DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo
Wararka Ogaadeenya
Warkii Radio Xoriyo
16 April, 2002
Warka Madaxdii
· Shir Balaadhan oo Lagu Taageertayo Halganka Shacbiga
Ogaadeenya oo ka dhacay Toronto.
· Gudi Farsamo oo Halganka Taageerta oo laga
Sameeyey London
· Dadkii lagu qab qabtay Hargeysa oo Qaar ka mida la keenay
Jig-Jiga.
Wariyaha Raadiyo Xoriyo ee Wadanka Canada ayaa soo diray dhambaal ku saabsan
Shir weyn oo maaalintii Sabtida ee 13 April, 2002 lagu qabtay Magaalada Toronto
ee dalka Canada. Sida wariyuhu noo soo sheegay waxaa shirka ka soo qaybgalay dad
aad u badan oo ka mid ah Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Canada. Waxaa
warbixin dheer shirka ka jeediyey Xildhibaan Bashir Axmed Makhtal uu ku
faahfaahinayo duruufta adag ee shacabka Ogaadeenya maanta ku jiro iyo heerka uu
halganka Gobonimadoonku marayo. Markii uu Xildhibaan Bashir Ahmed Makhtal ka
hadlayey dhibaatada aan iyadda oo kale la arag ee Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga
Itoobiya ku hayo Shacabka Ogaadeenya Dadweynihii Soomaaliyeed ee shirka ka soo
qayb galay waxaa ka muuqatay wajigooda murugo, waxayna balan qaadeen inay
walaalahood hiil iyo hooba la garab istaagayaan.Wuxuu Xildhibaanku ka hadlay in
waxyaalaha horumarka ah ee Itoobiya sheegto ayna waxba ka jirin. Wuxuu
khudbadiisa tusaale ugu soo qaatay 48 degmo oo dalk!
a Ogaadeenya ka kooban yahay in 6 degmo oo keliya ay hal hal Dugsi ka furan
yihiin. Taasina ay la xidhiidho Siyaasadeeda ah inay Shacabka aqoonta kala
dagaalanto dhinacayada kale ee noolasha bulshadana Cidhiidhi laga geliyey oon
wax horumar ah loo ogolaanin. Wuxuu xildhibaanku intaa ku daray in waxaas oo
Cabudhin ah dadka loogu sameynayo si loo hor istaago halganka gobonimadoonka,
hase ahaatee ay maalinba maalinta ka dambaysa kacdoon ka sii
qaadayaan.Dhagaystayaal Khudbadii uu Bashiir ka jeediyey Shirkaas waxaad ka
dhegaysan doontaan barnaamij gaar ah oo Radio Xoriyo ka diyaariyey.
Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Wadanka Ingiriiska Gaaweeye Uurdoox ayaa
soo sheegay in Jaaliyadda Ogaadeenya ee ku nool dalka Ingiriiska shir degdeg ah
ku qabatay magaalada London kadib dhacdadii foosha xumayd ee maamulka Hargaysa
Itoobiya gacanta u geliyey dad shacab ah oon wax galabsanin. Shirkaas waxaa ka
soo qayb galay aqoonyahano farabadan iyo madaxdii Jaalliyadda. Wuxuu wariyuhu
soo sheegay in ka soo qaybgalayaasha shirka xamaasad iyo qiiro badan ka
muuqatay.Sida wariyuhu noo soo sheegay markii la qiimeeyey daruufta adag ee
shacabka Ogaadeenya ku jiro iyo halgankooda gobonimadoonka ah, xaqiiqsadeena
dadka shacbiga ah ee Maamulka Cigaal u dhiibay Itoobiya waxaa la go’aansaday
qodobadan:
1. In la xoojiyo halganka Gobonimadoonka ah taageerona la siiyo Jabhadda
Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya
2. In Xooga la saaro dhaqaale uruurin mid Gurmad ah iyo midkii aasaasi ah.
3. In abaabul balaadhan lagu sameeyo hawlaha halganka iyo Dadweynaha ku nool
Wadankaas sidii ay kaalintooda u buuxin lahaayeen.
Si go’aankaas loo fuliyo waxaa shirka laga doortay guddi farsamo oo hawlahaas
loo xilsaaray.Eeggana wariyaha Radio Xoriyo Dhiidhi ayaa arrimaha shirka ka
wareysanaya C/hi Maxamed Sacdi oo ah odayaashii shirka soo qabanqaabiyey ahna
Madaxweynihii ugu horeeyey ee waxa ay Itoobiya ku magacowdo ismaamulka 5aad
Ogaadeenya. Waraysigiina waa kan ee dhegaysi wacan. Haye Dhiidhi.
Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo Warama Jig-Jiga Kooshin Sugule ayaa inoo soo
sheegay dadkii Maamulka Cigaal Itoobiya u soo gacan geliyey in la keenay
Jig-Jiga.Dadkaas oo sida wariyuhu soo sheegay taradoodu tahay 27oo ka mid ahaa
in ka badan 170 qof oo lagu qab qabtay Hargaysa ayaa 14 April 2002 la keenay
Jig-Jiga. Dadkaas oo dhamaantood Shacbi ah oo isugu jira rag iyo haween waxaa
lagu xidhay Saldhiga Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya ee Garab Case ee ku
yaala Magaalada Jig-Jiga. Waxaa iyana laga walwalsan yahay kuwa ku hadhay
xabisyada Hargaysa in iyana Itoobiya lagu soo wareejiyo taas oo ah sababta
markii horeba loo qabqabtay. Wuxuu wariye Suguule noo soo sheegay in dadweynaha
ku nool Magaalada Jig-Jiga dareenkooda arintaas ku saabsan aad u kacsan yahay.
Wuxuu dadku ka xanaaqsan yahay fal xumada iyo cadowtinimada Cigaal iyo wixii ay
isku aragti yihiin. Waxaa la sheegay in dadkaas xidhan la soo mooraduugtay oo
maalkoodii laga dhacay. Wuxuu wariyuhu soo sheegay in d!
adku wax kale hadal haynin waxayna qaarkood leeyihiin “ haddii ina Cigaal cirka
soo dumiyo meeshu ka galo ayaano ka geli”. Qaar kalena waxay leeyihiin”dhiil
buuxa iyo mid madhan haddii laysku dhufto midaka buuxa ayuu wax ka daadan”. Taas
oo macnaheedu yahay shacabkan Gumeysiga ku jira wax ka daadanaya ma jiro.
Warkii Caawa waa naga intaas.
Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 16 April, 2002
radioxoriyo@ogaden.com
Eegana ku soo dhawaada Faaladii Warka.Faaladeena warka ee Caawa waxaa halku
dhigeedu yahay Ninkii Gurigiisa kuu Diida Kaagana ka Mamnuucan.Waana Faalooyin
dhawr ah oon Maanta idiin soo daynay Qaybtii 1aad.Waxaana soo diyaariyey
Abdi-Sayid Yuusuf waxaana inoo soo akhriyey Dhoodi Danwaa.
Ninkii Gurigiisa Kuu Diida Kaagana Ka Mamnuucan
Walaalayaal ku soo dhawaada Faalooyin ku saabsan Duruufihii kala duwanaa ee uu
soo maray Halganka Shacbiga Ogaadeenya iyo Ujeedooyinkiisii rasmiga
ahaa.Ogaadeenya waa dhul Soomaaliyeed oo ku jira Gacanta Gumeysiga
Itoobiya,Shacbiga Dhulkaas degena isir ahaan waa dad Soomaaliyeed, waa dhul ku
yaala Geeska Afrika inta u dhaxaysa Jamhuuriyada Soomaaliya,Jamhuuriyada
Jabuuti, Mida Kenya iyo Shacbiga Oramada oo xadad kala leh Jahooyinka
Barri,Waqooyi,Koonfur iyo Galbeedka siday u kala horeeyaan.Baaxadda dhulka
Ogaadeenya waxaa lagu qiyaasaa ilaa iyo 560,000 Km oo Laba Jibaaran.Waa dhul
hodan ku ah hantida uu Eebe ku manaystay Geyigiisa sida Xoolaha oo nooc walba
leh,Beeraha, Badrool iyo Macdano kala duwan oon wali la xaqiijinin noocooda in
kastoo loo badiyo in uu Dahab ku jiro.
Shacbiga Ogaadeenya wuxuu ku jiraa Halgan adag ooy bilaabeen Xili hore oo Eega
laga joogo ilaa iyo 107 sano ka hor wakhtigaas oo wadamo badan oo Xoriyad haatan
hadhsanaya ayna Baraarugin iyadoo lagu tilmaamo Halganka Shacbiga Ogaadeenya mid
ka mida halgamada Jira kuwa ugu Guunsan.Waxaana farta lagu fiiqaa in
Gumeystayaashii Caalamiga ahaa ay Ciqaab ooga dhigeen Shacbigan maadaama ay
ahaayeen kuwii oogu horeeyey ee Baraarugay isla markaana Dhiigooda ku daadiyey
Geyiga Soomaaliyeed.
Halgamaddii uu Shacbigu soo maray oo magacyo kala duwan ku socday waxay
kuligood ka sinaayeen iyagoo waday hal fariin oo isku mid ah taas oo ahayd in uu
Shacbiga iska dul qaado heeryada Gumeysiga Itoobiya iyo Kuwii kale eey la
wadaageen Shacbiga Soomaaliyeed.Waxaa Xusid mudan in intii ka horaysay Juun
26dii ilaa 01 Julay, Sanadkii 1960-kii ay Dhamaan Halgamaddii Xoriyad Doonka
Soomaaliyeed ahaayeen kuwa isku mid ah xiligaas oo labadii Gobal ee Soomaaliyeed
ee Xoroobay uguna horeeyey ay ahaayeen Koonfur iyo Waqooyi kuwaas oo Xisbigii
Leegada ee Ururka Dhalinyaradda Soomaaliyeed SYL ay Xoriyada Gaadhsiiyeen.
Xorowga labadaas Gobal ee Koonfur iyo Waqooyi wuxuu badalay Jawigii Xoriyad
Doonka Soomaaliyeed oo kolkii hore ahaa mid siman waxayna Ogaadeenya oo ka mid
ahayd Meelaha uu Halganku sida Xawliga ah ooga socday ay Dedejiyeen Halgankoodii
iyagoo ku dhiiraday Guusha ay Gaadheen Walaalahooda ay Halganka ku wada Jireen
islana wadeen labada dhinacba.Wuxuu Shacbigu ku dhaqaaqay in uu ku hawl Galo
Dhidibadana u aaso Xisbigii ugu horeeyey ee si gooniya loogu Sameeyey in uu
Xoriyad Gaadhsiiyo Ogaadeenya kaas oo la odhan Jiray Rasrulaahi, laga bilaabo
Halgankaas wuxuu Shacbigu gudoonsaday in uu wado Halganka ilaa ay ka hananayaan
Xorad Taam iyagoo ku soo jiray Halgamadii kala ahaa Xisbigii Xoreynta Ogaadeenya
OLF, Xisbigii Dhalinyarada Ogaadeenya,OYL iyo Jabhaddii Gobanimo Doonka Soomaali
Galbeed WSLF iyo kuwo kale iyadoo Jabhadihii Xisbigii Xoreynta Ogaadeenyan OLF
iyo Jabhaddii Gobanimo Doonka Soomaali Galbeed WSLF ay ahaayeen kuwii ay Halgan
Xabad ah oo Hubaysan isaga hor yimaadeen G!
umeysiga Itoobiya iyagoo Xoreeyey 80% iyo 95% siday u kala horeeyaan.
Waxaa Xusid mudan in Shacbiga Soomaaliyeed Guud ahaan iyo Dawlahoodii kala
duwanaaba ay iyaguna Kaalin Muuqata ka soo qaateen Halgamadii Xorid Gaadhsiinta
Shacbiga Ogaadeenya.Dhanka kale waxaa waligoodba jiray Siyaasiyiin u dhashay
Soomaali oo xidhiidh la lahaa Gumeysigii hore ee Soomaaliyeed iyo Midkan hada
taagan ee Itoobiya kuwaas oo neceb Xoriyada, Jiritaanka iyo Xooga
Soomaaliyeed.Raga Farta aad loogu godo waxaa ugu horeeyey Maxamed Ibrahin Xaaji
Cigaal.Isagoo kow ka ah ragii Soomaali u dhashay ee uu sida Goonida ah wax u
baray Gumeysigii Soomaaliyeed iyadoo Daraasaddo Gooniya la siiyey.Cigaal dad
aqoon Shaqo iyo Mid Shaqsi ahaanba u yaqaana waxay ku sheegeen in uu yahay nin
aad u neceb Qaranimadda,Midnimadda iyo Hor u Marka Soomaaliyeed waxayna ku
tilmaameen in uu yahay nin ay ka buuxdo Xumaan,Nacayb iyo Fidno.
Marka dib loo eego taariikhihiisii hore ee Mugdiga ahayd xiligii isu taga
Koonfur iyo Waqooyi isagoo ka mid ahaa Waftidii Waqooyi wuxuu hadana ahaa kii
kaliya ee Diiday in ay labada Gobal isku darsamaan.Wuxuu Koonfur markuu tagay
ka bilaabay Balaayooyin aan horay looga aqoonin isagoo aabo u ah Fidmada
Soomaali oo dhan wada Olalisay ee Qudhac,Qansax,Qaydar,Maygaag iyo Bisiq.Wuxu ku
guulaystay in uu Koonfur ka abuuro dad uu Dhukaamiyey si uu ugu guuro.Waxaa lagu
tilmaamaa in Balaayooyinka uu abuuray ay ahayd mida ugu wayn oo dhalisay
Kacaankii 1969-kii ka dhashay Soomaaliya ee Madaxda ka ahaa Madaxweynihii hore
ee Soomaaliyeed Gen.Mohamed Siyaad Barre.Markii Dawladii hore ee Soomaaliyeed ay
dhaqaaqi wayday ee Qaranimadii halis gashay.
Hadaba markii Qaranimaddii Soomaaliyeed ay burburtay Sanadkii 1991kii ee uu Ina
Cigaal arkay in uu waagu ku baryey oo la wada fahmay meel banaana oo cadna uu
dhag ku soo yidhi ayuu hadana Gedo kale ragay ineen waa Cigaale oo uu is yidhi
bal maad Waqooyi ka soo baxdid isagoo hadal labo Ujeedo leh Adis-Ababa kaga
dhawaaqay sanadkii 1993dii kaas oo ahaa Anagu Hadaan Nahay Reer Waqooyi Waxaanu
ka Hadhnay Riyadii Dhimatay ee Soomaali Weyn.Hadalkaas wuxuu fariin Barasho oo
Dabaqoodhinimo ugu dirayey Gumeysiga Itoobiya oo uu ku tusayey in uu Diyaar u
yahay in uu u shaqeeyo haddii ay Dirsadaan.Ta kalena waxay ahayd isagoo rabay in
uu dad kale ku soo jiito.Waxaa kale oo iyaduna la yaab lahayd Hadal Kale oo uu
ka yidhi Shirkii Adis-Ababa ee Soomaalidu Isugu timid Sanadkii 1993dii kaas oo
isagoon laga filayn ileen Waa Cigaale ka yidhi Cidii Diidan Somaliland Waxay ku
baabí Hawada.
Marka Hadaladaas la fiiriyo waxaad markiiba garan kartaan Xumaanta iyo Nacaybka
ka buuxa Cigaal in ay yihiin kuwo ayna fari ka qodnayn Beesha uu Madaxda u
yahayna haddii ay sii eegtaan uu Dhaxal Siin Doono Dhibaatooyin ayna ka dabaalan
doonin bogsiintooda.Waxaana Maalinba Maalinta ka danbaysa soo ifbaxaya fal
xumada uu ka samaynan yahay ee wax ka Daahirin kara ayna Jirin.
Dhegeystayaal iyadoo ayna Faaladii Fari ka qodnayn Qaybtii 1aad Caawa halkaas ha
inoo Joogto.
Diyaariye
Abdi-Sayid Yuusuf
radioxoriyo@ogaden.com
Dhegeyso warkaan oo Cod ah
WARARKA OGADEENYA:
April.17.2002 |
April.12.2002 |
April.9.2002 |
April.5.2002 |
April.2.2002 |
March.29.2002 |
March.26.2002 |
March.22.2002 |
March.19.2002 |
March.12.2002 |
Febuary.26.2002 |
Febuary.19.2002 |
Febuary.15.2002 |
Febuary.12.2002 |
Febuary.8.2002 |
Febuary.5.2002 |
Febuary.1.2002 |
January.29.2002 |
January.25.2002 |
January.18.2002
|
January.15.2002
|
January.11.2002
| January.8.2002
| January.4.2002
| December.28.2001
| December.21.2001
| December.18.2001
| December.14.2001
| December.11.2001
| December.7.2001
| December.4.2001
| November.30.2001
| November.27.2001
| November.23.2001
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk