DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo
Wararka Ogaadeenya
Warkii Radio Xoriyo : 29 Jan, 2002
Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya-Jwxo, oo Warsaxafadeed ay kaga hor jeedo
Siyaasadda Cusub eey Itoobiya Rabto in ay ku Xuub Siibato Soo Saartay
Wariyaha Radiyo Xoriyo uga soo Warama Xarunta Dhexe ee Jabhadda Wadaniga
Xoreynta Ogaadeenya ayaa inoo soo diray Dhambaal Xambaarsan Jwxo, oo
Warsaxafadeed ay soo saartay 25 Jan, 2002 ku Bayaamiysay Siyaasadda Cusub eey
Itoobiya rabto in ay ku Xuub Siibato taas oon ku Til Maami karno Habartii
Xaabadda Qaadi Wayday ee Mida kale ku darsatay, Wuxuuna ku bilowday sidan
Siyaasadaha Cusub ee Itoobiya ee ah habartii xaabada qaadi wayday midda kale ku
dartay
Itoobiya markii ay ku guulaysan wayday in ay Damiso Halganka Shacbiga
Ogaadeenya ayey bilowday sidii Caadada u ahayd arimahan soo socoda
1-In ay ka faaiidaysato ololaha caalamiga ah eey beesha caalamku kula
dagaalamayso argagixisadda caalamiga ah Dawladda Maraykankuna Horseedayso,
iyadoo rabta inay ka dhuumato argagaxa iyo gumaadka ay ku hayso Shacbiga
Ogaadeenya een waxba galabsan iyo Shucuubta kale eey Gumeysato.
Itoobiya oo Argagax, Dil, Dhac, Kufsi, xaqduudsi iyo Xabsi lagu jidh dilo
maxaabiista ku haysa Shacbiga Dulman ee Ogaadeenya waxaa ujeedada ololaha
caalamiga ah ee la dagaalanka argagixisada ujeedadiisu tahay in falalka
argagixisanimada laga tiro caalamka. Hase ahaate waxay doodi ka jirtaa cidda
argagaxa wadda iyo falka argagaxa ah. Waxaa kale oo doodi ka jirtaa in laga
hortago caddaalad darrada ay dawladaha qaarkood oo Itoobiya ka mid tahay ay ku
hayaan shacabka ku hoos nool taas oo saldhig u ah dagaalada gacan ka hadalka ah
iyo degenaansho la'aanta caalamka. Hadaba Itoobiya oo Argagax galisa Beel
Nabdoon oo degen hoygeeda waxaa cad in ayna taas beesha caalamku u dulqaadan
karin waqti ay qaadataba gobolka Geeska Afrikana ay deggenaansho ka dheer tahay.
Sidaa darteed, codsiga ay Itoobiya codsanayso inay ka mid noqoto quwadaha la
dagaalamaya argagixisada waxay uga danleedahay inay qariso xaqiiqada uu taliska
Addis Ababa ku dhisan yahay ee ah argagixisnimo iyo gumeysi shu!
cuubta ay xaqooda duudsiday.
2-Markii ay Itoobiya hab milatari iyo mid siyaasadeed ku joojin wayday halganka
xaqqa ah ee shacabiga Ogaadeenya ayey hada bilowday inay sii xoojiso iska
horkeenka shacabka Ogaadeenya si ay u curyaamiso midnimadiisa uu uga soo
horjeedo gumeysiga iyo dulliga ay ku hayso. Talaabada cadowtinimo ay maanta
qaaday waa mid ka mid ah tabihii ay isticmaali jirtay ay dhamaantood ku
fashiltay; waxaana xaqiiqa ah inay iyadana ku fashilidoonto. Sidaa darteed waxaa
shacabka Ogaadeenya meel ay joogaaba loogu baaqayaa inay cuduudooda mideeyaan si
ay uga hortagaan gumeysiga ilkaha dhiiga ah leh ugana hortagaan shirqooladiisa
si ay u soo gabagabeeyaan dulliga iyo gumeysiga uu ku hayo.
Waxaa kale oon ugu baaqaynaa shucuubta kale ay gumeysato sida shacabka Oromada,
Sidaamo, Binshanqul iyo kuwa kaleba inay mideeyaan xoogooda si ay u soo af
jaraan gumeysiga dhiig miiradka ah ee dullaysan ahayey muddada qarniga ah.
Halganka Shacbiga Ogaadeenya wuu Socon.Ogaadeenya Ha Xorowdo.
Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya, Hoggaanka Warfaafinta
Degaalo Dhawr ah oo Dhex Maray Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya iyo Kuwa
Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya
Wariyaha Raadiyo Xoriyo ooga soo warama Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya
ayaa soo diray Dhambaal xambaarsan Dagaalo dhawr ah oo dhex CWXO iyo CCGI
waxaana oogu dambeeyey kuwan.
06 Jan, 2002 wuxuu Ciidanka WXO hawlgal geesinimo ka fuliyey Dibiraweyne oo
ka tirsan Gobalka Dh/Buur meeshaas oo ay ku dileen 3 ka tirsan ciidanka
cabudhiska Itoobiya mid kalena ku dhaawaceen.
07 Jan, 2002 CWXO wuxuu ciidanka gumeysiga kaga dileen meesha la yidhaahdo
Dharkaynley oo ka tirsan Dh/Buur 5 askari 4 kalena way ka dhaawaceen.
11 Jan, 2002 Miirta waxay CWXO ku gaadeen ciidanka cadowga waxayna ka dileen 2
askari 2 kalena wayka dhaawaceen.
12 Jan, 2002 Ceelqod oo iyana ka tirsan Gobalka Dh/Buur waxay CWXO ku dileen
10 ciidanka cabudhiska ah 6 kalen way ka dhaawaceen.
Kacdoonka Siyaasadeed iyo Mikii Milatari ee ka dhex Taagnaa Ururka Talada
Itoobiya haya ee EPRDF/TPLF oo wal socda
Wariyaha Wareega ee Radio Xoriy Qamaan Xirsi ayaa isna inoo soo diray dhambaal
Xambaarsan Kacdoonkii ka dhex taagnaa Madaxda Sare ee Ururka TPLF oon wali
dhamaanin kadib markii Madax sare oo ka tirsanaa Ururkaas shaqadii laga eryey
kuwo kalena loo badalay meelo Buul lagaga dhigayo.
Madax Sar Sare oo Jagooyinkooda laga qaaday Iyada oo si socota nadiifinta
isbaheeysiga EPRDF iyo
siiba ururka TPLF ayaa wararka naga soo gaadhayo xafiiska Raisul wasaaraha
Zenaawi sheegayaan in dhowr
xubno ururka TPLF laga qaaday jagooyinka ay ka hayeen dowladda itoobiya. Waxaa
ka mid ah Debre Tsion oo ahaa ku-xigeenka taliyihii hore ee nabadsugida itoobiya
oo la dilay Kinfe Gebremehdin. Waxaa kale oo jagoyinka laga qaaday Aklilu
Demberkai oo isla xafiiska nabadsugida ka tirsanaa.
Xubin golaha dhexe ee TPLF oo la yidhaahdo Tewolde Agame oo ahaan jiray safiirka
itoobiya ee Sweden ayaa
haatan loo badalay xafiis ku yaalo gobolka tigree si looga fogeeyo xafiiska
Melez Zenaawi ka dib marka laga
shakiyay. Waxaa kale oo laga qaaday jagooyinka Madaxa Dhaqaalaha isbaheeysiga
EPRDF oo la yidhaahdo
Kahsai KinKin Xubno Kale oo ka tirsanaa TPLFda oo laga qaaday jagooyinkooda
waxaa ka mid ah
Feseha MaEsee oo macalin uu ahaa Kaadirka EPRDF, Abebe Hailesellassie – oo madax
ka qeybta dhaqaalaha
ee shirkada MEGA Printing oo ah shirka ay leedahay TPLF Tsega Berhan oo madaxa
uu ahaa qeybta wardoonka (waa wardoon dhaqaleed oo laga wardoonayo dhaqaalaha
dalalka deriska ah iyo sida loo ba’bin karo) Atey oo macalin ka ahaa CIVIL
SERVICE COLLEGE ama jaamacada lagu tababaro shaqaalaha dowlada Gebre-Meskel
madax uu ahaa shirkada Mesfin Engineering oo ah shirkad ay leedahay TPLF
Mulugetta Gebrehiwot (oo naynaastiisu tahay) Chaltu ayaa laga qaaday jagadii uu
ka haystay wasaarada
gaashandhiga, taas oo ahaa agaasime qeybta ku lug leh dib uu dhiska iyo
tababarka ciidanka qalabka sida.
Mulugetta waa xubin golaha dhexe ururka TPLF.
Dhegeystayaal Dhambaalkii intaas ayuu ku eg yahay.Warkii ood ka dhagaysanayseen
Radio Xoriyona Caawa waa naga intaas.
Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 29 Jan, 2002
radioxoriyo@ogaden.com
Eegana Waxaad ku soo dhawaataan Faaladdii Warka ee Caawa taas oo uu inoo soo
diryaariyey AhmedYassin Sh.Abdi, iyadoo ku saabsan Dhibaatada ay Qaar ka mida
Madax Kooxeedyada Soomaaliyeed la damacsan yihiin Dhulkooda hooya.Waxaana inoo
soo akhriyey Wariye Ahmed Gaal-eri
Hooggaamiye kooxeedyadu ma fulin karaan siyaasaddii Itoobiya ay
kufashilantay
Waa hubaal in qof kasta oo dunidan ku nool, oo damiir xalaal ah leh, uu ka
naxayo war kasta oo dareen cilladeed xanbaarsan oo ka soo yeedha geyigii uu u
dhashay, warkaasi ha noqdo mid ka xogwarramaya waxyeello soo gaadhay dadkiisii
iyo dalkiisii ama ha noqdo mid tibaaxaya dhibaato dadkiisa iyo dalkiisa ku soo
fool-leh.
Sababtuna waxay tahay, iyadoo noolaha oo dhan uu Eebe ku abuuray dareen ka
argagaxa dhibaatooyinka iyo dhacdooyinka naxdinta wata, wuxuuna dareen
cilladeedku sii kordhaa mar kastoo ay dhibaatadu ku soo dhawaato noolaha, isla
markaana ay taabato ama saamayso dad ama dal uu garanayo ama xidhiidh ka
dhexeeyo, waxaana arrintaas si wanaagsan u qeexaya hadalmurtiyeedkii soomaalida
ee ahaa „Balaayo waxay ku fiican tahay geeljire iyo nin aadan aqoonin“.
Hase yeeshee dabeecadda noocan ah ee Eebe uu noolihiisa ku abuuray ma aha mid
laguma xadgudbaan ah, waxaa marar badan dhacda in nooluhu, gaar ahaan aadanuhu
uu ku farxo ama ugu yaraan ka nixi waayo dhibaato ku dhacday ama looga baqayo
inay ku dhacdo qof ama dad ay xidhiidh leeyihiin, xidhiidhkaasi ha noqdo mid
isir, deegaan, dhaqan ama mid bani’aadanimo.
Marar badan ayuu qofka bani’aadamka ahi u arkaa in dantiisu ay ku jirto
dhibaatada duulka kale soo gaadhaysa, waana maahmaahdii carabta ee macneheedu
ahaa „Masiibada qolo ku dhacda waxay khayr u tahay qolo kale“, waxaana ugu wacan
dareenka wax isla-jeclaysiga ah (anaani) ee aadanaha intiisa badan ku beeran,
kaasoo haddii aan loo helin awood caabbida, sida iimaanka, xaqa, cadaaladda iyo
xalaal-quudashada, uu qofku isaga uun meherad ka dhiganayo, isla markaana
raacayo marba sawirkii uu siiyo, waana gundhigga masiibooyinka, dagaallada iyo
xadgudubka ay bulshooyinku isu gaystaan.
Hase yeeshee in kastoo arrintaasi ay tahay gol-daloolo uu Eebe aadanihiisa u
yeelay, haddana waxaa wax lala yaabo ah oo waliba laga yaqyaqsado in
hooggaamiyayaasha soomaalida intooda badani ay u tartamayaan sidii ay dalkooda
iyo dadkooda dhibaato ugu soo jiidi lahaayeen, mana aha arrin ka badbadin ah
haddii aan idhaahdo waxay tartan ugu jiraan sidii uu nin waliba u gubi lahaa ama
dhibaato hor-leh ugu soo jiidi lahaa deegaanka uu sheegto inuu u dhashay.
Hooggaamiyayaasha dagaalka ee Soomaaliya waxay beryihii denbe oo dhan ku
dadaalayeen sidii ay beesha caalamka, gaar ahaan Maraykanka iyo xulufadiisa, uga
dhaadhicin lahaayeen in dalka Soomaaliya uu yahay xaruun ay isku uruursadaan
kooxaha argagixisada loogu yeedhay, wuxuuna mid waliba dirsaday qayla-dhaan,
isagoo leh „Ha la iga soo gaadho argagixisada, haddii kale dalka oo dhan way
qabsanayaan, duniduna waxay ka shallaayi doontaa maalin maanta ahayn“.
Waxaan la wadasoconnaa in C/llaahi Yuusuf Axmed uu in badan ka sheeganayay in
kooxo mintid ah, oo xidhiidh la leh dhaqadhaqaaqa Al-Qaacida ee uu madaxda ka
yahay ninka sida wayn loo raadinayo ee Usama Bin Laden, ay fara kulul ku hayaan,
doonayaanna inay la wareegaan deegaanka Puntland, oo ku yaalla goob istiraatiiji
ah, lehna marinno badan oo dhinaca badda ah, wuxuuna C/llaahi cabashadiisa ku
daray dagaal uu ku qaaday meelo
Puntland ka mid ah, isagoo kaalmo millatari ka helay dalka Itoobiya.
Hase yeeshee in kastoo uu C/llaahi ku celcliyay inuu argagixiso la dagaallamayo,
deegaanka Puntland ay ku sugan yihiin kooxaha argagixisada lagu tilmaamay ee uu
Maraykanku raadsanayo, haddan wariyayaal reer galbeed ah oo xaqiiqo raadis
geyigaas u tegay waxay caddeeyeen inaanay soo arag wax raad ah oo muujinaya in
deegaankaas ay axruumo ku leeyihiin kooxaha mayalka adag ee Al-Qaacida
xidhiidhka la leh.
Xuseen Maxamed Caydiid ayaa isaguna meherad ka dhigtay inuu marba dunida u
sheego in
Al-Qaacida uu si wayn uga hwalgalo dalka Soomaaliya, isla markaana laga yaabo in
Soomaaliya ay Afganistan kale isu rogto haddii aan tallabo degdeg ah laga
qaadin.
Xuseen Caydiid waxaa loo tirinayaa inuu warqad dheer u diray wasaaradda arrimaha
dibadda ee Maraykanka, taasoo uu ku faahfaahinayo sida uu dhaqdhaqaaqa
Al-Qaacida uga jiro Soomaaliya, iyo xidhiidhka uu ururka Al-Itixaad la leeyahay
dhaqdhaqaaqa Al-Qaacida, wuxuuna magac-dhabay ashkhaas iyo sharikado uu sheegay
inay la shaqeeyaan Usama Bin Laden.
Xuseen wuxuu dhawaan shaaca ka qaaday in xubno waawayn oo Al-Qaacida ka tirsan,
oo ka mid ah xubnaha sida wayn loo raadinayo, ay soo galeen dalka Soomaaliya,
haddana ay ku sugan yihiin, hase yeeshee arrimhaas oo dhan waxaa lagu tilmaamay
inay yihiin kuwo aan raad lahayn, duniduna tixgelin wayn ma ayna siinin,
sababtoo ah waxaa loo arkaa inay taageero siyaasadeed oo kaliya uun dunida kaga
raadsanayaan, balse ayna haynin xaqiiqo la taaban karo ama lagu go’aan qaadan
karo, sidii arrintii Afganistan oo kale.
Ragga u ruclaynaya inay deegaannadooda dhibaato u horseedaan, dadkoodana shaadh
argagixso u geliyaan, waxaa ka mid ah labada jannaraal ee dhinaca koonfurta u
sii jiitamaya, Aaden C/llaahi Gabyow iyo Maxamed Siciid Moorgan, oo labaduba
shaaca ka qaaday in deegaannada koonfureed ee dalka Soomaaliya ay degashadeen
kooxaha mayalka adagee Maraykanku uu argagixisada ku tiriyo, waxayna sheegeen
inay hayaan ciidan tirabadan oo ay aaggaas ku xoreeyaan, balse ay taageero
siyaasadeed iyo mid dhaqaalaba u baahan yihiin.
Qofkii u fiirsado dhaqanka hooggaamiye kooxeedyada Soomaaliya - kuwa aan kor ku
soo xusnay iyo kuwa kalaba – wuxuu si dhibyar u fahmi karaa in macnaha ay
nimankaasi u adeegsanayaan argagixisada uu yahay in qof kasta oon danahooda
gaarka ah fulinaynin uu noqonayo argagixiso in lala dagaallamo mudan, meel kasta
oo damac kaga jiro, balse ayna haysanina ay saldhig u tahay argagixisada la
raadinayo.
Siyaasaddan rakhiiska ah waxaa isku dayday inay dalkeeda uga faa’iidayso
dawladda Itoobiya, oo Maraykanka iyo caalamka kalaba la hoos orodday danbiil ay
ka buuxaan caddaymo bayn abuur ah oo tilmaamaya in argagixisada lala
dagaallamayaba ay Soomaaliya barrinsatay, khatar waynna ay ku hayso gobolka
Geeska Afrika iyo dunida inteeda kalaba.
Xukuumadda Itoobiya waxay filaysay in Maraykanka iyo xulufadiisuba ay ku qanci
doonaan
been-abuurkaas ooy ku taageeri doonaan siyaasaddeeda fooshaxun ee ay ku kala
qaybinayso dalka Soomaaliya, si ay fursad ugu hesho cadaadinta iyo cabbudhinta
dadka ay gumaysato ee Ogadenya ku dhaqan, isla markaana ay uga gaashaamato in
Soomaaliya ay ka dhalato dawlad leh awood ay kula gorgortanto.
Danta kale ee Itoobiya ay ka leedahay faafinta been abuurka ah in Soomaaliya ay
argagixiso joogto waxay tahay, iyadoo haddii ay dunidu aqoonsato in Soomaaliya
ay tahay goob argagixisadu ay isku uruursato ay markaas iyadana u sahlanaanayso
inay khamiiska argagixisada u geliso urur kasta oo siyaasaddeeda mucaarad ku
noqoda ama ururrada xornimo doonka ah ee u dagaallamaya xornimo gadhsiinta
shucuubta ay gumaysato.
Hase yeeshee waxaa hanjab ku noqotay xukuumadda Itoobiya in Maraykanku uu
danihiisa ka horriisiiyay kuweeda, isla markaana ay muuqato inuu garwaaqsaday in
haddii uu arrimaha Soomaaliya u adeegsado xukuumada Itoobiya ay arrintaasi
dhaawici karto danihii uu goblka ka lahaa, sidaas darteed wuxuu ku gacansaydhay
codsigii Itoobiya ee ahaa in ciidammadeedu ay galaan dalka Soomaaliya, si ay u
sifeeyaan waxa ay argagixisada ugu yeedhay, Maraykankuna uu arrintaas u fasaxo,
isla markaana ku taageero.
Haddaba su’aasha is-wayddiinta mudan waxay tahay hooggaamiye kooxeedyada
soomaaliyeed ee u tartamaya inay deegaannadooda shaabad argagixiso ku dhuftaan
ma ku guulaysan doonaan siyaasaddii ay Itoobiya, oo iyaga masuul ka ah, ku
guuldarraysatay???.
Ahmed Yassin
radioxoriyo@ogaden.com
Dhegeyso Goosgooska oo Cod ah
WARARKA OGADEENYA:
January.25.2002 |
January.18.2002
|
January.15.2002
|
January.11.2002
| January.8.2002
| January.4.2002
| December.28.2001
| December.21.2001
| December.18.2001
| December.14.2001
| December.11.2001
| December.7.2001
| December.4.2001
| November.30.2001
| November.27.2001
| November.23.2001
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk