S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 Khartuum GUJI..
LETTER FROM OGADEENYA
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia) Read here

G O L E
Golaha Beesha Kablalax GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...
MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA OGAADEENYA
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya Warkii Radio Xoriyo 26 April, 2002

Warka Madaxdiisii

Ciidanka Gumeysiga Itoobiya oo wali sii wada Bahalnimadii uu ku Hayey Shacbiga Ogaadeenya

Ururo Soomaaliyeed oo Cambaareeyey Falkii ina Cigaal ku Dhaqaaqay

Warkii oo Faahfaahsan

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo waranta Arimaha Bulshada Maryama Ruun Liibaan ayaa inoo soo dirtay Xidhay iyo Cabudhin lagula kacay Shacbiga Ogaadeenya ee Magaalada Dh/buur.

Intii u dhaxaysay 07-23 April,2002 Magaalada Dhagaxbuur ayaa lagu xidh xidhay dad tiradoodu aad ay u badnayd oo isugu jira Odayaal,Hooyooyin,Dhalinyaro arday ah iyo kuwo kale.Waxaana Radio Xoriyo u suuro gashay in uu helo magacyada qaar ka mid ah dadkaas waxayna kala yihiin


1. Deeqo Raabi
2. Ruqiyo Raabi
3. Saynab Raabi
4. Qureesh Abdisiyaad
5. Faadumo Ali Yare
6. Haliimo Raabi
7. Cawo Mohamed
8. Caasha Mohamed
9. Sureer Abdi Halac
10. Sahra Aaden
11. Aamin Shariif Mohamed Raabi
12. Haliimo Mohamuud Aw Yuusuf
13. Ayaan Aaden
14. Abdisalaan Abdi Shariif Kaafi
15. Sheekh Muhumed Raabi
16. Ahmed Saalah
17. Abdi Fataax Gadhle
18. Sheekh Muhumed
19. Ahmed Nuur Shariif Haadi
20. Abdiwahaab Shariif Abdi Kaafi
21. Yuusuf Muhumed
22. Abdifatah Hassan Arab
23. Mohamed Muuse
24. Bashiir Abdi Rahmaan
25. Abdifataah Hassan Mohamed
26. Abdifatah Budaale
27. Sanyare Khadar
28. Iid Abdirahman Ali Biixi
29. Ahmed Yaasiin Sh.Omer
30. Abdirahman Abdulahi Osman
31. Nuur Moalin Khaliif
32. Faarax Abdulahi Takhal, Faarax Muraar
33. Mohamed Abdifarah Abdi Fiitamiin
34. Ganey Ahmed Fidhin

Iyo Kuwo kale oo Fara badan.

Sida wariyuhu soo sheegay Ciidanka Gumeysigu waxay bar tilmaameed ka dhigteen Iskuulada iyo culumaa’ow diinka. Sidaa darteed arday badan ayaa magaalada ka carartay haddana baadiya jira Xiligan oo ay Iskuuladii Xidhan yihiin.

Sida ay Maryama Ruun soo sheegtay Shacbiga Ogaadeenya ee gudaha ku nool waxay dareensan yihiin in falalka ka soo horjeeda Xuquuqda Baniáadamka ee uu Ciidanka Gumeysiga Itoobiya kula kacayo Shacbiga Ogaaadeenya ay ku dhiirri galinayso Beesha Caalamku oo bahalnimadaas indha ka xidhatay waxayna sugayaan Goorta Itoobiya laga abaal Marin doono Dhibaatooyinka ay ku hayso Shucuubta ay Gumeysato ooy ugu horeeyaan Shacbiga Ogaadeenya.

Maryama Ruun Liiban
Radio Xoriyo,Dhagaxbuur
Ogaadeenya

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo waranta Arimaha Diblimaasiyadda Dhikilo Dhoombe ayaa soo Ururisay Qoraalo Cambaarayn ah oo lagaga soo hor jeedo Ficilkii uu ina Cilaal oogu gacan Galiyey Gumeysiga Itoobiya Bishan horaanteedii dadkii uu ku qab qabtay Hargeysa.

Ururka Soomaaliweyn Golhiisa Midnimo Warsaxafadeed uu soo Saaray 18 April,2002 ku na Socday Dhaan Dunida, Ururadda Xuquuqul Insaanka iyo Dhamaan Ummadda Soomaaliyeed wuxuu si kulul u Cambaareeyey Talaabadaas foosha Xun ee uu ina Cigaal oogu gacan Galiyey Dad Soomaaliyeed Gumeysiga Itoobiya, Iyadoo uu Ururka Soomaaliweyn Warsaxafadeedkiisaas ku bayaamiyey Dambiyo hore oo uu Mohamed Haaji Ibrahin Cigaal ka Galay Qadiyadda iyo Qaranimadda Ummadda Soomaaliyeed.Qoraalkaas oo ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Ururka Somaliweyn 18 April 2002 intaas ayaan ku soo koobaynaa.

Sida Dhikilo ay soo sheegtay Waxaa iyaguna Qoraal ay soo saareen 24 April, 200 Cambaareyn aad u Xoogan oo kulul ka soo saaray Falkaas Ina Cigaal kula kacay Shacbiga Ogaadeenya ee Hargeysa Joogay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobaladda Sanaag,Sool iyo Hawd ee Wadanka Kuwait.Qoraalkaas oo ku socday Isimadda Gobalka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya waxay ku bilaabeen,Wax lala yaabo maaha in falalka noocaas ah ina Cigaal ku kaco waayo waa nin ku caan baxay xumaha, Soomali naceybka iyo u adeegga Cadawga Ummadda Soomaaliyeed. Waxaase layaab leh in ilaa hadda laga la'yahay beelaha Waqooyi cid Cambaareysa falalkaas.Ka aamusnaanta arrintan ee Isimada iyo Waxgaradka kale ee Goboladaasi gaar ahaan kuwa la Beesha ah ina Cigaal waxa keliya oo loo qaadan karaa inay raalli ka yihiin taasna micnaheedu waxay noqon doontaa inay la wadaagayaan dhibaatada ay la timado.Odayaasha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobaladda Sool,Sanaag iyo Hawd ee Cambaarayntaas ku sixiixnaa oo ah Gudida Sare ee Jaaliyadaas ! waxay kala yihiin

1}Saalax Shire Saalax...............................Guddoomiye
2}Axmed Maxamed Aadan............................Xubin
3}Xasan Cali Guntan.........................................."
4}Cali Maxamuud Cali Bayr..............................."
5}Maxamed Xirsi Muuse...................................."
6}Saciid Ismaaciil Ibraahim................................."
7}Maxamuud Xaaji Cumar Barraadle.................."
8}Naasir Sheikh Saalax......................................."
9}Maxamed Sacad Maxamed............................."
10}Bashiir Maxamuud Jaamac............................."
11}Yuusuf Axmed Kawir...................................."

Kala Xiriir:-
Axmed Maxamed Aadan {Tabaatiig}
e-mail:- ahmedtabaatiig@hotmail.com

Sidoo kale waxaa iyaguna Cambaareyn la mida mida sare ka soo saaray Magaaladda Muqdisho 25 April, 2002 Odayaasha Ogaadeen ee ku dhaqan Soomaaliya.Beesha Ogaadeen ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa si kulul ugu cambaareeyey Maamulka Cigaal, kaddib markii uu dad u dhashay Soomaali Maamulkaasi uu gacnta u geliyey Cadawga Ummadda Soomaaliyeed ee Itoobiya iyagoo aan waxba Galabsanin.

Odayaasha Beesha Ogaadeen ee Soomaaliya waxay ugu baaqeen Shacabka Soomaaliyeed in laga hortago shirqoollada ay Itoobiya guud ahaan ka waddo dalka, gaar ahaan Waqooyi Galbeed , sidoo kale waxay ugu baaqeen Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Waqooyi Galbeed in ay ka hortagaan falalka uu Cigaal kula kacayo dadka aan waxba galabsan, waxaana qoraalkaas soo saaray 25 April, 2002 Odayaasha kala ah

1. Ugaas Yacquub Muxumad
2. UgaasCabdulle Kiinjon
3. Ugaas Samatar Cumar Ugaas
4. Suldaan Khaliif Muxumad
5. Nabaddoon Daahir Ciil Mooge
6. Garaad Faarax Qammaan
Iyo xubno kale

Dhikilo Dhoobe
Radio Xoriyo

Dhageystayaal Warkii Caawa waa naga intaas ayuu nagaga eg yahay.

Abdi Madaale
Radio Xoriyo,26 April,2002
radioxoriyo@ogaden.com

Eegana Waa faaladii Warka.Faaladeena Warka ee Caawa waa qaybtii 4aad oo ah mida ugu danbaysa Faalooyinkii taxanaha ahaa ee inoo socday waxaana soo diyaariyey Qoraageena Abdi-Sayid Yuusuf.Iyada oo uu soo akhriyey Wariye Dhoodi.Haye Dhoodi.

Dhagaystayaal Sidii aan Qaybtii 1aad ee Faaladeenan ku soo sheegnay Shacbiga Ogaadeenya wuxuu ku jiro Halgan adag oo ujeedada ka danbaysa ay tahay sidii uu uga Xoroobi lahaa Gumeysiga Itoobiya ee asaagood ka reebay sababayna in siyaabaha qaarkood loola dhaqmo.Waxaan Qaybta 4aad ee Faaladeena oo ah mida ugu danbaysa ku bayaaminaynaa Dhitaabooyin iyo Bahdilaad Shacbigan lagaga Sameeyo meelo badan oo Soomaaliya ka mida.

Intii mudo ahba waxaa jiray warar iska daba imaanayey oo ka hadlaya Xumayn iyo Dhibaatoyin ku soo gaadha Shacbigan Dulman ee Ogaadeenya meelo ka mida Soomaaliya ooy oogu horayso Hargeysa waxaana iska dhaga tirkii uu Shacbigu indhaha ka qabsanayey Shaaca ka qaaday Ficilka uu ku kacay Ina Cigaal oo Taariikh Cusub oon wanaagsanayn u bilaabay Ummadda Soomaaliyeed.Iyadoo sida muuqata ay u fiirsigeeda leedahay in ilaa iyo Hadda dad u dhashay Waqooyi oo magac leh Ugaasyadda,Garaadyadda iyo Kuwa kaleba ama Urur arintaas Cambaareeyey uusan jirin taas oo loo qaadanayo in Ficilkaasi yahay mid raali laga wada yahay laguna xisaabtami doono Goorteeda.

Shacbiga Ogaadeenya oo ah dad Soomaaliyeed waxay iyaguna leeyihiin Dhul u gooniya oo Istiraatijiyad gaar ah u leh Waqooyi Galbeed.Marka ay ka fursan waydo in la raaco Ficilka Ina Cigaal ku kacay ee ah Tan Anaa Leh,meelna lagu tiiriyo Ehelnimo,Dariswanaag,Isqadarin iyo Xurmada waxay Toodu Waa Ogaadeenya ee noqon mida Godan ee Biyuhu aakhrika isugu shubmaan,Hargeysana ayna marna ka maarmi karin.Wuxuuna ku Xisaabtami in Xididada loo siibi doono arimahan soo socda.

· In suuqa kaliya eey Hargeysa leedahay uu yahay Ogaadeenya Dhaqaalaheeda ay Hada ku Camiran tahayna uu 70% ku xidhan yahay Ogaadeenya iyadoo ooga faaiidaysata labo dhinac oo kala ah,1-Badeecada Dekada Berbara ka soo degta in Suuqa gataa ee loo iib geeyo uu yahay Ogaadeenya.2-Xoolaha,Hargaha,Xabagta iyo Alaabta kale ee iyaduna dhanka kale ka dhoofta Dekeda Barbara ay ka timaado Ogaadeenya si dhib yarna loogu heli karo Dekado Soomaaliyeed ooy Alaabtaas ka heli karaan(Kana Dhoofsan karaan) kuwaas oo kala ah Boosaaso,Hobyo,Xamar iyo Kismaayo.

· In Gawaadhi leh Taariikada Jig-Jiga oo laga leeyahay Hargeysa tiradeeduna kor u dhaafayso ilaa iyo 250 Gaadhi ay ka shaqaystaan Ogaadeenya oo meel walba ay si xor ah u maraan iyagoo Dhaqaalaha uga soo xaroodana lagu soo shubo Hargeysa ayna ku shidan tahay Hantidaas.

· In dad Ganacsato ah oo u dhashay Reer Waqooyi Galbeed tiradooduna ay kor u dhaafayso ilaa iyo 3000 kun oo Ganacsato degen yihiin Ogaadeenya oo afka u dhigta dhamaan Ilaha Dhaqaalaha ee Magaalooyinka Dir-dawa,JigJiga,Dh/buur,Awaare,Qabridahare,Godey,Qalaafe Wardheer iyo Degmooyinka kale kuwaas oo halkaas ku jooga oo qudha Soomaalimo iyo Deriswanaag.

· In in ka badan 400 oo qof oo isugu jira dhamaan Darajooyinka kala duwan ee Shaqaalaha oo u dhashay Reer Waqooyi Galbeed ay iyana ka shaqaystaan Ismaamulka Ogaadeenya-Kililka, iyagoo darajo kasta ka haya.Waxaa iyaguna jira kuwa Magacyo Waaweyn ooyna Hargeysa ku lahaadeen kula baxay Ogaadeenya kuwaas oo halkaas iyaguna ku jooga oo kaliya Soomaalinimo.

· In ka badan ilaa iyo 200,000 oo neef oo Waqooyi laga leeyahay oo iyaguna si xor Biyo iyo Baadba oogu tiirsan Ciida Ogaadeenya kuwaas oo Shacbiga Ogaadeenya ku haya Xaalifin Deegaan.Iyo in Marka Dhan walba Sheekada loo rog rogo aan la kala Maarmin.Hadaba ninkii Gurigiisa in ay si Xor ah u dhex maraan,Uga Adeegtaan,Uga Ganacsadaan,Ehelnimo ugu Joogaan,u dagaan iyo Wixii la mid ahba ooga fushadaan ugu Diidoow waa Shacbiga Ogaadeenya ee waxaad Ogaan in aad adiguna Ogaadeenya ka Mamnuucan tahay.

· Gar Naqsaday Gudoonkiina Waa Nin iyo Gaar Kiise

· Ninka Gabiga igu soo Dunshoow Sow Ku Garan Maayo.

QAYBTII HORE - GUJI

Diyaariye
Abdi-Sayid Yuusuf

radioxoriyo@ogaden.com


Dhegeyso warkaan oo Cod ah


WARARKA OGADEENYA:
April.26.2002 | April.23.2002 | April.19.2002 | April.17.2002 | April.12.2002 | April.9.2002 | April.5.2002 | April.2.2002 | March.29.2002 | March.26.2002 | March.22.2002 | March.19.2002 | March.12.2002 | Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety