S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 Khartuum GUJI..
LETTER FROM OGADEENYA
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia) Read here

G O L E
Golaha Beesha Kablalax GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...
MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA OGAADEENYA
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya

Warkii Radio Xoriyo : 19 March 2002

Warlka Madaxdiisii

Degaalo Googoos ah oo dhex maray Ciidanka Wadaniga Xoreynga Ogaadeenya iyo Kuwa Gumeysiga Itoobiya

Xad Gudubkii uu Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya ku hayey Shacbiga Ogaadeenya oo wali halkiisii ka sii socda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed oo ku soo laabtay Muqdisho

Warkii oo faahfaahsan

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa inoo soo diray Degaalo Dhawr ah oo Dhex maray Ciidanka Gumeysiga Itoobiya iyo Geesiyiinta Jwxo,waxaana ugu danbeeyey kuwan.

10 March 2002 meesha la yidhaahdo Falfal oo ka tirsan Gobolka Dh/buur dagaal dhexmaray CWXO iyo Kuwa Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya waxaa lagu dilay in ka badan 10 askari kuwo kalena waa laga dhaawacay. 10ka la dilay waxaa ka mid ahaa sargaalkii watay Ciidankaas oo maydkiisii la keenay magaalada Dh/buur halkaas oo baroor diiqiisii lagu samaynayey.

12-March 2002 Dabaqoodhigii ay Itoobiya soo kiraysatay ee degganaa Bulaale ee sida goonida ah ula sheqeeya oo 22/02/02 ku laayey tuuladaas dad badan ayey Jabhaddu u soo Gurmatay Shacbigii halkaas lagu laayey dabadeena waxaa Dabaqoodhiyiintii laga dilay 2 intii kalena goobtii waa laga caydhiyey oo midba meel ayuu ka dhacay.

13 March 2002 Dargaamo oo ka tirsan gobolka Godey waxaa si gaadmo ah looga dilay Ciidanka Cabudhiska Itoobiya 3 askari 2 kalena waxaa soo gaadhay dhaawac halis ah.

14 March 2002 Xeryo Gaalo oo Dh/buur ka tirsan waxaa laga dilay 4askari 4 kalena waa la dhaawacay si xunna waa loo caydhiyey. Ciidankaasi waxay ka soo duuleen Dhagax Madow iyaga oo rabay inay ka soo aar gutaan dagaal 7/03/02 laga dilay 20 askari oo uu ku jiro Taliyihii Ciidanka fadhiya DhagaxMadow.

14 March 2002 Galadiid oo ka tirsan Qoraxay Sargaal Ciidanka Cabudhiska ah oo u dhashay Soomaali ayaa lagu dilay. Sargaalkaas wuxuu ahaan mid caan ah oo ka soo shaqeeyey meelo badan ooy ka mid yihiin Harar, Dh/buur,Farmadow, Shaygoosh, Gabagabo iyo meelo kale oo badan.

Ciidanka Gumeysiga Itoobiya oo baryahan dhaqdhaqaaqa uu samaynayo ay tahay mid uu rabo in uu ku wax yeeleeyo Shacbiga Ogaadeenya, CWXO yana diraar ayey u yihiin iyagoo hubka u qaaday in ay ka daafacaan Shacbigooda gumaadka lagu hayo.

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Arimaha Bulshada ayaa inoo soo diray dhambaal xambaarsan Dulmigii lagu hayey Shacbiga Ogaadeenya oo wali halkii ay ka sii socda.

Dawladda Itoobiya een ixtiraamka xuquuqul iinsaanka aqoonin weli sidii ayey shacabka aan wax galabsan u gumaadaa. Ma jirto maalin aan boqolaal la xidhin ama la dilin.

Wararkii ugu dambeeya ee hadda na soo gaadhay waxay sheegayaan in dad 100 kor u dhaafay lagu xidhay Garbo oo ka tirsan Gobalka Dh/buur . Sidaa oo kale Nusdariiqa iyo Qoriile waxaa lagu xidhay boqolaal shacab ah oo Haween iyo Caruur u badan.

10 March 2002 Magaalada Farmadow waxaa lagu xidhay

1-Colaad Khaliif;
2-Maxamud Xasan Nuur;
3-Axmed Dayr Gaacuur

11 March 2002 Gabagabo Waxaana Jidh dil xun lagu sameeyey.

1-Cabdullahi Colaad Khaliif;
2-Kare Maxamud Dawaare

11 March 2002 Magaaladda Dig waxaa lagu xidhay

1-Muxumed Daahir Xasan;
2-Sheikh Bashir awNuur;
3-Maxamed Xuseen Gaani;
4-Safad Abdi Aamiin iyo kuwo kale oonaan magac ka haynin.

Wariyayaasha Raadiyo Xoriyo uga soo waramaya Ogaadeenya ayaamahan dambe Siiba kuwa Arimaha Bulshadu waxay soo tabinayaan Xad Gudubyo fara badan oo lagu sameeyey kuwaas oo aan ku soo qaadi doono barnaamijyadeena Radio Xoriyo ee soo socda.

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Soomaaliya Ahmed-Yare Calasoow ayaa inoo soo diray dhambaal Xambaarsan Madaxweynaha Soomaaliyeed Dr.Abdiqassin Salat Hassan oo Muqdisho ku soo laabtay kadib markii uu booqasho hawleed ku soo kala bixey wadamad Liibiya,Jabuuti iyo qaar ka mida Gobalada dhexe ee Soomaaliyeed.Waxaana inoo soo akhriyey Dhiidhi Nuur.

Madaxweynha Jamuuriyadda Soomaaliya oo ku soo laabtay Muqdisho.

Madaxweynaha DKMG mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa 17.03.02 dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib markii uu ka soo qayb galay shirki wadamada Saaxil iyo Saxaraha ee ka dhacay dalka Liibiya,isagoo soo socodkiisiina soo maray qaar ka mid ah gobolada dhexe ee Jumhuuriyadda Soomaaliya.

Madaxwayne C/qaasin wuxuu sheegay in uu ku soo guuleystay booqashooyinkii uu ku tagay degmooyinka iyo tuuloyinka uu soo maray ee Gobalada dhexe,.Madaxweynuhu waxuu intaa raaciyey in dadka uu halkaas kula kulmay ay si weyn u taageersan yihiin DKMG.

Mar uu la hadlayay dadwaynaha Dagmada Matabaan oo ka tirsan Gobalka Hiiraan waxuu ku guubaabiyay inay dhistaan maamulkooda Wuxuu Madaxweynuhu ku dheeraaday faragalinta Itoobiya ay ku hayso Jamhuuriyadda, taas oo uu sheegay inay caqabad ku tahay dib u heshiisiinta Soomaaliyeed. Si weyna wuxuu u canbaareeyay faragalintaas qaawan ay Itoobiya ku hayso Arimaha Gudaha Soomaaliya, isgoo tusaale u soo qaatay Ciidamadeeda soo gala gudaha Soomaaliya. Arrintaa oo lagu tirinayo inay lug ku leedahay baaqashadiisa uu ka baaqday inuu soo maro Baladweyne

Sidoo kale waxuu canbaareeyey Hogaamiya kooxeedyada Soomaaliyeed kuwaas oo uu sheegay in mar walba loogu yeero inay burburiyaan danta shacabkooda.

Ra,isulwasaaraha DKMG Mudane Xasan Abshir Farax ayaa 16.03.02 soo bansdhigay qorshe sagaal qodab ka kooban oo ay Xukuumadiisu ku halgalayso.

Ra,isulwasaaruhu khudbad dheer uu ka jeediyey Dugsiga Sare ee Booliska, isaga oo la hadlayey qaybaha kala geddisan ee bulshadu ka kooban tahay. Wuxuu khudbadiisa ku faahfaahiyey arimo badan ooy ka mid yihiin, Siyaasada, Dhaqaalaha iyo Nabad galyada qaranka Soomaaliyeed.

Mar uu ka hadlayay Barnaamujka Xukumadiisa waxuu sheegay in mudnaanta koobaad la siinayo sagaal qaybood oo ay kamid yihiin: dhamaystirka dib heshiisiinta, nabad galyada, Dhismaha Ismaamulka Gobalada, Dhamaystirka dhismaha hay,adaha Qaranka, wacyi galinta Bulshada, Soonooleenta dhaqanka iyo diinta Islaamka, Abuuritaan ilo Dhaqaale iyo Xoojinta Xiriirka dibada.

Mudane Xasan waxuu dadwaynaha ugu baaqay inay Gacmaha is qabsadaan ayna iska iloobaanb waxyaabihii xumaa ee laga dhaxlay dagaalkii sokeeye, isgoo farta ku fiiqay darxumada meelwalba ku haysata Bulshada soomaaliyeed, waxuuna Tusaale usoo qaatay Xadhigii dhawaan lagu xidhay 60 Dumar Soomaliyeed ah oo ka tuugsanayay wadanka Yamen.

Dhegeystayaal Warkii Caawa waa naga intaas.

Abdi madaale
Radio Xoriyo, 19 March 2002

radioxoriyo@ogaden.com


Dhegeyso Goosgooska oo Cod ah


WARARKA OGADEENYA:
March.19.2002 |
March.12.2002 | Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety