S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 Khartuum GUJI..
LETTER FROM OGADEENYA
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia) Read here

G O L E
Golaha Beesha Kablalax GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...
MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA OGAADEENYA
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya

Warkii Radio Xoriyo
12 Aprirl, 2002

Warka Madaxdiisi


· Jwxo, oo Baaq ka soo saartay Shacbiga lagu xasuuqay Hargeysa
· Dadkii lagu xasuuqay Hargeysa oo tiro ka mida lagu wareejiyey Itoobiya
· Maxkamada Aduunka oo Goáankeedii ku saabsanaa Xuduuda Eriteriya iyo Itoobiya ku dhawaaqi doonta.

Warkii oo Faahfaahsan

Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa baaq ka soo saartay xaalada Shacbiga Ogaadeenya ee lagu xasuuqay Magaalada Hargeysa waxaana baaqaas inoo soo akhriyey Wariye Dhiidhi Nuur.Haye Dhiidhi.

BAAQA Jabhadda Waddaniga Xoreynta ogaadeenya ka akhri cinwaankan hoose
Shacabka Ogaadeenya wuxuu muddo dheer ku jiray gumeysi naxariis daran. [GUJI]

Sida ay warar xog-ogaal ahi soo sheegayaan maamulka Hargeysa ee Maxamed Ibrahim Cigaal ka taliyo ayaa intii u dhaxaysay 06-10 April 2002 kula kacay Xasuuq iyo Xidhay gebi ahaanba dadkii Ogaadeenya u dhashay ee magaaladda Hargaysa ku noolaa. Sida wararku sheegayaan dadka ilaa iyo hadda la qab qabtay waxay kor u dhaafayaan 170 qof.

Dadka la xasuuqay waxay isugu jiraan dad ganacsato ah oo xoolo iyo badeecooyin kale keenay Hargeysa iyo qaar qaxooti ahaan ugu noolaa magaaladaas. Waxaa iyana ka mid ah dadka la xidhxidhay kuwo soo gaadhay ehaladoodii iyo qaraabadooda. Waxaa la soo xaqiijiyey maxaabiistaa in loo qaybiyey Saldhigyada

Booliska Hargaysa iyadoo 30 ka mid ah markiiba loo gudbiyey Itoobiya oo qorshaha xasuuqa ka dambaysay. Dadkaas waxaa gacanta loo geliyey Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya saldhigiisa ku yaala Bali-gubadle.

Waxaa la saadaalinayaa in kuwa soo hadhay ee wali lagu hayo Xabsiyada Hargaysa iyagana laga daba geeyo kuwii hore ee Itoobiya loo gacan geliyey; qabqabashadiina wali ma dhamaan ee way socotaa.

Waxay warar xogogaal ahi sheegayaan in mucaaradka maamulka ina Cigaal aad u sii xoogaysanayo oo uuna suuqa Hagaysa soo dhex mari karin gaar ahaan markii ay shacabka woqooyi galbeed u cadaatay inuu korsiga ugu fadhiyo maslaxadiisa gaarka ah dalal shisheeye ahna ooy Itoobiya ka mid tahay uu si toos ah uga qaato awaamirta. Wuxuu mucaaradku tusaale u soo qaatay wakiilkii maamulka Cigaal u joogay Addis Ababa Col. Cabdulaahi Askar in laga qaaday jagadii kadib markii Itoobiya ku amartay Cigaal inuu beddelo. Col. Cabdullahi Askar waxaa lagu tiriyaa dadka woqooyi Galbeed magaca ku leh. Jagadii laga qaaday Askar weli cid kale lama keenin.

MAXKAMADA ADUUNKA OO KU YAALO MAGAALADA HAGUE AYAA DHOWAAN SOO SAARI DOONO GO'AAN KAMA DAMBEYS AH

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Adis-Ababa ayaa inoo soo diray dhambaal ku saabsan go’aanka Maxkamada Aduunka ee ku saabsanaa Xuduuda Itoobiya iyo Eriteriya oo la filayo in lagu dhawaaqo maalinta Sabtida ah ee 13 April 2002.

Wuxuu wariyuhu soo sheegay in magaalada Addis Ababa ay aad u qasan tahay arrintaa darteed. Sida uu soo sheegay xukuumadda kaligii taliye Melez Zenaawi ayaa isu diyarinaysa go'aanka maxkamadda ee la soo saari doono maalinta Sababtida ah go’aankaas oo cadayn doona xadka labada dal u dhexeeya.

Wararku waxay sheegayaan buu wariyuhu yidhi in Ururada mucaaradka ahi ay si weyn uga soo horjeedaan Siyaasadda Melez ee arintaa ku saabsan. Ururadaasi waxay ka soo horjeedaan Siyaasadda keli taliska ah ee Melez waxayna isu diyaarinayaan mudahaaraadyo in lagaga takhaluso taliska aan la rabin. Wararku waxay intaas ku darayaan Zenaawi si uu qalalaasaha isaga ku wajahan uga hor tago ayuu magaalada Addis Ababa banaanka ooga saaray Generaalo khatar ku noqon karo haddii Addis Ababa ka dhaco Kac-doon balaaran oo taliskiisa lagaga soo horjeedo.

Sidaa darteed wararka xog-ogaalka ahi waxay sheegayaan inuu Zenaawi xita ku kalsoonaan waayey Mekkele oo gobolkiisa ah. Waxaa 7dii April lagu qabtay shir balaaran oo taliska Zenawi lagaga soo horjeedo taas oo welwel weyn ku ridday Males Zinaawi.

Ugu dambeeynii wuxuu wariyuhu noo soo sheegay in warar Diblomaasi ahi sheegayaan in danjirayaalka dalalka reer Galbeedku ku iskuraaceen inay warbixin ka siiyaan dalkooda xuquuq meel kaga dhaca ka jira Itoobiya.

Qamaan Xirsi
Radio Xoriyo
Addis Ababa

Dhegaystayaal Warkii Caawa waa naga intaas.

Abdi Madaale
Radiyo Xoriyo, 12 April, 2002

radioxoriyo@ogaden.com


Dhegeyso warkaan oo Cod ah


WARARKA OGADEENYA:
April.12.2002 | April.9.2002 | April.5.2002 | April.2.2002 | March.29.2002 | March.26.2002 | March.22.2002 | March.19.2002 | March.12.2002 | Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety