S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 Khartuum GUJI..
LETTER FROM OGADEENYA
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia) Read here

G O L E
Golaha Beesha Kablalax GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...
MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA OGAADEENYA
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

HORN OF AFRICA'S PROBLEM IS THE LEGACY OF THE ABYSINIAN EMPIRE STATE (ETHIOPIA).
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia).
Read here
"One who studies Abysinian feudal Empire State (Ethiopia) history will be compelled to arrive at the coming conclusion: " by Abdullahi M. Sadi
Promotion of respect for human rights and fundamental freedoms; Without this, the century old cycle of war and violent in Horn of Africa will unfortunately continue. It is time for men of good will to act. Read more...

february 20, 2002

Wararka Ogaadeenya

Warkii Radio Xoriyo : 26 Feb 2002

Warkii oo Urursan

Ciidanka Gumeysiga Itoobiya oo Wali Wada Dulmigii uu ku Hayey Shacbiga Ogaadeenya.

Shir Balaadhan ooy isugu Yimaadeen 23 Feb Ururadda Bulsha Ogaadeenya iyo Jaaliyadda Ogaadeenya ee Wadanka Jarmalka.

Dhismihii Ugu Danbeeyey ee DKMS oo lagaga Dhawaaqay Madaxtooyadda Soomaaliyeed.

Warkii oo Faahfaahsan

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Arimaha Bulshada ayaa inoo soo diray Dhabaal Xambaarsan Dhibaatooyin Hor leh oo sidii Caadada u ahaan jirtay ay Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya u geysteen Shacbiga Ogaadeenya.Bahalnimadaas oo Joogto u ah Nolasha Shacbiga Ogaadeenya waxay Tani ku sii adkaynaysaa Nolasha iyo Jiritaanka Shacbigaas oo markii horeba sii adkayd.Waxaana oogu danbeeyey Bahalnimadaas kuwan.

10 Feb, 2002 Tuulooyinka Dhagaxbuur agtiisa ku yaala waxaa dhibaatooyin loogu geystay dadkan Asli Sheekh Ahmed ayey Ciidanka Gumeysiga Itoobiya 7 Xabadood ku dhufteen hadana waxaa lagu daweynayaa Dhakhtar ku yaala Magaalda Dh/buur.Sidoo kale Shugri Xuseen nin la yidhaahdo siday u Garaacayeen ayey Lug ka jabiyeen iyada oo Ciqaabtaas Shugri lagu sameeyey ay ku weheliyeen dad kale oonaan Magacyadooda haynin.

13 Feb, 2002 Ahmed Waayeel Dacar oo ah Odey weyn isagoo u dacwoonaya wiil oo dhalay oo hada ka hor laga soo qabtay Magaalda Nusdariiq oo lagu xidhay Wardheer dabadeedna Qabri-dahare loo soo gudbiyey ayey isagiina Xidheen.Wiilkaas oo Ciidanka Gumeysiga Itoobiya kala wareegeen wixii uu hanti lahaa isla markaana ay aad oogu dhagen yihiin walina u xidhan Ciidanka Gumeysiga Itoobiya.

13 Feb 2002 Magaaladda Dig oo ka tirsan Gobalka Dh/buur waxaa si gooniya Ciqaab loogu sameeyey Dad Shacbi ah oo Xabsi ugu jiray Ciidanka Gumeysiga Itoobiya waxaana ka mid ahaa

1-Ayaan Mohamuud Daahir Xaran
2-Aamina Abdi Cade iyo
3-Islaan Magaceeda Faadumo la yidhaahdo.oonaan Magaceedii oo dhamaystiran Haynin.

14 Feb, 2002 Magaalooyinka Awaare, Dig,Weylo Lagu Xidh, Nusdariiq iyo Meelaha u dhow waxay Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ka uruuriyeen Xoolo badan oo nooc walba leh kuwaas oo loo Qalayo Ciidanka Gumeysiga Itoobiya iyo Dabaqoodhiyiinta sida Goonida ah oola Shaqeeya.Sidoo kale Aagaas aan soo sheegnay Berkadaha ku yaala eey Shacbigu iska leeyihiin waxay ku kanaaxeen 50.000 Sh.So. ah.Waxaa hawshaas in ay fuliyaan diiday Shacbiga ku nool Awaare iyo Aagaga u dhow.

15 Feb, 2002 Magaalooyinka Iimey, Abaa Qorow, Gudhis iyo Meelo kale oo isla aagaas ah waxaa khasab looga uruuriyey Dhaqaale loogu tala galay in lagu naaxiyo Ciidanka Gumeysiga Itoobiya iyadoo ay Shacbiga khasab lagaga uruurinayo Dhaqaalahaas iyagoonba horay u haysanin wax ay ku noolaadaan.

Shir Balaadhan ooy isugu yimaadeen Ururadda Bulshadda Ogaadeenya iyo Jaaliyadda Ogaadeenya oo ka dhacay Wadanka Jarmalka

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo Warama Wadanka Jarmalka ayaa inoo soo diray Dhambaal Xambaarsan Shir Balaadhan ooy isugu yimaadeen Ururadda Bulshadda Ogaadeenya iyo Jaaliyadda iyo Unuga Jwxo, ee Wadankaas Jarmalka 23 Feb 2002 kaas oo ku Beegnaa Munaasibadda Ciidul Adxa.

Shir balaadhan oo ka Dhacay Wadanka Jarmalka Magaaladda Offenbach oo ku dhagan Magaaladda Franfurt ayaa dhacay 23 Feb, 2002 kaas ooy ka soo qayb Galeen Jaaliyadda Ogaadeenya ee Wadanka Jarmalka, Ururka Samafalka Ogaadeenya , Ururka Hooyooyinka Ogaadeenya iyo Xubnaha Unuga Jwxo, ee isla Wadankaas isagooy Ujeedada loo qabtay Shirkaas ahayd

1-In Ubadka Ogaadeenya ee ku dhashay Dibada laysu keeno Maalinta Ciida si ay Hal meel ah ugu wada Ciidaan isla markaana loo tuso in Shacbigoodii uu Wali Gumeysi ku jiro si ay Wadada Waalidiintood u qaadaan.

2-In la Aas-Aaso Urur Dhalinyaradda Ogaadeenya ee Wadanka Jarmalka kaas oo Kaalintiisa ka buuxin doona Halganka uu Shacbiga Ogaadeenya oogu jiro aay ka Tashigiisa.

3-Kor u qaadida Tayadda iyo Aqoonta Xubnaha Unuga Jwxo, ee Wadankaas.

4-Xog Siinta Xubnaha Jaaliyadda iyo Unuga Jwxo, ee Wadankaas

5-Qiimaynta Xaaladda Guud iyo Mida Gaar ahaaneed ee Ogaadeenya

6-La Socodka Xaaladaha Cusub ee Dunida ku soo biiray iyo Habka ugu fiican ee uu uga taabo Gali karo Halganka Shacbiga Ogaadeenya oogu jiro aayo ka tashigiisa.

7-Muujin ay Xubnaha Jaaliyadda Germany Ku Garab istaagayaan Naftood Hurayaasha Wada Sharafta Shacbiga Ogaageenya oo ah Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya.

Iyo Xaalado badan oo Guud ahaan dan u ahaa Geedi Socodka Halganka Shacbiga Ogaadeenya iyo Xoriyad Gaadhsiintooda.

Shirkaas ooy ka hadleen Xubno Badan oo Madax Sare ka ah Jwxo, iyo Gudoomiyayaasha Ururadda Haweenka Ogaadeenya ee Germany, Dhalinyaradda Ogaadeenya ee Germany,Ururka Samafalka Ogaadeenya ee Germany waxaa hadal Kooban oo ujeedada Shirka ee Xiligan isagoo ku Hadlaya Magaca Busho Weynta Ogaadeenya ee Germany ku Furay Shirka Gud.Jaaliyadda iyo Unuga Jwxo, ee Germayn Halgame Abdirahmaan Sh.Abdulaahi.Waxaana Hadaladiisii ka mid ahaa.

Shacbiga Ogaadeenya meel ay Jooganba waxaa Eega Muuqata in uu Qumbihiisa Lig liga Haysto.

Dhismihii ugu Danbeeyey ee DKMS oo Dhidibadda loo Aasay kadib markii lagu Dhawaaqay Golaha Wasiiru Dawlayaasha DKMS.

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo Warama Soomaaliya Ahmed-Yare Calasoow ayaa inoo soo diray Dhambaal Xambaarsan Dhismihii ugu Danbeeyey ee DKMS oo dhidibada loo aasay kadib markii Madaxtooyadda Dawladda Soomaaliyeed lagaga Dhawaaqay Golaha Wasiiru Dawlayaasha Goobtaas oo uu Qudbad Qiimo weyn Xambaarsan ka Sheegay Madaxweynaha Dawladda Soomaaliyeed Dr.Abdiqassin Salat Hassan.

RaiisuL Wasaaraha DKMG Mudane XassanN Abshir ayaa ku Dhawaaqay Qaybtii Labaad ee Xukuumadiisa

Xaflad lagu maamuusayay magacaabida Wasiiro iyo Wasiiru Dowlayaal lagu soo biiriyey Dowladda Xasan Abshir Faarax ayaa lagu qabtay xarunta Madaxtooyada DKMS waxaana Xafladaas ka soo qaybgalay Madaxwaynaha Jamuuriyadda Soomaaliya Mudane C/qaasim Salad Hassan, Wasiiru dowlayaasha cusub, Xildhibaano iyo marti sharaf kale.waxaana Goobtaas lagu dhaariyay Masuuliyiintii Cusbaa ee Lamagacaabay.

Madaxweyne C/qaasim oo halkaas khudbad gaaban ka jeediyay ayaa sheegay in dhismaha dowladaasi uu ku yimid la tashiyo badan oo lala sameeyay Xildhibaanada, Waxgaradka iyo Beelaha Soomaaliyeed, wuxuuna caddeeyay in dowladda Xasan Abshir looga fadhiyo inay dadka Soomaaliyeed ka samata bixiso dhibaatooyinka haysta.

Isagoo ka hadlayay howsha hor taala dowladda cusub ayuu sheegay inay tahay sidii la isugu keeni lahaa ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna u rajeeyay dhamaan Maasuuliyiinta Cusub in uu Ilaahay u fududeeyo Masuuliyadaas Adag ee loo magacaabay

Xukuumada Itoobiya ayaa mar walba ku eedaysa Soomaaliya in ay ku sugan yihiin Kooxo Asal raac ah oo xidhiidh laleh Argagixisada Caalamiga ah taas oo ay si adag u beeneeyeen Xukuumada ku meelgaadhka ah iyo siyaasiyiin fara badan oo Soomaali iyo Ajanabiba isugu jira waxaana xukuumada Itoobiya lagu eedeeyaa inay dana gaar ah kaleedahay Soomaaliya.

Mar uu u waramayay Telefeshinka Abu-dabay Ra'iisal Wasaaraha Dowladda KMG ah Xasan Abshir Faarax ayuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin dad 100% Muslim ah oo ayna Itoobiya uga heybeysaneyn diintooda,

Wuxuuna caddeeyay inay dhowr jeer isku dayeen wadahadalo iyo xal ay la gaaraan xukuumada Itoobiya, laakiin ay taasi noqotay natiijo la'aan, iyadoo hoggaamiye kooxeedyada ka soo horjeeda dowladda KMGS ah u fidisa kaalmo.ay ku wax yeeleeyaan nabadda shacabka soomaaliyeed Mudane Abshir waxuu kaloo sheegay inaysan Soomaaliya joogin wax argagixiso ah, wuxuuna caddeeyay inay dowladiisu diyaar u tahay iskaashi ay beesha Caalamka ka la yeelato la dagaalanka argagixisada, wuxuuna intaa raaciyay in ay albaabadu u furan yihiin dowladda Mareykanka iyo xulafadeeda si ay u hubsato inay argagixiso joogto Soomaaliya iyo in kale

Dhageystayaal Warkii Caawa waa naga intaas.

Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 26 Feb 2002
radioxoriyo@ogaden.com


Dhegeyso Goosgooska oo Cod ah


WARARKA OGADEENYA:
Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety