S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 Khartuum GUJI..
LETTER FROM OGADEENYA
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia) Read here

G O L E
Golaha Beesha Kablalax GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...
MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA OGAADEENYA
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

"Arimaha Soomaali Galbeed ama Soomaalida Itoobiya waxa ay khuseysaa Soomaalideena halkaan deggan, cidkale ma khusayso" Dr.Cabdul-Majiid Xuseen Safiirka Itooobiya ee UNka, 26/3

Waxaa kale oo kamida waraysiga radio Sagal in C/Majiid sheegay qodobadan.

  • Xuquuq nagamaqan majiraan (Shacabka Soomaalida Itoobiya)
  • Kuwa sheeganaya ONLF, horta hadii umad Soomaaliyeed loo halgamayo waa in la qaato magac Soomaaliyeed
  • Hadii codka 51(%) soomaalida Itoobiya doonayaan in ay ka go'aan itoobiya way ka go'i karaan
  • Waxa ay qorayaan (ONLF) waxba kama jiraan, waana in dadka (dibadaha) loo sheegaa, horta Sannadihii ugu dambeeyey ciidan Itoobiyaan oo meesha ku dhintay majiraan, xabadaha ay furaan (ONLF) shacab Soomaaliyeed ayaa ku dhinta, waana in ay ka jawaabaan.
  • Waxaan u jeedaa (in ay argagixiso yihiin) kuwa looghu yeero (OLF) Oromo Libration Front.
  • Shirka Kenya ee Soomaalida waan taageersanahay.

Wararka Ogaadeenya

Warkii Radiyo Xoriyo
02 April, 2002

Warkii oo Urursan

· Afhayeenka Jwxo, oo ku eedeeyey Itoobiya in ay Xadgudub weyn kula dhaqanto Shacbiga Ogaadeenya

· Dulmiga iyo silica Itoobiya ku hayso shacabka Ogaadeenya oon hakad lahayn

· Degaalo Dooxatays ah oo Dhex Maray CWXO iyo Kuwa Gumeysiga Itoobiya

Isagoo Faah Faahsan

Afhayeenka JWXO N/hure Hanad Malingur ayaa sheegay in xadgudubka xuquuqal insaanka ay Itoobiya kula dhaqanto shacabka Ogaadeenya uu gaadhay heer aad u sareeya taas oo loo baahan in ay Beesha Caalamku indhaha u furto. Afhayeenka waxuu sheegay in ay haataan kumanaan qof oo Shacbi ah oon waxba galabsanin oo u dhashay Ogaadeenya ay ku xidh xidhan yihiin Xeryaha militariga Itoobiya ee ku yaala Ogaadeenya oo dhan, kuwaas oo lagula kaco waxyaalo Xuquuqul Insaanka ka baxsan. Afhayeenka waxuu sheegay in beesha caalamka uu waajib ka saaran yahay in ay ka wardoonaan dadka shacabka oon waxba galabsanin ee Maalin iyo Habeen walba lagu gumaado Ogaadeenya..

Afhayeenka JWXO Hanad Malingur waxaa kale oo uu iyadana sheegay in ay Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO) ay uga digayso Gumeysiga Itoobiya in aan loogu dul qaadan doonin Cabudhiska iyo Gumaadka ay ku hayso Shacbiga aan waxba Galabsanin iyadoo cid kasta oo geysata Fal Dambiyeed ka dhan ah Xuquuqda Baniáadamka ay Masuuliyadeeda Qaadi doonto aynana heli doonin meel ay ku gabato.

Afhayeenka JWXO oo xaalado badan ka hadlay wuxuu ugu danbayntii oogu baaqay Shacbiga Ogaadeenya in ay ka dhiidhiyaan Cabudhiska iyo Caga Jugleynta lagu hayo taas ooy kaga bixi karaan oo qudha Xoriyad ay ku gaadhi karaan Mintid.Hanad Baaqaas oo ka soo baxay Xafiiska Jwxo, ee Wawhington 01 Aprirl, 2002

Hanad Maalinguur, Afhayeenka Jwxo.
Washington, 01 April, 2002.

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Arimaha Bulshada Maryama Ruun Liiban ayaa inoo soo dirtay Dhambaal kale oo xambaarsan,dulmiga iyo xuquuq meel kaga dhacay Itoobiya ku hayso shacabka Ogaadeenya oo gaadhay heer aan iyada oo kale caalamka lagu arag. Sababaha ay Itoobiya ugu dhiiran tahay inay dad aan waxba galabsanin u gumaaddo waxaa u hor gal ah bulshaweynta caalamka oo indhaha iyo dhegahaba ka xidhantay.Jariimooyinkii ugu dambeeyey ee Itoobiya shacabka masaakiinta ah ka gashay waxaa ka mid ah:

Magaalada Gurdumi 14 Maarso 2002 dad badan oo lagu xidhxidhay waxaa ka mid ah:

1. Cali Xaad iyo Xaaskiisa 
2. 2.Tahar Cabdi 
3. Mukhtaar Xuseen Beendaac 
4. Axmed Abdinaasir 
5. Shukri Maxamed Ciise 
6. Muxumed Aw Biixi 
7. Muxumed aw Cismaan.
Isla magaaladaa Gurdumi waxaa ciidanka cabudhiska Itoobiya ay ka dheceen 
xoolahoodii afar qoys dadka meeshaa deggan ka mid ah.

Magaalada Qoriile oo uu horey ugu xidhnaayeen dad aad u fara badan ayaa 16 Marso  2002 waxaa kuwii hore laga daba geeyey 

1. Fasiix maxamed Cabdi Cawl 
2. Bishaar Suguule Cali 
3. Cabdi Maxamed Caafi 
4. Cabdi Weli Xasan Raage 
5. Bishaar Ibrahim Xuseen 
6. Sheikh Maxamed Camaley 
7. Mukhtaar Muxumed Daahir 
8. Xuseen Xasan Nuur 
9. Amran Yuusuf Baylah 
10. Cabdi Madoobe Xiiray 
11. Xasan aw Maxamed Cali 
12. Xasan Maxamed Cumar 
13. Cabdi Xiis Sheikh Maxamed aw Nuur 
14. Muxumed Siraad Macalim

Magaalada Q/Dahare dadkii lagu xidhay bishan 6dii ayaa cuntadii ka soomay. Dadkaas shacabka ah oo rag iyo haween isugu jira waxaa maxkamadda Q/Dahare la keenay 3 jeer. Wax dambi ahna waa lagu waayey. Waxaad dadkaas ka mid ah haween xaamilo ah iyo kuwo d’a oo tabar daran. Waxaa jira qaar xabsiga ku umulay ooy ka mid tahay gabadha la yidhaahdo Ruqiya Maxamed Sulub. Waxaa la sheegayaa in dadkaas aad loo jidh dilay. Markii ay maamulka gobolku wax dambi ah ku waayeen dadkaas ayaa 43 ka mid ah loo qaaday Jigjiga, waxay maanta ku sugan yihiina lama oga.

Magaalada Shaygoosh dadkii badnaa ee ku xidhnaa waxaa jidh dilkii xabsiga dhexdiisa ku dhintay nin la yidhaahdo Kaad Abdi Budul

Tuulada Huurale duleedkeeda nin shacab ah oo marayey ayey Dabaqoodhiga indhaha u ah Ciidanka Cabudhiska Gumeysatada Itoobiya ku dileen. Ninkaas weli nama soo gaadhin magaciisa.

Tuulada Cadalay 26/3/2002 oo ah saldhig xer uu madax u yahay Sh. Cabdulaahi Sh. Maxamed Sh Daahir oo Ogaadeenya aad looga yaqaano ayey ciidan aad u badan ku weerareen. Dadkaas shacabka ah waxay Itoobiya u adeegsatay hub aad u waaweyn. Sida wariyahanagu noo soo sheegay dad badan ayaa lagu laayey tuuladaas. Magaalada Q/Bayax waxaa la keenay 4 nin oo mayd ah.

Wuxuu wariyuhu sheegay in tuuladaas aad ciidanka cadowgu u bililiqaystay kufsi dhac badana ku sameeyeen dadkii deggana. Sida wararka xog ogaalka ah sheegayaan waxaa Sh. Cabdulaahi Itoobiya ku amartay inuu joojiyo duruusta diinaga ah ee uu bixiyo, middaas oo uu Sheikhu ka diiday.

Tuulada Garowo oo Dh/Buur u dhow waxaa 27/3/2002 ay Dabaqoodhiga Itoobiya u shaqeeya ku dileen saddex nin oo laba walaalo tahay midka kalena ay abti u ahaanyeen oo kala ah

Muxumed Aadan.
Mawliid Ahmed Ali Dirir
Abshir Ahmed Ali Dirir

Dabaqoodhigaa inay falkaas foosha xun sameeyaan waxaa soo hubaysay kuna soo amartay Itoobiya iyada oo uga dan leh inay dadweynaha coolaad iyo fidno dhexdhigto. Falka noocaas ah ee ah in dadweynaha hubka laysugu dhiibo iyada oo u adeegsanaysa dabaqoodhiga ma aha markii ugu horaysay..

Sida Wariyha Raadiyo Xoriyo uga soo warama CWXO soo sheegay dhowr meelood ayey dagaalo ku dhexmareen CWXO iyo Ciidanka Cabudhiska Gumeysatada Itoobiya kuwaas oo waxyeelo weyn lagu gaadhsiiyey cadowga.Goobaha ay dagaaladaasi ka dheceena waxay kala ahaayeen:

1. Bishan Maarso 13, 2002 dagaal ka dhacay meesha la yidhaahdo Kudunbuur oo ka tirsan Gobolka Qorahay, waxaa askarta Itoobiya lagaga dilay 5 askari 7 kalena waa laga dhaawacay.

2. Maarso 14, 2002 dagaal Guunagado ka dhacay waxaa askarta cadowga lagaga dilay 8 askari 5 waa laga dhaawacay.

3. Maarso 19, 2002 isla Kudunbuur dagaal markale ka dhacay wuxuu CWXO ciidanka Itoobiya kaga dilay 3 askari 2 wuu ka dhaawacay.

Warkii Caawa waa naga intaas.

Abdi
Radio Xoriyo, 02 April 2002

radioxoriyo@ogaden.com


Dhegeyso warkaan oo Cod ah


WARARKA OGADEENYA:
April.2.2002 | March.29.2002 | March.26.2002 | March.22.2002 | March.19.2002 | March.12.2002 | Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety