S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 wuxuu isku raacay in Bisha Maarso 2002 Shir-Weyne Soomaaliyeed laguqabto Kenya GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...
MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda
XASAN ABSHIR FAARAX
Profile | CV

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA OGAADEENYA
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya

Warkii Radio Xoriyo : 08 Feb 2002

Warkii oo Urursan

Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya oo Weeraro Gaadmo ah ku sameeyey Ciidanka Gumeysiga Itoobya

Bahalnimadda ay Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya kula kacaan Shacbiga Ogaadeenya oo sii badanaysa

Urur Cusub oo la yidhaahdo Ururka Dhaliyarada Ogaadeenya-UDHO oo laga sameeyey Wadanka Maraykanka

Isagii oo Faahfaahsan

Wariyaha Raadiyo Xoriyo ooga soo warama Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa inoo soo diray dhambaal Xambaarsan degaalo dhex maray Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya iyo Ciidanka Gumeysiga Itoobiya.Degaaladaas oo joogto ah waxay inta badan dhacaan marka Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya dhibaatooyin u geystaan Shacbiga Ogaadeenya si Bahalnimadda ay Shacbiga kula kacaan looga difaaco.Waxaana oogu danbeeyey kuwan.

26 Jan,2002 Quulaalayow Weerar kadis ah ooy Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya ku qaaday Ciidanka Gumeysiga Itoobiya. Waxay goobtaas kaga dileen 6 askari 4 kalena way kaga dhaawaceen.

31 Jan 2002 Qolad oo ka tirsan Gobalka Dh/buur dagaal isna ka dhacay oo Ciidanka Gumeysiga Itoobiya aad loogu waxyeeleeyey hase ahaatee aan weli tirada waxyeelada gaadhay na soo gaadhin.Iyada oo madaxdii dawladda Itoobiya ee gobolka Dh/Buur ay goobtaas aadeen si ay mashaqada meeshaas lagu gaadhsiiyey Ciidanka Gumeysiga Itoobiya inta ay la eg tahay ay u soo qiyaasaan.Madaxdaas ooy ka mid ahaayeen Kuwii Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya ee Saldhiga Dh/buur

Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya oo hubka u qaaday in ay Gumeysiga Itoobiya ka sifeeyaan Ciida Ogaadeenya Jabka ay ku hayaan Gumeysiga Itoobiya waxaad moodaa in ay wadi doonaan.

Bahalnimadda ay Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya kula kacaan Shacbiga Ogaadeenya een waxba galabsanin oo sii kordhaysa.

Wariyaha Raadio Xoriyo ooga soo warama Arimaha Bulshada ayaa isna soo diray dhambaal Xambaarsan Dhibaatooyin uu Ciidanka Gumeysiga Itoobiya u geystay Shacbiga aan waxba Galabsanin ee Ogaadeenya. Bahalnimadda ay Kula kacaan Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya waa mid gaadhsiisan Xad aad u qalafsan oon Beesha Caalamka ee horumartay ayna u dul qaadan karin xiligan aan hadda ku jirno, waxaana oogu danbeeyey

13 Jan, 2002 Gunagado oo ka tirsan Gobalka Dh/buur Wuxuu Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya ku dilay Maxamed Cabdi Jibre, adhigiisii dhamaantiis waxay qalatay iyo waxay la tagtay ayey ka dhigtay.

14 Jan 2002 Gudhis oo ka tirsan Gobolka Nogbeed afar nin oo ay askarta gumeysatadu la tagtay waxay xaaladoodu ku sugan tahay war ilaa hadda looma hayo. Waxay afarta nin kala yihiin;

1- Cusmaan Sh. Muxumed,
2- Ismaaciil Cabdi Sagal,
3- Bashiir Abukar iyo 
4- Axmed Cabdi Cusmaan.

15 Jan, 2002 Dh/Buur waxay ku xidhxidhay dad badan oo ay ka mid ahaayeen

1- Ibraahim Muxumed Jaamac
2- AxmedNuur Ibraahim Rashiid
3- Deeq Xaashi Ilyaas
4- Cabdi Maxamed Cabdi
5- .Shariif Axmed
6- Cabdi Cali-Xaydar
7- Cabdi Maxamed Adowaa;
8- Sheikh Xasan Maxamed Macalim
9- Khadar Cumar Odowaa
10-Mukhtaar Sheikh Maxamud
11-Maxamud Muxumed Cilmi
12-Dheeg Adar Yuusuf
13-Iid Muxumed Khaliif
14-iyo Maxamed Muxumed Cilmi. Maxaabiistaas sida wararku ay sheegayaan aad ayaa loo jidh dilay welina jidh dilaa habeen iyo maalinba.

15 Jan, 2002 Wargaasad oo ka tirsan gobolka Dh/Buur waxay ku xidhxidhay gabadh 
la yidhaahdo 

1-Dheeraad Maxamed Aar iyo
2-Abdifataah haybe.

17 Jan, 2002 .Baraajisaale waxay ku dishay laba nin oo la kala yidhaahdo

1- Jihaad Cabdi Aar iyo
2- Timacadde Cabdullaahi Aar.

25 Jan,2002 Magaalada Aabaqorow oo ka tirsan Gobalka Afdheer waxay ku xidheen 

1-Gacamay Mohamuud Gaarax iyo
2-Axmed Maxamed Cali.

27 January 2001 wuxuu Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya ku dileen magaalada 
Ceel Jiir saddex(3) nin oo kala ah

1. Saciid Nuur Baashe 
2. Maxamud Daahir Khaliif 
3. Nin lagu naanayso Dhoore oo aan magaciisa buuxa na soo gaadhin. Waxay Halkaas ku dhaawaceen gabadh dhalin yara ah iyo aabaheed ay askar cadowgu mayd ahaan uga tageen hase ahaate aan weli nafi ka dhicin dhibaatadaas awgeed.

29 Jan 2002 Qoriile waxay Ciicanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya ku dileen Weli Cusman nin kalena way ku dhaawaceen oo uusan magaciisu wali na soo gaadhin.

31 Jan 2002 Magaalo Cad oo ka tirsan Gobolka Godey waxay Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ku dileen Cilmi Macalim Cabdullaahi

Isla 31 Jan, 2002 Magaalada Yucub oo ka tirsan Gobalka Doolo oo horay dad badani ugu xidhnaayeen waxay hada kuwii hore ka daba geeyeen

1-Muuna Maxamed Bulhaan
2-Faynuus Cabdullaahi Bulhaan

31 Jan, 2002 Magaalada W/Dheer sidoo kale dadkii ku xidhnaa waxay ka daba geeyeen Tube Maxamud Axmed.

01 Feb, 2002 Magaalada Gunagado oo ka tirsan Gobalka Dh/buur oo awal hore iyana dad badani ku xidhaayeen waxay ka daba geeyeen

1- Xariir Nabadiid
2-Caasha Shariif
3-Aamina Aw Beddel

Dilka, xabiska iyo boobka xoolahooda ay ka boobaan Ciidamada Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya waxay ka mid tahay nolol maalmeedka shacabka Ogaadeenya een wax dambi ah ooy Cidna ka galeen uusan jirin.Dilka, xidhayga iyo xoolaha oo Itoobiya shacabka ka boobto waa nolol maalmeedka shacabka Ogaadeenya, waxayna ka bixi karaan haddii ay helaan xorriyad taam ah.Iyagoo hadda sugaya oo qudha in beesha Caalamku indhaha u furto Dambiyada laga galayo.

Urur Dhalinyaro oo Cusub oo la yidhaahdo Ururka Dhalinyaradda Ogaadeenya ee Wadanka Maraykanka-UDHO USA oo Dalka USA laga sameeyey

Wariyaha Radio Xoriyo uga soo warama Wadanka Maraykanka Darwiish Dalmar ayaa inoo soo diray dhambaal xambaarsan Urur Dhalinyaro oo cusub oo laga sameeyey Wadankaasi maraykanka.Urururkaas oo la yidhaahdo Ururka Dhalinyaradda Ogaadeenya-UDHO ee Maraykanka wuxuu ku soo beegmay xili uu halganka Shacbiga Ogaadeenya la dar dar galiyey, isagoo kaalintiisa uga banaan halganka ka buuxin doona.

Ururka Dhalinyaradda Ogaadeenya ee Wadanka Marayskanka-UDHO USA, siiba State ka Minnossota ayaa dhidibadda loo aasay Bishii inaga tagtay ee Jan, 2002 horaanteedii.Ururkaas oo kaalintiisa ka buuxin doona halganka uu shacbiga Ogaadeenya oogu jiro aaya ka tashigiisa waxaa Gudoomiye loo doortay Muhumed Doctor Ciise oo ah Nin dhalin yar oo ku barbaaray halganka Shacbiga Ogaadeenya oogu jiro aaya ka tashigiisa, Wuxuuna Mudane Muhumed Hogaamin doonaa Gudi dhalin yaro ah oo xil iska saari doona sidii ay Ubadka u dhashay Ogaadeenya ee indhaha ku kala qaaday wadanka Maraykanka oo uusan Gumeysi ka jirin oogu ababin lahaa Qadiyadooda iyo in ay yihiin kuwa keliya ee u maqan dadkooda.Hadaba Muhumed Doctor Isse oo ah Gud.Ururka Dhalinyaradda Ogaadeenya ee Wadanka Maraykanka UDHO USA, si aan arintaas faah faahin ooga helno waxaan waraysi gaaban kala yeelanay arintaas waxaana hadaladiisii ka mid ahaa. -----isagoo maqal ah.

Bulsho weynta Ogaadeenya ayaad moodaa meel ay Dunidan ka joogaan haddii ay yihiin kuwo ku hoosnool Gumeysiga Itoobiya ama ka soo Cararay Cabudhiska dadkooda lagu hayo oo wadamada dibada ku nool in ay Qumbahooda Ligliga haystaan.

Darwiish Dalmar
Radio Xoriyo, Minnossota, USA

Dhegaystayaal Warkii Caawa waa naga intaas.

Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 08 Feb, 2002
radioxoriyo@ogaden.com

Eegana waa faaladdii warka.Faaladeena warka ee Caawa oo ah Qaybtii 5aad ee faalooyinkii is daba jooga ahaa ee Gumeysi diid, Radio Xoriyona uu oogu magac daray Wadada Dheer ee Xoriyadda Waxaa inoo soo diyaariyey Qoraaga Ogaadeenya Hussein Nuur.Waxaana soo akhriyey Ahmed Gaal-Eri.

Ra’isal Wasaara-hoodana wuxuu ka yidhi barlamaanka 12kii Nov. - .. Qofna gorgortan ma galin karo marka ay timaado in la difaaco nabad-galyada umadda Faransa, midnimada dalka Faransa iyo jiritaanka Jamhuuriydda. Haya’daha Algeria waxey ka mid yihiin Jamhuuriyada Faransa. Faransa ayey ka mid ahayeen mudda dheer waana qeyb ka mid ah dalka. Iyaga iyo Faransa cidina ma kala goyn karto. – Waxaa kaaga muuqanaya hadaladaa in aanay marnaba Faransa ku seexan kuna soo toosin in Algeria ay ka hoos baxdo Faransa. Maxey noqotay natiijadii? Dadweynihii Algeria rag iyo dumar iyagoon u kala hadhin ayey bilaabeen dagaal khadhaadh oo xididdada loogu siibayo gumeystaha, iyagoon u aaba yeelayn dhibaatada iyo dilka uu u geysanayo gumeystaha. Tusaale ahaan ciidamada Fransiisaka iyagoo ka aar goosanaya fal dagaal oo jabhadda FLN ay kaga dileen Faransiiska 123 qof, ayey qaadeen dagaal gumaad ah waxeyna laayeen dad rayad ah oo gaaray 12,000 oo Algerian ah. Go’aanka Jabhadda FLN iyo dadweynihii Algeria waxuu noqday inaan laga waaban geerida waxeyna u hebeeyeen gobanimada ay maanta hadhsanayaan in ka badan 1-malyan oo shihiid.

Fransiiskii waxaa qasab lagaga dhigay inuu isagoo dulleysan ka cararo dalka Algeria kana gurto ciidan gaaraya 400,000 oo askari iyo 350,000 oo ah rayad Faransiis ah, iyo 1.4 milion isugu jira Yuhuud iyo dabadhilfkii raacsanaa gumeystaha.

Dhageystayaal, waxaa laga ogsoonyahay caalamka in Faransiisku yahay gumeyste aad u dhaga adag oo aan ka bixin dalkii uu soo galo ilaa gacmaha la jaro, hadana wa taa aad aragteen inuu ka duubtay darmadiisii dhamaan meelihii uu gumeysan jiray, hadaba su’aashu waxey tahay Ciidamada cabudhiska ee Itobiyaanka ah ma ka xoog badanyihiin kuwii Faransa? Dadweynaha Algeria se ma ka geesinama badanyihiin dadweynaha Somaliyeed ee Ogadenya? Jawaabtu waa maya, gumeystaha Itobiyana waa ay ogsoonyihiin middaa, waxa kali ah ay isla dhaga nabayaan waa iyagoo is leh jabhadda ONLF kuma guuleysan karto iney mideyso hadafka iyo awooda shacabka Ogadenya, sidaa darteed ciidanka gobanima-doonka ONLA oo aan wadan garabkiisa shacbi ayaad ka adkaan doontaan. Aragtida sidaa ah waa midda jabisay gumeystoo dhan siina daba dheereysay dagaalada gobanima-doon.

Waxaa hubaal ah inuu xaqiiqsan doono gumeystaha Itobiya mar dhaw in Jabhadda ONLF iyo dadweyna-heeda aan la kala sooci karin si kastaba ha u adeegsado Daba Qoodhiyiinta(Daba Dhilifiinta) Ilaahay iyo umadiisaba ku caasiyay. Mahasanidin.

Diyaariye Hussein Nuur
radioxoriyo@ogaden.com
radioxoriyo@ogaden.com


Dhegeyso Goosgooska oo Cod ah


WARARKA OGADEENYA:
Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety