.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya


Warkii Radio Xoriyo
11 June 2002

Warka Madaxdiisii

· Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya oo Jab kale u geysta CGI
· Shir ay Yeesheen Jaaliyada Ogaadeenya ee Kensaas
· Hubkii Itoobiya u dirtay Kooxaha ay Taageerto oo Gaadhay Goobihii
· Wafdi Maraykan ah oo Socdaal ku maraya Dalalka Jabouti, Kenya iyo Itoobiya.
· Madaxa Baarlamaan Gobaleedka Tigraay oo Laga Shakisan Yahay.
· Tirada dadka aan Waxba Galabsanin ee lagu xidhay Sidama oo Sii badanysa.

Warkii oo Faahfaahsan

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa inoo soo sheegay Degaalo lagu jabiyey Ciidanka Gumeysiga Itoboiya kuwaas oo ka kala dhacay Goobahan

25 May 2002 Meer Xagaaf oo ka tirsan Gobalka Doolo Degaal ka dhacay waxaa CCGI lagaga dilay 10 Askari,iyadoo lagaga dhaawacay 7 kale

27 May 2002 GaldaŽoo ah laag u dhaxaysa Galaalshe iyo Dhagaxmadaw Degaal isna ka dhacay waxaa Ciidanka Dhiigyacabka ah ee Itoobiya lagaga dilay 8 Askari, iyadoo lagaga dhaawacay 6 kale.Waxaa Degalkaas lagu Xoreeyey 3 Gabdhood ooy horey Ciidanka Gumeysiga Itoobiya Kufsi ugula tageen oo ku il Xumaa Saldhigaas.Iyadoo Duruufo Dhaqanka la xidhiidha awgood aanaan Magacyada Gabdhahaas u sii dayn karin.

03 June 2002 Qaylo Dhooreey oo u dhaxaysa Dhamaan iyo Godey waxaa lagu gubay Gaadhi nooca Ciidamada Qaada ah iyo Wixii saaraa, iyadoo firxad yar oo gaadhigaas ka bad baadanya isla markiiba cagta la mariyey.Waxaana lagu qiyaasay in ay gaadhigaas saaraayeen ilaa iyo 38 askari.

Isal 03 June 2002 Gururmo oo ku taala wadada isku xidha Dhagaxbuur iyo Gunagada Degaal ka dhacay waxaa Ciidanka isu keen keen ka ah ee Itoobiya lagaga dilay 8 Askari, iyadoo lagu dhaawacay 6 kale.

Isu geyn waxaa Ciidanka Gumeysiga Itoobiya lagaga dilay Degaaladaas 64 askari, waxaana lagu dhaawacay 19 kale.Sidoo kale waxaa degaaladaas lagu furtay Saanad.

--------------------------------------------------------------


Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo Warama Wadanka Maraykanka ayaa inoo soo diray Dhambaal Xambaarsan Shir ay yeesheen Jaaliyada Ogaadeenya ee Wadankaas siiba Faraca Kansaas.


Shir balaadhan oo ay ka soo qayb galeen dhamaan qabaha Bulsho weynta Ogaadeenya ee Wadankaas ayna soo agaasintay Jaaliyada Ogaadeenya ee Maraykanku siiba faraca Kansas ayaa dhacay 08 May 2002.Waxaana lagaga wada hadlay Qodobadan

· Fidinta iyo baahinta Qaddiyadda Ogadenia.
· Taakulaynta Qaxootiga ka soo cararaya Ciidanka Gumeysiga
Ethiopia.
· Kor u qaadidda wax qabadka Jaaliyadda.
· Xidhiidhinta iyo la socodka Dhibaatooyinka uu Gumeysigu ku hayo Shacbiga Ogaadeenya.
· Iyo Qodobo kale oo dhamaan Khuseeyey Geedi Socodka halganka Shacbiga Ogaadeenya.

Waxaa shirkaas Warbixin dheer siiyey oo kaga qayb galay Tele.Confe.Diirane Abdi Yaasiin oo ahaa Gud.Ku Xig.Hore ee Jwxo, haatana ku sugan Wadanka Ingiriiska.

Arrimahaa waxaa laga gaadhay go'aamo laysku raacay fulintooda Shirka gabagabadiisii waxaa loo magacaabay laba guddi kuwaas oo kala ah mid dhaqaale iyo mid farsamo.

Shirkaasi wuxuu hambalyo ku aadan Kaalinta ay halganka ka qaateen u soo jeedinayaa

· Ururka Haweenka Ogadenia.
· Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya Xoraynta Ogadenia.
· Radio Xorriyo, oo Cabudhiskii Saxaafada ka saaray Shacbiga Ogaadeenya.

Seddexdaas waxuu Faracan Kansas u aqoonsaday Horseedka Halganka Shacbiga Ogadenia. Shirkaa oo uu Gudoominayey Mohamed Rashiid Sheekh wuxuu ku soo gebo geboobay Guul.

Darwiish Dalmar
Radio Xoriyo
USA

--------------------------------------------------------


Wariyaha Raadioy Xoriyo uga soo warama Soomaaliya Ahmed Yare Calasoow ayaa inoo soo diray warar Soomaaliya ku saabsan inagoo ku bilaabanyna hubkii Itoobiya u soo dirtay Kooxaha Gacan saarka la leh oo goobihii loogu tala galay Gaadhay

HUB ITOOBIYAAN AH OO AAD UU FARA BADAN OO SOO GAARAY MUQDISHU



7dii bisha juun 2002 ayaa magaalada muqdisho soo gaaray hub aad u fara badan oo ka yimid dowlada Itoobiya kuna socda Kooxaha Gacan saarka la leh Dawlada Itoobiya ee fadhigoodu yahay muqdhisho.Hubkaasi oo ka yimid magaalada Godey ee Ogadeenya ayaa soo maray magaalada Mustaxiil, Qalaafe, Feer Feer, Belet Weyne, Buule Berte, Jowhar, iyo Balcad inta uusan soo gaarin magaalada Muqdishu.

Wararku waxay sheegayaan in hubkaasi uu ka koobnaa qoryo, rasaas fudud iyo kuwa culus, bamboo gacmeed,madafiic iyo miinooyinka dhulka lagu xabaalo. Hubkaasi oo ay dowladda Itoobiya ugu deeqday xoogaga gacan saarka la leh ee degen magaalada muqdishu ayaa ku rarnaa 12 gaari oo ah kuwa
xamuulka oo ay la socdeen 10 gaari oo ah kuwa loo yaqaan tekinkada. Waxaa dab rid tijaabo ah lagu sameeyay hubkaas maalinta axada ee 9 June 2002 iyado
la tijaabiyay Madaafiic waaweyn oo noocyo kala duwan ah si loo ogaado waxgalnimadooda iyo shaqadooda. Dab rid kaas ayaa wal wal galiyay dadka rayidka ah ee ku sugnaa magaalada muqdishu. Wararku waxay sheegayaan in qaar ka tirsan kooxaha argagixiska ay xirnayeen dharka ciidamada itoobiya oo sida la sheegay la socday hubkaasi.

Dhamaan hubkaasi waxa kala qeybsaday Madax Kooxeed Yada kala ah Muuse Suudi Yalaxow, Maxamed Dheere iyo Ing. Maxamed Xuseen Caddow. Waa markii labaad ee muddo aan ka badneyn Bil ay Itoobiya taageero Milateri oo noocaan ah soo gaarsiiso kooxaha ay Gacan saarka la leedahay ee Fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho

Dhinaca kale hub iyo qalab isgaarsiin ay wadaan diyaaradaha qumaatiga u kaco ee Itoobiya oo loo yaqaan helekoptaro ayaa ku soo aruurayo magaalada
jowhar oo ku dhow muqdishu. Wararku waxay sheegayaan in dowladda itoobiya ay ku amartay kooxaha argagixisada wado iyada ka amar qaato in ay saldhig military ka dhigtaan magaalada jowhar meesha hada uu yahay magaalada Badhabo. Wararku waxay sheegayaan in go'aankaasi uu yimid ka dib marka uu mugdi galay xiriirka Itoobiya iyo hogaamiyaha kooxda u taliso magaalda badhaba Maxamed Nuur "Shaar Gaduud". Wararku waxay sheegayaan in Maxamed Nuur "Shaar Gaduud"
Itoobiya looga yeeray si loogu xoojiyo in uu fuliya danaha Itoobiya.

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Ku meel gaarka ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ibbi ayaa 8 bisha Juune 2002 sheegay in Dowlada Soomaaliya ay hayso caddeymo la taaban karo oo muujinaya sida ay Itoobiya faragelinta ugu heyso Soomaaliya.


Wasiirka Warfaafinta Dowladda Ku Meel Gaarka oo sii faahfaahinayay caddeymaha ay dowlada soomaliya hayso ayaa sheegay in sarakiisha sirdoonka dowlada soomaliyeed ay qabteen wadahadalo khadka Isgaarsiinta ku dhex marayay Korneyl Itoobiyaan ah iyo hogamiyayeesha kooxaha argagixisada ka wado muqdishu waxuuna wasiirku sheegay inay hadaladaasi mar dhow u soo bandhigi doonaan shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba.

Wasiirka warfaafinta ee soomaliya Cabdiraxmaan Ibbi waxa uu soo qaatay in Gobolka Gedo ay Ciidamada Itoobiya heystaan saddex degmo oo kala ah: Luuq,
Doolow iyo B/Xaawo ayna gacanta ku hayaan Korneel Cabdirasaaq Biixi oo ka ahaa sarkaal soomaliyeed oo ka tirsanaa Dowladda Ku Meel Gaarka isla markaasna
madax ka ahaa ururka SNF oo saldhigiisu yahay gobolka Gedo.


Dowladda Itoobiya ayaa barnaamij taasi la mid ah ka dhaxeeyaa iyada iyo Maxamed Saciid Xirsi "Morgan" oo isagana ka amar qaato Itoobiya. Wararku waxay sheegayaan in tababarku uu dhowaan uu dhamaan doono dabaqoodhiyiin loo kaxeeynayo Soomaaliya uuna hogaaminayo Morgan. Ujeedada ciidankaasi ayaa ah in ay gacanta ku dhigaan magaalada Kismayo.

Dhamaan howlgalada military ee Itoobiya waxaa hogaamiya Korneel itoobiyaan ah oo ku sugan magaalada Badhabo oo la yiraahdo Korneel Tefsaye. Korneelkaasi
ayaa kula taliye taliyaha ciidanka itoobiya Generaal Semora Yenus haatan la abuuro ciidan dabaqoodhiyiin ah oo ka howl galo soomaliya sida beesha caalamka looga
qariyo faragelinta itoobiya ku wado soomaliya.Waxaa haatan muuqato in barnaamijkan la hir galiyay oo waxay wararku sheegayaan in dabaqoodhiyiinta
Ogaadeenya qaar ka mid ah lagu goobaha soomaliya qaarkood.

MAMULKA WAQOOYI GALBEED OO DIB LOO SHANDHEEYNAYO GOLAHA WASIIRADA


Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in maamulka Daahir Kaahin Riyaale dhowaan ku dawaaqayo Gole Wasiiru cusub. Wararku waxay sheegayaan in dowlada Itoobiya oo dhowaan wafdi u dirtay Daahir Kaahin Riyaale ay walaac ka muujisay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada ee maamulka waqooyi galbeed iyada oo ku xoojiyay Daahir Kaahin in uu golahaasi dib
u shandheeyo hadu rabo in uu helo tageero Itoobiya. Wararku waxay intaasi ku darayaan in Daahir Kaahin uu Itoobiya booqan doono ka dib marka uu dib u
shandheeyo golaha wasiirada ee maamulka waqooyi galbeed soomaliya ee uu madaxa u yahay.

Axmed Yare Calasoow
Radio Xoriyo
Muqdishu

-----------------------------------------------------------------------

WAFDI MAREYKAN AH OO SOCDAAL KU MARAYO DALALKA ITOOBIYA, JABUUTI IYO KEENYA

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Jabouti ayaa inoo soo diray warkan


Wafdi Mareykan ah oo ka kooban dhowr iyo toban xubnood ayna xubno ka yihiin xubno sarsare oo ka tirsan Hay'adaha sirdoonka dalka Mareykanka ee FBI & CIA ayaa booqanaya dalalka bariga Afrika gaar ahaan Jabuuti, Itoobiya & Kenya.
Wararku waxay sheegayaan in Wafdigaan oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulankaa kadib u ambabaxay dalka Itoobiya oo ay halaasi uga sii gudbayaan dalka Kenya.Wafdigan ayaa madaxda dalalkaasi kala hadlaya arrimo ay ka mid yihiin xaaladda Soomaaliya, la dagaalanka argagixisada & qodobo kale, ilaa haatana wax war ah lagama hayo kulamada ay galeen wafidigaas.


DOWLADA ITOOBIYA OO SAFIIR CUSUB UU MAGACOWDAY JABUUTI

Wararka naga soo gaaray Wasaarada Arimaha Dibeda ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dowladda itoobiya ay badashay safiirkeeda dalka Jabuuti Sahle Work Zewdie. Wararku waxay sheegayaan in safiirka cusub ee itoobiya keeni doonto dalka jabuuti uu yahay Shemsedin Axmed Robleh. Wararku waxay sheegayaan in isbeddelkani uu yahay mid ay ciidanka sirdoonka itoobiya ka codsadeen wasaarada arrimaha dibbeda. Ma cada sababta keentay isbeddelkani lakin dadka siyaasada indha indheeya ayaa sheegayo in ay sababtay baahi ay ciidanka sirdoonka itoobiya uu qabaan in ay fahmaan siyaasada gudaha dalka itoobiya iyo in lala socdo howlaha nabadeeynta soomaliya ay Jabuuti wado.

Waxaa kale oo loo arkaa in safiirka cusub uu ahaan doono mid ku dadaalo in uu ka abuuro basaasiin soomalida ka soo qaxay Somaaliya oo haatan Jabuuti ku sugan.

Roble Mahdi
Radio Xoriyo
Jabuuti.
-----------------------------------------------------

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Adis-Ababa ayaa isna inoo soo diray Warar isku dhafan inagoo ku bilaabayna Madixii Baarlamaan Gobaleedka Tigray oo Shaki soo galay kadib markii uu dhaliilay Males Zinaawi

MADAXA BARLAMAAN GOBOLEEDKA TIGREEY OO SI WEYN LOOGA SHAKSANYAHAY


Wararka naga soo gaaray magaalada Mekkele ayaa sheegayo in madaxa barlaamaanka gobolka Tigreey Solomon Inquai haatan si gaar ah isha loogu hayo oo
sarakiil ka socdo ciidanka sirdoonka itoobiya ay aqalkiisa iyo xafiiskiisaba ilaalinayaan.

Talaabadaan ayaa ah mid timid ka dib marka uu Solomon Inquai si kulul uu cambareeyay Melez Zenaawi iyada oo loo fadhiyo shir ay EPRDF isugu yimaadeen magaalada Addis Ababa oo lagu xusayay sanadguurada 11aad ee isbaheeysigaasi EPRDF.Wararku waxay intaasi ku darayaan in xubno ka tirsan ururka OPDO oo ka qeyb galay shirkaasi iyagana si gaar ah isha loogu hayo ka dib marka ay muujiyeen in ay la qabaan Solomon Inquai dhaliishu uu soo jeediyay Melez Zenaawi.

TIRO BADAN OO KA MIDA CIIDANKA BOOLISKA EE KILIL KU SHEEGA OROMIA OO LA XIDH XIDHAY

Gobolka Oromiya ayaa lagu xiray tobanaan ka tirsan ciidanka booliska ee Kilil ku sheega Oromiya. Wararku waxay sheegayaan in sarakiil tigree ah oo ka tirsan
ciidamada cabudhiska gumeeysiga itoobiya ay guryaha oogu galeen ciidankaasi booliska ah iyaga oo ku eedeeyay in ay si hoosaad ah oola shaqeeyaan Jabhadda
Xoreynta Oromiya (OLF).Wararku waxay intaas ku darayaan in ciidankaasi booliska ay kaxeysteen tigreega todobaadki hore ilaa haatan la garaneynin meesha ay ku sugan yihiin.

TIRADA DADKA SHACBIGA AAN WAXBA GALABSANIN EE SIDAAMA OO KOR U DHAAFAYSA ILAA IYO 1000 QOF

Wararka naga soo gaarayaa magaalada Awassa ayaa sheegayo in tirada shacabka Sidaama haatan uu xir xiran Itoobiya ay gareen in ka badan 1000 qof oo isku jiro haween, duqeey iyo dhalinyaro oo dhamaan ah dad rayid ah. Dadkasi ayaa ku kala xidh xidhan magaalooyinka Awassa, shashmene, Yirga-Alem iyadoo qaar kale loo soo kaxeeyay magaalada Addis Ababa.


Wararka waxay sheegayaan in qaar ka mid ah madaxda kilil ku sheega Qowmiyadaha koongureed oo u dhashay sidaamaha la xir xiray. Madaxdaas oo dhamaan lagu eedeeyay in ay si hoosaad ah oola shaqeeyaan Jabhadda Xoreynta Sidaama (SLF) ayaa ka mid ah BRU WUBALE oo ahaa masuul sare oo ka tirsan maamul ku sheega kililka qowmiyadaha koonfureed.

Ilaa haatan ma cada meesha uu ku sugan yahay BRU WUBALE lakiin wararku qarkood waxay sheegayaan in isaga iyo dhowr kale oo ka tirsana maamulka ku sheega loo kaxeeyay magaalada Addis Ababa iyaga oo lagu hayo saldhiga ciidanka sirdoonka ee dowladaasi Itoobiya.

Qamaan Xirsi
Radio Xoriyo
Addis Ababa


Dhagaystayaal Warkii Caawa waa naga intaas.

Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 11 June, 2002
 radioxoriyo@aol.com
 radioxoriyo@ogaden.com 

Xusuus : Cidii Rabta in ay radio Xoriyo hawada ka dhagaysato waxay ka heli kartaa Mawjada 19 MB, ama 15530 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30 Fiidnimo.


Dhegeyso warkaan oo Cod ah
WARARKA OGADEENYA:
June.11.2002 | June.7.2002 | June.4.2002| May.31.2002 | May.28.2002 | May.24.2002 | May.22.2002 | May.17.2002 | May.14.2002 | May.10.2002 | May.7.2002 | May.3.2002 | April.30.2002 | April.26.2002 | April.23.2002 | April.19.2002 | April.17.2002 | April.12.2002 | April.9.2002 | April.5.2002 | April.2.2002 | March.29.2002 | March.26.2002 | March.22.2002 | March.19.2002 | March.12.2002 | Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin
SIIRADA RASUULKA KUDAYO»
Tusmo | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30
SAXAABADII RASUULKA BARO»
Casharka toddobaadkan | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18
RAMADAAN SOON»
Macluumaadka Soomidda bisha ramadaan iyo axkaamta Soonka GUJI
SAKADA MAALKA BIXI»
Tusmo | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7
XIGMAD/WISDOM BIXI»
XAYAYSIIS BOOQO» 
KUTUB/BOOKS AKHRI» 
Soobooqo bogga xayasiiska Buugaagta / kutubta GUJI
NEWS 1 | 2 | 3 | 4 | 5
MAQAALLO AKHRI» 
DOOD FURAN AKHRI» 
QORAALO XIISA LEH AKHRI» 
MUSHARAXA SL 2002» 
Barnaamijka C/Risaq Maxamud Saleiman ee doorashada Somaliland Guji»

PUNTLAND, SOMALIA
Summary of Progress Report on the Puntland Peace Mission
PAGE.1 | PAGE.2 | PAGE.3 | PAGE.4 | PAGE.5 | PHOTO
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 Khartuum GUJI..
LETTER FROM OGADEENYA
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia) Read here

G O L E
Golaha Beesha Kablalax GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...




Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety