DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo
Wararka Ogaadeenya
Warkii Radio Xoriyo
14 May,2002
Warka Madaxdiisii
· Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya oo jug culus la helay Ciidanka Gumeysiga
Itoobibya
· Dad Shacbi ah oon waxba galabsanin oo lagu xidh xidhay Magaalada Dh/buur
· Jaaliyadda Ogaadeenya ee Germany oo Shir Sanadeedkeedii Caadiga ahaa isugu
timid
· Sargaalkii dilay Taliyihii Nabad Sugida Itoobiya ee hore oo Maxkamad la soo
taagay
· Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed oo tilmaamay dhibaatooyinka ay Itoobiya
ka wado Soomaaliya.
Warkii oo faah faahsan:
Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya
ayaa soo sheegay Degaalo Dooxatays ah oo jugo culus loogu geystay Ciidanka
Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya kuwaas ooy u danbeeyeen
02 May 2002 Weerar kadis ah ooy CWXO goor habeenimo ah ku qaadeen Ciidanka
Cadowga Itoobiya ee fadhiya Qoriile oo ka tirsan gobolka Doollo waxaa laga dilay
askar badan kuwo kalena waa laga dhaawacaay.Iyadoo ayna noo suuro galin in aan
helo Askarta lagu dilay degaalkaas dib baan ka sheegi doonaa.
07 May 2002 Wuxuu CWXO u dhabo galay Kaambay Ciidanka Itoobiya ah oo marayey
Sandixiile oo ka tirsan Gobolka Dh/Buur. Waxaana Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga
Itoobiya laga dilay 6 askari iyadoo goobtaas lagu gubay 1 Baabuur oo ah kuwa
Xamuulka Qaada. Waxaana Hawl galkaas iyana laga dhaawacay askar badan.
Isla 07 May 2002 Cutub kale oo ka tirsan CWXO ayaa isla Kambayga ku haleelay
meel u dhow Huuraale oo iyaduna ka tirsan Gobolka Dh/Buur. Waxaana dagaalkaas
dambe ee isla Kolanyadii hore loo haleelay laga dilay in ka badan 20 askari
iyadoo laga gubay hadana hal baabuur oo ah nooca la yidhaahdo "land cruiser" .
Kaambaygaasi isaga oo dhaawac badan wata ayuu dib ugu noqday Dh/Buur oo ahayd
meeshii uu ka soo anbabaxay markii uu ka cabsaday inuu horay u sii socdo.
10 May 2002 meesha la yidhaahdo War Cambaar oo ka tirsan Degmada Shaygoosh
dagaal ku dhexmaray CWXO iyo Ciidanka Cabudiska Gumeysiga Itoobiya waxaa lagu
gaadhsiiyey khasaare aad u badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.Kaas oon isna dib
idiinka sheegi doono haddii uu Eebe idmo.
Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo waranta Arimaha Bulshada Marayama Ruun Liibaan
ayaa inoo soo sheegtay Fal xumo uu Ciidanka Gumeysiga Itoobiya kula kacay
Shacbiga Ogaadeenya.
Sidii caadada u ahayd marka askarta Gumeysiga Itoobiya lagu jebiyo dagaalada ay
gardarada ugu jiraan ayey shacbiga aan wax galabsan ku gadoodaan. Waxaa 4/05/02
agaga u dhow goobaha laysku haleelay ay ku jidh dileen laba nin oo Odayaal ah
lana kala yidhaahdo: Ismaaciil Macalim Maxamuud iyo Sheikh Muxxumed Shiil
(Awdaad). Labadaa nin waxay ka tegeen iyaga oo dhaawac halis ah ku yaalo.
08 May 2002 Dadkii badnaa ee Magaalada Dhagaxbuur ku xidhnaa Waxaa laga daba
geeyey dadkan.
1) Abdi Muumin Faarax
2) Maxamed Cabdi Arte
3) Cukur Cise jaamac
4) Sahal Axmed Ciise
5) Xasan Cabdullahi Ibrahim
6) Maxamuud Gadhle
7) Ibrahim Axmed Nuur
8) Faarax Cabdi Dool
9) Axmed Adan Cadde
10) Cabdirashiid Sh. Saalax
11) Adan Cadhays
12) Cismaan Jaanyar
13) Dhagoole Garas
Sida Wariyuhu soo sheegay waxaa dadkan laga soo qab qabtay Magaalada Dh/buur iyo
tuulooyinka ku yaala Nawaaxigeeda.
Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Wadanka Jarmalka Gaaxnuug Dubad ayaa inoo
soo sheegay Shir ka dhacay 11 May 2002 kaas ooy qabatay Jaaliyada Ogaadeenya ee
Wadanka Jarmalku.
Shir Sanadeedkii Caadiga ahaa eey 2dii sanoba hal mar ah isugu iman jirtay
Jaaliyadda Ogaadeenya ee Germany ayaa lagu qabtay Magaalada Ludwigsburg ee
Gobalka Stuttgart ee Wadanka Jarmany, 11 May,2002.
Shirkan oo sida Caadiga ah ujeedada loo qabtaa ay tahay in lagu doorto gudi
maamusha hawlaha Jaaliyada Ogaadeenya ee wadankan 2da sano ee soo socda ayaa
sidii loogu tala galay ahaa mid aad loo soo agaasimay oo xubnihii hawlaha
Jaaliyada waday ay si haboon u soo qaban qaabiyeen.
Waxaa Shirka Furay Gudoomiyhii hore ee Jaaliyadda Ogaadeenya ee Germany Mudane
Abdirahman Sh.Abdulahii isagoo raaciyey warbixin dheer oo ku saabsanayd
waxqabadkii xubnaha gudida ee 2dii sano ee tagay.Qorshayaasha u suuro galay in
ay Jaaliyaddu ku guulaysato iyo qorshayaasha sugaya mustaqbalka in ay qabato
Jaaliyadda Ogaadeenya ee Germany oo hormuud u ah halganka ay dibada ka wadaan
Jaaliyaadka Ogaadeenya ee ka hawl gala wadamada ay degen yihiin.
Abdirahmaan wuxuu xusuusiyey xubnihii shirka isugu yimid wadada dheer ee loo
baahan yahay in la qaado si ummadeena loo gaadhsiiyo xoriyad taam ah ooy kaga
baxdo caga jugleynta iyo cadaadiska Itoobiya, isagoo u rajeeyey in xubnaha
cusubna ay sidii iyaga oo kale halkaas ka sii wadi doonaan hawlaha loo doortay.
Waxaa dood dheer kadib shirkaas lagu hor doortay xubno cusub oo 2da sano ee soo
socda daadihin doona hawlaha Jaaliyadda , ee wadanka Germany kuwaas oo uu
hogaaminayo Mudane Abdi-Kadir Abdulahi Gamaadiid.Wuxuuna isagoo ku hadlaya
magaca gudida cusub shirka ortiisii ka balan qaaday in uu hhamaystiri doono
qorshayaashii u dejisnaa Jaaliyada Ogaadeenya ee Germany dar dar hor lehna ay
xubnihiisu la imaan doonaan.
Waxaa iyaguna goob joog ka ahaa shirkaas xubno sare oo ka tirsan JWXO, kuwaas
ooy ka mid ahaayeen Mudane Salahdiin Maow oo ka socday Hogaanka Dhaqaalaha oo
khudbad qiimo leh oo ku saabsan sidii loo joogtayn lahaa Dhigaalka Qaaraan
Bileedka Xubnaha iyo Muhiimadda uu u leeyahay Halkanka ka soo jeediyey.Waxaa
kale oo uu Salahdin intaas raaciyey kaalinta ay Jaaliyaadku kaga jiraan
halganka iyo waxtarka ay u leeyihiin geedi socodka hayaanka ay ummadeenu ku
jirto isagoo u rajeeyey in Jaaaliyaadka Ogaadeenya ee dibada ooy Jarmani ka mid
tahay ay had iyo goor adkeeyaan kaalinta ay ku jiraan.
Waxaa isaguna warbixin dheer oo ku saabsan xaalada guud iyo mida gaar ahaaneed
ee uu halganku haatan ku sugan yahay iyo dhaq dhaqaaq yadii ugu danbeeyey ee
cadawga shirka ka soo jeediyey Abdi-Sayid Moálin Yuusuf oo ka socday Hogaanka
Warfaafinta ee JWXO Waxaa kale oo xubnihii shirka isugu yimid xusuusiyey
dhibaatooyinka uu gumeysigu ku hayo shacbiga Ogaadeenya iyo khiyaamooyinka cusub
ee uu hada wado kuwaas oo ah kuwa aan soconaynin ooy aad oola socoto Jwxo.
Gaaxnuug Dubad
Radio Xoriyo
Stuttgart,Germany.
Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Magaalada Adis-Ababa ayaa soo diray
Dhambaal Xambaarsan Sargaal Itoobiyaan ah oo Maxkamad la saaray.
SARGAALKII DILAY KINFE GEBREMEHDIN OO MAXKAMAD LA SOO TAAGAY
Waxaa May 13, 2002 Maxkamad la soo taagay Major Tsehaye Woldesilassie oo ahaa
sarkaalkii dilay Kinfe Gebremehdin. Wasiirkii hore ee Socdaalka iyo Nabadsugida
Itoobiya. Major Tsehaye ayaan mudo sanad ah la arag ka dib marka uu dilay Kinfe
Gebremehdin. Wararka waxay sheegayaan in Major Tsehaye mudadaas lagu hayay jir
dil xun si looga helo magacyada xubnaha TPLFta ah ee ka dambeeyay dilka Kinfe
Gebremedhin.
Ka dib markii laga uruursaday wuxuu xog hayey ayaa la go'aansaday in haatan
maxkamad la taago iyada oon shaki ku jirin in dil lagu xukumi doono. Major
Tsehaye ayaa dilay Kinfe Gebremedhin wakhtigii uu socday khilaafkii TPLFta iyada
oo ay amarkaasi dilka ah siiyeen xubna sar sare oo ka mida Ururka TPLFta
kuwaas oo ka soo hor jeeday Siyaasada mayalka adag ee uu ku socdo Kaligii
Taliye Melez Zenaawi.
Qamaan Xirsi
Radio Xoriyo
Addis Ababa
Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Soomaaliya Ahmed-Yare Calasoow ayaa inoo
soo sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed oo si kulul uga hadlay
Dhibaatada ay Itoobiya ku wado Soomaaliya.
C/LLA DEEROW ISAAQ "Dowladda Itoobiya marna kama talineyso dan Soomaaliyeed
waxayna wadaa qorshe la xiriira in ay marna Soomaaliya dowladi ka jirin"
MAY 13, 2002
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Mudane C/lla Deerow Isaaq oo 13 May,2002
ka soo laabtay dalka Itoobiya oo uu kaga soo qeyb galay shir Baarlamaanada
dalalka IGAD qaarkood oo halkaa lagu qabtay ayaa shegay inuu soo arkay
qorshayaal Dowladda Itoobiya ay wado oo ku lug leh sidii Soomaaliya ay ugu kala
qeybin lahayd qeybo yaryar, marna aanayna dowlad uga dhalan lahayn Soomaaliya,
qorshayaashaasi ayaa ku kala wajahan kuwa siyaasadeed iyo kuwa xoog lagu
fulinayaba, sidoo kalena uu halkaa ku soo arkay dad badan oo Soomaaliyeed oo
rayigoodu qaldan yahay kana tusaale qaadanaya aragtida Itoobiya ee looga soo
horjeeda Dowladnimada Soomaaliyeed.
Mudane C/lla Deerow Isaaq waa uu sii hadlay oo waxaa uu yiri waxaan anagu ku
mashquulsanahay khilaafyo yar yar oo dhexdeena ah waxna looga sheegayo
Madaxweynaha, Ra'isul Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, ku xigeenada iyo
Wasiiradaba kuwaas oo ah kuwo lagu mashquulinayo habsami u fullinta howlaha
horyaalla qeybahaas Caddowgeenuna waxaa uu ka shaqeynayaa sidii aanu
baabi'ilaheyn.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Mudane C/lla Deerow Isaaq oo ka hadlayey
shirka Nairobi ayaa sheegay sida uu xog-ogaalnimada ku soo helay in uu yahay
shirkaasi mid guud ahaan lagu baabi'inayo loogana soo horjeeda qeybaha
Siyaasadeed iyo maamul ee haatan noo dhisan sida Madaxweynaha, Guddoonka
Baarlamaanka, Ra'isul Wasaaraha, Baarlamaanka iyo xukuumaddaba, sidaa darteedna
loo baahan yahay in aan midowno kana shaqeyno aayo ka talinteena isla mar
ahaantaasna la sii xoojiyo baaxadda iyo waxqabadka Baarlamaanka iyo xukuumadaba
laguna soo daro xubnaha aan weli ku soo biirin ee mucaaradka ku ah dadaal
kastaba haloo galee.
DIYAARAD KA MID AH DIYAARADAHA DAGAALKA ITOOBIYA OO MAGAALADA BOOSAASO SAWIRO KA
QAADAY
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso waxay sheegayaan in Diyaarad kuwa
dagaalka ay habeenka Sabtida ee May 11 ku soo dhowaatay garoonka diyaaradaha
Boosaaso, iyada oo nalal ku shiday isla markaasna sawiro ka qaaday.
Wararka waxay sheegayaan in diyaaradaasi ay ahayd diyaarad Itoobiya leedahay oo
ah nooca Basaasida ee sawirada qaada, iyadoo Boosaso Garoonkeeda ka qaadaysay
Sawiro ay ujeedadoodu ahaayeen in lagu ogaado qiyaasto diyaaradaha uu qaadi karo
garoonkaasi. Ma cada sababta ay ciidamada cirka itoobiya haatan uu daneynayaan
garoonka diyaaradaha ee Boosaaso lakiin warar xog-ogaal ah ayaa sheegayo in la
rabo in si toos ah hub loogu soo dajiyo Cabdullahi Yusuf magaalada boosaaso,
iyaga oo hubkaasi ku imaanayo diyaarado itoobiyan ah.
Ahmed Yare Calasoow
Muqdisho,Soomaaliya.
Dhagaystayaal Warkii Caawa waa naga intaas.
Abdi Madaale
Radio Xoriyo,14 May,2002
radioxoriyo@ogaden.com
Dhegeyso warkaan oo Cod ah
WARARKA OGADEENYA:
May.14.2002 |
May.10.2002 |
May.7.2002 |
May.3.2002 |
April.30.2002 |
April.26.2002 |
April.23.2002 |
April.19.2002 |
April.17.2002 |
April.12.2002 |
April.9.2002 |
April.5.2002 |
April.2.2002 |
March.29.2002 |
March.26.2002 |
March.22.2002 |
March.19.2002 |
March.12.2002 |
Febuary.26.2002 |
Febuary.19.2002 |
Febuary.15.2002 |
Febuary.12.2002 |
Febuary.8.2002 |
Febuary.5.2002 |
Febuary.1.2002 |
January.29.2002 |
January.25.2002 |
January.18.2002
|
January.15.2002
|
January.11.2002
| January.8.2002
| January.4.2002
| December.28.2001
| December.21.2001
| December.18.2001
| December.14.2001
| December.11.2001
| December.7.2001
| December.4.2001
| November.30.2001
| November.27.2001
| November.23.2001
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk