.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya

Warkii Radio Xoriyo
14 May, 2002

Warka Madaxdiisii


· Mohamed Nuur Shaati Guduud oo Kulamo Itoobiya kula yeeshay.
· Jamciyada Qaruumaha ka dhaxaysa oo Itoobiya eedaysay.
· Seyoum Mestfin oo la Waydiiyey Faragalinta uu Dalkiisu ku hayo Soomaaliya.
· Jaaliyadda Booran oo Cambaareyn u soo Jeedisay Itoobiya.
· Wafdi ka socda Jaamacada Carabta oo la Kulmay Jabouti.
· Abdulahi Yuusuf oo Tagi Doona Dalka Liibiya.
· Taliyaha Ciidanka Soomaaliyeed oo ka hadlay Amuuro muhiim ah.
· Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay oo Arinta Soomaaliya kala Hadlay Raiisul Wasaaraha Itoobiya


Warkii oo Waahfaahsan



Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Jig-Jiga Kooshin Sugule ayaa inoo soo diray dhambaal Xambaarsan Itoobiya oo faragalintii ay Soomaaliya ka waday ay ugu shaqayn laĀ“dahay habkii ay kolba shaxda u dajisay ugu shaqan la“dahay.

MOHAMED NUUR SHAATI GUDUUD OO KULAMO XASAASI AH KU YEESHAY MAGAALADA GODEY.

9sha bisha June 2002, waxaa magalada Godey soo gaaray hogaamiye kooxeedka Maxamed Nuur "Shaar Gaduud" oo saldhigiisu yahay magaalada Badhabo. Shaar Gaduud oo ay dowladda itoobiya oogu yeertay in ay kala hadasho tashuush soo dhex galay xidhiidhkooda ayaa waxaa ku weheliyey socdaalkaas ilaa iyo 40 qof oo ka mida Maamulkiisa.Wararku waxay sheegayaan in uu Shaar Gaduud magaalada Godey kula kulmay sarakiil ka socotay Ciidanka Nabad Sugida Itoobiya.

Kulamada dhex maray Maxamed Nuur "Shaar Gaduud" iyo ciidanka sirdoonka Itoobiya ayaa waxaa ka mid ahaa isagoo looga digay in uusan marna isku dayin in uu gaadho goƔano ka madax banaan Dawlada Itoobiya taas oon loogu dul qaadan doonin keenina doonta haddii uu isku dayo in Maamulka laga wareejiyo.

Sarakiisha ciidanka sirdoonka Itoobiya waxay u sheegeen Shargaduud in uu ku dag dagay ku dhawaaqida Maamul Goboleedkiisa isaga oon la tashan Dowladda Itoobiya taas oo ay Itoobiya ku tilmaantay in ay tahay talaabo aan haboonin oo digniin ugu fulan.

Magaalada Godey oo ah Caasimada Ogaadeenya ayaa waxay Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya ka dhigteen Xarunta Saadka iyo Hogaaminta Hawlaha Argagixisada eey ka wado Soomaaliya iyadoo Shacbiga Ogaadeenya ee Degen Godey ay maalin walba Indhahoodu qabtaan Kolanyo Ku soo Qul Qulsaysa Goday hadan isla Markiiba ka sii kala Aadeysa Soomaaliya iyadoo inta badan loo kala Qaybiyo labo dhinac marka Saadku Godey yimaado.

Dadka siyaasada indha indheeya ayaa sheegayo in dowladda Itoobiya oo hub balaaran oogu deeqday kooxda Maxamed Nuur "Shaar Gaduud" ay haatan joojin
doonaan taasi hadii uusan Shaar Gaduud muujinin in uu diyaar u yahay in uu fuliyo wax walba ay itoobiya ka codsato sida kooxaha kale ee Gacan Saarka Milatari iyo midka Siyaasadeeba la leh Gumysiga Itoobiya.

Kooshin Sugule
Radio Xoriyo
Jijigga.

------------------------------------------------------------

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Adis-Ababa ayaa inoo soo diray warar Itoobiya ku saabsan inagoo ku bilaabayna Qaramada Midoobay oo eedayn u soo jeediyey Itoobiya.

JAMCIYADA QARUUMAHA KA DHAXAYSA OO KU EEDAYSAY ITOOBIYA IN AY JABISAY HESHIISKII XABAD JOOJINTA EE ALJERS

7da bisha June 2002 ayaa markii ugu horeysay Jimiciyada Quruumaha ka dhexeysa si rasmi ah ugu eedaysay Dowladda Itoobiya in ay jabisay heshiiska Xabadjoojinta ay la Saxiiday Dowladda Eritrea. Qodobada heshiiskaasi ayaa ka mid ahaa aan in la xayirin Karin dhaqdhaqaaqa Ciidanka Qaramada Midoobay ee ilaaliyo soohdinta u dhaxeyso Itoobiya iyo Eritrea taas ah mida ay haatan Jimciyada Qaruumuhu ku eedaynayso fulin laƔanteeda Itoobiya.

Afhayeenka Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada midoobay ee kala Ilaaliya Itoobiya iyo Eriteriya Gayl Bindley Taylor ayaa sheegtay in Dowladda Itoobiya ay si cad u xayirtay dhaqdhaqaaqa Ciidanka Qaramada Midoobay iyado oo ku soo rogtay sharuuc ka soo hor jeeda heshiiskii Xabadjoojinta kaas oo ay ka mid ahaayeen in ciidanka Jimciyada Qurmaha ee Nabad Ilaalintu helaan fiisooyin si ay u soo galaan goobaha ay Itoobiya gacanta ku hayso.

Ciidan gaaraya ilaa iyo 4,000 oo ka socda jimicada qurmaha ka dhaxeysa ayaa ilaaliyo soohdinta u dhaxeeysa itoobiya iyo Eritrea oo dherarkeedu yahay ilaa 1000 kilometer balaceeduna yahay 25 kilometer.

WASIIRKA ARRIMAHA DIBBEDA ITOOBIYA SEYOUM MESFIN OO SOCDAAL KU TAGAY DALKA MORROCCO

6da bisha June 2002 waxaa socdaal ku tagay dalka Morocco Wasiirka Arrimaha Dibbeda ee Itoobiya Seyoum Mesfin.Seyoum Mesfin oo u tagay wadahadal ku saabsan xiriirka ka dhaxeeya dalka Morroco iyo Itoobiya ayaa si lama filaan ah lagu soo qaaday faragelinta ay Itoobiya ku hayso dalka soomaliya oo ka tirsan Jamacada carabta.

Wararku waxay sheegayaan in Seyoum Mesfin uu socdaaladiisa dalalka carabta waayahan dambe mar walba la kulmo su'aalo la mid ah kuwa ay waydiyeen
masuuliyiinta dalalka carabta taas oo sii fogeynaysa xiriirka u dhaxeeya dalalka carabta iyo Itoobiya.



JAALIYADA QOWMIYADDA BORAAN EE WAQOOYI AMERIKA OO SOO SAARTAY BAAQ AY KU CAMBAREEYNAYAAN DOWLADA ITOOBIYA

9 bisha Juune 2002 ayey baaq soo saareen Masuuliyiin ka tirsan Jaaliyada Qowmiyadda BORAAN ee waqooyiga Amerika iyaga oo ku hadlaya magaca dhamaan shacabka BORAAN ee ku kala sugan caalamka.

Masuuliyiintaasi oo kala ahaa


Dr. Dido G. Kotile
Guyo Sora Jaldesa,
Tari Wario
Borbor A. Guyo
Jillo Boru Sallo
Galgalo Dima Wako
Gedo Jarso Alaka
Dida Jirma Dabasso

Iyo

Qabale A. Bule


Ayaa ku cadeeyay baaqooda in aysan ahayn wax loo dul qaadan karo xadgudubka ay dowladda itoobiya iyo siiba ciidanka itoobiya ay ku hayaan shacabka qowmiyadda
Boraan ee dalkaasi Kenya.Masuuliyiinta qowmiyadda Boraan waxay cadeeyeen in
ciidanka gumeeysiga itoobiya ay had iyo goor ka soo tilaabsadaan xadka Kenya iyaga oo ku mar marsiyooda in ay daba socdaan ciidan ka tirsan Jabhadda Xoreynta
Oromiya (OLF) iyaga oo dhib weyn uu gaysta shacabka Booraan oo waxba galabsanin.

Masuuliyiinta waxay sheegeen in xadgudubyadan keentay in dhowr goor ciidanka dowladda Kenya la soo dhoobiyo xadka. Masuulityiinta qowmiyadda BORAAN waxay beesha caalamka oogu baqeen in aysan iska indha tiring xadgudubka qawan ay itoobiya ku hayso shacabka BOORAN ee dalka Kenya. Waxay kale oo xaqijiyeen in haba yaraate aysan waxba ka jirin hadalada itoobiya oo sheegayo Jabhadda Xoreynta Oromiya (OLF) ay xerooyin ku leeyihin dhulka shacbka BOORAN oo ay tani tahay mar marsiyo sal iyo raad lahayn.


Qarmaan Xirsi
Radio Xoriyo
Adis-Ababa

------------------------------------------------------


Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Jabouti Roble Mahadi ayaa inoo soo diray Dhambaalkan

WAFDI KA SOOCDA URURKA JAAMACADA CARABTA OO LA KULMAY
MADAXWEYNAHA JABUUTI


6da bisha June 2002 waxaa Garoonka Diyuradaha ee Magaalada Jabuuti ka soo dagay wafdi ka socda Ururka Jaamacada Carabta oo uu hogaamiynayay El Mounji Bou Sinina iyo Maxamed Axmed Al-Gabisi.Wafdigaas oo shirar la galay mudane Cabdi Ibrahim Absieh oo ah Wasiirka Taclinta Sare ee dalka Jabuuti ayaa maalintii 8 juune 2002 la kulmay madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaciil Cumar Geele.

Wadahadalada dhex maray wafdigaas iyo masuuliyiinta dowladda Jabuuti ayaa ka koobnaa arrimo la xiriira Tacliinta iyo guud ahaan xiriirka ururka jaamacada carabta iyo dalka jabuuti oo xubin ka ah ururka Jaamacada Carabta.


DOWLADA JABUUTI OO HESHIIS LA GASHAY SHIRKAD KA SOO JEEDA EMARAADKA CARABTA (U.A.E) IN AY MAAMUSHO GAROONKA DIYUURADAHA EE JABUUTI

Dowladda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday in ay heshiis la gashay shirkad ka soo jeeda Emaraadka Carabta in ay mudo 20 sano la wareegaan Maamulka Garoonka Dayuuradaha ee dalkaasi Jabuuti. Heshiiskani ayaa ah mid kor loogu qaadayo howsha ka socoto garoonka diyuuradaha ee Jabuuti iyada oo uu haatan ku socdo in uu noqdo Garoonada ugu wanaagsan ee Geeska Afrika.

Roble Mahdi
Radio Xoriyo
Jabuuti

--------------------------------------------------------


Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Soomaaliya Ahmed Yare Calasoow ayaa inoo soo diray warar Soomaaliya ku saabsan inagoo ku bilaabayna Abdulahi Yuusuf oo tagaya Liibiya.

SAFIIRKA DALKA LIIBIYA EE SOOMALIYA OO XAQIIJIYAY IN
UU KORNEEL CABDULLAHI YUSUF TAGI DOONO DALKA LIIBIYA

Safiirka dalka liibiya u fadhiyo soomaliya Danjire Ciise Canshuur ayaa june 10, 2002 mar uu saxaafada xamar la hadlayay ayuu xaqiijiyay in Korneel Cabdullahi Yusuf oo haatan gacanta ku hayo magaalada Boosaaso booqan doono dalka Liibiya..Safiirka ayaa todobaadkii hore tagay magaalada Boosaaso si uu gacanta oogu galiyo Cabdullahi Yusuf martiqaad ka yimid hogaamiyaha dalka Liibiya Mucamar Al-Qadaafi.

Safiirka waxuu sheegay in dabayaaqada bishan June la filayo in uu Korneel Cabdullahi Yusuf uu kaco dhanka Liibiya.


Waraysi uu Wargayska Codka Xoriyadu la yeeshay Taliyaha Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliyeed Gen.Ismaaciila Qaasin Naaji ayuu ku sheegay arimahan In Xaaladu maanta dalku ku sugan yahay ay tahay mid qof kasta iska garan karo, waa xaalad u baahan inay Soomaalidu meel uga soo wada jeesteen oo Far & faraati noqdaan, Waxaa weerar joogto ah ku haya Gumeysigii Amxaarada oo u adeegsanaya dadkayegii Soomaalida ahaa.

Mar uu iyadana Wargeyska Codka Xoriyadu waydiiyey Isagoo ka mid ahaa Saraakiishii Soomaaliyeed ee qeybta ka soo qaatay Halgankii ay Itoobiya iyo Soomaaliya horay u wada galeen, ayaa iyadoo si goonaya loo waydiiyey Faragalinta ay Itoobiya ku hayso Soomaaliya uu ku jawaabay In Ciidamada Xabashida si joogto ah ay u soo galeen Xuduudaha Soomaaliya, dagaalo bareer ah oo la isaga hor yimaado ayaana dhaca, waxay joogaan Bay iyo Bakool, dagaalo ayaa ka dhacay B/xaawo, Doolow, Garbahaarey iyo meelo kale, Gedo oo dhan waxay ka wadaan dagaalo joogto ah laguna cadaadinayo umadda halkaas ku nool.

Mar iyadana uu Wargeyska Codka Xoriyadu waydiiyey in SRRC waxay sheegataa inay iyada tahay waxa dagaalka kula jira dowladda KMG ah oo aad kala garan la' dihiin itoobiya iyo SRRC, arrintaas maxaad ka leedahay?. Ayuu Gen.Qaasim yidhi Waxa weeye, Haddii SRRC wax iska celin karto Isbaheysiga J/hoose ayaa halkooda ugu tegay, hadaanan anagu ka celin lahaynna Baydhaba way tegi kareen umadda Soomaaliyeed oo dhanna way ogtahay, marka inay isbaheysiga Dooxada Jubba ka soo baxaan Kismaayo oo ay Baardheere tagaan oo ciidamada RRA lid weerar ku qaadaan, oo la jebiyo, oo mar labaa soo qaadaan oo la jebiyo, markii weerar ay qaadeen kuwii Dooxada Jubba Qansaxdheere ayaan ka celinay, anagoo diidan inay arrinta sii weynaato oo itoobiya fursaa u hesho inay so odhex gasho xuduuda Soomaaliya, marka haddii SRRC wax iska celin karaan Isbaheysiga Dooxada Jubba ayay iska celin lahaayeen, marka ma jirto cid kale oo dagaal ka wada Gedo ma jirto, waa Amxaaro iyo Dabadhilifkeed oo cadaadinaya oo diidan xoriyadda Umadda Soomaaliyeed iyo calanka maanta u dhashay oo dalalka caalamka ka mid noqdaan axna la qeybsadaan.

Mar iyadana la waydiiyey ka Ciidan ahaan wuxuu ka dhihi lahaa Degaaladii dhawaan ka dhacay Muqdishu Ayuu Jan. Ismaaciil yidhi Dagaalo waaweyn meesha kama dhicin sida loo buunbuuninayo ee Durbaanka loo tumayana arrintu ma aha, arrintu waxa weeye shil ku hacay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Ciidamada Qaranka waxay u hiiliyeen oo Gurmad u tageen si loo badbaadiyo Wasiirka loogana hortago in loo qabsad, sidaa baan gurmad ugu tagnay, anagoo halkaa difaac ugu jirna agagaarka goobahaas waxaa nagu soo weeraray kooxda Muuse Suudi, wax aan saacado ka badneyn ayaa dagaalku lagu kala joogsaday, wax kale oo aan ka ogahay
Gen.Ismaaciil Qaasin oo la waydiiyey Suaalo badan oo dhamaan Khuseeya Xaalada Guud ee Wadanka Soomaaliya haatan ku sugan yahay waxaa jawaabihiisii ku sheegay Xaalada dhabta ah ee uu Shacbiga Soomaaliyeed Maanta ku sugan yahay.Haddii aanu Wakhti u helona waxaan ku soo qaadan doonaa Barnaamijyada Soo socda ee Radio Xoriyo


XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY OO ARRIMAHA SOOMAALIYA KALA HADLAY RA'IISAL WASAARAHA ITOOBIYA

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Kofi Annan ayaa arrimaha Soomaaliya kala hadlay Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo ay kulan ku yeesheen magaalada Roma ee dalka Talyaaniga intii uu socday shirkii Caalamiga ahaa ee looga hadlayay xaalada Gaajo ee ka taagan dunida iyo sidii looga hortegi lahaa.

Wararka arintan la xidhiidha ayaa sheegaya inay labada dhinac ka wadahadleen dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo kaalinta ay Itoobiya ku leedahay iyo waliba eedeymaha soo noqnoqday ee lagu eedeynayo inay Itoobiya faragelin ku heyso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Kofi Annan ayaa horay loogu asqeysiiyay qoraalo iska soo horjeeda oo ay direen Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Xukuumada Itoobiya oo ay labada dhinacba isku eedeynayaan, iyagoo aan wax go'aano ah laga qaadan lana hordhigin Golaha Ammaanka.

Dadka u faro dhuu dhuuban arimaha Geeska Afrika ayaa sheegaya in haatan ay Jamciyada Qaruumuhu ku khasban tahay in ay wax ka qabato Fara Galinta Qaawan eey Itoobiya ku hayso armuuraha Gudaha ee Soomaaliya iyo Hubka sida qiyaas laĆda ay oogu soo dal dalayso iyadoo la marayo dhamaan Waxyaalaha dhamaystiri kara Dabin ku ridka Itoobiya.
Ahmed Yare Calasoow
Radio Xoriyo, Muqdisho
Soomaliya

---------------------------------------------------

Dhageystayaal Warkii Caawa waa naga intaas.

Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 14 June,
radioxoriyo@aol.com
radioxoriyo@ogaden.com
 radioxoriyo@aol.com
 radioxoriyo@ogaden.com 

Xusuus : Cidii Rabta in ay radio Xoriyo hawada ka dhagaysato waxay ka heli kartaa Mawjada 19 MB, ama 15530 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30 Fiidnimo.


Dhegeyso warkaan oo Cod ah
WARARKA OGADEENYA:
June.14.2002 |June.11.2002 | June.7.2002 | June.4.2002| May.31.2002 | May.28.2002 | May.24.2002 | May.22.2002 | May.17.2002 | May.14.2002 | May.10.2002 | May.7.2002 | May.3.2002 | April.30.2002 | April.26.2002 | April.23.2002 | April.19.2002 | April.17.2002 | April.12.2002 | April.9.2002 | April.5.2002 | April.2.2002 | March.29.2002 | March.26.2002 | March.22.2002 | March.19.2002 | March.12.2002 | Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin
SIIRADA RASUULKA KUDAYO»
Tusmo | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30
SAXAABADII RASUULKA BARO»
Casharka toddobaadkan | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18
RAMADAAN SOON»
Macluumaadka Soomidda bisha ramadaan iyo axkaamta Soonka GUJI
SAKADA MAALKA BIXI»
Tusmo | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7
XIGMAD/WISDOM BIXI»
XAYAYSIIS BOOQO» 
KUTUB/BOOKS AKHRI» 
Soobooqo bogga xayasiiska Buugaagta / kutubta GUJI
NEWS 1 | 2 | 3 | 4 | 5
MAQAALLO AKHRI» 
DOOD FURAN AKHRI» 
QORAALO XIISA LEH AKHRI» 
MUSHARAXA SL 2002» 
Barnaamijka C/Risaq Maxamud Saleiman ee doorashada Somaliland Guji»

PUNTLAND, SOMALIA
Summary of Progress Report on the Puntland Peace Mission
PAGE.1 | PAGE.2 | PAGE.3 | PAGE.4 | PAGE.5 | PHOTO
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 Khartuum GUJI..
LETTER FROM OGADEENYA
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia) Read here

G O L E
Golaha Beesha Kablalax GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...




Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety