DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo
Wararka Ogaadeenya
Warkii Radio Xoriyo
21 May,2002
Warka Madaxdiisii
· Degaalo lagu Jabiyey Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya
· Banaanbax Balaadhan oo lagaga soo hor Jeedo Zeenaawi oo ka dhacay Adis-Ababa
· Masuul Sare oo ka baxsaday Dawlaga Itoobiya
· Ciidanka Qalabka Sida ee Soolaamiyeed oo Heegan Galay
Warkii oo Faahfaahsan
Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya
ayaa inoo soo diray dhambaal Xambaarsan Degaalo lagu jabiyey CCGI, kuwaas oo
dhacay Xiliyadan
08 May 2002 Meel u dhaxaysa Garbo iyo Dhagaxmadaw oo ka mida aaga Sibi
degaal ka dhacay Waxaa Ciidanka Cadawga lagaga dilay 2 Askari, 3 kalena waa
lagaga dhaawacay.
Isla 08 May 2002 Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ee degen Sabati Degaal dhex
maray waxay iska dileen 5 Askari, waxaa kale ooyna iska dhaawaceen 6 kale
09 May 2002 Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ee Degan Birqod oo ka mida Gobalka
Dh/buur Degaal isaguna dhex maray Waxay halkaas isaga dileen 10 Askari,
Waxaa Kale oo Degaalo kuwan la mida isla taariikhdan uu ka dhex Dhacay
Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ee Degen Saldhiga Dhagax Madaw iyagoo goobtaas
iskaga dilay 12 Askari, tiro kalena iska dhaawacay.Waxaa degaaladaas awgood
iyaguna ka Goostay Ciidankaas 15 Askari oo ku Jaah Wareeray Siyaasadda
Guracan eey ku socdaan.
12 May 2002 Saldhiga Ciidanka Cabudhiska ee ku yaala Dig Degaal adag
oo ka dhacay ayna Fuliyeen Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya ee
sida Goonida ah u taba baran waxaa lagu dilay 10 Askari , 20 kalena waa
lagaga dhaawacay.Iyadoo bur bur loo geystay Saldhigaas lana Gubay Dhismayaal
ay ku hoyan Jireen CCGI iyo Bakhaaro ay ku Keysan Jireen Hubka iyo Saanadda.
13 May 2002 Deyr oo Magaalada Awaare u dhow Degaal ka dhacay Waxaa Ciidanka
Jaahwareersan ee Gumeysiga Itoobiya lagaga dilay 6 Askari, 5 kalena waa
lagaga dhaawacay
14 May 2002 Ulo dhawban oo u dhow iyaduna Magaalada Awaare waxaa lagu dilay
11 Askari, tiro aan la xaqiijinina waa lagaga dhaawacay.
16 May 2002 Dalool Goosi oo ka tirsan Degmada Awaare Degaal ka dhacay
waxaa Cadawga lagaga dilay 17 Askari iyadoo lagu dhaawacay tiro badan oo
inta ay la eg tahay aan la xaqiijin.
19 May 2002 oo ahayd Doraato Qoolaleey oo u dhaxaysa Dhagax Madaw iyo Garbo
Degaal ka dhacay Waxaa Ciidanka Dhiigyacabka ah ee Gumeysiga Itoobiya lagaga
dilay in ka badan 29 Askari iyadoo tiro taas ku laban laabmaysana lagaga
dhaawacay,waxaana intaas dheeraa iyadoo aad loo Caydhsaday Ciidankii
Gumeysiga Itoobiya ee Soo Duulay ninbana Meel lala maray.Degaalkaas oo
Saacado dhawr ah socday Wuxuu ahaa mid adag ooy isaga hor yimaadeen Ciidanka
Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya iyo Kuwa Guemysiga Itoobiya oo soo Duulay.
Isu geyn Waxaa Ciidanka Gumeysiga Itoobiya Degaaladaas lagaga dilay
102 iyadoo lagaga dhaawacay 54 kale. Waxaa sidoo kale lagu furtay Hub iyo
Saanad kale.
-----------------------------------------
Jaaliyaadka Ogaadeenya ee dalka dibaddiisa ku nool oo xawliga halgankooda
kordhiyey si ay kaalin u dhiganta midda Ciidanka Qalabka sida u qaataan.
Waxay u tartamayaan calanka halganka oo sanadiiba Jaaliyadda lambarka
koowaad gasha xagga halganka la siiyo si loogu abaal mariyo dadaalka.
Haddaba Jaaliyadda Ogaadeenya ee ku nool dalka Holland ayaa shir isugu timid
11 bisha May, 2002 si ay u laba jibaaraan halganka loogu jiro xoraynta dalka
hooyo. Haddaba Abdi Madaale oo ka mid ah wariyayaasha Radio Xoriyo ayaa
wakiilka JWXO, Abdulahi Cadhays Dhicis(ayaanle) khadka telefoonka ku
wareystay si uu fikrad inooga siiyo shirka iyo wixii uu ku saabsanaa; waana
kan waraysigii
------------------------------------------------------
Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo Wararma Adis-Ababa Qamaan Xirsi ayaa inoo
soo diray Dhambaal Xambaarsan Xaalado kala duwan inagoo ku bilaabayna
Banaanbax balaadhan oo lagaga soo horjeedo Siyaasadda Males Zinaawi oo ka
dhacay Adis-Ababa
BANAANBAX BALAARAN KA DHACAY ADDIS ABABA
Banaanbax balaaran oo ay ka qeyb galeen kumanaan kun oo qof oo lagaga soo
horjeedo taliska Melez Zenaawi ayaa ka dhacay 19kii May ,2002, magaalada
Addis Ababa.
Banaanbaxaas waxaa soo qabanqaabiyay xisbiga mucaaradka ee E.D.P. Xisbiga
mucaaradka ah ee EDP wuxuu sameeyey banaan baxaax isaga oo dawladda Itoobiya
ay digniin siisay inayna u dul qaadanaynin ciddii banaan baxa sameysa.
Banaanbaxaan ayaa ahaa mid safaaradaha shiisheeyaha iyo ururada xuquuqal
insaanka ay si wanaagsan oola socdeen iyaga oo isha ku hayay wixii tilaabo
ah ay Itoobiya ka qaadi doonto.
Waxaa ka khudbeeyey banaanbaxa Dr. Admasu Gebeyehu oo ah
gudoomiyaha xisbiga E.D.P. Waxaa kale oo ka hadlay goobta banaanbaxa
xogayaha guud ee xisbiga E.D.P Lidetu Ayalew. Labadaasi madax ayaa hadda ka
hor mudo bilooyin xidhnaa iyadoo la si daayay ka dib culeeys ka yimid dhanka
dalalka Europe.
Banaanbaxan waxuu ahaa midkii ugu balaarnaa ee ka dhaco Addis Ababa ilaa iyo
wakhtigii ardayda mudaharadeen sanadkii hore.
CIIDAN ITOOBIYA AH OO SI SHARCI DARO AH U GALAY SUUDAAN.
Warsaxaafadeed ay soo saartay Jabhadda EPPF oo ah jabhad hubeeysan kana soo
hor jeedo xukuumada Melez Zenaawi ayey ku caddaysay in ciidan Itoobiyaan ah
weerar ku qaaday demooyin dhinaca Suudan ka xiga xadka labada dal. Jabhadu
waxay cadeeysay in ciidankeeda aysan xerooyin ku lahayn Sudaan balse ay
Itoobiyaanku sida aaminsanyihiin oo ay haatan caado ka dhigteen in ay xadka
Itoobiya iyo Sudaan tilaabsadan iyaga oo raadinayo saldhigyada jabhadda EPPF.
Itoobiya ayaa hada ka hor lagu eedeeyay in ay ka gudubto xadka ay la
leedahay dalka Kenya iyada oo raadinayso saldhigo ay leeyihiin Jabhadda
Xoreynta
Oromiya (OLF)
Si kasta ba ha ahaate, dadka siyaasada indha indheeya ayaa sheegayo in aysan
shaki ku jirin in arintani la isku soo qaadi doono marka ay Addis Ababa
yimaadaan
wafdi ka socda dalka Sudaan todobaadkan. Wafdigaas ayaa Addis Ababa uu
imaanayo in ay ka qeyb galaan shirka ururka barwaqo sooranka ee COMESA.
BAXSADKA MASUULIYIIN SARSARE OO ITOOBIYAAN AH OON KALA GO' LAHAYN
Xildhibaan ka tirsan barlamaanka federaaliga Itoobiya ayaa baxsaday.
Xildhibaankaasi oo la yidhaahdo Gurmeesa oo u dhashay qowmiyadda Oromada
ayaa dowladda Germalka ka codsaday in ay siyaan magangelyo siyaasadeed.
Waxaa la sheegayaa inuu xildhibaankaasi reerkiisii waddanka ka saaray
intuuna baxsan ka hor. Wararku waxay sheegayaan in xildhibaankaasi ay si
weyn uu soo dhoweysay Jabhadda Xoreynta Oromiya oo ay haataan wadahadalo uu
socdaan.
Gurmeesa waa masuulkii labaad ee qowmiyadda Oromada u dhasahy ee baxsada
muddo todobaad ah gudahood ka dib marka uu baxsaday wasiir ka tirsan maamul
ku sheega Oromiya oo la yiraahdo Meles Dayesa. Baxsadla masuuliyiinta
Itoobaya oon kala go'a lahay wuxuu gaadhay xitaa ciidanka sirdoonka.
Waxay wararka xog ogaalka ahi sheegayaan in todobaadki hore uu baxsaday
sarkaal ka tirsan ciidanka sirdoonka Itoobiya isaga oo ku dhuuntay diyaarad
Ethiopian Airlines ah oo uu socotay magaalada Washington ee Dalka Mareykanka
oo uu markiiba ka codsaday magangelyo siyaasadeed.
Markii ay baxsadka qowmiyadda Oromadu badatay ayuu amar deg-deg ah ka soo
baxay xafiiska Melez Zenaawi in xubnaha OPDO OO AH xisbiga Oromada oo ka
tirsan is bahaysiga EPRDF laga mamnuuco safarada dalka dibadiisa ah.
GERMALKA OO QABTAY KUMANAAN BAMBO GACMEED OO SI SHARCI DARO AH LOO DOOFIN
RABAY ITOOBIYA
Dowladda Garmalka ayaa gacanta ku dhigay 40,000 oo bambo gacmeed ah oo si
sharci daro loogu doofin lahaa Itoobiya.
Wasiirka dhaqaalaha ee Garmalka Hans Eichel ayaa bishan May 17keedi sheegay
in hubkaasi uu ahaa mid si sharci daro aah la rabay in loo dhoofiyo Itoobiya
iyada oo ay
dowladda Germalka raali ka ahayn. Wararka waxay intaas ku darayaan in
dowladda Itoobiya ka dambaysay doonaysayna in hubkaas badankiisa la geliyo
dalka Soomaaliya si ay u sii siyaadiso fadqalada ay kula jirto arrimaha
gudaha dalkaas dariska la ah.
XASUUQ LAGU HAYO SHACABKA SIDAAMAHA
Wararka naga soo gaaraya Awaasa ayaa sheegayo in TPLFmagaaladaas ka
sifaynayso shacabka Sidaamaha. Taasi waxay ka mid tahay qorsha cusub ee
taliska Tigreegu hoggaamiyo ee ah sifaynta qowmiyadaha Itoobiya gumeysato.
Waxay wararku intaa ku darayaan in bilihii dambe TPLF du bilowday inay
colaad ka dhex abuurto shacabka Sidamaha iyo kuwa Guraage sida ay meelo
Ogaadeenya ka mid ah uga abuurtay dagaal sokeeye walaalaha wada deggan.
Warar xog ogaal ah waxay sheegayaan in shacabka Sidaamo gadoodsan yahay oo
ay abaabul ku jiraan sidii ay gacan buuxda u siin lahaayeen Jabahadda
Xoreynta Simaamo (SLF).
Jabhadda Xoreynta Sidaama S.L.F ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay arintan
May 18, 2002 oo ay ku cambareeysay xukuumada Melez Zenaawi uguna
baaqday shacabka sidama in ay uu dulqaadanin xadgudubka Woyanaha.
ITOOBIYA OO KA WAL WALSAN XIRIIRKA MILITARY EE DHEX MARAY DALKA
MAREYKANKA IYO ERITREA
Madaxa Wasaarada Gaashandhiga Mareykanka uu qaabishan Arrimaha Afrika
Michael Westphal * ayaa sheegay in dawladiisu xiisaynayso in la
balaariyo xiriirka military ay la leedahay dalka Eritrea.
Mr. Westphal hadalkiisa waxaa xaqiijinaya booqashooyin kala duwan oo
sarakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka mareykanka ku tageen dalka Eritrea
bilooyinkaan dambe. Waxaa sarakiishaas ka mid ahaa Generaal Tommy
Franks oo ah taliyaha ciidanka mareykanka ee ka howl gala Dalalka Asia iyo
waqooyi Afrika. Ciidanka bada mareykanka ayaa ka dib dagaalka labaad
ee aduunka ku lahaa saldhig military magaalada dakada leh ee MASSAWA.
Dadka siyaasada indha indheeya ayaa uu arka in ay mareykanka isha si gooni
ah haatana isha oogu hayaan MASSAWA.Si kastaba ha ahaatee, dowladda Itoobiya
ayaa walaac ka muujisay arintani.. iyada oo xidhiidhka military ee
mareykanka iyo Eritrea uu aragto in ay khatar ku tahay Taliska Zenaawi oo
dalalka kale iska xijisiinayey Mareykanka kadib markuu been aan raad lahay
ka iibiyey.
Qamaan Xirsi
Radio Xoriyo
Addis Ababa
-----------------------------------------------------
Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo Warama Soomaaliya Ahmed Yare Calasoow ayaa
inoo soo diray Dhambaal Xambaarsan Xaalado kala duwan oo soo wajahay Umadda
Soomaaliyeed inagoo ku bilaabayna Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed oo
ka hadlay Ujeedada Itoobiya.
ARAGTIDA ITOOBIYA EE KU SAABSAN SOOMAALIYA
Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Cabdalla deeroow Isaaq ayaa May 18, 2002
warbixin dheer oo ku saabsan waxyaabihii uu kala kulmay safarkiisii Itoobiya
ka aqriyay fadhiga Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka.
"Waxay Itoobiya ina tiri ma idinkoo afrikaan ah ayaad u carareysaan
Carab oo ah cadowgeena koowaad, 'haddii aan nahay Itoobiya waan idiin
caddeyneynaa ma ogolin siyaasada Masar & Liibiya ee ku wajahan
Soomaaliya, mana ogolaan doono wixii ka soo baxa shirkii CARTA sida
Baarlamaan, Xukuumad iyo Dastuur". ayuu yiri mudane Cabdalla Dheerow
Isaaq.
Gudoomiyaha barlamaanka Soomaliyeed ayaa Itoobiya u tagay in uu ka qeyb galo
shir ay isugu yimadeen hogaamiye barlamaanada ee dalalka IGAD.
Mudane Cabdalla dheerow Isaaq ayaa shir deg deg ah la qalay Madaxweynaha
dowladda Ku-meel gaarka ee Soomaaliya Dr. Abdiqaasim Salaad Xassan iyo
Rai'sul
wasaaraha dowladda Mudane Xassan Abshir ka dib marka uu warbixin siiyay
golaha barlamaanka
XOOGGA DALKA SOOMALIYEED OO HEEGAN GALIYAY
Dowladda Ku Meel Gaarka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay heegan gelisay
Ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed si ay uga hortagaan weerarada iyo
daandaansiga Itoobiya ka wado gudaha Soomaaliya.
Warsaxaafadeed ay soo saartay Dowladda KMG ah ayaa lagu sheegay in kadib
markii ay shir yeesheen guddi gaar ah oo uu ka mid ahaa Madaxweynaha
Dowladda Ku Meel Gaarka Soomaaliya, Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa
la go'aamiyey in aan Itoobiya gacmaha laga laaban balse laga jawaabo
faragelinta ay ka wado gudaha Soomaaliya.
Lataliyaha dhinaca amaanka ee Madaxweynaha Dowladda KMG ah, Generaal Cali
Ismaaciil ayaa sheegay in ay khatar ku jirto ummadda Soomaaliyeed iyo weliba
qaranimadii Soomaaliya, sidaas darteedna ay tahay in fadhiga laga kaco
lagana hortago Itoobiya. Wuxuu sheegay lataliyuhu in ay Itoobiya tahay cadow
aan doonayn nolosha dadka soomaaliyeed.
Safiirka Soomaaliya uu fadhiyo Jimciyada qaramada midoobay, Mudane Axmed
Cabdi Xaashi (Xasharo) ayaa si rasmi ah ugu gudbiyay Guddiga Amniga ee
Qaramada Midoobay oo ay ka mid yihiin an shanta dal ee joogtada ah ee klaa
ah Mareykanka, Ingariiska, Ruushka, Chineeska iyo Franasiiska, dacwad ay
dowladda ku-meel gaarka soomaliya ku cadeeysay in ay Itoobiya qabsatay
dhul soomaliyeed, isla markaasna qorsheeynayso in ay qabsato magalooyin iyo
degmooyin soomaliyeed oo kale.
Danjiraha Soomaliya uu fadhiyo Qaramada Midoobay ayaa guddiga Amniga uu
gudbiyay codsiga Madaxweynaha Dowladda Ku-Meel Gaarka Soomaaliya uu ka
codsaday Guddiga Amniga inuu ku soo rogo dowladda Itoobiya cunaqabateen
dhaqaleed madaama ay jabisay sharuucda caalamiga lagu ilaaliyo qaranimada
dalalka iyo ixtiraamka xuduudada caalamiga.
Iyada oo ay ka muuqatay cadho ayaa Raisu'l wasaaraha dowladda ku meel
gaadhka Soomaaliya Mudane Xassan Abshir Faraax ku eedeeyey dowladda Itoobiya
in ay
faragelin qaawan ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.
Mudane Xasan Abshir wuxuu sheegay in aanay Dowladda KMG ahi marnaba ogolaan
doonin in ay soo hor fariisato Itoobiya amaba ay ka qaybgasho shir dib u
heshiisiineed oo ay Itoobiya lug ku leedahay.“Waxaana Adduunka la socod
siinaynaa in dowlada Itoobiya ay weerar qaawan ku soo qaaday dhulka
Soomaaliya iyadoo wadata gawaarida gaashaaman iyo hub fara badan oo ay
ku laayeen dad badan oo Soomaaliyeed" ayuu yiri Xasan Abshir.
Waxaa la filayaa in Dowladda Ku Meel Gaarka ay si rasmi ah uu gudbiso dacwad..
guddiga farsamada ee urur goboleedka IGAD oo Todobaadkan wafdi ka socdo
socdaal ku maro doono gobolada soomaaliya. Wafdigaas oo uu hogaaminayo
wasiirkii hore ee arrimaha dibeda Kenya Elijah Mwangale ku howlan diyaarinta
shirka nabadeenta soomaaliya oo la filayo in la qabto dabayaaqada bisha June
ama horaanya bisha July ee sanadkan 2002.
Dhagestayaal wararka hada naga soo gaaray Gedo ayaa sheegayo 3 sarkaal oo
Itoobiyaan ah lagu qabtay dagaalkii ay ciidamada Itoobiya ku soo qaadday
Beled Xaawo ee gobolka Gedo. Saraakiishan ayaa la sheegay in lagu hayo meel
howd ah oo u dhow Beled Xaawo. Wixi ku saabsaan arintaasi waan idinla
socodsiin doona.
BOOSAASO.
Korneel Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo haatan gacanta ku hayo magaalada Boosaaso
ayaa shaqaalihii hore ee Bangiga, Garoonka Diyaaradaha iyo Dekedda Boosaaso
shaqadii ka eryey isagoo ku bedeley shaqaale cusub uu ku kalsoon
yahay.Wararka waxay sheegayaan in tilaabadan uu qaatay Cabdullahi Yusuf si
uu kalsooni uga helo dawladda Itoobiya oo u balan qaaday gargaar hub,
tababar iyo dhaqaale isugu jira haddii uu ka sifeeyo meelaha istiraatijiga
ah dadka ka soo horjeeda maamulkiisa.
Cabdullahi Yusuf wuxuu tilaabadan qaatay ka dib marka ay diyaarad
Itoobiyaan ah sawiro ka qaaday garoonka diyuuradaha ee magaalada Boosaaso
todobaadki hore... taas oo ujeedada Itoobiya ahayd in ay qiyaasato awooda
garoonkaasi iyo in ay qaabili karto diyaaradaha
militariga ee Itoobiya oo uu sida hub Cabdullahi Yusuf.
Ahmed Yare Calasoow
Radio Xoriyo, Muqdisho
Somaliya
--------------------------------------------------------------
Dhagaystayaal Warkii Caawa waa naga intaas.
Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 21 May 2002
radioxoriyo@aol.com ama
radioxoriyo@ogaden.com
Dhegeyso warkaan oo Cod ah
WARARKA OGADEENYA:
May.22.2002 | May.17.2002 | May.14.2002 |
May.10.2002 |
May.7.2002 |
May.3.2002 |
April.30.2002 |
April.26.2002 |
April.23.2002 |
April.19.2002 |
April.17.2002 |
April.12.2002 |
April.9.2002 |
April.5.2002 |
April.2.2002 |
March.29.2002 |
March.26.2002 |
March.22.2002 |
March.19.2002 |
March.12.2002 |
Febuary.26.2002 |
Febuary.19.2002 |
Febuary.15.2002 |
Febuary.12.2002 |
Febuary.8.2002 |
Febuary.5.2002 |
Febuary.1.2002 |
January.29.2002 |
January.25.2002 |
January.18.2002
|
January.15.2002
|
January.11.2002
| January.8.2002
| January.4.2002
| December.28.2001
| December.21.2001
| December.18.2001
| December.14.2001
| December.11.2001
| December.7.2001
| December.4.2001
| November.30.2001
| November.27.2001
| November.23.2001
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|