.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya

Warkii Radio Xoriyo
26 July, 2002

Warka Madaxdiisii

· Buugaag ay Itoobiya u soo Daabacday in ay ku Khalado Caruurta Ogaadeenya
· Qarax Mar kale ka dhacay Magaalada Dire-dawa
· Males Zinwa oo Fadeexadii Caalamka ugu Weynayd ay ku Dhacday
· Itoobiya oo la kulantay Madaxa Maamulka Waqooyi Galbeed
· Madaxaxweyne Ismaaciil Cumar Geele oo la kulay Males Zinaawi
· Itoobiya oo Amar Qarsoodi ah Gaadhsiisay Kooxaha Kooxaha Gacan Saarka la leh
· Golaha Amaanka oo Adkaynaya Dhaqan Galka Qaraarkii Cuna Qabataynta Hubka ee Soomaaliya


Warkii oo faah faahsan

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warma Jig-Jiga ayaa inoo soo sheegay Itoobiya oo Talaabooyin Marin habaabis ah ku soo wada Ogaadeenya

BUUGAAG AF SOOMAALI KU QORAY OOY ITOOBIYA RABTO IN AY KU KHALADO CARUURTA OGAADEENYA

Sida warar xog ogaal ah oo Radio Xoriyo soo gaadhay ay sheegayaan Mamul Ku Sheega ka dhisan Magaalada  Jijiga ayaa dhowaan qeybin doonta buugag cusub oo ay Itoobiya ugu talo gashay in ay ku khalado Caruurta yar yar ee dhigta Dugsiyada Ogaadeenya.Buugaagtaas oo ku qoran Luuqada Af-Soomaaliga ayaa ah kuwo lagu soo diyaariyey Magaaladda Adis-Ababa ahna kuwo xambaarsan taariikh been ah oon jirin taas oo Ardayda loogu sheegayo in ay yihiin kuwo Itoobiyaan ah, Dawladooduna tahay Itoobiya.

Qorshaasi oo ah mid soo taxnaa ooy wuxuu yahay dhalan rog iyo in lagu khaldo caruurta yar yar ee Ogaadeenya lagana marin habaabiyo taariikhdoodii dhabta ahayd iyadoo  ujeedada ka danbaysa ay tahay in laga fogeeyo Caruurta sidii ay uga qayb qaadan alahaayeen Halganka Xoriyad doonka ah ee uu Shacbigu waligiis ku soo jiray.Buugaagtaas oo sida Itoobiya oogu tala gashay ay wax barashadooda hir galinayaan Macalimiin ay horay ooga uruursatay Ogaadeenya kuwaas oo intii mudo ahba Tababar oogu maqnaa Adis-Ababa

QARAX KA DHACAY MAGAALADA DIRE DHABA

Bam ayaa ku qarxay magaalada Dire Dhaba habeenkii isniinta ee 22  July  marka ay sacadu ahayd 9kii fiidnimo.Bamkaasi oo ilaa haatan la aan la ogayn  cidii dhigtay ayaa sababay in Ciidanka Booliska ee Gumeeysiga Itoobiya ay ku soo bataan wadooyinka Dire Dhaba iyagoo durbadiiba sidii lagu yaqaan fal xumo kula kacay Shacab aan waxba galabsanin oo ku noolaa magaalda Dire-dawa.

Kooshin Sugule
Radio Xoriyo
Ogaadeenya

-------------------------------------------


Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Adis-Ababa ayaa inoo soo diray dhambaal Xambaarsan Fadeexadii ugu weynayd Qarnigan oo qabsatay Males Zinaawi

MELEZ ZENAAWI OO FADEEXOODAY

Beesha caalamka ayaa la yaaban fadeexo caalami ah oo ku dhacday Melez Zenaawi todobaadkan. Fadeexadaas oo si balaaran looga sheegay saxaafada caalamka ayaa ah mid hada ka hor aan ka dhicin dunidan.Arintu waxay ku bilaabatay Melez Zenaawi oo laba todobaad ka hor sheegtay in loo ay Beesha Caalamku u aqoonsatay  in uu yahay nabadoon caalami ah iyada oo la siinayo  bilad  sharaf la siiyo nabadoonada caalamiga ah oo la yiraahdo World Peace Award. Zenaawi ayaa la wareegayey in bilad sharaftaasi ay tahay mid sanadkii hal mar la siiyo ruuxa ay beesha caalamka u aqoonsato in uu yahay nabadoon caalami ah. Hadaba maalinta talaadada ee 23 bisha July waxaa warsaxaafadeed soo saaray ururkii uu Zenaawi sheegtay in ay siiyeen biladaasi caalamiga ah.

Ururkaasi oo la yiraahdo World Peace Council oo saldhigiisa yahay magaalada Athens ee dalka Greece ayaa sheegay in haba yaraate aysan jirin bilad sharaf noocaasi ah oo ay bixiyaan isla markaasna aysan weligood Melez Zenaawi siinin bilad sharaf madaama aysan jirin ba bilada nooca uu sheegayo oo ay bixiyaan.Ururkaasi waxay warsaxaafadeedkooda ku sheegeen in hadalada sheegaya in ay Zenawi bilad sharaf siiyeen uu yahay mid sal iyo raad toona aan lahayn cidii sheegta arintaasna ay shacabka khaldayaan.

Arintan oon hada ka hor lagu arkin Dunida oo ruux sheegta in uu yahay hogaamiye dal oo waliba ku beenowda ayaa beesha caalamka la noqotay mid lala yaabo iyada oo muujinaysa in uu Melez Zenaawi yahay nin aan la  aamini Karin oo uu hadana yahay mid dalalka reer Galbeedku ay ka dhagaystaan Talooyinka uu ka soo Jeediyo Geeska Afrika ayaa is Dabooli la´.


MELEZ ZENAAWI OO U YEEDHAY MADAXA MAAMULKA WAQOOYI GALBEED EE SOOMALIYA

Madaxa maamulka waqooyi Galbeed Soomaliya Daahir Riyaale Kaahin ayaa duhuradii maalinta isniinta ee 22 bisha july ka soo dagey Garoonka Diyuuradaha ee  Addis Ababa ee loo yaqaano Bole International Airport isaga oo ay la socdaan wafdi ka kooban Madaxa Xiriirka Dibeda ee Mamulkiisa Siciid Maxame Gees, Madaxa Ganacsiga Rashiid Haji Abdi iyo Madax kale oo ka tirsan maamulka hargeisa.

Daahir Riyaale Kaahin ayaa Addis Ababa tagay  ka dib marka uu warqad ka helay Melez Zenaawi taas oo looga codsaday in uu sida ugu deg degsan u yimaado Addis Ababa si ay isaga iyo Zenaawi uga wada hadlaan arimo khuseeya Beecinta Siyaasada Gumeysiga Itoobiya ee Soomaaliya.Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Melez Zenaawi waxyaalaha uu kala hadlay Daahir Riyaale Kaahin ay ugu horeeyeen arrima la xiriir safarkii uu dhawaan  Daahir Riyaale ku aaday dalka Jabuuti iyada oo ay Itoobiya ka wal walsantahay in uu is afgarasho dhex maro Maamulka Hargeisa iyo Dowladda Jabuuti.

Dadka siyaasada indha indheeya ayaa sheegaya in uu Melez Zenaawi ku kalsoonaa Madaxii hore ee Maamulka Waqooyi Galbeed ee soomaliya ee Geeriyooday lakiinse uusan si fiican wali u aqoonin Col.Daahir Riyaale Kaahin …safarkana uu yahay mid ujeedada ugu weyn ay tahay in uu u bato uun mid is barasho  iyo in Daahir loo sheego inuusan marnaba ka leexanin qorshihii Gooni Goosadka ee uu Maxamed Ibrahim Cigaal waday Itoobiyana ku raacsanayd taas oo meesha ka saaraysa Qaran Soomaaliyeed oo xoog badan oo dib u soo laabta.


MACALIMIIN U DHASHAY QOWMIYADDA OROMADA OO FASAXYO LOO DIIDAY


Dowladda Itoobiya ayaa soo saartay amar ay ku amartay macalimiinta wax ka dhiga skuulaadka kilil ku sheega Oromada in aysan fasax qaadan karin oo laga rabo in daraaso gaar ah oo ku saabsan wax ay ku sheegeen  guulaha ururka   EPRDF iyo muhiimada midnimada dalka Itoobiya ay qaataan.Daraasadaan ayaa ah mid ay dowladda itoobiya u aragto in ay kaga celin karto macalimiinta Oromiya oo waayahan dambe aad oogu biirayay Jabhadda Xoreynta Oroomiya (OLF).

Qamaan Xirsi
Radio Xoriyo
Addis Ababa
----------------------------------------------------

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo wara Jabouti ayaa inoo soo sheegay kula dhex maray Madaxweyne Geele iyo Males


MADAXWEYNAHA JABUUTI OO KULAN XASAASI AH  LA YEESHAY MELEZ ZENAAWI

Madaxweynaha Jabuuti oo socdaal ku tagay  Adis-Ababa maalinta axada ee July 21 ayaa kulan xasaasi ah la yeeshay kaligii taliye Melez Zenaawi Wararku waxay sheegayan in uu madaxweyne Guelle muujiyay aragtida ay qabto dowladiisu oo ah in ay itoobiya faraha kala baxdo arrimaha soomaliya.Melez Zenaawi ayaa isaguna ka codsaday madaxweyne Guelle in ay Jabuuti ku tageerto Itoobiya si ay ooga mid noqon lahayd Golaha Amniga ee cusub ee midoowga afrika oo ay tartan kula jirto dalka Kenya.

Dadka siyaasada indha indheeya ayaa sheegaya in ay u badantahay in aynaJabuuti  marnaba ka leexan doonin  aragtideeda hore oo ahayd mid taageersan Xubinimada Golahaas ee Dalka Kenya

Roble Mahdi
Radio Xoriyo
Jabuuti
--------------------------------------------

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Soomaaliya ayaa inoo soo diray warar isku dhafan.

ITOOBIYA OO AMAR QARSOODI AH SOO GAARSIISAY KOOXAHA GACAN SAARKA LA LEH.

Warar  xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Itoobiya ay u dirtay warqad qarsoodi ah dhamaan Kooxaha Gacansaarka la leh. Wararku waxay sheegayaan in warqaadaasi ay Itoobiya ku amartay dhamaan Kooxaha Gacan Saarka la leh in ay xiriiro cusub la sameeystaan dalalka reer galbeedka si ay u muujiyaan in ay yihiin dad la isku haleyn  karo dhinaca la dagaalanka argagixisada hadii ay dhacdo in ay ku biiraan Dowlada Soomaliyeed ka dib shirka dib u heshisiinta Soomaliya oo la filayo in uu ka dhaco dalka Kenya bisha Septembar.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in Itoobiyaanka ay u sheegtay  dhamaan Kooxaha Gacan Saarka la leh in waxa lagu qimeyn doono uu yahay sida ay ooga soo hor jeedaan waxa ay itoobiya ku tilmaamtay kooxaha argagixisada oo marnaba la eegi doonin dambiyada kale ee ay ka galeen Shacabka Soomaliyeed haday hada muujiyaan in ay diyaar uu yihiin in ay u howlgalaan beesha caalamka oo haatan si balaaran ooga soo hor jeedo xoogaga argagixisada.

Dadka siyaasada indha indheeyo ayaa tan u arka in ay tahay mid ka mid ah qorshooyinka qarsoon ee ay itoobiya rabto in soomaliya kaga dhalato Dowlad ay iyadu u taliso hadii ay ku guleeysan wayso in ay burburiso waxa la isku af-garto marka la isugu yimaado shirka la filayo in uu ka dhaco Kenya.



Wararku waxay intaasi ku darayaan in la filayo in uu Col Cabdullahi Yusuf noqon doono kan ugu horeeyo ee amarkaasi Itoobiya fuliya isaga oo socdaal ku tagi doona qaar ka mid ah dalalka reer Galbeedka hadii ay u suurtoowdo,hadana si uu amarkaas in uu fuliyey u muujiyo Itoobiya gacanta u galiyey labo nin oo Carbeed oo ahaa kuwo hawlo loo bogay ka waday Gobalka Bari.


GOLAHA AMAANKA EE JIMCIYADA QURUMAHA KA DHAXEEYSA OO SOO SAARAY BAAQ KU WAJAHAN SOOMAALIA


Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maalinta talaadada ee 23 bishan July soo saaray baaq  ay dhamaan Xubnaha Golaha Amaanka si wada jir ah isugu raaceen in la adkeeyo cunaqabateytii hubka ee lagu soo rogay Soomaaliya. Xubnaha Golaha oo dhagaystay warbixin ay ka heleen Xogayaha Guud ee Jimicyada Qarumaha  ka dhaxaysa Mr.Koofi Canaan ayaa ka dib isku raacay in la qaato tallaabooyin dhaxalgal ah oo lagu adkaynayo xakamaynta hubka soomaliya soo gelayo iyada oo diiwaanka dalalka ku xadgudbay  mid mid ah loogu faafaahiyay xubnaha Golaha oo ay u muuqatay in dowladda koowaad oo si joogta ah huka ugu  soo dal dasha  Somaaliya isla markaasna iska indha tirto baaqyada Golaha amaanka ay tahay Itoobiya.  Goluhu waxay isku raceen in magaalada Nairobi ee dalka keenya mudo bil gudaheed ah loogu diro koox balaaran oo ka waranta cidii si sharci daro ah hub u soo galisa Soomaliya. Kooxdaas oo dhamaan noqonaya shaqaale ka socda Jimicyada Qurumaha ka dhaxaysa ayaa si madax banana ugu warami doona Golaha Amaanka iyaga oo farta ku fiiqi doona cidii xadgudub ku sameysa cunaqabateeynta  hubka ee lagu hayo Soomaliya.

Axmed Yare Calasow
Radio Xoriyo
Soomaaliya.

-------------------------------------------


Dhagaystayaal Warkii Caawa waa naga intaas.

Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 26 July, 2002
 radioxoriyo@ogaden.com 
 
 

Xusuus : Cidii Rabta in ay radio Xoriyo hawada ka dhagaysato waxay ka heli kartaa Mawjada 19 MB, ama 15530 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30 Fiidnimo.


Dhegeyso warkaan oo Cod ah
WARARKA OGADEENYA:
  July.26.2002 | July.23.2002 | July.19.2002 | July.12.2002 | July.9.2002July.5.2002 | June.28.2002June.25.2002 | June.21.2002 | June.18.2002 | June.14.2002 | June.11.2002 | June.7.2002 | June.4.2002| May.31.2002 | May.28.2002 | May.24.2002 | May.22.2002 | May.17.2002 | May.14.2002 | May.10.2002 | May.7.2002 | May.3.2002 | April.30.2002 | April.26.2002 | April.23.2002 | April.19.2002 | April.17.2002 | April.12.2002 | April.9.2002 | April.5.2002 | April.2.2002 | March.29.2002 | March.26.2002 | March.22.2002 | March.19.2002 | March.12.2002 | Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk

TALO, TUSAALE IYO SU'AAL KUSAABSAN QORAALADA SOMALITALK.COM WAXAA LAGALA SOO XIRIIRIKARAA TIFATIRAHA GUUD EE BOGGA [Editor-in-chief] OO LAGA HELO http://www.somalitalk.com/feedback


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin
SIIRADA RASUULKA KUDAYO»
CASHARKA TODDOBAADKAN | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30
SAXAABADII RASUULKA BARO»
Casharka toddobaadkan | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18
RAMADAAN SOON»
Macluumaadka Soomidda bisha ramadaan iyo axkaamta Soonka GUJI
SAKADA MAALKA BIXI»
Tusmo | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7
XIGMAD/WISDOM BIXI»
XAYAYSIIS BOOQO» 
KUTUB/BOOKS AKHRI» 
Soobooqo bogga xayasiiska Buugaagta / kutubta GUJI
NEWS 1 | 2 | 3 | 4 | 5
MAQAALLO AKHRI» 
DOOD FURAN AKHRI» 
QORAALO XIISA LEH AKHRI» 
MUSHARAXII SL 2002» 
Barnaamijkii C/Risaq Maxamud Saleiman ee doorashada Somaliland Guji»  

PUNTLAND, SOMALIA
Summary of Progress Report on the Puntland Peace Mission
PAGE.1 | PAGE.2 | PAGE.3 | PAGE.4 | PAGE.5 | PHOTO
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 Khartuum GUJI..
LETTER FROM OGADEENYA
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia) Read here

G O L E
Golaha Beesha Kablalax GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
 For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
 Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
Sawirka Boosaaso: Waa magaalada oo kor lagasawiray  Guji...
SUNTA KU AASAN SOOMAALIYA



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety