S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 wuxuu isku raacay in Bisha Maarso 2002 Shir-Weyne Soomaaliyeed laguqabto Kenya GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...
MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda
XASAN ABSHIR FAARAX
Profile | CV

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA OGAADEENYA
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya

Warkii Radiyo Xoriyo : 15 Feb, 2002

Warkii oo Ururusan

Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ee Saldhiga Fiiq oo iska Dilay 43 Askari kadib markii Qaarkood diiday in ay Galaan Degaaladda dhex mara iyaga iyo Jwxo. Gumeysiga Itoobiya oo Gobalka Doolo ku bilaabay Siyaasad Qalafsan oo Cabudhis ah. Warkii oo Faahfaahsan

Wariyaha Radio Xoriyo uga soo warama Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa inoo soo diray Dhambaal Xambaarsan degaalo Dooxatays ah oo dhex maray Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya iyo Midka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya.Sidoo kale markii Jab loo geystay Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ayey Hada bilaabeen in ay Gadoodaan ooy diidaan in ay Galaan degaaladda Dhex mara iyaga iyo Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya iyagoo isku laayey Saldhigyo Badan ooy Ogaadeenya ka degen yihiin.Waxaana Dhacdooyinkaas oogu danbeeyey kuwan.

07 Jan, 2002 Sandixiley oo ku taala Koonfurta Magaaladda Dh/buur waxaa isku laayey Ciidanka Cadawga kadib markii lagu khasbay in ay aadan hawlgal ay ujeedadiisu ahayd in ay isku helaan Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya waxayna halkaas iskaga dileen 7 Askari iyadoo 8 kale ooy iska dhaawaceena la keenay magaaladda Dh/buur.

24 Jan 2002 Meel u dhow Degmadda Garbo oo Heelo Dheere la yidhaahdo Degaal Kedis ah ooy Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya ku qaadeen Waxaa Gebi ahaanba gacanta lagu dhigay Saldhigaas ooy degenaayeen Dabaqoodhiyiinta sida Goonida ah oola shaqeeya Cadawga iyadoo wixii ay hub haysteen Gacanta lagaga dhigay iyagiina waa layska sii daayeyey kadib markii ay Damaanad qaadeen in ayna mar dambe la soo safanaynin Ciidanka Gumeysiga Itoobiya.

29 Jan ,2002 Awaare oo ka tirsan Gobalka Dh/buur isla waxaa isku laayey Ciidanka Gumeysiga Itoobiya kadib makrii ay ku jabeen degaaladda dhex marka iyaga iyo Ciidanka Gumeysiga Itoobiya eey qaar ka mida diideen in ay Galaan degaaladaas.Walina ma cada inta ku kala dhimatay labadii dhinac ee iska soo hor jeeday Degaaladaas.

30 Jan, 2002 Dhagaxbuur Kontarookeeda Waqooyi Degaal ka dhacay Waxaa Ciidanka Gumeysiga Itoobiya lagaga Dilay 2, 2na waa lagaga dhaawacay.

31 Jan, 2002 Ciinley oo ku taala Waqooyiga Dhagaxbuur Degaal ka dhacay 3dex ayaa Ciidanka Cadawga lagaga Dilay, 4na waa lagaga dhaawacay.

02 Feb 2002 Siraagore oo ku taala Duleedka Magaaladda Fiiq kana xigta dhanka Koonfureed waxaa isku laayey Ciidanka Gumeysiga Itoobiya kadib markii ay qaar ka mida diideen in ay ka qayb qaataan Degaalka ay iskaga soo hor jeedaan iyaga iyo Cwxo, oo inta badan lagu jabiyo Ciidanka Gumeysiga Itoobiya waxayna Goobtaas iskaga dileen 43 Askari iyadoo 16 kale ooy iska dhaawaceena la keenay magaalad Fiiq oo ah Caasimadda Gobalka Nogbeed. Waxaa sidoo kale Gadood uu ka dhacay ay isaga hor yimaadeen Ciidamadda Cadawga oo diidan in ay Galaan Degaaladda ay isaga hor yimaadaan iyaga iyo Ciidanka Wadaniga Xoreynga Ogaadeenya Wardheer,Qoriile, Laaso Caano iyo Meelo badan oo kale oo ka mida Saldhigyadda uu Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ka degen yahay Ogaadeenya waxayna qaar badan oo ka mida u goosteen Soomaaliya.

Gumeysiga Itoobiya oo Siyaasaddo Cusub oo Cababudhis ah ku Bilaabay Shacbiga Ogaadeenya ee Doolo Degen.

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Arimaha Bulshadda ayaa isna inoo soo diray Siyaasaddo Qalafsan oo hirgalintoodu lagu bilaabay Gobalka Doolo halkaas oo Markii ay Shacbigu diideen in ay hir galiyaan Siyaasad Hor leh oo sii dulaynaysa Shacbiga Ogaadeenya lagu Toogtay Magaaladda Qoriile kuwii ka hor yimid ee ugu horeeyey.

Dilka, Xidhayga iyo Cadaadiska dadka lagu hayo kasokow waxay ku soo rogeen dhaqaale uruurin hor leh sida nooc cusub oo Gibir oo kale ah iyo Ganaax dheeri ah.

28 Jan, 2002 Meelo dhawr ah oo ka mida Gobalka Doolo Degmooyinkiisa iyo Tuulooyinkiisa u soo jeediyeen Qodobadan

1-In ay soo qab qab qabtaan Ciidanka wadaniga Xoreynta Ogaadeenya oo uu Ciidankoodu fulin waayey awood kasta oo uu taas iyada ah saaray.

2-In Geelii hal Xubin Gaadha laga bixiyo hal Neef hadii uu labo Xubin Gaadhana laga bixiyo labo Neef Kuwaas oo loo keeno Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya haddii kalena ay iyagu xoog ku fulin talaabadaas.

3-In Adhigii 40 Neef gaadhana hal neef laga bixiyo lana siiyo Ciidana Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya.

4-In iyana Berkad walba laga bixiyo 100 Birr oo lagacta Itoobiya ha.

5-Iyo in dadku ay soo degaan Waa reer miyigee Duleedka Magaalooyinka si loo Kontoroolo.

Dhamaan Qodabadda sare ku xusan oo dulmi ah dadweynihii ka tirsanaa Degmooyinka Gobalka Doolo wey diideen in ay qaataan ooy ku dhaqmaan iyagoo u arkay Siyaasad Cusub oo Gumeysiga Itoobiya ku soo rogayo si uu ugu sii duleeyo.

29 Jn 2002 Odaygii ku hadlay Magaca Bulshadii Aagaas degenayd oo ka hadlay Magaaladda Qoriile oo Magaciisa la Odhan jiray Nuur Cismaan Dool oo diidmada ku muujiyey isagoo matalaya Shacbiga Ogaadeenay ee Qoriile degen isla Markiiba Madaxa ayey Baas kaga fureen oo ded weynihii oo indhahooda ku arka uu halkaas ku naf waayey.

Sidoo kale waxay Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya Bahalnimo aan Aabo yeel lahayn kula Kaceen Shacbiga Ogaadeenya ee Degen Gobaladda Qoraxey, Shabeele,Nogob,Dhagaxbuur kuwaas oon ku faahfaahin doono Warkeena Talaadada soo socota haddii uu Eebe idmo.

Dawladda Ku Meel Gaadhka ah ee Soomaaliyeed oo Aqoonsigeedu sii Badanayo

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Soomaaliya Ahmed-Yare Calasoow ayaa inoo soo diray Dhambaal Xambaarsa Madaxweynaha Soomaaliyeed Mudane Dr.Abdiqassin Salat Hassan oo aqoonsiigii Safiirnimadda ka Gudoomey Safiirka Cusub ee Soomaaliya u fadhiyi Doona Dawladda Eriteriya.Waxaana inoo soo akhriyey Wariye Dhiidhi Nuur.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Dr.Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa 11.02.2002 ka Guddoomay Nuqulkii Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ee Danjirihii ugu horreeyay ee dalkaasi Eleteriya uu ku yeesho Soomaaliya tan iyo intay Xoriyada qaateen.

Danjiraha Dalka Eretereeya oo lagu Magacaabo Mr.Alem Negash Sengal,markii uu soo gaarsiiyay Waraaqihiisa Danjirenimo,Hadal uu Munaasabadaasi ka jeediyay Mr.Alem waxa uu sheegay in uu ku faraxsanyahay in loo soo magacaabo Soomaaliya,uuna ku dadaali doono sidii loo sii horumarin lahaa Xiriirka Iskaashi iyo wax-waddaqabsi ee ka dhaxeeyo Labadda Dal ee Eriteria iyo Soomaaliya, kaas oo ahaa soo jireen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Dr.Cabdiqasim Salaad Xasan oo isna munaasabaadaasi hadal gaaban ka jeediyay waxa uu ka waramay Xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeyo Labadda,Dal iyo Labad Shacab wuxuuna u rajeeyay Danjiraha in uu sii horumariyo Xiriirkaasi.

Danjire Alem Negash waa Danjirihii Labaad ee laga gudoomay intay jirtay Dawlada kmg Waraaqihii Aqoonsiga,iyadoo sanadkii tagay Waraaqihiisii Aqoonsiga laga Gudoomay Danjiraha Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya.

Ilaa hadda waxaa Magaaladda Muqdisho Joogga oo Howlahooda Danjiranimo ka fuliyay Ilaa Afar Safaradood oo kala ah Dalka Liibiya, Masar, Jabuuti iyo Eretereeya.

GODEY

Wararka ka imaanaya Magaalada Godey ayaa sheegaya in Labo ka mid ah 7-nin oo ciidamada Itoobiya ka qabteen degaanka Deefow oo ka tirsan gobolka Hiiraan in damiin ahaan lagu soo daayay, kuwaasoo lagu kala magacaabo Col. Diiriye Siidow Ibraahim & Cabdi Maxamed Goone. Warku wuxuu intaa ku darayaa in 5-ta Nin ee kale lagu hayo Dagmada Feerfeer, halka 2-da nin ee kale loo gudbiyey Godey. wararku waxay sheegayaan Labaas nin in ay ku eedeeyeen Ciidamad Itoobiya inay gateen hub ay usoo dhiibeen.

Dhegeystayaal Warkii Caawa waa naga intaas.

Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 15 Feb, 2002

radioxoriyo@ogaden.com


Dhegeyso Goosgooska oo Cod ah


WARARKA OGADEENYA:
Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety