S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 Khartuum GUJI..
LETTER FROM OGADEENYA
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia) Read here

G O L E
Golaha Beesha Kablalax GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...
MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA OGAADEENYA
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya

Warkii Radio Xoriyo
30 April,200

Warka Madaxdiisii

Ciidanka Gumeysiga Itoobiya oo lagu Naafeeyey Degaaladii u Danbeeyey

Dad Shacbi ah oo lagu xidh xidhay Magaalada Qoriile

Xaaladda Caafimaad ee Ina Cigaal oo ka sii daraysa

Itoobiya oo Xoojisay Faragalintii ay ku haysay Soomaaliya

Warkii oo Faahfaahsan

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama CWXO ayaa soo sheegay Dhurbaaxo kulul oo Ciidanka Gumeysiga Itoobiya lagu gaadhsiiyey Goobaha Degaalada ay Bishan isku haleeleen iyaga iyo CWXO.Waxaana oogu danbeeyey Kuwan.

08 April 2002 Qoon Caashaad oo ka tirsan Degmada Iimeey ee Gobalka Godey Degaal ka dhacay waxaa Ciidanka Gumeysiga Itoobiya lagaga dilay 10 Askari iyadoo 7 kalena lagaga dhaawacay.

21 April 2002 Cali Fancad oo ka tirsan Degmada Dhuxun ee Gobalka Nogbeed Degaal ka dhacay waxaa askarta Horarka ah ee Itoobiya lagaga dilay 8 Askari iyadoo 2 kalena halkaas lagaga dhaawacay.

21 April 2002 Karin Dabayl oo 10 KM oo dhinaca Bari u jirta Dhagaxbuur ku taala Waxaa Goobtaas lagu gubay hal Gaadhi oo ahaa Nooca Ciidanka Qalabka Sida ee Itoobiya Qaada ee uu Ruushku Sameeyo lana yidhaahdo Uural iyo wixii saaraa.Iyadoo la rumaysan yahay in uu gaadhigaasi waday ilaa iyo 45 Askari iyo Taliyahoodii oo Kaptan Wayaane ahaa.

Isu geyn waxaa degaaladaas lagaga dilay 64 Askari oo Ciidanka Gumeysiga Itoobiya, iyadoo lagaga dhaawacay 9 kale.

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo waranta Arimaha Bulshada Maryama Ruun Liibaan ayaa inoo soo sheegtay Odayaal lagu xidh xidhay Gobalka Doolo kuwaas oo qayb ka ah Ololaha Bahalnimada ah eey Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya ku hayaan Shacbiga aan waxba galabsanin ee Ogaadeenya waxaana ugu danbeeyey.

21 April 2002 Dadkii ku xidhnaa Magaalada Qoriile waxaa laga daba geeyey Odayaal ay ka mid yihiin

1. Abdulahi Abdi Gaas
2. Fakad Xasan Xaashi
3. Hudle Khaliif
4. Abdi Yuusuf Moalin
5. Hassan Yuusuf Baynax
6. Muhumed Gaaxnuux
7. Hassan Aaden Gaani
8. Hassan Ow Mohamed Khaliif
9. Mukhtaar Abdi Muhumed
10. Ahmed Awal Alin Nuux
11. Iyo Muraad Abdi Dhabac

Maryama Ruun Liibaan
Radio Xoriyo, Doolo
Ogaadeenya.

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo Warama Wadanka Koonfur Afrika Cumar Fandhaal ayaa soo sheegay Xaaladda Caafimaad ee Mohamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo ka sii daraysa.

Bayaan: Joojin Xiriirka Ganacsiga W/Galbeed
Bayaan kasoo baxay Jaaliyadda Absame ee kudhaqan Denmark ayaa tibaaxay... GUJI.HALKAN April 30
Mohamed Xaaji Ibraahin Cigaal ayaa ilaa iyo Todobaadkii hore ku sugnaa Magaaladda Pretoria Isbitaal kuwa Gaarka loo leeyahay oo xaaladiisa Caafimaad oon wanaagsanayn loo keenay. Cigaal oo qabay Cuduro ay ka mid yihiin Lugo Barar, Dhiig Kar,Sonkoroow waxaa intaas u dheeraa isagoo ah nin ay da´diisu aad u weyn tahay oo uusan jidhkiisu iska difaaci karin Cuduradaas.

Sida ilo Xog ogaal ah oo ku sugan Isbitaalka lagu daweynayo ay sheegeen tan iyo 27 April 2002 oo Xaaladiisu sii xumaanaysay waa loo diiday in ay Booqdaan Qaraabadiisa iyo Xubno u dhashay Waqooyi Galbeed oo rabay in ay arkaan.Waxaa qaar dhakhaatiirta ka mid ah oon la magacaabin ay sheegayaan Warar Dayro dhalin kara oo Xaaladiisa Caafimaad ku tilmaamay in aan ka soorayn laga filaynin.

Cumar Fandhaal
Radio Xoriyo,Pretoria
Koonfur Afrika.

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Soomaaliya Ahmed-Yare Calasoow ayaa inoo soo diray Warar isku dhafan oo Soomaaliya ku saabsan.Wuxuuna ku bilaabay.

Maxamed Dheere oo saanad iyo hub u doontay Godey.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelada Dhexe ayaa ku waramaya in afar tikniko ah oo ka amar qaata axamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere ay u baqooleen dhanka magaalada Godey ee Ogaadeenya.

Tiknikadan oo ay la socdaan maleeshiyo aad u hubeysan ayaa ka soo galbinaya labo gaari oo ah N3 oo ay ku raran yihiin hub kala duwan sida ay sheegayaan dad ku dhow dhow Maxamed Dheere.Ma'aha markii ugu horesay ee ay dowladda Itoobiya u siinayo kaalmo Maleeshiyada Maxamed Dheere iyo hoggaamiyeyaasha kale ee sida weyn uga soo horjeeda DKMG.

Dhinaca kale, waxaa wali ku afduubab magaalada Muqdisho shan xubnood oo ka tirsan maamulka Maxamed Dheere, afduubkan oo lagu micneeyay mid waji badan leh.Mas'uuliyiinta la afduubay oo uu ka mid yahay guddoomiyaha degmada Jowhar Canshuur Cali ayay dadka qaar kiiskiisa ku micneeyeen in ay la xiriirto falal uu geystay Maxamed Dheere.

Wararka ka imaanaya Degmada Luuq ayaa sheegaya in dagaaladii ka dhacay degmadaasi ay ahaayeen kuwo ay ka dambeysey Dowladda Itoobiya taas oo la xidhiidha siyaasadeeda ah inay dadka Soomaaliyeed meel kasta oo joogaan hubka isugu dhiibto.

Ugaas Cumar Ugaas Xirsi ayaa ugu baaqay nabadoonada Gobolka Gedo in ay u howlgalaan sidii ay heshiis buuxa u dhex dhigi lahaayeen dadka walaalaha ah ee dhowaan isku diley Deegaanka Luuq. Gobolka Gedo ayey dhowr jeer oo hore Dowladda Itoobiya gudaha u soo gashay iyadoo dad badan oo shacab ah ku laysay ciidankeeduna uu saldhigyo ka sameystay.

DOWLADA KMG AH OO QAYLA DHAAN U DIRSATAY CAALAMKA

Madaxweynaha dowlada KMG ah Dr: C/qaasim Salaad Xasan ayaa dowlada Itoobiya ku eedeeyay in ay carqalad ku tahay hanaanka nabada iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya. Madaxweyne C/qaasim ayaa hadalkan ka jeediyay kulan uu xaruntiisa madaxtooyada kula yeeshay duqowda dhaqanka beelaha Soomaaliyeed.

Madaxweyne C/qaasim ayaa ku cel celiyay in dowlada Itoobiya ay u bir tumaneyso sidii ay dalka Soomaaliya ugu qeybin laheyd imaarado yar yar oo ay iyadu maamusho wuxuuna kaga digay Itoobiya in ay ka waantowda nidaamkeeda kala qeybinta dalka, mar uu ka hadlayay C/qaasim dhinaca mabadgelyada iyo hubka ay dowlada Itoobiya ku soo daabuleyso dalka waxa uu ka yiri “ma ahan in Itoobiya ay tagto shir nabadeed oo loo qabanayo qeybaha Soomaalida, doorkeedu waa un sidii ay u kala tuuri laheyd rajo kasta oo lagu soo celinayo qaranimadii dalka” ayuu yri isaga oo intaasi raaciyay.

Dhanka kalena Wasiirka Warfaafinta dowlada KMG ah Prof:C/raxmaan Ibbi oo u waramayay saxaafada gudaha ayaa ka codsaday wadamada caalamka in ay ku cadaadiyaan dowlada Itoobiya sidii ay faraha ugala bixi laheyd arrimha Soomaaliya ee ku taxaluqa dib u heshiisiinta iyo dib u soo celinta qarankii bur buray ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay dowlada Itoobiya in ay gacan bidxayn ku wado shirka Nairobi oo dhan-na ay ka taageeresyo, halka dhanka kalena ay ka fashilineyso oo ay garabv siineyso qab qablayaasha dagaalka hurinaya, waxaana uu wasiirku xusay in Itoobiya ay jebisay qaraarkii Q/midoobay ee tirsigiisu ahaa 733 soona baxay 23-kii January 1992-dii, qaraarkaas oo ka cunaqabateynayay Soomaaliya in ay soo galaan wax hub ah.

Wasiirku wuxuu kaloo sheegay in dowladiisu ay mar walba diyaar u tahay, kuna dedaaleyso sidii ay geed gaaban iyo mid dheer-ba ugu kori laheyd dib u heshiisiinta dalka.

Warkii Caawa waa naga intaas.

Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 30 April,2002

radioxoriyo@ogaden.com


Dhegeyso warkaan oo Cod ah


WARARKA OGADEENYA:
April.30.2002 | April.26.2002 | April.23.2002 | April.19.2002 | April.17.2002 | April.12.2002 | April.9.2002 | April.5.2002 | April.2.2002 | March.29.2002 | March.26.2002 | March.22.2002 | March.19.2002 | March.12.2002 | Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety