S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 wuxuu isku raacay in Bisha Maarso 2002 Shir-Weyne Soomaaliyeed laguqabto Kenya GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...
MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda
XASAN ABSHIR FAARAX
Profile | CV

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA OGAADEENYA
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

HORN OF AFRICA'S PROBLEM IS THE LEGACY OF THE ABYSINIAN EMPIRE STATE (ETHIOPIA).
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia).
Read here
"One who studies Abysinian feudal Empire State (Ethiopia) history will be compelled to arrive at the coming conclusion: " by Abdullahi M. Sadi
Promotion of respect for human rights and fundamental freedoms; Without this, the century old cycle of war and violent in Horn of Africa will unfortunately continue. It is time for men of good will to act. Read more...

february 20, 2002

Wararka Ogaadeenya

Warkii Radio Xoriyo : 19 Feb, 2002

Warkii oo Urursan

Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya oo Bahalnimo Cusub kula Kacay Qaar ka mida Shacbiga Ogaadeenya.
Maamulka Dabaqoodhiyiinta ay Itoobiya ka samaysatay Ogaadeenya oo Mashaariic aan waxba ka jirin Ka Wada Ogaadeenya.
Golaha Wasiiradda DKMS oo lagu dhawaaqay

Warkii oo Faahfaahsan

Wariyaha Raadio Xoriyo uga soo warama arimaha Bulshada ayaa inoo soo diray dhambaal Xambaarsan Dhibaatooyin hor leh oo uu Ciidanak Cabudhsika Guysiga Itoobiya u Geysta Qaar ka mida Shacbiga Ogaadeenya.Bahalnimadda uu Ciidanka Gumeysiga Itoobiya kula kaco shacbiga Ogaadeenya oo sii badanaysa waxaad moodaa in ay maalinba maalinta ka danbaysa sii badinayaan Xadgudubyada ay kula kacaan Shacbiga Dulman.waxaana oogu danbeeyey kuwan.

01 Feb, 2002 Magaaladda Fiiq oo ah Caasimadda Gobalka Nogbeed waxaa lagu xidhay ina Carte Xuseen isagoo laga daba geeyey dadkii horay ugu xidhnaa eey Ciidnka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya ku silcinayeen.

05 Feb, 2002 Gudhis oo ka tirsan Gobalka Nogbeed waxaa iyana lagu kordhiyey dadkii ku xidh xidhnaa dadkan soo socda.

1-Saynabo Mohamed Aaden
2-Ifraax Mohamed Aaden
3-Muhumed Nuur Mohamed Aaden
4-Ibrahin Mohamed Aaden
5-Iyo Ruqiyo Hassan Qayliye

06 Feb 2002 Magaaladda Caado oo ka tirsan Gobalka Doolo waxaa lagu xidhay oo Jidh dil aad u adag lagu sameeyey Ali Faarax Sanjar.

07 Feb 2002 Awaare iyo Nawaaxigiisa Shacbiga Ogaadeenya ee ku nool waxaa laga dhacay Xoolo tiradoodu ay aad u badan tahay oo isugu jira Geel, Lo´iyo Adhi.

07 Feb, 2002 Waxay Dhib gaar ah ka bilowday Gobalka Shabeele oo idil ooy ka mid tahay Magaalo Madaxda Ogaadeenya Godey.Waxayna Bilowday Olole Xoolo ood ah kaas oo lagu uruurinayo Xoolaha ay leeyihiin Shacibga.Waxaa hadda ku oodan Magaalada Abaa Qorow Xoo badan ooy Shacbigu leeyihiin waxaana xoolahaas ka mida Xoolo uu iska leeyhay ninka la yidhaahdo Macalin Rashiid iyadoo qaar ka mida xoolahaas lagu ganaaxay in lagu soo furto 100 Birr oo uusan Shacbigu heliba karin.

08 Feb 2002 Dhagaxbuur waxaa Xoolo lagu ganaaxay lagu soo furtay 4 nin oo Ciidanka Cabudhiska Gumeysigu ka soo qab qabtay Magaaladda Garawo oo ka tirsan isla Gobalkaas iyadoo xoolahaas loo Geeyey Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya si ay u qashaan.

09 Feb, 2002 Magaaladda Garbo 4 nin oo Shacab ah ooy Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya ka qab qabteen waxay ku Ganaaxday in lagu soo furto 7 Halaad oo Geel ah iyo 4000 Birr oo Lacagta Itoobiya ah.Waxaana Magacyadda 4ta nin ay kala ahaayeen

1-Halable Afdhuub
2-Macalin Carabloow
3-Muhumed Indho Yare
4-Iyo ninka 4aad oo la yidhaahdo Ina Abdi Guhaad.

09 Feb, 2002 3dex Reer oo Degen Agagaarka Magaalada Garbo ayey kuwiiba ku ganaaxday 500 Birr oo lacagta Itoobiya ah.Mid ka mida 3da reer waxaa Oday u ah nin lagu magacaabo Macalin Cabdulaahi.Iyadoo ayna Odayaasha reeraha kale magacyadoodu na soo gaadhin.

10 Feb, 2002 Magaalada Garbo waxaa lagu xidh xidhay dad badan oo Shacbi ah kuwaas oo lagu eedeeyey in ay taageerayaal u yihiin Jwxo,waxaana ka mid ahaa.

01-Hodan Abdi Ahmed
2-Nimco Abdi Wahaab
03-Abdi Mursal
04-Abdi Wali
05-Bashiir Abdi Gurey
06-Ina Ilka Case oo magaciisii Koowaad aanaan haynin.
08-Ababe Sareeye Aguule
09-Labo Wiil oo yar yar
10-Iyo Hassan Yare

Wararka naga soo gaadhaya dadkaas oo aan ku lug lahayn wax fal damiyeed ah waxay sheegayaan in Ciqaab nooc walba leh lagu samaynayo.

10 Feb, 2002 Dadki badnaa eey Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya ku xidheen Magaalada Fiiq wali waa xidhan yihiin iyadoo laga soo dayrinayo xaaladooda Caafimaad laguna hayo Jidh dil nooc walba leh.Waxaana laga daba Geeyey dakan soo socoda.

1-Nuur Hussein
2-Bashiir Abdi Khaliif
3-Xaashi Abdi Wali
4-Makhtal Ahmed Heebaan
5-Abdi-Aziiz Khaliif
6-Abdi-Shugri Abdi-Salaan
7-Mohamed Taka Yifta, oo ah Ganacsade Oromo u dhashay.
8-Abdi Mohamed Diiriye
9-Abdi-qadir Muhumed Ibrahin
10-Mohamed Raabi
11-Mohamed Ahmed
12-Shaafi Mohamed
13-Iyo Ahmed Jamaal

12 Feb, 2002 Guna Gado iyo Yucub oo ka kala tirsan Gobaladda Dh/buur iyo Doolo waxaa lagu xidh xidhay dadkan
Guna Gado

1-Qureesh Ahmed Nadiif
2-Abdi Gurey
3-Xiis Ahmed oo ah Haweenay aad u da´weyn
4-Nuur Mohamed Carte
5-Abdi Omer Dheere
5-Abdi-risaaq Hassan Ciise
6-Abdi-rashiid Mohamed
7-Ahmed Abdi Nuur
8-Maryama Abdi Osman
Tuuladda Farmadaw Yucub
9-Haliimo Mohamed Bulhaan
10-Qureesh Sh.Ahmed Abdi
11-Qureesh Ahmed Dheer
12-Aasiya Haybe Ali Geele
13-Damac Haybe Ali Geele
14-Sacdiyo Abdulahi Dayl
15-Hamdi Ahmed Dheere
16-Yuusuf Raage Gaab
17-Khadar Sheekh Ahmed
18-Iyo Abdi Muhumed Hassan

13 Feb, 2002 Gobalka Qoraxey waxaa iyagana dadkii horay oogu xidh xidhnaa laga daba geeyey oo hada ku xidhan dadkan oo laga soo qab qabtay Tuulooyinka hoos yimaada Degmada Qabridahare.waxayna kala yihiin

1-Barre Ismaaciil Yuusuf
2-Salaan Muhumed Sulub
3-Gaab Guure Muhumed Sulub
4-Maryama Afdhuub
5-Abdirahmaan Mohamed Muumin
6-Iyo Dad kale oon magacyadoodu wali na soo gaadhin.

Dilka, Dhaca, Xidhayga, Kufsiga iyo Ciqaabaha kale eey Ciidanka Cabudhisku kula Kacaan Shacbiga Ogaadeenya waa mid uu Gumeysiga Itoobiya oogu tala Galay in uu ku duleeyo Shacbiga Ogaadeenya si ay uga hadhaan Halganka ay oogu jiraan Aaya ka tashigooda, taas ooy Shacbiguna ka sii Qaadaan Darar ay Rabitaankooda ku sii kordhiyaan.

Maamulka Dabaqoodhiyiinta eey Itoobiya ka Samaysatay Ogaadeenya oo Wada Barnaamij aan waxba ka jirin.

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo Warama Magaaladda Jig-Jiga Kooshin Sugule ayaa inoo soo diray Dhambaal Xambaarsan Maamulka Dabaqoodhiga eey Itoobiya ka dhoob dhoobatay Magaaladda Jig-Jiga eey ku sheegto Kilil 5 oon wali ka daalin in uu Dhaan Daban Gaale u raro Shacbiga Ogaadeenya ee ka silicsan dhan walba.Waxayna hadda Bilaabeen in ay Shirkado Tigree ah u hoosaasiyaan si ay Magaca Shacbiga Dulman ugu ugaagdhsadaan.Wuxuna Dhambaalku ku bilowday sidan.

Hamza Ibrahim oo ah gudoomiyaha Guddiga maal gelintawaxay ay dabaqoodhiyiinta iyo Woyanaha ku tilmaamaan,kilil" " oo haba yaratee kalsoonida shacaba Ogaadeenya haysanin ayaa wararka sheegayaan in uu qeybiyay waraaqo oo ay ku qoranyihiin barnaamijiyo la rabo in lagu maal galiyo Ogaadeenya.Waraaqahaas oo loo qeeybiyay hayado ajnabi ah ayuu ujeedadooda yahay in ganacsato shiisheeye ay Ogaadeenya maal galiyaan iyaga oo faaiidada markaa la qeeybsanayo shirkado ku sugan Addis Ababa ay leeyihiin ururka TPLF iyo shaqsiyaad Tigree ah.

Wararka waxay sheegayaan in Hamza Ibraahiim si gaar ah howshani loogu xil saaray iyagoo shirkadaha Tigreega ku hoos gabanayaan "kilil" ku sheega sida ay uu muuqato in arintani ay tahay mid ay soomaali wadaan. Ujeedada qorshahani uu Hamza wado waa in la balaariyo ganacsiga ay ku jiraan shirkadaha ay leeyihiin xubnaha sar sare ee TPLF.Ururka TPLF ayaa calameeystay shacabka soomaaliyeed ee Ogaadeenya in magacooda lagu maal galiyo barnaamijyo ganacsi oon haba yaraatee wax aan iyaga Tigreega ahayn ooy faaiido oogu Jirto uusan Jirin.

Hamza Ibrahiim waxaa su'aal uu ah...ma waxuu moodaa in shacabka somaliyeed ee Ogaadeenya ogaan doonin qorshaha foosha xun uu Woyanaha uu fulinayo...mise waxuu moodaa in uu shacabka somaaliyeed ee Ogaadeenya iska indha tiri doonaan hantidooda oo dibadaha loo dhoofinayo oo dabadeedna shirkado tigree moyaane cid kale fa'ido ka heli doonin

Sidoo kale waxaa Magaaladda Adis-Ababa Todobaadkii hore ku soo Gaba Gaboobay Shir ay isugu yimaadeen Dabaqoodhiyiinta ay Itoobiya ka samaysatay Ogaadeenya kaas oo uu Gudoomiye ka ahaa Abdimajiid Hussein ooy Shacbiga Ogaadeenya ku naanaysaan Abdiwalaf.Hadaba Abdiwalaf oo ah Dabaqoodhiyiinta ay Itoobiya ka samaysatay Ogaadeenya midka ugu weyn waxay Shacbiga Ogaadeenya u arkaan nin aan wadanin Kalsoonida Shacbiga uu Sheeganayo in uu ka soo jeedo iyadoo dadka Qaarkiis ayba u arkaan Amxaar ku Hadla Luuqada Afsoomaaliga.

Dabaqoodhiyiinta kale ee Shirkaas ka qayb gashay iyo Cabdiwalafba waxay Hadaladda ay BBC-da Laanta Afsoomaaliga kaga dhawaaqeen ee sheegaya in Shacbiga Ogaadeenya uu Dastuurka Itoobiya u Ogol yahay in ay ka Goáan Itoobyia uu yahay mid la iska yidhi oon haba yaraatee waxba ka jirin iyagoo Dadka aan la kulmay ay hadalkaas ku tilmaameen Dhurwaayoow Maxaan Muu Kaa Maqlay.

Shacbiga Ogaadeenya wuxuu ku Jiraa Halgan Adag oo uu ku doonayo Madaxbanaanidiisa.

Waa KOSHIN SUGULE
RADIO XORIYO
Jijiga

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Soomaaliya Ahmed-Yare Calasoow ayaa inoo soo diray Dhambaal Xambaarsan Golaha Wasiiradda Dawladda Ku Meel Gaadhka ah ee Soomaaliyeed oo la dhisay taas oo si xiiso leh looga soo dhaweeyey Gobaladda iyo Degmooyinka Soomaaliyeed.Waxaana Dhambaalkaas oo qoraal ahaa inoo soo akhriyey Wariye Dhiidhi Nuur.Haye Dhiidhi.

Raiisul Wasaaraha Dowladda KMG Mudane Xasan Abshir Faarax ayaa 16.02.02 soo dhisay Xukuumad cusub oo ka kooban 31 wasiir. Isla maalintaa waxaa Raiisulwasaaraha iyo wasiirada cusub lagu dhaariyey Xarumta Madaxtooyada Dawladda KMG. Waxaa munaasabadaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Jumhuuriyadda Soomaaliyeed Dr C/qaaim Salaad Xasan iyo guddoomiyaha Barlamaanka Mudane Cabdaale Deerow Isaaq.

Wuxuu Raiisul Wasaaruhu sheegay mar uu ka hadlay munaasabadaa in 4 wasiir oo kale dib laga magacaabi doono. Wuxuu sheegay in 4 taas jago loo reebay kooxaha mucaaradka ahaan jiray ee DKMG heshiiska kula galay shirkii Nakuru. Xeel dheerayaasha umuuraha Soomaali waxay qiyaasayaan in dhisidda Xukuumaddan tahay mid isu dheeli tiran markii laga eego dhinaca aqoonta iyo tayada iyo dhinaca gobolada ay ka soo jeedaan wasiiradu.

Raiisul Wasaare Abshir wuxuu sheegay in dhowaan la magacaabi doono wasiiro dawladeedyo iyo wasiir ku xigeeno taas oo noqon doonta dhamaystirka Xukuumadda uu Dr Xasan Abshir madaxa ka yahay.

Shirkii ay Wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD ay kaga wada hadlayeen arrimaha Soomaaliya ayaa si rasmi ah loogu soo gaba gabeeyey magaalada Nairobi ee wadanka Kenya. Shirkan oo socday muddo labo maalmood ah ayaa intiisii badneyd lagaga doodayey arrimaha Soomaaliya iyo dagaalada ka alloosan Koonfurta dalka Suudaan.

Dawladda Itoobiya oo markasta mawqifkeeda ku saabsan arrimaha Soomaaliya ku salaysan yahay kala qaybin iyo in shacabka Soomaaliya ku waaro xukuumad dhexe la’aan ayaa ku dhega adaygtay in Soomaaliya si toos ah loo farageliyo. Hase yeeshee tas kumayna guulaysan. “ waxay u baahan tahay dib u dhis iyo dib u heshiisiin ee uma baahna kala goyn goyn xilligaan lagu sameeyo, ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Suudan Mustafa Cusmaan Ismaaciil oo eegga ah guddoomiyahay fadhiga wasiirada IGAG. Intaa wuxuu ku daray wasiirku in ay dalalka Geeska Afrika ay la gudboon tahay inay si hagaar laáan ah ugu shaqeeyaan Ummadda Soomaaliyeed si looga samata bixiyo halaagga Xukumad la,aanta ee la soo darsay tan iyo burburkii dowladii Dhexe ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa taageeray in la helo Soomaali deggan oo qaran ah wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Mudane Madoka.Deganaan laáan Soomaaliya waxay khatar ku tahay Ammaanka Gobolka Geeska Afrika ayuu yiri Mudane Madoka oo ka hadlayey gaba gabadii shirka.

Wasiiradu waxay soo saareen gabagabadii shirka baaq la xiriira nabadeynta Soomaaliya iyagoo ku dhawaaqay guddi diyaariya ajandayaasha looga hadli doono shirka dhammaadka bisha April ka dhici doona magaalada Nairobi. Sidoo kale waxay hoggaamiye kooxeedyada Soomaaliya ugu baaqeen inay iskeenaan miiska wada hadalka si shuruud laáan ah ayagoo u daneenaya shacabkooda.

Shirkan waxaa uga qeybgaley Soomaaliya Danjire Yuusuf Xasan Ibraahim oo ah wasiirka Cusub ee Arimaha Dibadda iyo wasiirka Gaadiidka cirka & dhulka Mudane Cabdi Guuleed, wasiiradu waxay ugu baaqeen dawladaha dariska ah in ay gacan ka gaystaan dib u heshiisiinta soomaaliya si loo helo dawlad Dhexe oo buuxisa himilada shacabka.

Ahmed-Yare Calasoow
Radio Xoriyo, Muqdisho
Soomaaliya.

Dhegeystayaal Warkii ood ka dhagaysanayseen Radio Xoriyo Codkii Shacbiga Ogaadeenya Caawa waa naga intaas.

Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 19 Feb, 2002
radioxoriyo@ogaden.com


Dhegeyso Goosgooska oo Cod ah


WARARKA OGADEENYA:
Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety