S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 Khartuum GUJI..
LETTER FROM OGADEENYA
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia) Read here

G O L E
Golaha Beesha Kablalax GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...
MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA OGAADEENYA
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya

Warkii Radio Xoriyo : 22 March 2002-03-22

Warka Madaxdiisii

Maxaabiista u Xidhan Gumeysiga Itoobiya ee ugu xeraysan Xeryaha Milatariga ooy si xun ula Dhaqanto.

Raíisul Wasaaraha DKMS, oo Magacaabay Qayb Xukumadiisa ka mida

Warkii oo Faahfaahsan

Waraysi uu Radio Xoriyo la yeeshay 21 March 2002 Mohamuud Sh.Rashiid oo ku magac dheer Xamse oon kala xidhiidhnay isagoo jooga Xarunta Dhexe ee Jwxo, kana tirsan Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya kana mid ahaa Madax ay Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya ku qabteen Xuduuda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Oggaadeenya 16 Feb,2001 iyagoo la socday waa Xamse iyo Abdi Abdulahi ee Gaadhi aagaas Marayey ayaa sheegay isla markii ay Galeen gacanta Cadawga in loo wareejiyey Saldhigyadda Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ee Nuusdariiq,Qoriile,Wardheer,Qabri-Dahare iyo Meelo kale iyagoo aakhirkiina lagu Xidhay Xero Milatari oo ku taala Galbeedka Magaalada Harar.

Mohamuud Sh.Rashiid Xamse wuxuu sheegay in dhamaan Meelahaas la soo mariyey ay Ujeedada Ciidanka Nacabka ah ee Itoobiya ahayd in ay ku Niyad Jabiyaan Shacbiga Ogaadeenya si ay uga hadhaan taageeradda ay u hayaan halgankooda isagoo sheegay in dhamaan Saldhigyadaas Gumeysiga Itoobiya ay kula kulmeel Dad Shacbi ahaa oo ugu xidhnaa Askarta Gumeysiga Itoobiya kuwaas oo isugu jiray dhamaan Qaybaha Bulshadu ka kooban tahay haba ugu sii badnaadeen Dumar.Wuxuuna intaas ku daray in dumarka uu dhamaan Saldhigyadda Gumeysiga Itoobiya ee Meelahaas kala duwan ku xidhnaa ee uu arkay ay ahaayeen kuwo wixii la rabo dhamaantood lagu samaynayey oo la aaqibo tiray ayna darxumo iyo Silic laga damqado korkooda ka muuqatay.

Mohamuud Sh.Rashiid Hamse oo ka hadlay waxyaalo badan wuxuu sheegay in Ciqaab jidh dil ah oo nooc walba leh lagula kacay isaga Abdi Abdulahi iyo Xubnihii Kale ee Xeradaas Milatariga ugu Xidhnaa Gumeysiga Itoobiya kuwaas oo korkooda laga akhrisan karo Ciqaabahaas cidii aragta isaga iyo Xubnihii kale oo idil in loo sheegaba ayna baahnayn.Mohamuud Sh.Rashiid wuxuu ku dheeraaday Cadaawadda lagula kacay iyo Xad gudubka aan la qiyaasi karin ee lagula dhaqmay isagoo Carabka ku dhutay in uysan marna la kulmin Hayadaha Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka iyo Laaqaynta Cas toona intii ay ku jireen Gacata Gumeysiga Itoobiya.

Mohamuud Sh.Rashiid waxaa kale oo uu iyadana sheegay in ay Xeradaas kula xidhnaayeen Maxaabiis iyaguna u dhashay Qoomiyadda Oromiya oo halgan la mid ah kan Shacbiga Ogaadeenya kala soo hor jeeda Gumeysiga Itoobiya kaas ooy wado Jabhadda Xoreynta Oramia OLF,waxayna tirada Maxaabiistaasi gaadhaysay inta uu xusuusto ilaa iyo 6 Nin oo ka tirsanaa Ururka Xoreynta Oromia OLF waa siday ku eedaysnaayeene.

Waxashnimadda lagula kacay ooy guud ahaan ka sinaayeen wuxuu sheegay in Miisaanka Ciqaabta la saari jiray inta badan dhanka Oromadda waa OLF iyadoo Ilaaladdana Xoogeeda la saari jiray dhanka ONLF-ta kuwaas oo Bahwadaag ka ah dhanka Milatariga iyo Siyaasadaba.Wuxuuna ka xusuusta 4 Magac oo lixdoodii ka mid ah oo kala ah Magacyadooda Koobaad.

Jamaal,Abdinasir,Abdifataax iyo Kamaal kuwaas ooy isku arki jireen Musqusha xiliga loo kaadi geeyo uuna ku ogaaday isagoo yaqaanay Af-Oromadda.Gebo Gabadii wuxuu sheegay in dhamaantood ay Gacantii Cadawga ka soo wada baxsadeen haddii ay yihiin ONLF iyo ONF ba.Waxayna gacanta Cadawga kaga baxeen iyagoo isticmaalay Tababarkii adkaa ee Jabhadnimadda kadib markii ay Waardiyayaashii Siririyeen.

Dhageystayaal waxaad Waraysigii aan Xamse la yeelanay kaga bogan kartaan Ideecadeenan hadda ee Caawa.[GUJI HALKAN]

Xad gudubka lagula dhaqmo Shacbiga Ogaadeenya, Oromiya,Sidamo iyo Shucuubta kale eey Itoobiya Gumeysato ayaa intii mudo ahba si joogto ah isaga soo daba baxaysay iyadoo ay Hayadaha Xuquuqul Insaanka ee Qoomiyadahaasi ka dayrinayeen.Afhayeenka Ururka Xuquuqul Insaanka Ogaadeenya, Saadiq Abdirahman ayaa ku bayaamiyey Waraysiyo hore oo uu Radio Xoriyo la yeeshay iyo Warbixintii ugu danbaysay ee uu ururka OHRC soo saaray Dulmiga lagula dhaqmo Shacbiga Ogaadeenya. Wasaaradaha lamagacaabay waxay kala yihiin,

Wariyaha Radio Xoriyo uga soo warama Soomaaliya Ahmed-Yare Alasoow ayaa inoo soo diray Dhambaal Xambaarsan Raíisul Wasaaraha Dawladda Ku Meel Gaadhka ah ee Soomaaliyeed oo magacaabay qayb Xukumadiisa ka mid ah waxaana inoo soo akhriyey Wariye Dhiidhi Nuur.

Ra'iisul wasaaraha DKMG Mudane Xassan Abshir Faarax ayaa 20.03.2002 Magacaabay qayb cusub oo Xukuumadiisa ka mid ah.

Ra'iisul wasaaraha DKMG mudane Xassan Abshir Faarax ayaa 20.03.02 si rasmi ah u magacaabay ku xigeenkiisa Mudane Cisman Jaamac Cali (Kaluun), Sadex Wasiir iyo 5 Wasiiru dawlo.

wasaarada Ganacsiga, wasaarada dib u dhiska iyo Guryeenta iyo Wasaarada shaqada iyo Badbadada shaqaalaha. Waxaa kaloo la Magacaabay 5 wasiiri dawlo oo kala ah 1-wasiiri dawlaha Hawlaha Guud 2-Wasiiru dawlaha Tacliinta sare 3-Wasiiru dawlaha Dib u dhiska iyo Guryeenta 4-wasiiru dawlaha Awqaafta iyo Arimaha diinta iyo 5-wasiirudawlaha Warshadaha.

Munasabada magacaabida Musuuliyiintaas ayaa waaxaa ka soo qayb galay Madax waynaha DKMG Mudane C/qaasim Salaad Xasan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan DKMG. Hadal uu Madaxwaynuhu u jeediyay Masuuliyiintaas ayuu kula dar daarmay in ay u guntadaan sidii ay hawshaas adag ee loo magacaabay uga soo bixi lahayeen

DAWLADDA JABUUTI AYAA WAXAY WADAA DADAAL AY ISUGU SOO DHAWAYNAYSO DKMG IYO KOOXAHA MUCAARADKA:

Dowladda Jabuuti ayaa dadaal ugu jirda siddii ay isugu soo dhoweyn lahayd Dowladda KMG ah iyo hogaamiye kooxeedyada Mucaaradka, ka hor shirka dib u heshiisiinta ee lagu wada in uu Bisha April ka kadho wadanka kenya.

Waxay Dawlada Jabuuti kulamo is daba joog ah layeelatay Qaar ka mid ah Hogamiye kooxeedyada iyo Masuuliyiin ka tirsan DKMG, ayadoo isku dayasa in ay isku soo dhaweeyso Labada dhinac, Dadaalka ay wado Jamuuriyada Jabuuti waa mid ay ka muuqato dareen walaalnimo oo ay rabto in ay ku soo Afjarto Dagaalka Sokeeye ee walalahooda Soomaaliyeed, dhanka kale waxaa dadaal kaas la mid ah wada wadamada Eritea, Liibiya iyo kenya, halka ay Xukuumada Itoobiyana isugu sii dhiibayso Hub ay isku sii halaagaan Shacabka Soomaaaliyeed.

Ciidamada Itoobiya oo 30 Qof ka xidhay Deegaanka Laas Caanood Wararka naga soo gaaadhaya magaalada laascaanood ayaa sheegyaa in 17.03.02 ay ciidamo Itoobiyaan ah oo Xoogan ku qabsadeen deegaanka Laascaanood dad tiradooda lagu qiyasay 30 Qof oo shacab ah, ku waas oo ay kamid ahaayeen 5 Dumar ah, waraku waxay intaas ku darayaan in dadkaas Jidhdil xun loo gaystay ila iyo hadana aan la ogeen meeshay ku danbeeyeen,balse ay Ciidamadaas oo ka soo duulay Deeganka Docmo ay dib ugu laabteen sal dhigyadii ay ka yimaadeen.

Dhageystayaal Warkii Caawa waa naga intaas.

Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 22 March 2002
radioxoriyo@ogaden.com

Eegana ku soo dhawaada Faaladdii Warka, Faaladeena Warka ee Caawa waxay ku saabsan tahay hadaladii uu Dhawaan BBC-da kaga dhawaaqay Raíisul Wasaaraha Itoobiya Kaligii Taliye Males Zinaawi sida ayna waxba uga jirin. waxaana inoo soo diyaariyey Saalaxadiin Maow oo ka mida faala Qorayaasha Radio Xoriyo.Waxaana inoo soo akhriyey Dhoodi Danwaa.Haye Dhoodi.

Maxaa ka dhaxeeyay Ogadenia iyo Itoobiya ?

Su’aashan si yaalbo badan ayaa looga jawaabi karaa, hal sheyse waa xaqiiqo, waxaa ka dhaxeeya waa xidhiidhka caadiga ah ee lagu tilmaamo, in uu ka dhaxayn karo Gumayste iyo la gumayste.

Waraysigii ugu dambeeyay ee Meles Zenawi la yeelatay BBC Laanta Afsomaliga wuxuu si cad u qiray in Ogadeenya wixii maamulkiisa ka horeeyay ay ku jirtay Gacan Gumaysi, haddase ay yihiin dad xor ah.Dastuurka Cusub ee Itoobiya ayaa u ogolaanaya inay Xiliggay doonaan ay ka gu´i karaa Itoobiya, madaxbanaani buuxdana heli karaan, haddii ay Cod aqlabiyad ah la yimaadaan.

Zenawi wuxuu intaa raaciyay inay ONLF dagaal la’aan ku gaari karto Himilooyinkeedda oo dhan.

Haddaba Su’aasha ina hortaala, waxaa weeye, maxaa ku kalifay ONLF inay dagaal Hubaysan kula jirto Maamulka Meles Zenawi? Meles Zenawina ma ka dhabayn karaa wararkaas waa weyn ee uu Idaacada BBC-da ka sii daayey ?

Carabtaa waxay tiraahdaa Haweydiin Dhakhtarka ee waydii kii tijaabiyay. Shacabka Ogadeniya waxaan ognahay inay aqoon ku filan u leeyihiin Maamulka Meles Zenawi.

Zenawi hadalkiisani ma aha mid uu daacad ka yahay, waxayna qofwalba xusuusinaysaa Odhaahdii ahayd „Boqorka markuu ka hadlayo Nabadda, wuxuu ku jiraa Hub u ruursi“.

1) Maamulkii ugu horeeyay ee dalka Ogadenia loo sameeyo, waxaa madaxweyne ka moqday Abdullahi Mohamed Sacdi. Todobo biloodii ayuu Maamulkiisii ka jiray dalka Ogadenia, wuxuu qabtay waxaa ka mid ah. Inuu dhisay Guddidii Fulinta, Golaha Wasaaradaha, Maamuladda 9 Gobol iyo 48 Maamul degmeed, wuxuu qoray Boliiska, wuxuu furay meel Boliiska lagu tababaro, wuxuu Afsomaliga ka dhigaay Afka rasmigga ah ee Xafiisyadda looga shaqeeyo, waxaa la magacaabay Caasimadda dalka, waxaa la ururiyeyMacalimmintii ardayda wax u dhigi lahayd, waxaa la magacaabay 171 oo isugu jira Xaakim iyo Shaqaale wax qora, waxaa la diyaariyay Xeerka Goboladda, Xeerka Canshuuraha, iwm.

Markii la arkay inay muddadaa gaaban wax badan u hirgashay, waxay markiiba dagaal kulul lagu qaaday Madaxweyne Abdulahi Mohamed Sacdi iyo Maamulkiisa.Iyadoo Sacdi Xabsiga loo taxaabay, wuxuuna xabsiga kaga soo baxay markay u dooday Hayadda Caalami ah Xuquuqul Insaanka.

2)Abdulahi Mohamed Sacdi waxaa maamulka kaga dambeeyay Allaha u Naxariistee Marxuum Hassan Jiri Qalinle. Wuxuu isku dayay inuu meeshii dhismahii ka sii wado, marka la arkay inuu yahay nin ad adag, ku dhawaaqayna in Shacabka laga qaado Afti,taas oo Maamulkiisii lagu Xasuusto oo ay Shacabku ku kala dooranayaan inay ka sii mid ahaanayaan Itoobiya iyo inay Madaxbanaani buuxdda qaadanayaan. Markay arintu meeshaa tagan tahay, ayay Itoobiya go’aansatay inay maamulkaa burburiyaan, mid dambana aan dib looga Samaynin Ogaadeenya.

Caasimadda Ogadenia oo ahayd Goday, waxaa habeen madow loo soo raray Jigjiga. Arintani ma ahayn mid lagala tashadday Shacabka Ogadeenya.

Maamulkii Hassan Jire waxaa ka dambeeyay Shan Maamul oo uu Gumaysiga ka dhistay Ogadenia. Mid walbana marka uu dantii uu ka lahaa ka dhamaystay ayuu xidhay.

Waa muhiim in la fahmo, Xeeladda Guracan ee uu adeegsanayo Zenawi. Sidda uu u Zenawi wuxuu wariyaha BBCda u sheegay inay Maamul madax banaan uu ka jiro Ogadenia. Manoo sheegi karaa Zenawi, waxa uu madaxbanaani ka fahansan yahay?. Ogadenia waxaa si dhab ah ooga taliya Guddi Militari. Xafiisa Madaxweyne kusheega waxaa fadhiya nin ka socda Xafiiska EPRDF oo ka sareeya qofka ay ku tilmaamayaan Madaxweynaha Gobolka. Go’aan kasta waa in la hor dhigaa Qofkaa Tigreyga ah.

Ogadenia waa la Gumaystaa, labana isma weydiinayso. Mingistu Haile Mariam wuxuu Ogadenia siiyay Madaxbanaani Autonomiya ah. Siddoo kale wuxuu Autonomiya siiyay Eriteria, Tigrey iyo Diridhaba. Intoodiiba kuma ay qancin Autonimiyaddaa la siiyay, waayo waxay ahaayeen kuwa qiyaano ka dambeysay. Tan maanta jirtana waa la mid. hadaysan tii hore ka xumaynba.

Maamulka Zenawi ma aha mid xalaal ah, ee waxay ku dhisan tahay, Dhaca, Boob, Kufsi, Xidhid iyo Jidhdil.

Shacabka Ogadenia wuxuu Caalamka Xorta ah u sheegayaa inuu Madaxbanaani u baahan yahay. Wuxuu u baahan yahay inuu Aayahiisa ka tashaddo.

Zenawi wuxuu wariyaha BBCda u sheegay inay Shacabka isaga raacsan yihiin. Su’aasha meeshaa taal waxa weeye, sidduu ku ogaaday inuu Shacabka isaga rabo? Ma Doorashuu ka qaaday? Siddaa uu Zenawi u leeyahay waxay caddaynaysaa inuu yahay Qof Amar kutaaleeye ah. Hadduu mooday inay Afarta nin oo uu kolkuu doono ka takhalusayo yihiin ama Matalaan Shacabweynaha Ogadenia, waa inuu hadda ogaadaa inuu Xiro Khiyaali ah ku jiro.

Shacabkan wuxuu u baahan yahay. - Inuu madaxdiisa si xor ah u soo dooran karo.

- In Goboladda siddoodii hore eey ahaan jireen lagu soo celiyo, oon la dhihin 5tii qaybba hal kursi ayaa ka dhaxeeya.

- - Ciidamadda faraha badan oo dalkooda laga saaro

- - In Referandum laga qaado, inay ka go’i karaan Itoobiya

- - In loo furo Ganacsiga

- Inuu Qofka lacag intuu doono haysan karo, ee aan la dhihin ma haysan kartid

- - wax ka badan 1000 USD

- - Inay u madaxbanaan yihiin Lacagtoodda, oon la dhihin Qofkii lacag Somali lagu arko waa dambiile.

- - Maxkamadaha waa inay ka madaxbanaan yihiin Siyaasadda.

- - Dadkoodii Xabisyadda ku raagay in loo soo daayo

- - Cadaadiska iyo dulfuulka in laga qaado.

- - Inuu Ubadkooda waxbarasho u helaan fursad

- - Hayado Caafimaadka waa inuu dadka iyo Duunyadaba ay helaan

- - Shaqo iyo Mustaqbal caafimaad qabana waa lagama maarmaan.

Haddaba warkii oo kooban, Xoriyad taam ah ama geeri wax ka dhaxeeyaa Shacabkan uma baahna. Inta aad xalkiisa soo dadajisaa, waa inta ay dhimashadiinu yaraanayso. Dad aan idin rabin iyo dal aan laydinka rabin waxaad isugu dhajisaan waa doqon nomo. Ka fiirso, Zenawiyow ka fiirso.

Diyaariye

Salahdin Maow

radioxoriyo@ogaden.com


Dhegeyso Goosgooska oo Cod ah


WARARKA OGADEENYA:
March.22.2002 |
March.19.2002 |
March.12.2002 | Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety