S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 wuxuu isku raacay in Bisha Maarso 2002 Shir-Weyne Soomaaliyeed laguqabto Kenya GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...
MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda
XASAN ABSHIR FAARAX
Profile | CV

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA OGAADEENYA
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya

Warkii Radio Xoriyo : 05 Feb, 2002

Warka Madaxdiisii

Maamulka ay Itoobiya ka samaysatay Ogaadeenya oo Amuuro aan is daboolin karin ku dhisan Kaaf iyo Kala Dheeri.
Madaxsare oo ka tirsan Ururka Talada Itoobiya haya ee TPLF oo Baxsatay.

Warkii oo Faahfaahsan

Tan iyo intii dawladdii Dhergigu ay ka Burburtay Wadanka Itoobiya ayaa waxaa Shacbiga Ogaadeenya uu isbadelkaasi u noqday kadar oo Dibi dhal.Maamulo kala duwan oo aad ay tiradoodu u badnayd ayaa Ogaadeenya iska badalay tan iyo intii ay Tigreegu qabteen Xukunka Wadanka Itoobiya.

Shacbiga Ogaadeenya 2 Maamul oo qudha ayuu saamayn ku lahaa iyada oo intii xiligaas ka dabaysay ay arintu wajiyo kala duwan yeelatay.Hadaba Maamuladda ay Itoobiya ka samayso Kilil ku sheega ayaa intii mudo ahba laga soo dayrinayey iyadoo ay dadku ka cawdaan arimahan.

1-Dadka Maamulka Itoobiya ay u Xulato oo ah kuwo aan si Dimuqraadi ah loo dooranin.

2-Saraakiisha EPRDF ta oo Bulshada kuwa ugu liita ee iyaga u dhaga nugul isla markaana ku dhaqaaqa waxa ay Bulsho weyntu ka faanto ku dhaqaaqeeda u xusha Maamulka.

3-Damiirka iyo Wadaniyadda dadka ay Gumeysiga Itoobiya u Xushaan in ay ka hir galiyaan Siyaasadooda Ogaadeenya oo leh aragtida Gumeysiga ayna ka dheer tahay Naxariis iyo u dambqasho Wadaninimo.

4-Iyadoo dambi la galiyo Kolka hore intaan loo dhiibin wax Xil ah si sir looga qabto meelna loo dhigo lana soo saaro mar walba oo laga dareemo in uu ka damqado Duliga lagu hayo dadkiisa iyo Mararka loo dirsado in uu uga soo basaaso Wadamadda Dibada.

5-Iyo Qodobo kale oo kuwan aan sare ku xusnay ka sii daran oo xiligooda la shaacin.

Hadaba arimahan Jariimada ah iyo kuwo kale waxay samabeen in Maamulka Dabaqoodhiga eey Itoobiya ka samaysato Ogaadeenya aan laga sugin wax naruuro ah kuwaas oo Caadi ahaan jiray.Beryahan dambe waxaa taas ku sii korodhay iyadoo Kolkba kii meesha la geeyo Itoobiya ay u abuurto Koox isla maamulka Dabaqoodhiga ka tirsan oo Surinkii uu is dhaho aleylahe waa kugu Cidhiidhi loo helo Kooxdii diyaarka ahayd oo ku eedaysa wax uusan noqon karin taas oo u Hamuunyoota in iyadu ay fulin haddii meesha la geeyo.

Abdirashiid Duulane Rafle ayey Itoobiya ku soo xulatay in uu u fuliyo arimahan soo socda

1-In uu Mudo Gaaban oon ka badnayn 6 bilood ku soo af jaro Halganka Xaqa ah ee uu Shacbiga Ogaadeenya oogu jiro aaya ka tashigiisa.

2-In uu iyadana Baabiżo Nolasha reer guuraaga ah eey Shacbiga Ogaadeenya dhaqanka u leeyihiin uuna samayn doono Tuulooyin iyo Degmooyin khasab ah si Halganka isagana loo soo afjaro.

3-In si khasab ah Shacbiga Ogaadeenya iyadana lagu tiro koobo oo lambaro Khasab ah Beel walba iyo Tuulo walba la siiyo si cida ku soo korodhay loo ogaado taas oo iyadana loola jeeday Halganka.

4-In la sameeyo Dabaqoodhiyiin u dhashay Ogaadeenya oo ka hawl gala Tuulooyinka iyo Degmooyinka Ogaadeenya kuwaas loo adeegsado Dibindaabyada Halganka si ay u nasiyaan Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya.

5-In Ciidanka Federaalka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya lagu taageero Dhaqaalaha ay Dawlada Itoobiya u qoodayso Kilil ku sheega iyo Mashaariicda Horumarinta Ogaadeenya.

6-In uusan ka hadli karin uuna indhaha ka qarsado Dilka,Dhaca,Xidhayga,Xaqiraada iyo Duudsiga Lagu hayo dadkiisa Ogaadeenya uuna Difaaco Gumeysiga Itoobiya Marka ay arintaasi timaado.

7-Iyo in uu u diyaariyo Hab Gumeysi oo hor leh kana takhaluso waa isaga iyo Kooxda Dabaqoodhiyiinta ee uu ka mid yahay Gobanimo raadiska dadkiisa iyo in uu Abruuro Kaadiriin leh aragti Itoobiyaan.

Markii uu Abdirashiid ku fashilmay dhamaan amuuraha aan sare ku xusnay iyo kuwo kale ayey madaxa isla Galeen isaga iyo Kooxdii Dabaqoodhiyiinta ahayd ee uu hogaaminayey.Jwxo, oo la baabiżo iska daayoo Maanta ayey Maalintii uu Xukunka qabtay ka xoog badan tahay.

Si cad iyo si qarsoonba Maamulka ka dhisan Jig-Jiga waxaa soo ifbaxay Khilaafkooda, Intii aan Jig-Jiga Joogayna Xubno ka tirsan Kooxda la socota iyo kuwa ka soo hor jeeda Abdirashiid Duulane oon la kulmay waxay ii sheegeen in dhibaatada oogu weyn ee la isku ahayo ay tahay kala saarida Shaqada Ciidanka Qalabka sida ee Itoobiya iyo Hawsha Kililka oo aad isugu qasan.

Xubnihii ay Itoobiya ku adeegan jirtay iyo kuwa kaleba waxay dhamaantood taagan yihiin eega meel lama dhaafaan ah taas oo Itoobiya wax raali galin kara uusan jirin si kasta oo la yeelana ay kolba Siyaasad hor leh oo sii fagaynaysa Xalka iyo Danaha Shacbiga Ogaadeenya ay keenayso.

Qawdhan Wayrax
Radio Xoriyo, Jigjiga.

Wariyaha Radio Xoriyo ooga soo warama Magaalo Madadaxda Gumeysiga Itoboobiya ee Adis-Ababa ayaa inoo soo diray dhambaal Xambaarsan Qunsulkii Itoobiya ee Wadanka Talyaaniga oo ka baxsaday Maamulka Males Zinawi ee Dulmiga Ku dhisan kadib markii uu u adkaysan waayey Dulmiga lagu hayo Shucuubta kala duwan eey Itoobiya Gumeysato.

Qunsulka Safaarada Itoobiya ee Dalka Itaaliya oo Baxsaday

Wararka naga soo gaadhaya magaalada ROMA ee dalka itaaliya ayaa sheegayo in qunsulkii kowaad ee safaarada itoobiya ee dalka Itaaliya Bekele Dingesa [Baxsaday]. Wararka waxay intaas ku darayaan in Bekele Dingesa uu iska dhiibay dalkaasi mareykanka. Bekele wuxuu baxsada iyadoo safiirka Itoobiya uu fadhiyo itaaliya uu ku soo maqnaa Addis Ababa oo looga yeer shir ay isugu yimaadeen dhamaan safiirada itoobiya oo caalamka uu fadhiyo sida laga hadlo isbeddelada siyaasadeed oo ka socda geeska Afrika. Xubin ka tirsan baarlamaanka itoobiya, islamarkaasna ah xubin golaha dhexe TPLF oo la xidhay.

Wararka naga soo gaadhaya Addis Ababa ayaa sheegayo in Aregash Adane oo aheeyd xubin barlamaanka itoobiya isla markaasna ka mid ah golaha dhexe TPLF in gurigeeda lagu xidhay. Wararka waxay intaas ku darayaan in ay Aregash lagu eedeeyay in ay tageersaneed wasiirkii hore ee Gashandhiga itoobiya Siye Abraha oo haatan uu xidhan Melez Zenaawi. Wararka waxay intaas ku darayaan in Aregash ay ka qeyb gashay shir lagu sheegay in uu ka dhacay magaalada Mekkele oo ay isugu yimaadeen xubno ururka TPLF oo mucaarid ku ah Melez Zenaawi.

Jabuuti iyo Eritrea oo sii xoojinayo xidhiidkooda

Wararka naga soo gaadhayo magaalada Jabuuti ayaa sheegayo in labadaasi dal ay bilaabeen in ay sii xoojiyaan xidhiidkooda diblomaasi iyo dhaqaleed. Wafdi uu hogaaminayay wasiirka arrimaha dibbeda ee dalka Eritrea Ali Sayyid Abdallah ayaa yimid dalka jabuuti Jan 24keedi iyada oo uu shir uu bilowday Mudane Ali Sayyid iyo wafdigiisa oo dhinac ka socda iyo wasiirka arrimaha dibbeda ee Jabuuti Ali Abdi Farah.

Labada wasiir iyo masuuliyiin kale oo ka kala socda labada dowladd waxuu shir uu socday Jan 25 ilaa Jan 27 iyagoo saxiixay dhowr heshiis oo ku lug leh dhaqaalaha iyo siyaasada Jan 28, 2002. Wasiirka arrimaha dibbeda ee Eritrea Ali Sayyid Abdallah waxuu la kulmay madaxweynaha dalka Jabuuti mudane Ismaciil Cumar Geele inta uusan dib oogu noqonin Asmara.

Jabuuti iyo Eritrea oo waayahan xidhiidkooda sii wanagsanaanay ka dib is-afgarasho waa dhex maray Itoobiya iyo jabuuti dhinaca arrimaha soomaliya ayaa waxaad mooda in dalalka jaar la wada ah itoobiya ay wada fahmeen dhibaatada ay itoobiya ku hayso geeska afrika iyago bilaabay in ay xidhiidkooda xoojin sida ay uu mujiyaan HAL afkaar dhinaca arrimaha ku lug leh faragelinta ay itoobiya ku hayso soomaaliya.

Warar iyagana ku lug leh carada ay dalalka geeska afrika uu qabaan itoobiya ayaa sheegayo in madaxweyne ku-xigeenka Sudan uu dib uu dhigay safar uu ku tagi lahaa itoobiya. Madaxweyne ku-xigeenka oo la yidhaahdo Ali Uthman Muhammad Taha oo laga filayay Jan 25 in uu yimaado addis abbaba ayaa wasiirka arrimaha dibbeda dalkaasi sudaan Dr Mustafa Uthman Isma'il uu sheegay safiirka itoobiya uu fadhiya Sudaan in ay dowladda Sudaan dib uu dhigtay safarkii madaxweynaha.

Waxaan la soconaa in shirkii dalalka IGAD oo dhowaan lagu qabtan sudaan oo ay ka qeyb galeen madaxweyne yeesha Somalia, Sudan, Jabuuti, Uganda,Kenya iyo raisul wasaaraha itoobiya in uu Cumar Bashii madaxweynaha Sudaan culeeys saaray dowladda itoobiya in ay joojiso hubka ay siiso dagal ooglayaasha ay tageerto. Dadka siyaasada indha indheeya ayaa hadaba aaminsan in dib uu dhiga safarka madaxweyne ku-xigeenka Sudaan uu ku imaan lahaa itoobiya ay ku timid arrimo dhex maray sarakiil sar sare ee wasaarada arrimaha dibbeda ee Sudaan iyo wafdiga ka socday itoobiya uu hogaaminayay melez zenaawi mudadii ay socotay shirka IGAD. Dadka siyaasada indha indheeya waxay intaas ku darayaan in madax ka mid ah wafdiga itoobiyanka iyo xubno ka tirsan wasaarada arrimaha dibbeda ee sudaan ay hadalo kulul dhex mareen marka la soo qaaday arrimaha soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee waxaa cad in xidhiidada ay itoobiya la leedahay dalalka deriska ay mar walba sii xumaanayaan.

Qamaan Xirsi
Radio Xoriyo
Addis Ababa.

Warkii Caawa waa naga intaas.

Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 05 Feb, 2002
radioxoriyo@ogaden.com


Dhegeyso Goosgooska oo Cod ah


WARARKA OGADEENYA:
Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety