DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo
Wararka Ogaadeenya
Warkii Radio Xoriyo
09 April, 2002
Warka Madaxdiisii
· Ururkii Samafalka Ogaadeenya AWS oo Albaabada loo Xidhay
· Dad u dhashay Ogaadeenya oo shacbi ah Tiradooduna ay 63 qof kor u
dhaafayso oo lagu xidh xidhay Magaaladda Hargaysa
· Jaaliyadda Ogaadeenya ee Finland oo Qabatay Shir Sanadeedkeedii Caadiga
ahaa
· Ururka Nabadaynta Soomaaliyeed oo ku eedeeyey Itoobiya hubka ay ku dal
dasho Soomaliya.
Warkii oo faahfaahsan
Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo Warama Magaaladda Adis-Ababa Qamaan Xirsi ayaa
inoo soo sheegay Warar naxdin leh oo sheegaya in 6 April 2002 albaabada loo
xidhay Ururkii Samafalka Ogaadeenya AWS.Ururkani wuxuu ahaa ka kaliya ee ka
shaqeeya Ogaadeenya iyada ooy Itoobiya horay ooga mamnuucday Ururadda
Samafaladda Caalamiga ah iyo Kuwa Gobaladuba in ay si Xor ah Ogaadeenya ooga
shaqeeyaan
AWS oo in badan loo geystay dhibaatooyin farara badan waxaa jirtay dhawr jeer
oo hore in la xidh xidhay madaxda Ururkaas maamusha kuwaas oo hawlo la taaban
karo oo baniáadamnimo ka qabtay Ogaadeenya.Hawlaha ay qabteen ooy ka mid
ahaayeen Dhisida Dugsiyo Waxbarasho, Quudinta Xarumaha Dhalaanka iyo Dad badan
oo ku soo bara kacay Abaarihii Kal hore,Qodida Ceelal Badan oo laga hir galiyey
Ogaadeenya oo idil,Dhisida Isbitaalo iyo Adeegyo kale oo muhiim u ah bulshada.
Gudoomiyihii hore ee AWS Dr.Mohamed Gaani ayaa mudo hore lagu xidhay Magaaladda
Adis-Ababa iyada oo dhibaatooyin fara badan loogu geystay Xabsiga.Sidoo kale
waxaa ciqaab la mid ah midaas ka fakaday intii ayna qabanin Ciidanka Cabudhiska
Gumeysiga Itoobiya bishii May 2001 Afhayeenkii AWS Mohamuud Ugaas Muhumed kadib
markii uu Wakaaladaha Wararka ee Caalamiga ah siiyey warar xaqiiqo ah oo ku
salaysan Xaalada Dhabta ah ee uu Shacbiga ku sugnaa xiligii Abaartii April 2001
iyo Rajo Laáanta Itoobiya oo doonaysay in ay ku madhiso Shacbiga u tabaalaysnaa.
Sida ay sheegayaan warar naga soo gaadhay Magaaladda Hargeysa ee Gobalka Waqooyi
Galbeed Soomaaliya waxaa Xukumada ina Cigaal ay ku xidh xidhay 06 April 2002 dad
gaadhaya 63 qof oo u dhashay Shacbiga Ogaadeenya kuwaas oo ahaa Safaro
Xoolo,Subag,Hargo iyo Xabag geeyey Hargeysa oo u ahaan jirtay Xarun Ganacsi.
Qab qabashada Safrahan ka yimid Ogaadeenya ayaa hor u dhac u ah Amarka ay
Itoobiya ku soo amartay Ina Cigaal in uu hir galiyo Siyaasadda Gumeysiga
Itoobiya taas oo Hubka isugu dhiibaysa dadka Shacbiga ah ee Walaalaha ah si
iyada looga jeedsado.Ina Cigaal oo dhawr jeer oo hore isku dayey in uu falal
noocaas oo kale ah ka hir galiyo Waqooyi Galbeed iyo Ogaadeenya isagoo dad
Shacbi ah Qab qabtay una dhiibay Itoobiya kuma uusan guulaysanin Dabkuu
afuufayey in uu huro.
Siyaasiyiin u dhashay Waqooyi Galbeed Soomaaliya oo uu Radio Xoriyo kala
xidhiidhay arintaas waxay sheegeen in arintan tahay mid kali ku ah Ina Cigaal
ayna og yihiin falalka uu ku kacayo iyo Cawaaqib xumada ka imaan karta intii
tabartooda ahna ay ka hor tagayaan.Ina Cigaalna Hagardaamooyinka iyo Fidmooyinka
uu wado ay yihiin kuwo saameeyey Dhamaan dadka Soomaaliyeed ooy ku jiraan reer
Wayooyi Galbeed.
Wariyha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Wadanka Finland Shabeel Raage ayaa inoo
soo diray dhambaal Xambaarsan Shir ujeedadiisu ahayd Abaabulka Shabiga
Ogaadeenya iyo Kor u qaadiida Halganka oo ka dhacay Wadanka Finland.
Jaalliyadda Ogaadeen ee ku nool dalka Finland ayaa yeeshay shir sanadeedkoodii
Caadiga ahaa 5 April 2002 kaas oo ka dhacay Magaalo Madaxda Finland
Helsink.Shirkaas oo guul ku dhamaaday kadib markii laga dooday Qodobo badan oo
dhamaantood ku saabsanaa Hirgalinta Halganka Shacbiga, waxaa ugu danbayntii ka
soo baxay qodobadan.
· In la laban laabo kaalinta ay halganka kaga jirto Jaaliyadda Ogaadeenya ee
Finland.
· In dadka iyo dawladda Finland laga dhaadhiciyo dhibaatada ay Itoobiya ku
hayso shacabka aan wax galabsanin ee Ogaadeenya.
· In la xoojiyo wada shaqaynta iyo isku xidhnaanta Jaalliyadaha Ogaadeenya
ee ku nool dalalka dibadda gaar ahaan Yurub iyo Waqooyi Amerika.
· In kor loo qaado Tayada Xubnaha Jaaliyadda iyo Unuga Jwxo, ee Finland.
· In Cid walba oo u dhalatay Ogaadeenya kuna nool Finland ay kaalinteeda
halganka ka buuxiso
Iyo Qodobo kale oo dhamaan Khuseeyey Geedi Socodka Halganka Shacbiga Ogaadeenya.
Addis Ababa oo loogu yeeray inay joojiso hub ay ku dal-dalayso Dawlad Goboleedka
Puntland (DGPL)
Ururka Nabadaynta Soomaaliyeed SPR ayaa Warsaxafadeed uu soo saaray 06 April,
2002 kana soo baxay Magaaladda Gaalkacayo, ku eedeeyey Dawladda Itoobiya in ay
Hub iyo Qalab Milatari ku soo dal dalayso Soomaaliya, kaas ooy soo siinayso
kooxa ay taageerto.Warsaxafadeedkaas oo looga hadlay arimo badan waxay ku
bilaabeen.
Waxaa ah wax had iyo goor lala yaabo dhawaaqa Dawladda Itoobiya inay raadinayso
xallinta arrimaha Somaliya iyadoo isla markaasna hub ku dal-dalaysa qaar ka mid
ah gobollada Somaliya, oo ay ugu dambeysay Dawlad Gobaleedka Puntland.
Waxaa hubaal ah in Dawladda Itoobiya ay lixdii bilood ee u danbaysay ay dhowr
jeer hub iyo rasaas soo siisay xubnaha ay taageerto,Hubkaas oo badankiisu soo
galay xiligii ay oogned xasardii Tastuuriga ahayd DGPL.
Ma aha hub iyo rasaas oo kaliya ee waxay dawladda Addis Ababa ay soo gelisay
cutubyo ka tirsan ciidankeeda xaduudka Somaliya, ayadoo ay markii u dambasay
fadhiyeen Garoowe muddo bil ka badan, kuwaasoo ka baxay halkaas gelin ka hor
markii uu furmayey shir-madaxweyneedkii IGAD ee Khartoum, bishii 1aad ee
sannadkaan.
28kii bishii Maarso 2002, waxaa Golaha Amnigu soo saaray baaq ay ku muujinayaan
walaaca ay ka qabaan Hubka ay wadamada darisku ku soo daldalayaan Soomaaliya
Goluhu waxuu Dawladaha dariska ooga digay inay si wanaagsan u dhaqan geliyaan
go'aankii hub ka xaaramaynta (Somaliya) ee tiradiisu ahayd 733, lana gaaray
1992, sidoo kale in loo soo sheego guddiga ay khusayso wixii war ah ee ku
saabsan jabinta go'aankaas".
Isla waaberiga maalintii 29 Maarso 2002, waxaa magaalada Gaalkacyo soo galay
raxan baabuur ah oo sida Hub iyo rasaas ay Itoobiya soo siisay Co.Abdulahai
Yusuf si uu ugu wax yeeleeyo maamulka Tastuuriga ah ee Dawlad Gobaleedka
Puntland.
Waxay SPR ugu yeeraysaa UNka, OAU, IGAD, OIC iyo Jamacadda Carabta inay
xukuumadda Addis Ababa kala xisaabtamaan ficillada hub ku shubidda ee ay ka
waddo Somaliya. Waxaannu sidoo kale Itoobiya ugu yeeraynaa inay ogaato in daris
wanaaggu dan u yahay Itoobiya iyo reer Puntland
Intaas waxaan ooga gudbaynaa Warsaxafadeedkii ka soo baxay Ururka Nabadaynta
Soomaaliyeed SPR.
Warkii Caawa waa naga intaas.
Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 09 April, 2002
radioxoriyo@ogaden.com
Dhegeyso warkaan oo Cod ah
WARARKA OGADEENYA:
April.9.2002 |
April.5.2002 |
April.2.2002 |
March.29.2002 |
March.26.2002 |
March.22.2002 |
March.19.2002 |
March.12.2002 |
Febuary.26.2002 |
Febuary.19.2002 |
Febuary.15.2002 |
Febuary.12.2002 |
Febuary.8.2002 |
Febuary.5.2002 |
Febuary.1.2002 |
January.29.2002 |
January.25.2002 |
January.18.2002
|
January.15.2002
|
January.11.2002
| January.8.2002
| January.4.2002
| December.28.2001
| December.21.2001
| December.18.2001
| December.14.2001
| December.11.2001
| December.7.2001
| December.4.2001
| November.30.2001
| November.27.2001
| November.23.2001
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk