S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
SIIRADA RASUULKA KUDAYO»
Tusmo | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30
SAXAABADII RASUULKA BARO»
Casharka toddobaadkan | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18
RAMADAAN SOON»
Macluumaadka Soomidda bisha ramadaan iyo axkaamta Soonka GUJI
SAKADA MAALKA BIXI»
Tusmo | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7
XIGMAD/WISDOM BIXI»
XAYAYSIIS BOOQO» 
KUTUB/BOOKS AKHRI» 
Soobooqo bogga xayasiiska Buugaagta / kutubta GUJI
NEWS 1 | 2 | 3 | 4 | 5
MAQAALLO AKHRI» 
DOOD FURAN AKHRI» 
QORAALO XIISA LEH AKHRI» 
MUSHARAXA SL 2002» 
Barnaamijka C/Risaq Maxamud Saleiman ee doorashada Somaliland Guji»
PUNTLAND, SOMALIA
Summary of Progress Report on the Puntland Peace Mission
PAGE.1 | PAGE.2 | PAGE.3 | PAGE.4 | PAGE.5 | PHOTO
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 Khartuum GUJI..
LETTER FROM OGADEENYA
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia) Read here

G O L E
Golaha Beesha Kablalax GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...


.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA OGAADEENYA
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya

Warkii Radio Xoriyo
17 May, 2002

Warka Madaxdiisii

· Siyaasado Cusub oo Cabudhis ah oo lagu soo Wado Ogaadeenya iyo Oromiya

· Ciidamo Itoobiyaan ah oo isu dhiibay Dawlada Eriteriya

· Itoobiya oo ku Fashilantay Shirkii Wadamada Siyaasadoodu Dhex Dhexaadka Tahay

· Madaxweyne Cabdiqassin oo Warqad u diray Wadamada IGAD Warkii oo Faah faahsan

Shir Lagu Qabtay Magaaladda Adis-Ababa oo Laysugu Keenay Xubno Sar Sare oo Ka Tirsan Maamul Ku Sheegyada Ogaadeenya iyo Oromiya.

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo Warama Magaalada Jig-Jiga Kooshin Sugule ayaa inoo soo sheegay Shir ka dhacay Magaalada Adis-Ababa kaas oo Amaro Cusub oo Cabudhis ah lagu soo siiyey Maamulada Ogaadeenya iyo Oromiya.

Shir lagu qabtay Addis Ababa May 14,2002 oo la isugu keenay xubno sar sare oo ka tirsan Mamul Ku-Sheegyada Jijiga iyo kan Oromiya ayaa la sheegayaa in uu dhamaadaday ka dib marka la kala siiyay Amaro Cusub oo Cadaadis ah in ay kula kacaan dadkooda.

Wararku waxay sheegayaan in labada wafdi oo ka kala socday labada maamul ku sheeg si kulul loogu sheegay in lala xisaabtami doono hadii ay wax ka qaban waayaan howlgalada Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO) iyo Jabhadda Xoreynta Oromiya-OLF. Wararka waxay intaas ku darayaan in labadaas wafdi loo sheegay in ay hawlo ka soo qabteen Xisbiyadooda dhexdooda kadib markii ay sifeeyeen Xubnihii lagu tuhmayey in ay Gacan saar la leeyihiin Nabadiidka kuwaas oo banaanka la dhigay.Labada Maamul ku sheeg waxay Gacan saar la leeyihiin Ururka Talada Itoobiya haya ee EPRDF iyadoo Xisbiyadooda la kala yidhaahdo OPDO Oromiya iyo SPDP oo ah Xisbiga Dabaqoodhiyiinta

Wararku waxay intaas ku darayaan in labad Wafidiba loo sheegay in haatan la diyaarinayo qorsho maxkamad lagu soo taagi doono qaar ka mid ah xubnihii laga saaray labadaas urur ee Daba Qoodhiyiinta ah iyada oo ay arintaasi tahay amar si toos ah uga yimid Wasiirka Arimaha Federaalka Itoobiya Abaye Tesfaye.

Kooshin Sugule
Radio Xoriyo
Jijiga

5 ASKARI ITOOBIYAAN AH OO ISKU DHIIBAY CIIDANKA ERITREA

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Adis-Ababa ayaa inoo soo diray warar isku dhafan oo meelo badan taa taabanaya inagoo ku bilaabayna askar ka tirsanayd Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya oo u Goosatay Dalka Eriteriya.

Xadka Eritrea iyo Itoobiya oo haatan uusan wax dagaal ahi ka soconin ayaa todobaadkan waxaa iska dhiibay 5 askari oo Itoobiyaan ah iyaga oo isu dhiibay Ciidanka Qalabka Sida ee Wadanka Eritrea. Askartaas ayaa kala ahaa 3dex Alifle Mebrahtu Gebru Gebreselase (oo uu dhashay qowmiyada Tigreega) 2/le Samuel Gidey Berhane (oo uu dhashay qowmiyadda Tigreega) Alifle Kasahun Wasi Tefera (oo uu dhashay qowmiyada Amxaarada) Alifle Negiso Dibilo (oo uu dhashay qowmiyada Oromoada Dable Gitenet Ayalew Mekonen (oo uu dhashay qowmiyadda Amxaarada )

Askartaasi waxay sheegeen in ay ka soo baxsadeen qeybahoodi kadib markii ay u dul qaadan waayeen Dulmigii lagu hayey iyaga iyo Dadkoodaba.Waxay intaas ku dareen in Guud ahaan Ciidanka Gumeysiga Itoobiya uu Mooraalkiisu aad u xun yahay.Waxaana ka muuqatay Askartaas korkooda Rafaad,Gaajo iyo Darxumo badan taas oo tilmaamaysa Heerka hoose ee Ciidanka Itoobiya tayadiisu marayso.

URURKA UU DOODO XUQUUQDA MAXABIISTA U XIDH XIDHAN DOWLADDA ITOOBIYA OO SHEEGAY IN AY HAATAN 15,000 OO QOF KOR U DHAAFAYSA UGU XIRAN YIHIIN SABAB LA'AAN

Ururka u dooda Maxaabiista u xidhan Gumeysiga Itoobiya ayaa sheegay in haatan in ka badan 15,000 oo qof ay si xaq daro ah ugu Xidhan yihiin Xabsiyada kala duwan ee Gumeysiga Itoobiya.Ururkaas oo la yidhaahdo EUPPC

Ururkaas ayaa warqad ay saxiixeen kumanaan qof oo Itoobiyaan ah uu diray Xogayaha Guud ee Midowga Europe oo la yiraahdo JAVIER SOLANA waxaana Xogayaha Guud ee Midowga Europe loogu baaqay in ay dalalka Europe joojiyaan macaawinada ay Itoobiya siyaan ilaa dadkaas laga sii daynayo.

MAGAALADA ADDIS ABABA OO LAGU XIDHAY 250 ARDAY OO OROMO AH

May 13,2002 ayaa magaalada Addis Ababa lagu xidhay arday uu dhalatay Qowmiyadda Oromoada oo tiradooda gaarayso 250. Ardaydaasi ayaa la xiray ka dib mudaharaad ay ka sameeyeen Jamacada Addis Ababa ayna kaga soo hor jeedaan falalka foosha xun ay Dowladda Zenaawi kula dhaqanto Shacbiga Oromiya gaar ahaan ardayda Oromiya.

Wararka waxay intaas ku darayaan in ardaydaasi laga wada qaaday Aqoonsiyadii Jaamacada taas oo ka hor istaagaysa in ay dib oogu soo noqdaan Jamacada Addis Ababa

URURKA E.D.P OO MUCAARID KU AH MELEZ ZENAAWI OO DIYAARINAYO MUDAHARAAD BALAARAN OO KA DHICI DOONO ADDIS ABABA

Ururka Mucaaridka ee E.D.P ayaa May 19, 2002 isu diyaarinayo banaanbax balaaran oo laga qaban doono Magaalada Addis Ababa. Ururka E.D.P ayaa banaanbaxaas qaban doono inkasta oo ay Dowladda Zenaawi u sheegtay in aan Mudaharaadkaas la qabanin. Wararka waxay intaas ku darayaan in ururka E.D.P uu la xiriiray hayado xuquuqal insaan, Safaarado, Saxaafada shiisheeyaha iyo dowlado kuwaas oo ay u sheegeen in ay qaban doonaan banaanbaxaas oo ay ugu baaqayaan beesha caalamka in ay markhaati ka noqoto talaabooyinka ay qaadaan Ciidanka Booliska ee Taliska Adis-Ababa.

Wararku waxay intaas ku darayaan in dhamaan Qaybaha kala duwan ee Ururkaas macaaradku uu la xidhiidhay ay si fiican ula socon doonaan Mudaharaadkaas.

Qamaan Xirsi
Radio Xoriyo
Adis-Ababa

133 DOWLAD OO KA SOO HOR JEEDSADAY HINDISA AY ITOOBIYA WADAY

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Koonfur Afrika Cumar Fandhaal ayaa inoo soo sheegay Itoobiya oo ku fashilantay Shirkii Wadamada Siyaasadoodu Dhex Dhexaadka tahay uga socday Wadanka Koonfur Afrika.

Wararka naga soo gaarayaa shirka wasiirada dalalka dhex dhexaadka ah oo lagu soo afjaray dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in Itoobiya ay ku guuleysan waysay in ay ka dhadhciso dalalka Siyaasadoodu dhex dhexaadka tahay in la baa'biyo mirihii ka soo baxay shirka Carta oo ay ka dhalatay dowladda ku-meel gaarka ee Soomaaliya oo isla markaasna dib wax walba loo bilaabo mar kale. Wararku waxay sheegayaan in kadib markii cod la qaaday ay 133 cod ku raaceen wafdiga ka socday Dowladda ku-meel Gaarka ee Soomaaliya oo uu Hogaaminayay Wasiirka Arimaha Dibada DKMG mudane Yusuf Xassan Ibraahim (Yusuf Dheeg).

Itoobya oo Geed dheer iyo Mid Gaabanba u fuulaysa in ay Minja Xaabiso Danaha Dadka Soomaaliyeed ayaad moodaa in ay Bayuur weyn kala soo noqotay Koonfur Afrika,taas oo war wanaagsan u ah Dadka Soomaaliyeed.

Cumar Fandhaal
Radio Xoriyo
Koonfur Afrika

WASIIRKA ARRIMAHA DIBEDA EE KENYA IYO MADAXWEYNAHA JABUUTI OO KA HADLAY ARRIMO KU SAABSAN DIB UU HESHISIINTA SOOMAALIYA

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Jabouti Rooble Mahadi ayaa inoo soo sheegay Madaxweynaha Dalka Jabouti Ismaciil Cumar Geele iyo Wasiirka Arimaha Dibada ee Kenya ayaa si wada jir ah ooga hadlay amuuro ku saabsan Shirka Nairobi.

Maalinta May 13, ayaa galabti shir ka dhacay Madaxtooyada Jabuuti oo ay ku kulmeen Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geele iyo Wasiirka Arrimaha Dibbeda ee Kenya MARSDEN MADOKA.

Wararku waxay sheegayaan in wasiirka uu waday fariin gaar ah oo ku socotay Madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaciil Cumar Geele ..kana timid Madaxweynaha dalka Kenya Daniel Arab Moi. Wararka waxay sheegayaan in fariintaasi ku saabsanayd shirka dib u heshiisiinta ee Soomaaliya oo dhowaan la filayo in uu ka dhaco dalka Kenya.

Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geele ayaa muujiyay fikrada ay Dowladiisa iyo ummada Jabuuti ka qabaan shirkaasi isaga oo fasiray sababta ay wafdii jabuuti uga hadhay socdaalkii ay dhowaan guddiga farsamada ee urur goboleedka IGAD. Iyadoo uu taas ku fasiray dalka Jabuuti oon raali ka ahayn sida ay Itoobiya wax uu wado.

Shacabka Jabuuti ayaa bilooyinkan dambe aad uu cambareeya faragelinta ay itoobiya ku hayso walaalahooda soomaliyeed iyaga oo u hambalyeeyey dowladooda iyo Madaxweyne Ismaciil Cumar Geele oo garab istaagan dowladda ku-meel gaarka ee soomaliya mar walbana tageersan wixi dan uu ah shacabka Soomaaliya

Roble Mahdi
Radio Xoriyo
Jabuuti

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Soomaaliya Ahmed-Yare Calasoow ayaa inoo soo diray Warar isku dhafan oo Soomaaliya ku saabsan inagoo ku bilaabayna Madaxweyne Abdiqassin oo Warqad u diray Urur Gobaleedka IGAD.

Madaxweyne Cabdiqaasim oo Waraaqo U Diray Hogaamiyeyaasha IGAD Madaxweynaha Dowladda KMG ah, Cabdiqaasim Salaad Xasan, ayaa May 14, 2002 waraaqo uu kala diray Madaxda Urur Goboleedka IGAD ee loo xilsaaray xallinta qilaafaadka Soomaaliya. Madaxweyne Cabdiqaasim ayaa ka codsaday madaxdaasi in Itoobiya laga saaro Guddiga Farsamada ee IGAD oo ka kooban 3 dal oo kala ah Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya.

Warqadda madaxweynaha ayaa lagu xusay dhibaatooyinka faraha badan ee ay Itoobiya ku hayso dalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin hubka ay sida isdaba jooga ah u soo gelinayso gudaha Soomaaliya iyo in aanay Itoobiya marnaba ogolayn qaranimada iyo midnimada Soomaalida. Madaxweyne Cabdiqaasim waxuu sheegay xukuumaddiisa ay diyaar u tahay ka qaybgalka Shirka Dib U Heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu wado inuu dhowaan ka dhaco Magaalada Nayroobi ee dalka Kenya dhowaan.

TALIYAHA CIIDANKA QARANKA SOOMAALIYA OO TODOBAADKAN KU SOO NOQDAY XAMAR

Taliyaha Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa Generaal Ismaciil Qaasim Naji ayaa todobaadkan ku soo noqday magaalada xamar ka dib socdaal uu ku tagay da lalka Cemaraadka Carabta,Eritrea,Libya iyo Yemen. Jeneraal Naaji oo kulmay sarakiil sar sare ee ciidamada dalalkaasi ayaa mudo dhowr todobaad maqnaa

SANADGUURADA 59aad EE URURKA S.Y.L. OO LA XUSAY

15 May ayaa si balaaran loo xusay sanaguurada ururka gobonima doonka soomaliyeed oo loo yaqiinay S.Y.L. Caasimadda Muqdisho, iyo Gobollada dalka ayaa waxaa ka dhacaya fantasiyo iyo bannaabaxyo lagu xusayo maalintaas oo ah maalin ku weyn ummadda Soomaaliyeed, waayo 13-dhallinyaro ah ayaa Ummadda Soomaaliyeed u horseedday in ay helaan xoriyad taam ah. Ururka dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta sameynaya fantasiyo loo sameynayo 15-ka May, waxaana ka qayb galay mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda KMG.

Sidoo kale dadkii ka mid ahaa Ururka SYL, ayaa iyagana la ka qayb galay munaasabaddaas oo ay hadallo ku aaddan ka soo jeediyaan qaabkii loo helay xoriyadda Soomaaliya.

MAGAALADA BELED XAAWO EE DALKA SOOMALIYA OO GACANTA UU GASHAY CIIDANKA ITOOBIYA

Maalinta May 15, 2002 barqadii hore ayaa boqolaal askar Itoobiyaan ah oo saldhig uu ahaa magaalada Doola ayaa ku soo duulay Beled Xaawo iyaga oo ka soo galay dhinaca Garbahaarey..Isla markaasna gacanta uu gashay magaalada Beled Xaawo.

Wararka waxay sheegayaan in Ciidanka Itoobiyaanka ay wateen madaafiic lagu jiidayo baabuur iyo gawaarida gaashaaman. Cidaanka Itoobiyaanka ayaa marka hore xiray wadooyinka ku wareegsan magaalada iyaga uu muuqday in ay dad raadsanayeen.

Wararka waxay sheegayaan in ay ciidanka Itoobiyaanka ay madafiic la dhaceen magaalada Beled Xaawo inta aysan galan...taas oo keentay khasaaro aad uu balaaran oo ay tobanaan qof ku dhinteen, dhowr kalena ku dhaawacmeen. Madfacaas ayeey wararku sheegayaan ayaa ku dhacay kaalin shidaal oo uu dab qabsaday.

Guud ahaan magaalaa Beled Xaawo ayaa intiisa badan dab ayaa qabsaday.. dabkaas oo ka dhashey hubka culus ah ee ciidamada itoobiyaanka isticmaalayeen waxaana uu dabkaasi keenay in dad weynuhu ka qaxaan magaalada waxayna dad weynuhu u qaxayeen tuulooyin lajaarka ah degmada iyagoo ku guurayey gaari gacanno iyo gaari dameerro.

Dad ku sugan magaalada Mandeera ayaa sheegay in soomaali fara badan ay hagaasi uu soo qaxeen iyaga oo ka baxsanayay ciidanka itoobiyaan. Shacabka Beled Weyn oo soo gaaray Mandeera ayaa sheegay in Itoobiyaanka ay dhinac walba magaalada ku rideen madafiic iyaga oo cidna kala saarin. Haweenkii iyo caruurtii uu soo baxsaday dhinaca Mandeera waxaa ku jiray 4 qof oo dhaawac ah.

Magaalada Mandeera ayaa si balaaran looga daawanayay qiiqa ka baxaya magaalada Beled Xaawo

Warar kalena waxay sheegayaan in Korneel Cabdirisaaq Isaaq Biixi oo ah madaxa ururka SNF oo uu taliyo goobahaas ay Itoobiyaanka isaga oo nool gacanta ku dhigeen. Wararku waxay sheegayaan in ay jirdil ku sameeyeen Itoobiyaanka Korneel Cabdirisaaq Isaaq Biixi oo ay markaas ka dibna ku dileen Tuulada Suufka loo yaqaan ee ku taala xadka kala qaybiya Soomaaliya, Kenya iyo Ogaadeenya. Itoobiyaanka waxay kale oo kaxeeysteen gudoomiye ku Xigeenka ururka SNF, Gudoomiyihii degmada beled xaawo & qaar ka mid odayeesha beled xaawo.

Magaalada Beled Xaawo ayeey ciidamada Itoobiya ku soo rogeen bandow xagga dhaqdhaqaaqa iyo isgaarsiinta iyagoo magaalada ay xitaa uu diideen in dabka ka holcayo ay shacabka isku dayaan in ay damiyaan. Ciidanka Itoobiyaanka ayaa haatan wado barnaamij balaaran oo ay rabaan in dhamaan Gobolka Gedo ee Soomaaliya gacaantooda uu gasho...halkaasi oo dulaan laga qaado oo ay rabaan in ay ku qabtaan magaalada Kismayo.

Waxa ay ciidanka Itoobiyaanka saldhig military haatan ka furteen magaalada Garbahareey.Wararka waxay intaas ku darayaan in ciidank itoobiyaan oo wato hubkoodi ay weli ku soo qulqulayaan gobolka Gedo ee Soomaaliya.

Ahmed Yare Calasoow
Radio Xoriyo, Muqdisho
Soomaaliya

Dhageystayaal Warkii ood ka dhagaysanayseen Radio Xoriyo Codkii Shacbiga Ogaadeenya

Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 17 May 2002

radioxoriyo@aol.com ama radioxoriyo@ogaden.com


Dhegeyso warkaan oo Cod ah


WARARKA OGADEENYA:
May.17.2002 | May.14.2002 | May.10.2002 | May.7.2002 | May.3.2002 | April.30.2002 | April.26.2002 | April.23.2002 | April.19.2002 | April.17.2002 | April.12.2002 | April.9.2002 | April.5.2002 | April.2.2002 | March.29.2002 | March.26.2002 | March.22.2002 | March.19.2002 | March.12.2002 | Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety