.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya


Warkii Radio Xoriyo
28, June, 2002

Warka Madaxdiisii

· Golaha Dhexe ee Jwxo, oo Kalfadhi ugu soo Gaba Gaboobay Xaruntooda.
· Xibin Sare oo ka tirsanaan Jiray Golaha Dhexe ee TPLF oo Olole Siyaasadeed ka Wada Dibada
· Dalka Emiraadka oo Shuruudo Adag ku soo rogay Muwaadiniinta Itoobiya ee Ganacsiga u soo Aada.
· Dawlada Itoobiya oo Warqado Qarsoodi ah Gaadh siiyay Kooxaha Gacan Saarka la leh.
· Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya oo Mar Kale ku Xad Gudbay Jabhuuriyada Soomaaliya



Warkii oo faah faahsan

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Xarunta Dhexe ee Jwxo, ayaa inoo soo sheegay Kal fadhi ay yeesheen Golaha Dhexe ee Jwxo, intii u dhaxaysay 9-15 bishan Juun, 2002 kaas oo ka dhacay Xarunta Dhexe ee Jwxo,Hadaba Waxaa dhabaalkaas oo qoraal ahaa inoo soo akhriyey wariye Geesood Waran

Bayaankii Kalfadhiga G/dhexe ee Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya Jwxo.

Dabaylaha isbadalka leh ee ku soo kordhay fagaaraha Siyaasadeed ee dunida,saamayna ku leh Jiritaanka Shucuubta Geeska Afrika.

Duulaanka isbalaadhinta Itoobiya ka wado Gobalka Geeska Afrika gaar ahaan kuwa ay ku wiiqayso Qaranimada Jamhuuriyada Soomaaliyeed.

Baahida loo qabo in lakobiciyo halkganka ay Hogaaminayso Jwxo,lagana horumariyo xag fikir, Maamul iyo Hab-raaca qaabka wax qabadka Jabhadda.

Xasilooni darada Geeska Afrika, ee Itoobiya sababta u tahay iyo xad Gudubka Xuquuqul insaanka ka jira Ogaadeenya darteed.

Waxaa lagama maarmaan noqotay in uu G/dhexe ee Jwxo,Shir isugu yimaado Xarunta Dhexe Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya intii u dhaxaysay 9-15 Kii Juun, 2002.Si loo qiimeeyo Duruufaha ku gadaaman Halganka Xaq u dirirka Shacbiga Ogaadeenya iyo talaabooyinka mudan in la qaado.

Wuxuu Goluhu qiimayn qotto dheer ku sameeyey heerka Halganku Marayo, duruufaha Gobaleed iyo kuwa Dawliga ee Saamayneta ku leh Halganka Shacbiga Ogaadeenya, waxaana si weyn looga baaraan dagay qorshihii lagaga dubi lahaa Dhibaatooiynka iyo Shirqoolda Cadawga iyo Daba dhilifyadu u maleegayaan Halganka Shacbiga Ogaadeenya.

Waxaa laysla Qiray in Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya (CWXO) ,uu guulo fara badan ka soo huyiyey Goobaha Degaalka, Cadawgana uu Gaadhsiiyey khasaare balaadhan oo Naf iyo Qalaba leh.Wuxuu CWXO beeniyey riyadii dhalanteedka cadawga ee ahayd inuu JWXO, ka saari doono Goobaha Degaalka isaga ooy u been sheegayso qalabka iyo Ciidanka Faraha badan ee uu adeegsanayo, wuxuuna Kalfadhigu CWXO u soo jeedinayaa amaan balaadhan siday u gteen xilkii Ummadda iyo Geesinmada ay ka muujiyeen Goobaha Degaalka.

Halisaha Gobalka Geeska Afrika ku soo fool leh

B-Dawlaga TPLF waxay u guntaday dib u hurinta Degaalka Sokeeye ee Soomaaliya iyada oo ka hortagaysa dib u dhisida xukumad Soomaaliyeed oo Madaxbanaan iyo fashilinta dedaalka nabad raadinta.

T-Taliska Wayaanaha oo aan wali ka tanaasulin fikirka duuga ah ee Imbiraadooriyada Abasiinaya ee ku dhisan Gumeysiga Shucuubta ku hoos jirta iyo Dhul balaadhsiga ay ku doonayso Xeebo Dalal Xor ah.

J-U hogaansan laáanta Itoobiya Qaraarkii Maxkamada Caalamiga ah (Hauge) ee ku saabsanaa Xuduuda ay Eriteriya la waagto ,taas micnaheedu waxaa weeye wali way taagan tahay khatartii Itoobiya in ay ku soo duuusho dalka Eriteriya.

Fursadaha Halganka Shacbiga Ogaadeenya

1-Baraaruga Shacbiga Ogaadeenya oo gaadhay heer uu haanan karo aayihiisa,si buuxdana u taageersan yahay Halganka Xaqa ah eey Hogaaminayso Jwxo.

2-Shucuubta Dulman ee Itoobiya oo u toosay u halgamida Xaqooda,kuwaas ooy Jwxo, la leedahay Iskaashi Istiraatiji iyo Mid tabeedba si loo dadajiyo bur burta Taliska Cunsuriga ah ee Wayaanaha, sida Shacbiga Oromo,Sidaamo,Binushanguul,Gambeela,Canfar,Kafaja-Shakajo,Hadiya iyo kuwa kaleba.

3-Ifafaalayaal cad cad ayaa markhaati kacaya in uu soo dhow yahay bur burkii Taliska TPLF.

4-Shacabka Soomaaliyeed oo ku baraarugay Shirqoolada Itoobiya u maleegayso Qoranimadooda.

Kadib markuu G/dhexe qiimeeyey falan qayna ku sameeyey qodobada kor ku xusan wuxuu Goáansaday hirgalinta Goáanada iyo Qorshayaasha hawleed ee hoos ku xusan.

1-In la xoojiyo Tayada iyo Tirada Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya(CWXO), iyadoo kor loo qaaday Tabarkiisa,Hubkiisa iyo Qalabkiisaba si la isu raaciyo cadawga niyada jaban ee TPLF.

2-In la hurumariyo Xidhiidhka adag ee CWXO iyo Shacbiga Ogaadeenya lana kobciyo Garaadka Halgameed ee Shacbiga si uu u qaato kaalintiisa laf dhabarta halganka ah.

3-In Ciidanka Wadangia Xoreynta Ogaadeenya la yeesho iskaashi Hawl Galineed Ciidamaha Jabhadaha aan saaxiibka nahay ee la dagaalama Gumeysiga Itoobiya si loo gaadho guusha kama danbaysta ah.

4-In la adkeeyo Guulaha halganku ka gaadhay dhinacyada abaabulka Bulshada,lana balaadhiyo dhismaha iyo wax qabadka Jaaliyadaha Ogaadeenya ee Dibada, lana dhamays tiro dhismaha iyo abaabulka ururada Bulshada si ay kaalin wax tar leh uga qaataan Halganka Xoreynta Ogaadeenya.

5-In la kordhiyo Tayada iyo Waxqabadka War Baahinta Halganka oo qaaday talaabooyin loo bogay, Halgankana kaga jirta kaalin muuqata.

6-Horumarinta habka maamulka iyo habsami u socodka hawlaha Jabhada iyadoo la adeegsanayo habka is qiimaynta iyo is dhaliilka dhismeed.

7-In la kobciyo Garaadka Siyaasiga,aqoonta hogaanka kaadirka iyo Xubnaha Jabhada lana joogeeyo hurumarinta fikirkooda Halgameed.

8-In la xoojiyo xidhiidhka walaaltinimo ee inaga dhaxeeya Jabhadaha Shucuubta dulman ee ku hoos nool Cadaadiska Itoobiya, lana yeelano is kaashi Istiraartiiji iyo mid Tabeedba,sida Shacbiga Oromo,Siidaamo,Hadiya,Gambeela,Bin-Shanguul,Canfar,Kafajo-Shakajo iyo kuwa kaleba.

9-In la xoojiyo Xidhiidhka walaaltinimo ee Shacbiga Soomaaliyeed.

10-In la hurumariyo lana adkeeyo xidhiidhka Dawladaha Gobalka ee leh aragti u hurseedaysa Shucuubta Geeska Afrika nabad, aayo ka talin iyo Cadaalad.

11-Dhamaan Dunida Nabada,Cadaalada iyo Xoriyada Jecel wuxuu Kal Fadhigu ugu baaqayaa in ay garab istaagaan Shacbiga Dulman ee Ogaadeenya,ayna taageeraan halgankan xaqa ah ee aayo talintiisa.

12-Sidoo kale wuxuu ugu baaqayaa dhamaan Dawladaha,Ururada Caalamiga ah iyo kuwa Gobleed ee daneeya Xuquuqda Aadamaha iyo Xoriyada in ay si deg deg ah u soo fara galiyaan Xaalada halista ah ee Dilka, Xasuuqa iyo Maxaabiista tirada badan ee Xabsiyada Ogaadeenya lagu jidh dilo.

13-Wuxuu Kal fadhigu Ogeysiinayaa si adagna ugu baraarujinayaa dhamaan dawladaha iyo Shucuubta nabada jecel ee Aduunka in aan nabad geliyo iyo degenaansho ka jiraynin Geeska Afrika inta Taliska Gumeystaha ah ee ku Caan Baxay Gardaraysiga Deriska iyo is fidinta ka taliyo Itoobiya.

14-Wuxuu Kal Fadhigu ugu baaqayaa Walaalahanaga Jamhuuriyad Soomaaliyeed in ay si deg deg ah u soo ceshadaan haybadoodii Qaranimo kana digtoonaadaan Shir qoolada halista ah ee Cadawga soo jireenka ah ee Ummadda Soomaaliyeed, kaas oo ah Gumeystaha Itoobiya.

15-Wuxuu Kal Fadhigu Cambaarayn u soo jeedinayaa Siyaasada Gumaysiga ah ee dawlada Itoobiya ee ku dhisan Xasuuqa,Dilka iyo ku Xad gudubka Xuquuqda aas aasiga ah ee Muwaadinka Ogaadeenya iyo dhamaan Muwaadiniinta Qoomiyadaha kale eey Itoobiya Gumeysato.

16-Wuxuu Kal Fadhigu Cambaarayn u soo jeediyey Siyaasada fara galinta iyo sii hurinta Degaalka sokeeye ee Itoobiya ka wado dalka Soomaaliya.

17-Wuxuu Kal Fadhigu Cambaaraynayaa Duulaanka gar darada ah ee Taliska Wayaanuhu ku soo qaaday Dalka iyo Shacabka Eriteriya, iyo u hogaan sanaan laáanta Itoobiya Goáanka Maxkamada Caalamiga ah ee la xidhiidha astaynta Xuduuda Eriteriya iyo Itoobiya.

18-Kal Fadhigu wuxuu Cambaaraynaa nooc kasta oo argagixisada halista ku ah nabada iyo badbaadada nafta aadamaha,hantidiisa iyo xuquuqdiisaba,gaar ahaan argagixisada abaabulan ee Taliska TPLF ee Cabudhinta,Xasuuqa Waxashnimo ee joogtada ah ku haya Shacbiga Ogaadeenya iyo Qoomiyadaha kaleba.

Midnimo,Mintid,Isku Tashi,Guul



G/dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya-JWXO

Xarunta Dhexe ee Jwxo,Ogaadeenya.

25 Juun, 2002


---------------------------------------------------------


Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Adis-Ababa Qamaan Xirsi ayaa inoo soo diray warar isku dhafan inagoo ku bilaabayna

XUBIN KA TIRSANAA GOLAHA DHEXE URURKA TPLF HAADANA
MUCAARID KU AH ZENAAW OO SOCDAAL BALAARAN KU MARAYA
DALKA MAREYKANKA.


Alemseged Gebre-amlak oo ka tirsanaan jiray Golaha Dhexe Ururka talada Itoobiya haya ee TPLF oo haatana mucaarid ku ah Melez Zenaawi ayaa laga bilaabo June 29 socdaal balaaran ku maraya Gobolo iyo Degmooyin ka mida wadanka Mareykanka oo ay degen yihiin dadka u dhashay Qowmiyadda Tigreega.Alemseged Gebre-amlak ayaa ka mid ahaa xubnihii ka soo hor jeedsaday Melez Zenaawi markii uu kala jabkii TPLFtu dhacay sanadkii inaga tagay.

Wararku waxay sheegayaan in Shacabka u dhashay Qowmiyadda Tigreega kuna nool dalka Mareykanka ay si weyn u sugayeen imaatinka Alemseged Gebre-amlak.Wararku waxay intaas ku darayaan in uu Alemseged Gebre-amlak la kulmi doono sarakiil ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibbeda ee dalka Mareykanka.

Shacabka tigreega ee ku sugan dalka mareykanka ayaa waayahan dambe wada olole ay tageero dhaqale iyo mid Siyaasadeedba ku siinayaan Mucaaradka ka soo hor jeeda kaligii Taliye Melez Zenaawi.



SHIR UU SAFIIRKA ITOOBIYA U FADHIYO DALKA BELGIUM IYO MIDOWGA EUROPE U QABTAY SHACABKA TIGREEGA EE QAARADA EUROPE OO DANKTII LAGA LAHAA FULI WAYDAY
Shir uu soo qabanqaabinayay safiirka Itoobiya u fadhiyo dalka Belgium isla markaasna ah safiirka itoobiya ee ururka Midowga Europe Berhane GebreKirstos iyo Madaxa dhaqaale aruurinta ururka TPLF iyo Mebrat Hailelibanos oo ujeedadiisu ahayd in lagaga hor tago dhaq dhaqaaqa Mucaaridka u dhashay Qowmiyadda Tigreega ee Dibbeda ku sugan iyo in lagu hir galiyo nidaam qaaraan bileed joogto ah lagaga uruuriyo Shacabka Tigreega ee Dibbeda ayaa si weyn u fashilmay kadib markii ay ka qeyb galayeesha shirkaasi muujiyeen in ay si weyn ooga soo hor jeedaan Taliska Melez Zenaawi.

Shirkaasi oo socday intii u dhaxaysay 14-17 June 2002 kana dhacay magaalada Milan ee dalka Talyaaniga ayaa noqday mid ay ku khasaartay Dawlada toobiya gaar ahaan Ururka TPLF oo filayey in ay shacabkooda dibbeda ku sugan ka helayaan tageero balaaran.Wararku waxay sheegayaan in ka qeybgalayeesha shirkaasi ay diideen in ay qaraan bileed siyaan ururka TPLF oo ay ku tilmameen in uu haatan yahay mid Melez Zenaawi gaar u ah isla markaasna matalin shacabka u dhashay Qowmiyadda Tigreega.

Ururka Jaaliyaadka Tigreega ee Europe UTE waxay oogu baaqeen Melez Zenaawi iyo dhamaan Taliskiisa in ay is casilaan iyagoo intaas raaciyey hadii aysan taasi dhicin in ay Jaaliyaadka Tigreega ee Europe si toos ah oola shaqeyn doonaan wixi hada ka danbeeya Mucaaradka hubeysan ee ka halgama Gobolka Tigray.

DALKA IMAARAADKA CARABTA OO SHARCI CUSUB KU SOO ROGAY MUWAADINIINTA U DHASHAY ITOOBIYA

Wararka naga soo gaarayaa Magaalada Abu Dhabi ee dalka Emaraadka Carabta ayaa sheegayo in Wasaarada Ganacsigu ay soo saartay sharci adag kaas oo ka hor istaagaya in dad u dhashay dalka Itoobiya ay VISA ganacsi ka helaan dalka Isutaga Imaraadka Carabta UAE .Wararka waxay sheegaayan in Dowladda Emaraadka ay arintaas ku kalifatay kadib ficilo aan wanaagsanayn oo ka yimid Muwaadiniinta u dhashay Wadanka Itoobiya oo dhaqankooda laga soo dayriyey.

Qamaan Xirsi
Radio Xoriyo
Addis Ababa

---------------------------------------

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Soomaaliya Ahmed Yare Calasoow ayaa inoo soo diray wara Soomaaliya ku saabsan inagoo ku bilaabayna

DOWLADDA ITOOBIYA OO GAARSIISAY HOGAAMIYE KOOXEEDYADA AY GACAN SAARKA LA LEEDAHAY WARQADO QARSOODI AH

Subaxnimadii 26 bisha June 2002 warqad qarsoodi ah oo ka yimid dowladda itoobiya ayaa soo gaartay dhamaan hogaamiye kooxeedyada dalka soomaliya ee gacan saarka la leh dalka Itoobiya.
Warqadahaasi ayaa soo qaaday dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee xaaladda Soomaaliya iyo shirka dib uu heshineed oo la filayo in uu dhowaan ka dhaco dalka Kenya.


Wararku waxay sheegayaan in ay Dowladda Itoobiya muujisay in uu xaalka isbadalay gaar ahaan dhinaca shirka Nairobi oo ay soo farageliyeen dowladaha Mareykanka iyo Yurub aysanna noqon karin sidii la filaayay. Maamulka Addis Abbaba ayaa ka codsaday qab qablayaasha dagaalka in ay codkooda mideeyaan, fekrad mideysanna yeeshaan maadaama aysan suurtagal ahayn in ay hirgasho
go'aankii ay kal hore Godey kuwada gaareen.

Dowladda Itoobiya ayaa warqadeeda ku sheegtay in dalalka Europe iyo Mareykan ay hada culeeys saareen in uu shirkaasi guleeysto lana dareensiiyay itoobiya in si gaar ah isha loogu hayn doono iyada oo lala socon doono wixi tilaabo ay qaado dhinaca burburinta shirkaasi.Warqadaasi waxaa ku cad in siyaasada itoobiya ay haatan tahay mid taagan in shirka laga qeyb galo maadaama khiyaanadeedii hore fashilantay.

Dadka siyaasada indha indheeya ayaa arinta u arka isbeddel strategiya...meesha uu awal ka ahaa in dowladd loo dhan yahay aysan dhismin, hada waxaa qorshe itoobiya u ah ka dib culeys kaga yimid dhanka Mareykanka in dowlada ka dhalata soomaliya, itoobiya ay gudaha ka burburiso iyada oo isticmaalaysa dadka u adeego.

-----------------------------------------------

CIIDAMO ITOOBIYAAN AH OO DIB UU SOO GALAY GOOBO KA TIRSAN SOOMALIYA


Wararka naga soo gaaraya deegaanada Qurac Joome iyo Ceel-barde ayaa sheegaya in dhawaan cutubyo ka tirsan Ciidamada Cabudhiska Guysiga Itoobiya ay soo degeen degaano ka tirsan Gobollada Bakool iyo Hiiraan.

Deegaanadaas oo kala ah Qurac-Joome & Ceel-barde ayey soo galeen Ciidan Itoobiya leedahay oo aad u hubaysan isla markaana ay goobahaas ka wadaan Dha dhaqaaq milatari oo aad u balaadhan..

Wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidanka ay durbadiiba fal xumaddii lagu yaqaanay ka bilaabeen aagagaas ay ku xad gudbeen iyadoo ay qaylo badani ka soo yeedhayso Shacbiga Soomaaliyeed ee deegaanadaas.

Ahmed Yare Calasoow
Radio Xoriyo, Muqisho
Soomaaliya.

---------------------------------------------

Dhagaystayaal Warkii Caawa waa naga intaas.

Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 28 June,2002
 radioxoriyo@aol.com
 radioxoriyo@ogaden.com 

Xusuus : Cidii Rabta in ay radio Xoriyo hawada ka dhagaysato waxay ka heli kartaa Mawjada 19 MB, ama 15530 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30 Fiidnimo.


Dhegeyso warkaan oo Cod ah
WARARKA OGADEENYA:
June.28.2002 | June.25.2002 | June.21.2002 | June.18.2002 | June.14.2002 | June.11.2002 | June.7.2002 | June.4.2002| May.31.2002 | May.28.2002 | May.24.2002 | May.22.2002 | May.17.2002 | May.14.2002 | May.10.2002 | May.7.2002 | May.3.2002 | April.30.2002 | April.26.2002 | April.23.2002 | April.19.2002 | April.17.2002 | April.12.2002 | April.9.2002 | April.5.2002 | April.2.2002 | March.29.2002 | March.26.2002 | March.22.2002 | March.19.2002 | March.12.2002 | Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin
SIIRADA RASUULKA KUDAYO»
CASHARKA TODDOBAADKAN | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30
SAXAABADII RASUULKA BARO»
Casharka toddobaadkan | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18
RAMADAAN SOON»
Macluumaadka Soomidda bisha ramadaan iyo axkaamta Soonka GUJI
SAKADA MAALKA BIXI»
Tusmo | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7
XIGMAD/WISDOM BIXI»
XAYAYSIIS BOOQO» 
KUTUB/BOOKS AKHRI» 
Soobooqo bogga xayasiiska Buugaagta / kutubta GUJI
NEWS 1 | 2 | 3 | 4 | 5
MAQAALLO AKHRI» 
DOOD FURAN AKHRI» 
QORAALO XIISA LEH AKHRI» 
MUSHARAXA SL 2002» 
Barnaamijka C/Risaq Maxamud Saleiman ee doorashada Somaliland Guji»

PUNTLAND, SOMALIA
Summary of Progress Report on the Puntland Peace Mission
PAGE.1 | PAGE.2 | PAGE.3 | PAGE.4 | PAGE.5 | PHOTO
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 Khartuum GUJI..
LETTER FROM OGADEENYA
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia) Read here

G O L E
Golaha Beesha Kablalax GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...




Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety