DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo
Wararka Ogaadeenya
Warkii Radio Xoriyo : 01 Feb, 2002
Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya oo 23 Askari ka dilay Ciidanka Gumeysiga
Itoobiya Degaaladii u dabneeyey ee Dhacay Jan, 2002
Warkii oo Faahfaahsan
Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya
ayaa soo diray Dhambaal Xambaarsan Degaalo Dhawr ah oo dhex maray Ciidanka
Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya iyo Kuwa Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya wuxuuna
Dhambaalku ku bilayday Sababihii Keenay Degaalkaas.
Isaga oo uga jawaabaya Cadaadiska iyo dilka is daba joogga ah ay dadweynaha ku
hayaan ayuu Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya laban laabay weeraradii
gaadmada ahaa ay ku hayeen Ciidanka Cabudhiska Gumeysatada Itoobiya.
Weeraradaas oo ku dhufo oo ka dhaqaaqa ah oon waliba kala joogsi lahayn kuwii
ugu dambeeyey ee ilaa hadda na soo gaadhay waxay ka dheceen meelahan:
12 Jan, 2002 Magaalada Dalaad waxaa Ciidanka Xabashida lagaga dilay 1 askari 6
kalena waa lagaga dhaawacay.
18 Jan, 2002 Magaalada Danood waxaa ciidanka cadowga lagaga dilay 4 askari 3
waa lagaga dhaawacay.
19 Jan, 2002 mar kale dagaal ka dhacay Magaalada Dalaad waxaa ciidanka
cabudhiska lagaga dilay 8 askari 4 kalena waa lagaga dhaawacay.
21 Jan, 2002 meesha la yidhaahdo Lafweyn oo duleedka Q/Dahare ah waxaa lagaga
dilay 2 askari 1 na waa lagaga dhaawacay. Dagaalkaasi markii uu joogsaday wuxuu
ciidanka cabudhisku rasaas ku furay Geel meesha marayey oo uu qaar badan ka
laayey.
22 Jan 2002 dagaal ka dhacay Gudhis waxaa ciidanka cabudhiska lagaga dilay 8
askari 3 na waa laga dhaawacay. Isla goobtaas waxaa ciidanka Xabashida ka
baxsaday 4 askari.
Isugeyn Degaaladaas waxaa Ciidanka Gumeysiga Itoobiya lagaga dilay 23 Askari
iyadoo lagaga dhaawacay 17 kale.
Halganka Gobanimadoonka eey Shacbiga Ogaadeenya ku jiraan eey Wadaan Ciidanka
Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya waxay ku muujiyeen dhamaan ujeedooyinkii ay qaadeen
kadib markii ay ku guulaysteen in ay ka gooyaan dhibaato kasta oo Ciidanka
Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya u geystaan Shacbiga iyagoo degaaladii u danbeeyey
ku muujiyey.
Itoobiya oo Sidii Caadada u ahayd Dhibaato kula kacday Shacbiga Ogaadeenya een
waxba Galbsanin.
Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Arimaha Bulshada ayaa isna inoo soo diray
Dhambaal Xambaarsan CCGI oo dhibaatooyin u Geystay Qaar ka mida Shacbiga
Ogaadeenya een waxba Galbsanin.
Sidii caadada u ahaan jirtay Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya Mar kasta oo
Jab loogu geysto Degaalada Dhex mara iyaga iyo Ciidanka Wadaniga Xoreynta
Ogaadeenya, waxay ku gaydhadaan dadweynaha Rayadka ah ee magaaladaas ama Aaga
Degaalkaasi ka dhoco degen,
23 Jan, 2002 Magaaldda Gudhis oo ka tirsan Gobalka Nogob,Waxay ku xidheen
saldhigga Ciidanka Cabudhiska Gumesiga Itoboiya dad tiradoodu kor u dhaafayso 70
qof. Dadkaas oo jidh dil badan lagu sameeyey waxaa magacyadoodu na soo gaadheen
4 ka mid ah oo kala ah
1. Sheikh Ahmed Sagal ,2 .Rashiid Gamaadiid, 3. Maxamed Mowser Aadan ,4.
iyo Maxamed Siyaad Cabdille.
24 Jan, 2002 Iyada oo sii wadda Gumaadkii ay Dadweynaha aan waxba galabsanin ku
hayeen waxay ku dishay Habaasweyn oo Gurdumi u dhow laba nin oo la yidhaahdo
Cumar Dheere iyo wiil uu marxuumkaasi adeer u yahay.
Sidaas oo kale dad badan oo ay magaalada Gurdumi ku xidhxidhay waxaa ka mid ah
1 Shukri Cabdi Dhegoole
2 Iyo Xuseen Cabdullaahi Aadan.
25 Jan, 2002 Magaalada Q/Dahare waxay dadkii badanaa ay xidhxidhay ka daba
gaysay Dayiba Xasan Cusmaan.
Isla 25 Jan, 2002 Magaaladda Farmadow waxay iyana ku xidhay 3 nin oo kala ah
1 Kamaal Sheikh Irshaad
2. Haykal Sheikh Irshaad
3. iyo mid aan weli magaciisu na soo gaadhin.
Dhibaatada uu Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya ku hayo Shacbiga Ogaadeenya
kuma koobna oo keliya Dilka,Dhaca,Xidhayga,Argagixisada iyo Xasuuqa ee waa kuwo
lagu hayo dhan kasta oo nolashooda ah waxayna sugayaan oo qudha in Beesha
Caalamku mar uun dhankooda soo fiiriyo.
Dhanka kale
Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Dhagaxmadaw oo ka tirsan Gobalka Dhagaxbuur
waxay sheegayaan in dhibaatadii ugu weynayd ee dhex marta Ciidanka Gumeysiga
Itoobiya iyo Dabaqoodhiyiinta la shaqeeya ay ka dhacday halkaas kadib markii
Dabaqoodhiyiintu amar diideen taas oo ku lug lahayd dhibaatada Shacbiga loo
geysto.
24 Jan, 2002 markii ay amardiideen waxaa magaalada Dhagax Madow dhexdeeda isku
laayey Ciidankii Dabaqoodhiga iyo kii Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya halkaas oo
2 lagaga dilay Dabaqoodhigii 1 na lagaga dhaawacay. Waxaa Degaalkaas lagu
Gaadhsiiyey Ciidankii Cabudhiska Gumeysiga Itoboobiya Khasaare lexaad leh oo
Dhimasho iyo Dhaawacba leh kaas oo tiradiisu aad u badnay oon dib ka faahfaahin
dooono inta uu la eg yahay.
Sidoo kale Wariyaha Radio Xoriyo uga soo warama Magaalada Jig-Jiga ayaa soo
sheegay Banaanbax weyn ooy hor kacayeen Curyaamiintii ku soo dhaawacmay
Degaaladdii kal hore ee Eriteria iyo Gumeysiga Itoobiya kadib markii
xuquuqdoodii loo diiday.
Magaalada JigJigga waxaa ka dhacay mudaaharaad ay dhigeen curyaamiintii ku soo
dhawaacamay dagaalkii Eriteeriya. Markay curyaamiintu ka adkaatay Booliiski ayaa
Ciidankii Cabudhisku soo gurmaday si loo damiyo mudaaharaadkaas, waxaana xabiska
loo taxaabay kuwo badan oo curyaamintii ka mid ah.
Sida aad la socotaan in dhowaydba khilaaf aad u weyn ayaa ka dhex socday maamul
ku sheegga Jigjigga. Waxaa la sheegayaa in Cabdirashiid Duulane oo ku magacaaban
Madaxweynaha waxa ay ku tilmaamaan Kiliilka 5aad in digniin culus la siiyey wax
amar ah oo uu bixin karaana jirin.
Warkii Caawa waa naga intaas.
Abdi Madaale
Radioxoriyo, 01 Feb,2002
radioxoriyo@ogaden.com
Eegana waxaa idinku soo maqan Faaladdii Warka.Faaladeena Caawa waa qaybtii 4aad
ee Faalooyinkii Gumeysi Diid.Waxaana inoo soo diyaariyey Qoraaga Caanka ah ee
Ogaadeenya Mudane Hussein Nuur.Waxaana soo akhriyey Wariye Ahmed Gaal-Eri.Waana
tan.
Qaybtan 4aad ee Gumeysi diid
Waxaan kaga baaraaan dagnay qeybihii hore gardarada gumeysiga, tabaha uu ku
fido, siyaabaha uu u cabudhiyo shucuubta uu gumeysto iyo in Itobiya ay tahay
dawlad gumeysi ama mid ay ku midoobeen qawmiyaad kala jaad ah. Qaybtan 4aad
waxaan ku bidhaamin doonaa natiijada ka dhalata iska-horimaadka gobanima-doonka
iyo gumeysiga.
Waxaa la’isku raacsan yahay in faa’iidada laga helo taariikhdoo la qoraa ay
tahay in lagaga beydho khaladaadka ay shucuubta caalamka kala galaan si aan
aadamauhu ugu daadan dabkuu shalay ku gubtay mid kale. Waa middaa tan uu
Qura’aanka Ilaah ugu soo celceshay ka sheekeynta khaladaadkii quruumihii hore si
loogu cibrad qaato oo aan tiiyoo kale loogu dhicin. Ilaah markuu la hadlayay
kufaartii ree Qureysh wuxuu ku yidhi – Ma galadiinan ayaa hadaba ka khayr roon
kuwii hore -- ( een soo halaagnay) ? Sidoo kale hadaan su’aalno maanta gumeysiga
Itobiya oon nidhaahno ma idinka ayaa ka adadag gumeysigii ree Yurub amaba ka
xoog badan? Jawaabta dhabta ah waxay noqon - maya. Si aan u xaqiijino jawaabtaa
ah mayada, waxaan daraaseyn doonaa taariikhdii gumeysi ee dhawr dal oo aan u
qaadanay tusaale ahaan.
Hadaan dhugano gumeysigii Faransa ee dalka Algeriya, wuxuu ku bilowday
cunaqabateyn badda ah markii uu boqorkii Faransa ku andacooday in qunsulkiisii
fadhiyay Algeria aflagaado loo geystay 1827kii. Markay fashilantay
cunaqabateyn-tii ayuu 1830kii ciidan gaaraya 34,000 oo askari ku soo dajiyay
Faransiiskii meel u jirta 27km caasimadda. 3ex todobaad ka dibna waxey qabsadeen
caasimaddii iyagoo adeegsday hubka madaafiicda oo aanay heysan markaa
dadweynihii u soo birmaday inay difaacaan dalkooda. Isla waqtigaa waxaa la riday
boqorkii Faransa ee duulaankaa baxshay, waxaana laga dhisay Faransa barlamaan
iyo xukuumad ku faanaysa inay sameysteen dastuur leh waji ka duwan kii hore oo
ku saleysan in aan la gumeysan shucuubta caalamka. Hasa ahaatee markii ay timid
arrinta Algeria barlamaankii waxuu go’aamiyay in sharafta Faransa ay ku jirto in
gumeysigii Algeria halkii laga wado.
1848-kiina waxey ku dhawaaqeen in Algeria
tahay qayb ka mid ah Faransa waxaana la geeyay maamul gumeysi oo l!
agu magacaabay –government of the sword- (xukuumadii siifta) – oo madax uu ka
yahay general ciidanka ah oo la siiyay awood buuxda oo dhan walba ah – ciqaab,
dil ama abaal marin qofkuu doono ah.
Xukun ka duwan kan Faransa lagu dhaqo
ayaana lagu soo rogay dalka Algeria inkastoo ay ku andacoona-yeen inuu yahay
qayb ka mid ah dalka Faransa sababna waxey uga dhigeen in qaanuunka Franasa ka
jira uu yahay mid aad u fudud oo aan lagu dhaqi karin muslimiinta Algeria.
Dhageystaha sharafta leh waxaan siinayaa dhawr ilbiriqsi oo uu dib ugu eego
charter-kii ay soo bandhigeen EPRDF-tu markii la riday diktaatorkii Mingiste iyo
go’aankii uu gaaray barlamaan ku sheeggii Itobiya markii ay Tigreegu adkaysteen
xukunkii. Islamar-haantaa waxyaabaha maanta ay ka wadaan saraakiishooda gayiga
Ogadenya, Somalia Oromia iyo meela kaleba
–
1845kii dalka Algeria waxaa loo qaybshay 3ex maamul – 1- goobaha ay ku
badanyihiin dadka Yurubta ah waxaa loo ogolaaday inay doortaan duqa
magaala-dooda iyo aqalka dawladda hoose. 2- goobaha ay joogaan dad Yurub ah hasa
ahaatee aqlibiyadu ay tahay dadkii dalka lahaa, waxaa maamulka gacanta loo
galiyay dad la soo xulay oo Faransiis ah iyo dabadhilif-yadiisa. 3- dalka
intiisii kalena waxaa lagu maamulay xukunkii seefta. Nidaamka noocaa ahi waxuu
ka jiray dalka Algeria ilaa 1962kii oo ah markii ay ree Algeria hantiyeen
gobanimadii.
Waxuu gumeystihii Faransa horjoogsaday waxbarashadii ree Algeria, wuxuu la
dagaalamay oo uu tirtiray nidaamkii isxukun ee ka jiray qabaa’ilka, dhulkii
beeraha ahaana waxuu u qaybshay dadkii ka imanayay Faransa ee cadaanka ahaa,
isla mar-ahaantaa waxaa lagu soo rogay dadkii dalka lahaa canshuur dheeraad ah
iyo cadaadin joogta ah si ay uga qaxaan magaalda. Nin ka ahaa gudoomiye dalka
Algeria waagaa general Jules Cambon 1894kii wuxuu qoray sidan – Algeria waxaa ku
hadhay dad qashin ah oo aan qiimi laheyn – isagoo ula jeeda burburka ay u
geysteen tayadii dadka.
Dadkii ree Algeria waxey kala hortageen gumaystihii Faransiiska dagaalo ku
bilowday si googoos iyo kacdoon aan habeysneyn ah hasa ahaatee dhaawac u geystay
gumeystaha.
1dii Nov. 1954kii ciidamada gobanima-doonka ee FLN ayaa si wada jir ah dagaal
ugu qaaday goobihii ciidamada gumeystaha, xarumihii booliska, maqaasiinadii
hubka, isgaarsiintii, iyo guryahii dawlada, waxeyna kaga dhawaaqeen idaacadoodii
Qahira baaq ay u jeediyeen ree Algeria inay ku soo biiraan ciidanka
gobanima-doonka ALN si loo soo cesho sharaftii umadda Algeria. Jawaabta
Faransiiska uu ka celiyay baaqaa waxaa ku dhawaaqay wasiirkii gudaha Miteraand
oo yidhi - .. wadahadalka kali ah ee noo dhexeyn kara anaga iyo FLN waa
dagaal.Intaas baan maanta ku ekaynaynaa.Qaybtii 4aad.Inta Dhimana Talaadada soo
socota ayaan idiin soo gudbin doonaa.
Diyaariye
Hussein Nuur
radioxoriyo@ogaden.com
Dhegeyso Goosgooska oo Cod ah
WARARKA OGADEENYA:
January.29.2002 |
January.25.2002 |
January.18.2002
|
January.15.2002
|
January.11.2002
| January.8.2002
| January.4.2002
| December.28.2001
| December.21.2001
| December.18.2001
| December.14.2001
| December.11.2001
| December.7.2001
| December.4.2001
| November.30.2001
| November.27.2001
| November.23.2001
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk