo Saudi Arabia. Dadka siyaasada indha indheeya ayaa u arka in ay arinta kicisay dareenka Carabtu ugu weyn tahay ka dib heshiiskii dhex maray Itoobiya iyo shirkad Dalka Shiinaha laga leeyahay oo loogu dhisayo Itoobiya biyo xireenkii ugu weyna Afrika ay Masar ka fara laaban doonin arrimaha Soomaliya. Dalalka caraba intooda kalena ayaa si weyn u rabo in soomaliya ay mar kale noqoto dal awood leh isla markaasna culeys ku leh arrimaha geeska afrika.

Ugu dambeeyntii waxaa si weyn uu muuqata in dalka Mareykanku uu haatan ku howlanyahay in xal loo helo arrimaha soomaliya, isaga oo wafdi u diray muqdishu bishi March ee sanadkan 2002 isla markaasna si joogto ah oola xiriiro dalka Kenya oo uu haatan u arko dalka kaliya oo dhex dhexaad ka ah arrimaha soomaliya ka dib marka ay Itoobiya ku guleeysan waysay in ay ka dhadhiciso in arrimaha soomaliya iyada lagu haleeyo oo ay dano gaar ah oo Colaadeed ka leedahay.

GUDOOMIYAHA URURKA "KULMIYE" EE WAQOOYI GALBEED SOOMALIYA
OO KU DHAWAAQAY IN UU ISKU SHARXI DOONO MADAXTINIMADA
GOBLKAAS


Ahmed Muhammad Silaanyo oo ahaan Jiray Gudoomiyhii Hore ee Ururka SNM Macaaradna ku ah Xukumada ka Jirta Waqooyi Galbeed Soomaaliya ayaa isagoo la hadlaya Saaxaafada uu si rasmi ah oogu dhawaaqay in uu isu sharixi doono Madaxtinimada Maamulka Waqooyi Galbeed Soomaaliya taas oo ah mid uu jagadaas kula tartamayo Madaxa haatan Daahir Riyaale Kaahin.Wararku waxay sheegayaan in Axmed Maxamed Silaanyo uu haatan wado dhaq dhaqaaqyo balaaran oo uu isugu diyaarinayo in jagadaasi uu ku guleeysto marka ay doorashadeedo dhacdo.


Ahmed Yare Calasoow
Radio Xoriyo, Muqisho
Soomaaliya.

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo Warama Wadanka Canada Ahmed Xidig ayaa inoo soo diray Banaabax balaadhan oo Shalay oo ahayd 25 June, 2002 ka dhacay Magaalada Ottawa ee dalkaasi Canada kaas ooy soo qaban qaabisay Jaaliyada Ogaadeenya ee Canada.

Banaanbaas ay isagu yimaadeen qiyaastii dad kor u dhaafay ilaa iyo 400 oo qof ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Ottawa ee Caasimadda Wadanakan Canada maalintii Isniinta ee bishan June 24, 2002. Kaas oo ahaa mid lagaga soo horjeedo Siyaasada Dulmiga iyo Gumeysiga ku dhisan ee Dawallada Itoobiya.

Baanaanbaxan oo ahaa mid si aad ah loo soo agaasimay waxaa soo qabanqaabiyey Jaaliyadda Ogaaden ee wadanaka Kanada, waxaana ka soo qayb galay dad ka kala yimid magaalyooinka Ottawa, Toronto iyo nawaaxigooda. Waxaa halkaasi iyaguna goob joog ka ahaa dad ka socday Jamhuridda Soomaliya iyo Qoomiyadda Oromada oo iyaguna halgan kula jira Gumeysiga Itoobiya..

Dadkii halkaasi isagu yimid oo watey boodhadh ama tabeelooyin ay ku qoranyihiin sawiro iyo halku dhegyo ka dhan ah dawladda Itoobiya waxay sawaxan iyo qaylo ka horsameeyeen Saafarada Itooboya horteeda iyo Baraalamaanka wadankan kanada.

Kadib mar aan weydiiyey ujeedada Bananbaxaas waxa ay ii sheegeen in ay yihiin dad haysta jinsiyadda wadankan Canada, isla markaana aysan raali ka ahayn lacagta canshuurtooda ah ee la siinyao Itoobiya oo ku caanbaxdey ku xadgudubka xuquuqul insaanka iyo Duleynta dadkooga Ogaadeenya. Ereyadii ama halku dhigyadii ay dadkii halkaasi isagu yimid ku dhawaaqayeen waxaa ka mid ahaa"

Dhegaystayaal warbxintan oo dhameystiran waxaan idinku maqashiin doonaa Barnaamijyada Radio Xorio ee Maalmmaha soo socda hadii eebe idmo.

Wararka kale ee bannaanbaxa iyo sawirada - Guji 

Ahmed Xidig
Radio Xoriyo
Ottawa, Canada




Dhagaystayaal Warkii Caawa Waa naga intaas.

Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 25 June, 2002
 radioxoriyo@aol.com
 radioxoriyo@ogaden.com 

Xusuus : Cidii Rabta in ay radio Xoriyo hawada ka dhagaysato waxay ka heli kartaa Mawjada 19 MB, ama 15530 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30 Fiidnimo.


Dhegeyso warkaan oo Cod ah
WARARKA OGADEENYA:
June.25.2002 | June.21.2002 | June.18.2002 | June.14.2002 | June.11.2002 | June.7.2002 | June.4.2002| May.31.2002 | May.28.2002 | May.24.2002 | May.22.2002 | May.17.2002 | May.14.2002 | May.10.2002 | May.7.2002 | May.3.2002 | April.30.2002 | April.26.2002 | April.23.2002 | April.19.2002 | April.17.2002 | April.12.2002 | April.9.2002 | April.5.2002 | April.2.2002 | March.29.2002 | March.26.2002 | March.22.2002 | March.19.2002 | March.12.2002 | Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin
SIIRADA RASUULKA KUDAYO»
Tusmo | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30
SAXAABADII RASUULKA BARO»
Casharka toddobaadkan | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18
RAMADAAN SOON»
Macluumaadka Soomidda bisha ramadaan iyo axkaamta Soonka GUJI
SAKADA MAALKA BIXI»
Tusmo | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7
XIGMAD/WISDOM BIXI»
XAYAYSIIS BOOQO» 
KUTUB/BOOKS AKHRI» 
Soobooqo bogga xayasiiska Buugaagta / kutubta GUJI
NEWS 1 | 2 | 3 | 4 | 5
MAQAALLO AKHRI» 
DOOD FURAN AKHRI» 
QORAALO XIISA LEH AKHRI» 
MUSHARAXA SL 2002» 
Barnaamijka C/Risaq Maxamud Saleiman ee doorashada Somaliland Guji»

PUNTLAND, SOMALIA
Summary of Progress Report on the Puntland Peace Mission
PAGE.1 | PAGE.2 | PAGE.3 | PAGE.4 | PAGE.5 | PHOTO
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 Khartuum GUJI..
LETTER FROM OGADEENYA
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia) Read here

G O L E
Golaha Beesha Kablalax GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...




Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety