.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya


Warkii Radio Xoriyo
07 June, 2002


Warka Madaxdiisii

· Macaaradka Tigreega oo Zinaawi ku sii Badanaya
· Madaxweynaha Jabouti oo la Kulmay Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya
· Saraakiil Sare oo Itoobiyaan ah oo Booqday Gobalo Soomaaliyeed
· Maamulka Waqooyi Galbeed oo Mamnuucay Ideecadaha Madaxa Banaan
· Jaamac Ali Jaamac oo ku soo Laabtay Puntland,Soomaaliya

Warkii oo Faah Faahsan

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Adis-Ababa ayaa inoo soo diray dhambaal Xambaarsan Kaligii taliye oo Macaaradka ka dhashay Qoomiyadiisu oo isu bahaysanaya.

MUCAARADKA TIGREEGA OO KU SII BADANAYA ITOOBIYA


Waxaa baryahan dambe soo badanaya dhaliisha iyo dhaqdhaqaaqa mucaaradka Melez Zenaawi ee ka soo jeedo Qowmiyadda Tigreega.Gudoomiyaha Barlamaan Goboleedka Tigray Solomon Inquai ayaa todobaadkii hore si kulul u cambareeyay Melez Zenaawi iyada oo magaalada Addis Ababa loo fadhiyo shir ay EPRDF qabatay oo lagu xusayay sanadguurada 11aad ee ururkaasi EPRDF.

Wararka waxay sheegayaan in dhaliishu ay ka timid Gudoomiyaha Tigray isla markii uu Shirku furmay intaan la galin Qodobkii Koowaad Shirkaas oo uu furay Males Zinaawi oo ah Raaiiisul Wasaaraha Dalkaas.Waxyaalaha uu Gud.Tigray Sheegay ayaa waxaa ka mid ahaa isagoo ku eedeeyey Ururka Talada Wadanka Itoobiya haya ee EPRDF Xubnahooda sare waayo arag nimo laáan.

Waxaa kale oo ka hadlay shirkaas dhowr Generaal oo ka tirsan Ciidanka Cabduska Gumeeysiga Itoobiya iyaga oo sheegay in Sarakiisha hogaamisa Ciidanka Itoobiya ay u sheegeen askarta in May 28 oo ah sanaguurada 11aad ee isbahaysiga EPRDF loo kordhin doono Mushahaarada la siiyo taas oo la fulin waayey keenina karta niyad jab iyo kala yaac, hadaba Kaligii Taliye .Melez Zenaawi oo dareensan in ka noqoshada go'aankii mushaarada loogu kordhin lahaa Ciidanka Itoobiya ay khatar ku noqoto xukinkiisa ayaa uu xil saaray Generaal Haile Tilahyuun in uu arintaas daba galo arintaas.

Wararku waxay intaas ku darayaan in xitaa General Semora Yenus oo ah taliyaha Ciidanka Itoobiya uu la saftay Generaalada kale isaga oo ku tilmaamay kordhinta mushaarka askarta mid muhiim u ah dalka itoobiya iyo moraalka Cidaanka. Si kasta ba ha ahatee Melez Zenaawi wuu ku adkeystay go'aankaas mana muuqato in uu dhowaan is beddeli doono iyadoo talaabada Gen.Haillu loogu xilsaaray in uu arintan daba galo loo arko uun wakhti dheerays.

Dhinaca kale waxaa sii xoogeysanaya Jabhadda cusub ee hubaysan oo ka soo jeeda Gobolka Tigree isla markaasna mucaarid ku ah Melez Zenaawi oo loo yaqaano TPLF-DM oo ay shacabka gobolka tigree uu yaqanaan WOYANE SELLASE. Jabhadaas oo todobaadkii hore weerar ku qaaday aqalka masuul ka tirsan maamul goboleedka Tigree isla markaasna miinoyin galisay wadooyin ku yaalo waqooyiga gobolka tigree ayaa haatan wafdi u dirtay dalalka caalamka ay ku kala sugan yihiin shacabka tigreega iyaga oo dibadaha ka wado abaabul balaaran.

Wararku waxay intaas ku darayaan in WOYANE SELLASE ay xiriir la yeesheen qaar ka mid ah xubnaha TPLF oo haatan ka tirsan Golaha Dhexe ee ururkaas. Magaalada Adwa oo ah meesha uu Melez Zenaawi ka soo jeedo ayaa lagu arkay June 5, 2002 joornaalo ay leeyihiin jabhadda WOYANE SELLASE wararkuna waxay sheegayaan in 7 ka mid ah shacabka tigreega ee magaalada ADWA la xir xiray ka dib marka gurayahooda laga helay joornaalka jabhadaasi WOYANE SELLASE.

Ugu dambeeyn wararkua qarkood waxay sheegayaan in Sebxaat Neega oo ah xubin sare oo ka tirsan TPLF isla markaasna ah gacanta midig ee Melez Zenaawi haatan kula taliye Melez Zenaawi in loo xil saaray dabagalka ururada Tigreega oo mucaarid ku ah Melez Zenaawi. Wararku waxay sheegayaan in Sebxaat neega oo dhowr goor isku dayay in uu la xiriiro madaxda Jabhadda WOYANE SELLASE iyo ururka TISJD oo isagana ah urur tigree ah oo mucaarid ku ah Melez Zenaawi.uu ku guuleysan waayay in ay taasi u suuro gasho isagoo aad isugu dhabar Jabiyey Xidhiidhida Jabhadaha WOYANE SELLESE iyo ururka TISJD.

Qamaan Xirsi
Radio Xoriyo
Adis-Ababa

----------------------------------------------------------------------------

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Jabouti Roble Mahdi ayaa inoo soo diray warakan

MADAXWEYNAHA JABOUTI OO LA KULMAY ERGAYGA QARAMADA MIDOOBAY EE SOOMAALIYA

4 June 2002 ayuu Madaxweynaha Jabuuti
Mudane Ismaciil Cumar Geele la kulmay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomalaiya Winston Tubman.

Madaxweyne Geele iyo Winston Tubman waxay ka wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan Soomaaliya siiba Dhaq dhaqaaysada badan ee ka socda siiba hubka ku soo qulqulayo soomaaliya iyo in loo bahanyahay in la hirgeliyo go'aanka Guddiga Aminga ee Qaramada midoobay oo mamnuucayey in hub la soo galiyo dalka soomaaliya.


WAFDI KA SOCDA CIIDAMADA DALKA SHIINAHA OO JABUUTI YIMID

Waxaa maalinti Arbacada ee 05 June,2002 ka soo dagay Garoonka Dayuuradaha ee Jabuuti wafdi ka kooban 6 sarakiil oo ka socdo Ciiidamada dalka Shiinaha oo uu hogaaminayo Generaal Guwaan Jundii

Waxaa wafdigaas ku soo dhoweeyay Garoonka Diyyuuradaha eeJabuuti Generaal Fathi Ahmed Hussein iyo Sarakiil kale oo ka tirsan Wasaarada Gaashaan Dhiga ee Wadankaasi Jabouti.
Wafidgaas ayaa mudo 3 cisho ku sugnaan doona dalka Jabuuti

Roble Mahdi
Radio Xoriyo
Jabuuti

-------------------------------------------------------------------------------


Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Soomaaliya Ahmed Yare Calasoow ayaa inoo soo diray warar Soomaaliya ku saabsan inagoo ku bilaabayna Saraakiil sare oo Itoobiya ah oo booqday Gobalo Soomaaliyeed

SARAAKIIL ITOOBIYAAN AH OO BOOQDAY GOBALO SOOMAALIYEED

June 5, 2002 waxaa Magaalada Baydhabo yimid wafdi ka kooban saraakiil sare oo ka tirsan Dowladda Itoobiya.Sarakiishan ayaa la kulmay hogaamiye kooxeedka fadhigiisu yahay Badhaba Col.Mohamed Nuur Shaati Gaduud iyaga oo uu dhiibay warqad ka socotay Melez Zenaawo...taas oo ah mid Korneel Shaati gaduud loogu sheegay in uu Addis Ababa yimaado oo uu shir la yeesho Melez Zenaawi marka uu ka soo noqdo socdaalka uu Zenaawi ugu maqanyahay Dalalka Belgium iyo Itaaliya.

Wafdigan ka yimid Itoobyia ee Saraakiisha sar sare ah ayaa waxaa hogaaminayey Col.Daldai oo ka tirsan Wasaarada Gaashaaniga Itooobiya, isla markii ay dhamaysteen kulamadii ay la garaleen Col.Shati Guduudba waxay u anbabaxeen Magaalda Boosaaso,halkaas oo ay idayadan kula kulmeen Col.Abdulahi Yuusuf oo haatan Gacanta ku haya Magaalada Boosaaso.

Warar arintan la xidhiidha ayaa sheegaya in hawlaha uu Col.Waldai u tagayo Magaalada Boosaaso ay oogu horayso isagoo wada Fariin ka timid Kaligii Taliye Males Zinawi taas oo ah in uusan Col.Abdulahi Yusuf tagin Dalka Liibiya, iyadoo uu Hogaamiyaha Wadankaasi horay u Casuumay

MAAMULKA WAQOOYI GALBEED SOOMALIYA OO MAMNUUCAY DHAMAAN RAADAYAASHA AYNA IYAGU LAHAYN.


Dawlada Itoobiya oo fara galin Balaadhan ka wada dhamaan Soomaaliya ayaa todobaadkii hore ku amartay Col.Abdulahi Yuusuf in uu mamnuuco dhamaan Raadyayaasha Goonida loo leeyahay ee Gobolada bari ayaa haatan amarkii mid la mid ah siisay Maamulka Waqooyi Galbeed ee uu madaxda ka yahay Daahir Riyaale Kaahin.Talaabadan ayaa loo arkaa in ay Itoobiya ooga dan leedahay in ay ku Go´doomiso Saxaafada si aan loo ogaanin Dhaq Dhaqaaqeeda iyo Hawlaha ay ka wado Guud ahaan Soomaaliya.

Dhinaca kale warar la xidhiidha arinta ayaa iyaguna Sheegaya in uusan Maamulka Waqooyi Galbeed ee uu haatan Madaxa u yahay Daahir Riyaale Kaahin ka qayb gali doonin Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya ooy qaban qaabadiisii ka socoto wadanka Kenya, iyadooy dadka qaarkiis u arkaan in talaabadan ay lug ku leedahay Dawlada Itoobiya oo gacan weyn kula jirta Siyaasada Gobalkaas.


HUB ITOOBIYA LAGA KEENAY OO SOO GALAY SOOMAALIYA

Hub ay Leeyihiin Hogaamiye Kooxeedyada Muuse Suudi iyo Maxameed Dheere oo ay soo siisay Dowldda Itoobiya ayaa June 6, 2002 la so Marsiiyay Magaalada B/weyn ayagoo ku sii jeeday Magalada Muqdisho.

2:00 duhurnimo ayaa waxaa magaalada B/weyne la soo marsiiyay 8 gaari oo ah kuwa xamuulka qaada oo siday Hub iyo Rasaas kala duwan oo ay wadeen 6 Baabuurta Tiknikada ah ku waasi oo ay lahaayeen Hogaamiya kooxeedyada Muuse Suudi Yalaxoow iyo Maxamed Cumar

Hubkaani oo sida la sheegay laga keenay dhinaca Dowlada itoobiya oo ay gacan saar la leh hogaamiyo kooxeedyadaas ayaa waxaa la soo marsiiyay dhinaca galbeed ee magaalad B/weyne. Ma'ahan markii ugu horaysay ee la soo mariyo Gobalka Hiiran khaasatan Magaalada Beledweyne Hub laga keenay Dowlada itoobiya oo ay leeyihiin hogaamiye kooxedyada Muuse Suudi iyo Maxamed Dheere Iyadoo Bishii May ee aynu soo dhaafnay la soo marsiiyay hub kala gedisan oo ay leeyihin labadaasi hogaamiye koxeed.

Baaburtaan siday hubkaasi ayaa todobaadkii aynu soo dhaafnay dabayaaqadiisi soo mareen Magaalada Beledweyn iyago ku si jeeday Dhinaca Xuduudka Somaaliya iyo Ogaadeenya si ay u soo qaadan hubkaasi,Hubkaani ku so qulqulaya waddanka Soomaaliya gudahisa aya waxaa uu ka hor imaanaya qaraarki ay soo sartay Qaramada Midowe 1993dii ee qeexayey in Wadanka Soomaliya aan la soo gelinin wax hub ah.


JAMAC CALI JAAMAC OO KU SOO NOQDAY SOOMAALIYA

Waxaa 06 June, 2002 ku soo laabtay Gobolka Puntland ee Soomaliya Madaxweynihii ay dadka Gobalkaas degen sida Xorta ah u doorteen mudane Jamac Cali Jaamac oo ku maqnaa dalka liibiya halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha dalkaasi Mucamar Al Qadaafi. Wararku waxay sheegayaan in Jamac Cali Jamac uu soo maray dalka Masar intii uusan ku soo noqonin Soomaalia isaga oo halkaasi kula kulmay sarakiil sar sare oo ka tirsan Dowladda Masar.

Jamac Cali Jaamac ayaa haatan ku sugan magaalada Qardho ee Gobolka Bari isaga oo halkaas kula jiro shirar xasaasi ah masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobalkaas.

Ahmed Yare Calasoow
Radio Xoriyo,Muqdisho
Somaaliya.


---------------------------------------------------------------------

Dhageystayaal Warkii Caawa waa naga intaas.


Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 07 June, 2002
 radioxoriyo@aol.com
 radioxoriyo@ogaden.com 


Dhegeyso warkaan oo Cod ah
WARARKA OGADEENYA:
June.7.2002 June.4.2002| May.31.2002 | May.28.2002 | May.24.2002 | May.22.2002 | May.17.2002 | May.14.2002 | May.10.2002 | May.7.2002 | May.3.2002 | April.30.2002 | April.26.2002 | April.23.2002 | April.19.2002 | April.17.2002 | April.12.2002 | April.9.2002 | April.5.2002 | April.2.2002 | March.29.2002 | March.26.2002 | March.22.2002 | March.19.2002 | March.12.2002 | Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin
SIIRADA RASUULKA KUDAYO»
Tusmo | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30
SAXAABADII RASUULKA BARO»
Casharka toddobaadkan | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18
RAMADAAN SOON»
Macluumaadka Soomidda bisha ramadaan iyo axkaamta Soonka GUJI
SAKADA MAALKA BIXI»
Tusmo | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7
XIGMAD/WISDOM BIXI»
XAYAYSIIS BOOQO» 
KUTUB/BOOKS AKHRI» 
Soobooqo bogga xayasiiska Buugaagta / kutubta GUJI
NEWS 1 | 2 | 3 | 4 | 5
MAQAALLO AKHRI» 
DOOD FURAN AKHRI» 
QORAALO XIISA LEH AKHRI» 
MUSHARAXA SL 2002» 
Barnaamijka C/Risaq Maxamud Saleiman ee doorashada Somaliland Guji»

PUNTLAND, SOMALIA
Summary of Progress Report on the Puntland Peace Mission
PAGE.1 | PAGE.2 | PAGE.3 | PAGE.4 | PAGE.5 | PHOTO
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 Khartuum GUJI..
LETTER FROM OGADEENYA
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia) Read here

G O L E
Golaha Beesha Kablalax GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...




Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety