S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 Khartuum GUJI..
LETTER FROM OGADEENYA
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia) Read here

G O L E
Golaha Beesha Kablalax GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...
MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA OGAADEENYA
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya

Warkii Radio Xoriyo

March 26, 2002

· Madaxweynaha JWXO oo bayaamiyey arimo dhawr ah oo la xiriira halganka Shacbiga Ogaadeenya.

· Ciidamada Itoobiya oo xarig iyo ganaax kula kacay meelo ka mid ah Ogaadeenya.

· Dagaalo Dooxatays ah oo dhex maray CWXO iyo kuwa gumeysiga Itoobiya

· Shir Ururka Dhalinyarada Isutagga Ogaadeenya ku yeesheen magaalada Minisota oo guul ku dhamaaday.

"Arimaha Soomaali Galbeed ama Soomaalida Itoobiya waxa ay khuseysaa Soomaalideena halkaan deggan, cidkale ma khusayso" Dr.Cabdul-Majiid Xuseen Safiirka Itooobiya ee UNka, 26/3

Waxaa kale oo kamida waraysiga radio Sagal in C/Majiid sheegay qodobadan.

  • Xuquuq nagamaqan majiraan (Shacabka Soomaalida Itoobiya)
  • Kuwa sheeganaya ONLF, horta hadii umad Soomaaliyeed loo halgamayo waa in la qaato magac Soomaaliyeed
  • Hadii codka 51(%) soomaalida Itoobiya doonayaan in ay ka go'aan itoobiya way ka go'i karaan
  • Waxa ay qorayaan (ONLF) waxba kama jiraan, waana in dadka (dibadaha) loo sheegaa, horta Sannadihii ugu dambeeyey ciidan Itoobiyaan oo meesha ku dhintay majiraan, xabadaha ay furaan (ONLF) shacab Soomaaliyeed ayaa ku dhinta, waana in ay ka jawaabaan.
  • Waxaan u jeedaa (in ay argagixiso yihiin) kuwa looghu yeero (OLF) Oromo Libration Front.
  • Shirka Kenya ee Soomaalida waan taageersanahay.

Waraysi Radio Xoriyo layeeshay Madaxweynaha JWXO Admiral Mohamed Omar Osman, ayaa wuxuu ku bayaamiyey dhawr arimood oo laxiriira halganka Shacbiga Ogaadeenya sida dhacdadii bishii Sept 11, 2001 ee qaraxii lagusameeyey wadanka Maraykanka. Taas oo Madaxweynuhu tilmaamay in gumeysiga Itoobiya isagoo ka faa’ideysanaysa dhacdadaas iyada ah isku dayey in uu ku waxyeeleeyo halganka Shacbiga Ogaadeenya. Balse aysan halganka Shacbiga Ogaadeenya wax saameyn ah ku yeelan, milatari iyo siyaasad ahaanba. Taana waxaa keenay shacbiga Soomaalida Ogaadeenya oo ku adkeystay xaqnimada halgankooda iyo madaxda JWXO oo albaabkasta oo Itoobiya garaacdo la garaacey, ayuu yiri Madaxwenuhu..Waraysigaas oo faahfaahasan waxaad ka dhegaysandoontaan idaacadeena caawa.

Wariyaha Radiyo Xorio uga soo warama arimaha bulshada ayaa noo soo diray dhibaatooyin isagu jira xarig iyo ganaax oo ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya u geysteen dad ka mid ah shacbiga Ogaadeenya. Dhibaatooyinkaas kuwii ugu danbeeyey qaar ka mid waxay nagasoo gaadheen;

Bishii Feb 12, 2002, Degmada Qudubi waxaa lagu xidh xidhay dadkan hoos ku xusan oo midkiiba lagu xukumay in uu isku furto 400 oo Birrka lacagta Itoobiyaanka ah.

1. Faadumo Ibraahim Dheere
2. Dhudi Maxamed Cagoole
3. Ilmo Axmed Jigre.

Sidoo kale bishan Maarso 15, 2002 waxaa Degmada Qudhis oo ka tirsan Gobolka Nogob lagu xidh xidhay dadkan soo socda oo mid walba lagu xukumay in uu isku furto 2 neef oo geel ah,

1. Bade Muxumed
2. Reer Aadan Khaliif
3. Cabdullahi Aaden Good
4. Bade Aaden Xashi
5. Farah Mahad

6. Reer Maxamed Tarabi

Wariyaha Radiyo Xoriyo uga soo warama jiidda hore ee dagaalka ayaa noo soo diray dagaalo dhexmaray Ciidamada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya iyo kuwa tabaaleysan ee ee gumeysiga Itoobiya. Kuwii ugu danbeeyeyna waxay dhaceen xiliyadan.

Bishan Maarso 24, 2002 dagaal ka dhacay meel u dhaw Usulaley oo ay soo qaadeen dabaqoodhiga Itoobiya da guneysatadu ku adeegato waxaa laga dilay calooshooda u shasqaystayaalkii 1 intii kalena way kala carareen.

Sidoo kale dagaal kale oo dhexmaray ciidamada naflacaariga Itoobiya iyo kuwo JWXO oo ka dhacay tuulada Ayaandaran oo u dhaw degamada Caado oo ka tirsan Gobolka Doollo waxaa cadowga lagaga dilay shan askari, iyadoo shan kalena goobtaas laga dhaawacay.

Wariyaha Radio Xoriyo uga soo warama Wadanka Maraykanka Mohamed Nuur Cabaas ayaa noo soo diray dhamaal ku saabsan shir uu Ururka Dhaliyarada Isutagga Ogaadeenya ku qabtey Magaalada Minisota ee wadankaasi Maraykanka Bishan March 23, 2002.

Shirkaasi oo lagu qabtay Hoolka Hemphery ee Jaamacada Gobalka Minnesota waxaa ka soo qayb galey boqolaal qof oo isugu jiray dhalinyaro haween, odayaal iyo aqoon yahano reer Ogaadeenya ah, Waaa kale oo ka soo qayb galay dad ka socoda ururada bulshada ee jaalliyadda Ogaadeen ee dalka Maraykanka ku nool; sida Ururadda bulshada Ogaadeenya, Ururka Haweenka.

Waxaa shirkaas lagu l lafa guray arimo badan oo ka mid yihiin Halganka Xornimo Doon ee Ogaadeenya ka socda; xaalada shacabka Ogaadeenya uu ku jiro iyo dhibaatada uu Guumaysigu ku hayo; Xaalada Geeska Afrika; horumarinta iksu xidhka Jaaliyadaha dibada iyo midaynta dhamaan bulshada.

Waxaa Hadalo aad u qiimo badan ka soo jeediyey Madaxa Ururka Dhalinyarada Muxumed Ciise, ku simaha Ururka Isutagga Xoogaga Haweenka Ogaadeenya: Haweeya Xirsi, Madaxa Ururka Ogaden American Community Association: Maxamed Carab, iyo odayaasha, waxgaradka, culimaa'udiinka iyo qaar badan oo ka mid ah bulshada Ogaadeenya ee Gobolkaas ku nool.

Kulanka oo ahaa mid aad loogu guulaystay ujeedda ururka iyo waxyaalaha la go’aansaday waxaan isagoo faahfaahsan iyo waraysiyo laga qabtayba aad ka dhegaysan doontaan Radio Xoriyo maalmahan soo socda.

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Soomaaliya Ahmed –Yare Calasoow ayaa inoo soo diray dhambaal xambaarsan madaxweynaha soomaaliya Dr.Abdiqassin Salatt Hassan iyo Wafdi uu hogaaminayo oo u anbabaxay Socdaal waxaana inoo soo akhriyey Dhiidhi.

Madaxwaynaha DKMG Mudane C/qaasim Salaad Xasan ayaa 25.03.02 u anbabaxay wadanka Jabuuti, isagoo kasii aadi doona wadankaasi Lubnaan oo uu kaga qayb gali doono Shirka Madaxwaynayaasha Jaamacada carabta.

Shirkan ayaa lagaga hadli doonaa arimo fara badan oo ay ugu waaweenyihiin qadiyada Falastiin, Ciraaq iyo guud ahaan arimaha Carabta.

Madaxwayne Cabdi Qaasin ayaa la filayaa in uu shirka soo hordhigi doono dhibaatada Soomaaliya iyo sidii xal loogu heli lahaa.

Dhanka kale Madaxweyne C/qasim ayaa ka helay fariin madaxweynaha Dalka Faransiiska Mr Chirac.

Fariintaas oo uu Mr. Chirac ku tilmaamay taageerada uu hayo DKMG dadaalka ay ugu jirto sidii ay nabad ugu soo dabaali lahayd geyiga soomalia .

Madaxweyne Chirac wuxuu tilmaamay taageerada ay MIDAWGA YURUB iyo wadankiisuba u hayaan dib u dhisidda Soomaliya, isagoo aad ugu hambalyeeyey horumarka ay samaysay DKMG intii ay jirtay.

Dawladda Kenya oo aqoonsatay DKMG

Wasiir ku xigeenka Arimaha Dibadda ee wadanka Kiinya Mr Maxamed Cabdi Afey ayaa wuxuu caddeeyey in Dawladda Kenya ay si dhab ah u aqoonsantahay DKMG ee Soomaliaya. Wuxuuna intaas raaciyey ‘in Dawladda Keenya ay qabto in aan meel eber ah wax laga billaabin, loona wada hadlo DKMG ah iyo kooxaha ka soo horjeeda…’

Mar wax laga waydiiyey eedeynta Itoobiya ee ku wajahan joogitaanka Argagixisada Soomaliya, wuxuu ku jawaabey "arrintaasi waa mid ugaar ah Itoobiya". Haddaba, warkan ka soo baxay Dawladda keenya ayaa si aad ah looga soo dhaweeyey Soomaliya.

Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 26 March 2002
Dhegaysatayaal caawa warkii waa naga intaas....eegana ku soo dhawaada faalada warka.

Faalada warku ee caawa waxay ku saabsan tahay Itoobiya oo ku fashilantay in ay ka faa’ideysato dhacdadii Sept 11, 2001. Waxaana noo soo diyaariyey Abdulahi Mohamed, waxaana inoo qaada dhigaya Cabdi Madaale...

Itoobiya oo ku fashilantay ka faa’iidaysigii dhacdadii Sep, 11

Weerarkii lagu qaaday magaalooyinka NewYork iyo Washington ee dalka Maraykanka waxay wax wayn ka badashay xidhiidhkii Maraykanka iyo dawladaha kale. Maraykanku waxay ballan ku qaadeen inay la dagaalamayaan aragagixisada iyo dawladaha taagera.

Dawladaha adduunku way cambaareeyeen dhacdadii argagixisinimo, waxayna ballan ku qaadeen inay Maraykanka kula bahoobayaan dagaalka uu ku qaadayo argagixisada.

Nasiib darro, dawlado, ururro iyo waliba shakhsiyaad ayaa u arkay dhacdadii September 11 fursad siyaasadeed oo ay ku meel marsan karaan danahooda siyaasadeed. Dawladaha sida xoogga leh isugu dayey inay ka faa’iidaystaan dhacdadii Sep 11, waxaa ka mid ahaa Itoobiya. Itoobiya waxay markiiba ku dhawaaqday inay Maraykanka ku garab galayso dagaalka uu ku qaadayo argagixisada. Itoobiya waxay qaaday tallaabooyinka soo socda :

· Waxay ku dhawaaqday inay xidhay xudduuddii ay lahayd Somaliya si ay isaga ilaaliso argagixisada uga soo gudubta Somaliya

· Waxay u ballanqaaday dawladda Maraykanka ciidan iyo wardoon ku saabsan argagixisada ku sugan geeska Afrika

· Waxay u ballanqaaday ciidamada Maraykanka inay isticmaali karaan garoomada itoobiya si ay ugu duulaan meelaha ay ku sheegtay inay argagixiso joogto

· Waxay si cad u sheegtay inay ururro argagixiso ah ku sugan yihiin Soomaliya, iyadana ay weerarro ku soo qaadaan.

· Itoobiya waxay ku tilmaantay dawladda KMG ee Somaliya inay tahay mid ay maamulaan argagixiso.

Ololaha ay Itoobiya qaaday wuxuu u muuqaday in illaa xad uu guulaystay. Somaliya wuxuu adduunwaynuhu u arkay inay tahay meel argagixisadu ay saldhigyo ku leedahay. Waxaa kaloo loo arkay Soomaliya inay noqon doonto meesha labaad ee uu Maraykanku tallaabo militari ka qaadi doono.

Nasiib wanaag, waxaa jiray dawlado, ururro caalami ah iyo khubaro u guur gasha arrimaha Somaliya iyo Itoobiya. Waxaa doodda Itoobiya garab socotay doodo kale oo caddaynaya in sheegashada itoobiya aynan xaqiiqo ku salaysnayn. Waxaa intaa dheeraa dawladda Maryakanka nafteeda oo guddi xaqiiqo raadin ah u dirtay goobo ka mid ah Soomaliya.

Kooxdii xaqiiqada raadiska ahayd waxay kala kulmeen goobihii ay tageen wax aad uga duwan sheegashadii itoobiya. Waxaa maalinba maalinta ka dambaysa isa soo xidhayey dhammaan caddaymihii ay dawladda Itoobiya ku sheegaysay in Somaliya ay argagixiso joogto.

Wuxuu adduunku ka dharagsan yahay dhibaatooyinkii colaadeed iyo kuwii siyaasadeed ee soo dhex maray Itoobiya iyo Somaliya oo aan wali laysla meel dhigin. Sidoo kale, waxaa laga war qabaa dagaalka ay shacbiga Somaliyeed ee Ogaadenya ay ku raadinayaan aayo-ka-talintooda oo ay itoobiya doonayso inay caalamka ka qariso.

Waxaa kaloo isa soo xidhay sheegayshadii Itoobiya ee ahayd inay la dagaalamayso argagixiso, waxaana caddaatay in Itoobiya ay dagaal kula jirto shacbi u halgamaya xuquuqdooda aasaasiga ah.

Ujeedadii Itoobiya waxay ahayd inay ku qariso dhibaatada ka haysata mucaaradka gudaha iyo shucuubta u halgamaysa aayo-ka-talintooda. Sidoo kale, itoobiya waxay isku dayaysaa inay ololaha argagixisada lagula dagaalamayo ay ku qarinaso faragalinta ay ku hayso dalka Soomaliya. Itoobiya waxay taageero siyaasadeed iyo mid militariba u fidisaa kooxo iyo shakhsiyaad diiday nabad raadinta laga wado Soomaliya, isla markaana dambiyo bini’aadamnimo ka galay shacbiga Soomaliyeed.

Abdullahi Mahamed

radioxoriyo@ogaden.com


Dhegeyso Goosgooska oo Cod ah


WARARKA OGADEENYA:
March.26.2002 March.22.2002 | March.19.2002 | March.12.2002 | Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety