S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 Khartuum GUJI..
LETTER FROM OGADEENYA
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia) Read here

G O L E
Golaha Beesha Kablalax GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...
MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA OGAADEENYA
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

WAGELIN SOOMAALIDA MINNESOTA:
Shirkii ugu horeeyey ee ururka dhallinta Ogaden oo 23 Maarso lagu qanadoono Jaamacada Minneapolis GUJI
HORN OF AFRICA'S PROBLEM IS THE LEGACY OF THE ABYSINIAN EMPIRE STATE (ETHIOPIA).
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia).
Read here
"One who studies Abysinian feudal Empire State (Ethiopia) history will be compelled to arrive at the coming conclusion: " by Abdullahi M. Sadi
Promotion of respect for human rights and fundamental freedoms; Without this, the century old cycle of war and violent in Horn of Africa will unfortunately continue. It is time for men of good will to act. Read more...

february 20, 2002

Wararka Ogaadeenya

Warkii Radio Xoriyo : 12 March 2002

Warka Madaxdiisii

Ku Simaha Madaxweynah Jwxo, oo Sheegay in Guulaha Halganka Shacbigu Gaadhay ay Keentay Isku Tashiga ay awoodooda ku Tashadeen Shacbigu

Dhurbaaxooyin lala Beegsaday Nidaamka Gumeysiga Itoobiya oo Jahooyin kala Duwan lagaga dhuftay

Jwxo, oo Warsaxafadeed ka soo Saartay Faragalinta Qaawan eey Itoobiya ku hayso nabad ku soo debaalka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed

Ciqaabihii iyo Caga Jugleyntii Shacbiga lagu hayey oo halkeedii wali ka sii socoda.

Warkii oo Faahfaahsan

Ku Simaha Madaxweynah Jwxo, oo Sheegay in Guulaha Halganka Shacbigu Gaadhay ay Keentay Isku Tashiga ay awoodooda ku Tashadeen Shacbigu

Waraysi uu Raadiyo Xoriyo la yeeshay Ku Simaha Madaxweynaha Jwxo, Halgame Abdirisaaq Kayd oo Caan ka ah Haganka Shacbiga Ogaadeenya ayaa sheegay in uu Halganka Shacbigu soo maray Marxalado kala duwan kuwaas oo midiba ay Xili Gooniya soo Jirtay taas oo sideeda loo xusuusto.

Halgankan aan hadda wadno ee Garabka Siyaasadda iyo Midka Milatariga leh oo hada inta uusan kala Goín kor u dhaafay ilaa iyo 13 Sano kaas oo kolkii hore ku bilowday si ka awood yar midan aan maanta Joogno waxaa suuro galiyey oo qudha Mintidka iyo Isku Tashiga ay Shacbigu ku tashadeen awoodooda taas oo hada maraysa heer lagu faani karo oo ah in Qayb walba oo ka mida halgankeena ay maata Goonideeda isu maamusho una leedahay Ciidan u gooniya kuwaas oo majaraha u haya Halgankeena, waxaa kale oo iyadana jirta in wadan walba oo dunida inteeda badan ka mida uu ka jiro Xafiis Sharci ah oon leenahay una taagan Halgankeena.Waxaana Hadaladiisii ka mid ahaa.

Dhagaystayaal Waxaad Waraysigaas kaga bogan kartaa isagoo faahfaahsan Ideecadeena Maanta.

Dhurbaaxooyin lala Beegsaday Nidaamka Gumeysiga Itoobiya oo Jahooyin kala Duwan lagaga dhuftay Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa inoo soo diray Dhambaar Xambaarsan Dhurbaaxooyin Xanuun badan oo wal walkii ku soo kordhinaya Ciidanka Jaah wareersan ee Itoobya oo loogu geystay Degaaladii u danbeeyey ee Dhex maray CWXO iyo kuwa nacabka ee Gumeysiga Itoobiya.Waxayna kala yihiin kuwan.

28 Feb 2002 Maro Maydh oo Degmada Garbo ka xigta Dhanka Koonfureed Degaal ka dhacay waxaa CCGI iyo Dabaqoodhiyiinta la Shaqeeya lagaga dilay 3 Qoodhi, Waxaana laga furtay 3 Qori

07 March 2002 Afweyne oo ka tirsan Gobalka Dh/buur Degaal ka Dhacay Waxaa Ciidanka Muqlaysan ee isu keen keenka ah ee Itoobiya lagaga dilay in ka badan 20 Askari, iyadoo tiro badana lagaga dhaawacay.Waxaana Degaalkaas lagaga furtay Qalab Milatari oo fara badan ooy ka mid ahaayeen Quriga la yidhaahdo BKM iyo Raadayaasha Isgaadhiinta ee Ciidanka.

08 March 2002 Meel u dhaxaysa Higlaley iyo Cobale oo ka tirsan Gobalka Dh/buur Dabaqoodhiyiinta Gaarka ah ee sida Goonida ah ay u Adeegsadaan Tigreegu oo lagu magacaabo in uu leeyahay nin Taxaaluf la ah Gumeysiga Itoobiya oo la dhaho Ibraahin Xaad waxaa Goobtaas lagu dilay Taliyihii Dabaqoodhiyiinta Gaarka ah oo la odhan Jiray Sulub Haaji Mohamuud oo la dhashay Ibraahin Xaad oo si gooniya ugu xidhan TPLF/EPRDF iyo Hal Qoodhi oo kale.Isla Galinkii Dambe ee Maalintaas iyadana Degaal adag oo ka weynaa kii hore oo dhacay dhexna Maray Dabaqoodhiyiinta Gaarka ah ee sida Marin Habawga ah loogu magacaabay Ibraahin Xaad iyo Ciidanka Itoobiya iyo Geesiyiinta Jwxo, kaas oo Khasaaruhu intuu la´eg yahay aanaan wali helin inagoo dib ka faahfaahin doona hadii uu Allaha Awooda leh ogolaado.

Ibraahin Xaad waa nin Ganacsade ah oo ka tirsan Gobalka Dh/buur isagoo Magaciisa oo dhamaystiran uu yahay Ibraahin Xaaji Mohamuud, kaas oo kolkii hore ay Ciidanka Itoobiya ku khasbeen in uusan Ganacsan karin haddii uusan samaynin Ciidan la dagaalama Jwxo, isagoo qoray Ciidan fara Badan una Qoray mid walba Mushaar gaadhaya ilaa iyo 400 Birr.Ciidankaas sida Gaarka ah ula Shaqeeya Wayaanaha wuxuu u xil saaran yahay in uu kala Dagaalamo Jwxo, inta u dhaxaysa Dh/buur iyo Arariso, iyadoo Tigreegu Mushaarka Ciidankaas Gaarka ah ay ugu dhiibaan Ibraahin Xaad si Shacbiga loo marin habaabiyo laysagana hor keeno Jwxo, iyo Shacbiga Ogaadeenya ee Aagaas degen waxaase ay Shacbigu si dhab ah u ogyihiin danta laga leeyahay Ciidankaas iyo Cida wadata oo ah Cadawgooda Gumaada iyagoo ka Qaan Gaadhay Arimahaas wakhti hore.Sidaasna waxaa saaka Xarunta Dhexe ee Jwxo, kaga dhawaaqay Kusimaha Madaxweynaha Jwxo, Mudane Abdirsaaq Waxaana Hadaladiisii ka mid ahaa.

Jwxo, oo Warsaxafadeed ka soo Saartay Faragalinta Qaawan eey Itoobiya ku hayso nabad ku soo debaalka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed

Warsaxafadeed ay Jwxo, soo saartay 09 March 2002 loona qaybiyey Saxaafadda Dunida ayey ku Bayaamisay arimahan KUQORAN HALKAN - GUJI

Ciqaabihii iyo Caga Jugleyntii Shacbiga lagu hayey oo halkeedii wali ka sii socoda.

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Arimaha Bulshada ayaa inoo soo diray Dhambaal Xambaarsan Gumaadkii iyo Ciqaabihii kale ee lagu hayey Shacbiga Dulman ee Ogaadeenya oo wali lagu sii dhaga adag yahay waxaana ugu danbeeyey kuwan

15 Feb 2002 Gurdumi oo ka tirsan Gobalka Dh/buur waxaa Ciidanka Nacabka ah ee Itoobiya ay Xabsiga ka sii daayeen nin Shacab ah oo mudaba u xidhnaa oon magaciisa oo dhamaystiran dib ka soo gudbin doono, kadib markii Xidhaygiisii lagu gatay 1,300 Birr oo lacagta Itoobiya ah.Waxaa sidoo kale Aaga Gurdumi iyo Awaare lagala wareegay Shacbiga Masaakiinkta ah een iska Difaaci karin Gumaadka Joogtada ah 3 Ceel iyo Barkado Dhawr ah oo si gooniya ah ay u lahaayeen Dad Shacbi ah ooy Xoolahooda iyo Iyaguba ka Cabi jireen Xiliga Jiilaalka.

23 Feb 2002 Gudhis oo ka Tirsan Gobalka Nogbeed Waxay Ciidanka Horarka ah ee Itoobiya ku Qabteen 3 nin oo Safar ahaa oo ka yimid Degmadda Iimey kuwaas oo Ciqaabo badan oo nooc walba leh lagula kacay waxayna Magacyadda 3da nin ee Safarka ah kala ahaayeen

1-Ahmed Barkhadle Abdulahi
2-Abdi Moalin Mohamed
3-Mohamed Mukhtaar Abdi

23 Feb 2002 Goday oo ah Caasimadda Ogaadeenya waxaa lagu xidh xidhay dad rayad ah oon waxba galabsanin kuwaas oo Ciqaabo kala duwan lagu hayo waxayna magacyada ilaa iyo inta na soo gaadhay ay kala yihiin

1-Shamis Muhumed Nuur
2-Hussein Ali
3-Bashiir Suldaan
4-Tacsiir Qaalib Sugule
5-Sacdiyo Carab iyo 2 Wiil oo yar yar ooy dhashay
6-Xaashi Abdulaahi oo isaga lagala Wareegay 10 Halaad oo uu lahaa iyadoo kolkii hore hal laga qashay

28 Feb 2002 Nursdariiq oo ka Tirsan Gobalka Qoraxey Waxaa lagu xidhay dadkan

1-Dayl Ahmed Waayeel
2-Muhumed Saalin Mohamed Dhiin

Labadan nin isla ayaamahaas la qabtay ayaa laga soo daayey Xabsiga Qabri-Dahare oo ay ku xidhnaayeen kadib markii 3 Bilood ka hor isla Nusdariiq lagu qabtay loona Gudbiyey Saldhiga Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya ee ku yaala Wardheer loogana sii wareejiyey Qoraxey.

Isla Taariikhda Sare iyadoo Cadaadis Gooni ah iyo Cabudhis lagu hayo Shacbiga Ogaadeenya ee Degen Garbo oo tiro badan oo Shacbi ah ay ku xidhnaayeen ayaa dadkii Deegaanku is Abaabuleen si ay talaabo ooga qaadaan Dulmiga lagu hayo, waxaana Dabadeed Xabsigii laga sii daayey dad dhan ilaa iyo 300 oo Qofood iyadoo si gooniya loola hadhay 17 kale oo Xabsigii wali ku sii baaqi ah, taas oon noqon doonin Xidhaygii u danbeeyey ee Dadweynaha iyagoo kuwo kale intay soo qabtaan ku badali doona sidii Caadada u ahaan jirtay.

Warkii Caawa waa naga intaas.

Abdi Madaale Radio Xoriyo, 12 March 2002

radioxoriyo@ogaden.com


Dhegeyso Goosgooska oo Cod ah


WARARKA OGADEENYA:
March.12.2002 | Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety