S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 wuxuu isku raacay in Bisha Maarso 2002 Shir-Weyne Soomaaliyeed laguqabto Kenya GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...
MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda
XASAN ABSHIR FAARAX
Profile | CV

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA OGAADEENYA
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya

Warkii Radio Xoriyo : 15 Jan, 2002

Ciidanka Gumeysiga Itoobiya oo Wardheer ku Xidhay Dad Shacbiga ah oon waxba Galabsanin

WHY AMERICAN & ETHIOPIAN INTERESTS CONFLICT ON SOMALIA
COMMENTARY: Ogaden Online Editorial Board
January 15, 2002 - A look at recent headlines may lead you to believe that Ethiopia’s strategic interests in Somalia coincide exactly with US wishes for the war torn country. However, closer observation of the political dynamics of Ethiopia’s interference in the internal affairs of Somalia dictates otherwise.
Read More... [OOEB]
Wariyaha Raadiyo Xoriyo uuga soo warama Arimaha Bulshada ayaa soo diray dhambaal xambaarsan Ciidanka Gumeysiga Itoobiya oo usbuucii oogu danbeeyey Bishii December ee sanadkii inaga tagay ku xidhxidhay Dad rayad ah oon haba yaraatee waxba galambsanin.Dadkaas oo aad u fara badnaa waxaa Raadiyo Xoriyo soo gaadhay Magacyadii Qaar kamida waana kuwan soo socda oo ka kooban 9 Nin iyo 5 Haweena

01-Barre Abdi Mahadi
02-Diiriye Siraad Xassan
03-Ismaaciil Toori Abdulahai oo ah nin ay si gaara ula dhaqmaan aadna loo jidh dilay.
04-Afrikaan Daahir Saalax
05-Khadar Sheesh Ahmed
06-Bashiir Ali Daahir
07-Daahir Abdi Badel
08-Mohamed Sheekh Abdi
09-Khadar Aden Mire
10-Saynabo Barkhadle
11-Nimco Abdi Ahmed
12-Aasiyo Haybe Ali
13-Qureesh Sheekh Ahmed
14-Iyo Xambdi Ahmed Osman

Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya oo si joogto ah Argagixso oogu haya Shacbiga Dulman ee Soomalidda Ogaadeenya waxaad moodaa kolay mudo joogaanba in ay dadka ku bilaabaan Kacdoon hor leh oo Ciqaabihii ku sii kordhinaya si ay isu tusaan in ay wali awood leeyihiin oo waxay doonaana ku samayn Karaan.

Mudaharaad laga soo Hor Jeedo Siyaasadda Gumeysiga Itoobiya ee Ogaadeenya oo Ka Dhacay Magaalada Jig-Jiga

Wariyaha Wareega ee Radio Xoriyo Kooshin Sugule ayaa inoo soo diray Dhambaal Xambaarsan Banaan Bax Lagaga soo hor jeedo Siyaasada Gumeysiga Itoobiya ee Ogaadeenya oo ka dhacay Magaaladda Jigjiga oo ah Xarunta Maamul ku sheega ay Itoobiya ka dhoob dhobatay Ogaadeenya.

08 Jan, 2002 waxaa Magaaladda Jig-jiga oo ah Xarunta Maamulka Dabaqoodhiga ah eey Itoobiya ka Malooqatay Ogaadeenya kaas ooy ka qayb galeen dhamaan Qaybaha Bulshadda Ogaadeenya ee ku nool Magaaladda Jig-Jiga, sida Odayaasha, Haweenka,Dhalinyaradda, Siyaasiyiinta Qarsoon, Caruurta iyo Kuwo kale.

Dadkaas oo isugu soo baxay Fagaaraha weyn ee Garoonka Magaalada Jig-Jiga waxay goobtaas ka jeediyeen Qudbado kala duwan ooy ka hadalkeedii ka qayb galeen dhamaan Dadkii Banaan Baxayey iyagoo ka cabanayey Horumar laáanta ay Itoobiya ku hayso Ogaadeenya, Cadaadiska iyo Cabudhiska ay Guud ahaan Shacbiga ku hayso,Ururada Daba Dhilifka Itoobiya ah ee haya Maamulka Dabaqoodhiga ee la yidhaahdo Ururka Dimuqraadiga Dadka Soomaalida oo ah mid bah wadaag lah ah Ururka EPRDFta ee Itoobiya ka taliya.

Sodoo kale waxay dadku ku dhawaaqayeen kalmado googoos ah oo ahaa Jwxo, ha noolaato Halganka Shacbiga Soomaalida Ogaadeenya ha guulaysto.Waxaa kale ooy lahaayeen Ururka Daba Dhilifka Dabaqoodhiyiinta ee Jig-Jiga ha dhaco.

Waxaa iyadana lagu xidhay Magaalada Jig-Jiga oo ah Xarunta Dabaqoodhiyiinta Maamulka Ogaadeenya 5 Sargaal oo ka tirsanaa Xafiisyada Gaadiidka iyo Canshuuraha ee Maamulkaas Dabaqoodhiga.Kuwaas oo lagu soo eedeeyey in ay Been abuureen Warqadaha Shaciga Taarikada Baabuurta iyo Kuwa Canshuur Qaadida waxaa dad xog ogaal ahi ay sheegeen in ay hawshu ahayd Mashruuc ay kolkii horeba isku ogaayeen iyaga, Tigreega iyo Maamulka Dabaqoodhiga ee ka jira Ogaadeenya kaas oo dhigayey in hab musuqmaasuq ah Hantida Dadweynaha loo wada lunsado kaas oo kashifmay markii lagu heshiin waayey habkii lacaha soo gali jiray lagu qabsan lahaa kaas oo qaarkood dooneen saami kuwa kale ka sareeya.

Musuqmaasuqa ayaa ah hab caan ay ku tahay Itoobiya iyo dadka u shaqeeya isla markaana noqda Dabin marka dambe laysku rido kolka Boobka lagu heshiin waayo.

Kooshin Sugule,
Radio Xoriyo,Jigjiga

QEYBTA 102aad OO SI RASMI AH LA KALA DIRAY

Wariyaha Wareega ee Radio Xoriyo Qamaan Xirsi ayaa inoo soo diray Dhambaal Xambaarsan Kaligii Taliye Males Zinaawi oo kala Diray Qabta 102 kadib markii uu u arkay in ay ka hor imaan karaan.

Qeybta 102 ee ciidamada qalabka sida ee Itoobiya oo ah qeyb caan ahaa isla markaasna ahaa qeyb ay ka tirsan yihiin ciidamo uu dhashay qowmiyada tigree ayaa si rasmi ah loo kala diray. Sidaan uu ognahay qeybta 102aad waxuu ahaa laf dhabarka TPLF. Waxuuna ahaa qeybtii loo kala diri meel walba oo laga dareemo Kacdoon. Hadaba ka dib marka la xidhay sarkaal ka mid ah qeybtaas oo la yidhaahdo Major Woldeselassie Abraha waa walaalka Siye Abraha,wasiirkii hore ee gashandhiga oo haatan xidhan) ayaa aad looga shakiyay in qeybta 102aad ay noqoto midii inqalaabi laheeyd Melez Zenaawi. Sarakiisha la xidh xidhay oo ka tirsanaa qeybtaa 102aad waxaa ka mid ah 4 koroneel oo kala ah

Col. Goliad Col. Eleni Col. Kuhlen Col. Hailu Xidhxidhka sarakiisha kuma eka qeybta 102aad

Waxaa kale oo xidhan General Tadesse Berhe oo wasaarada gaashandhiga ka ahaa sarkaal sare. ugu dambeeyn, warar la xaqiijin karin ayaa sheegayo in Major Woldeselassie Abraha oo xidhnaa mudo 8 bilood la sii daayey ka dib jir dil xun oo lagu sameeyey. Major Woldesellassie Abaraha (waa walaalka Siye Abraha) waxaa lagu hayay xabiska la yidhaahdo "Tatek" oo 10 Kilometer dhinaca galbeed ka xigta xaasimada Itoobiya ee Addis Ababa.

Qamaan Xirsi
Radio Xoriyo, Adis-Ababa

Warkii Caawa waa naga intaas

Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 15 Jan,2002 radioxoriyo@ogaden.com
Eegana Waa Googooskii Kooxda Ogaal ee Jwxo, iyo Siyaasadda Gumeysiga Itoobiya ee Soomaaliya.
Dhegeyso Goosgooska oo Cod ah


WARARKA OGADEENYA:
January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk



Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety