.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya


Warkii Radio Xoriyo
21 June, 2002


Warka Madaxdiisii

· Afhayeenka Jwxo, oo oogu Baaqay Hayadaha Taakuleeya Qaxootiga Aduunku in ay Gutaan Waajibka ka Saaran Taakuleynta Shacbiga Ogaadeenya
· Xidhiidhka Itoobiya iyo Talyaaniga oo sii Xumaanya
· Wada Hadal Dib u Heshiisiineed oo u Socda Dawlada Suudaan iyo SPLA
· Dalka Hinda oo Mashruuc ka hir Galiyna Dalka Suudaan
· Maraykanka oo Sariif Cusub u Magacaabay Itoobiya
· Taliyihii Hore Ciidanka Booliiska Jabouti oo La Xukumay
· Dawlada Jarmalka oo Deeq Siisay DKMS


Warkii oo faah faahsan

AFHAYEENKA JWXO,OO HAYADA QAXOOTIGA ADUUNKA UNHCR OOGU BAAQAY IN AYSAN INDHAHA KA QABSANIN QAXOOTIGA OGAADEENYA

Iyada oo uu caalamka xusay maalinta qaxootiga June 20 ayuu Afhayeenka JWXO mudane Hanad Malingur oogu baaqay hayada qaxootiga ee qaramada midoobay UNHCR in aysan iska indha tirin qaxootiga uu dhashay Ogaadeenya oo ku sugan geeska afrika iyo caalamka intiisa kale.Afhayeenka oo warqad uu gudbiyay hayada UNHCR ayaa sheegay in ay jiraan kumaan qaxooti uu dhashay
Ogaadeenya oo dalkooda hooyo in ay ka tagaan ku kaliftay dulmiga ay Itoobiya ku hayso shacabka
Ogaadeenya.

Afhayeenka waxuu warqadiisa ku sheegay in Abaaraha is daba jooga iyo gaajada ay keento ay Itoobiya sabab uu tahay madaama aysan si toos ah u gaarsiinin shacabka Ogaadeenya deeqda loogu ay beesha caalamka oogu tala gashay.Afhayeenka ONLF mudane Hanad Malingur waxaa kale oo uu u sheegay Hayada Qaxootiga ee Qaramada Midoobay UNHCR shacabka Ogaadeenya qaar ka mid ah ay yihiin dadka si lama filaan ah degaan kooda ooga guura oo dalkooda gudahiisa qaxooti ku ah kuwaas oo Beesha Caalamku ay u taqaan Internally Displaced Peoples (IDP) taas oo micnaheeda tahay in ay xaq u leeyihiin gargaarka loogu tala galay dadka noocaas ah lakiin aysan Hayada UNHCR weli ka gudin wajibka dhankaas ka saaran.

Afhayeenka ONLF waxuu oogu Baaqay Hayada Qaxootiga ee Qaramada Midoobay UNHRC in ay ka warqabaan Shacabka dulman ee Ogaadeenya oo falalka Itoobiya kula dhaqanto khasbeen in ay qaar ka mid ah dhulkooda ka qaxaan."Kuwa Dibadaha ku maqana meel ay ka Jecel yihiin dalkooda hooyo ma jirto" Fal Xumada ay ku kacaan Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya ayaana taas sal u ah ayuu Afhayeenku Hadalkiisii ku soo gaba babeeyey,


Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Adis-Ababa Qamaan Xirsi ayaa inoo soo siray Warkan


XIRIIRKA ITOOBIYA IYO TALYAANIGA OO SII XUMAANAYO

Dowladda Itoobiya ayaa u hanjabtay dalka Talyaaniga in Xidhiidhka labada dal uu xumaanayo hadii aan Itoobiya dib loogu soo celinin Sanam ah nooca OBLEESK oo kumanaan sano ka hor la dhisay ayna Talyaanigu ka qaadeen dalka Itoobiya Sanadkii 1937dii. Sanamkaas oo hada yaala magaalo madaxda dalka Talyaaniga ee Roma iyada oo hor taalo Saldhiga Hayada Cunada ee Qaramada Midoobay oo loo yaqaano FAO.Dalka Talyaaniga ayaa diidan in sanamka la soo celiyo isla markaasna uu arko in dalka itoobiya uusan ahayn dal dhaqaleyn kara waxa ay Talyaaniga ku tilmaameen
"sanamada tariikhiga ah" Dowladda Itoobiya ayaa soo saartay baaq 18kii June ay ugu hanjabayso Talyaaniga in xiriirka uu la leeyahay Itoobiya uu aad u xumaan doono isla markaasna ay itoobiya qaadi doonto tilaabooyin lagu jaro xiriirka ganacsiga ee labada dal. Wasiir ku-xigeenka Hidaha iyo Dhanqanka dalkaasi Itaaliya Vittorio Sgarbi ayaa sanadkii hore sheegay in Taalada Itoobiyaanka ah ay tahay "taalo talyaani madaama ay ku sugnayd dalka Talyaaniga mudo 64 sano ah

Lama oga sida uu ku dhamaan doono khilaafka ka dhex taagan labadan dal lakiin dadka siyaasada indha indheeya ayaa sheegaya in khilaafkan uu sii xumaan karo hadii ay itoobiya ku dhaqaaqdo in ay jarto xiriirka ganacsi ee ay la leedahay dalka Talyaaniga. Tilaabadaasi haddii ay dhacdo waxay keeni kartaa in dalka Talyaanigu uu si cad u hor istaago danaha ay Itoobiya ka leedahay dalka Soomaaliya iyo siiba in uu wax u dhimo xiriirka dalka Itoobiya iyo dalalka ka tirsan Ururka Midowga Yurub.

Dhinaca kale dowladaha Eritrea iyo Talyaaniga ayaa soo ceshaday xiriirkoodii dibloomasi ka dib tashuush galay xiriirka labada dal sanadkii hore. Wararku waxay sheegayaan in labadaasi dal xiriirkooda haatan caadi ku so noqday oo la filayo in uu safiirka dalka talyaaniga ee Eritrea uu dhowaan yimaado magaalada Asmara oo ah caasimada dalkaasi Eritrea.


WADAHADAL DIB U HESHINEED OO UGA FURMAY DAWLADA SUUDAAN IYO JABHADDA SPLA.

18ka June 2002 ayaa magaalada Nairobi oogu furmay wadahadal dib u heshineed Jabhadda SPLA iyo Dowladda dalka Sudaan. Wadahadalkaas oo ay soo qaban qaabiyeen Urur Goboleedka IGAD ayaa dhinaca dalka Sudaan ka socday wafdi uu hogaaminayo Dr Ghazi Salaxdiin oo ah lataliyaha Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Al-Bashir
halka uu dhinaca Jabhadda SPLA wafdi ka socotay uu hogaaminayay ku xigeenka gudoomiyaha ururka oo la yiraahdo Salva Kiir.Wadahadalkaasi ayaa ka socdo magaalada Machakos oo 50
kilometer uu jira magaalada Nairobi dhinaca koonfur bari.

DALKA INDIA OO MAL GELIN AAD UU WEYN KU SAMEEYAY DALKAASI SUDAAN

Dalka India ayaa maal galin Qiimaheedu dhan yahay 750 milyan oo doolar ku sameynaysa Mashruuc dalkaasi Suudaan kaas oo lagu sameynayo Ceelasheeda batroolka. Mashruucaas ayaa la filayaa in uu soo saaro batrool dhan 3 milyan oo TON sanadkii.

DALKA MAREYKANKA OO UU MAGACAABAY ITOOBIYA SAFIIR CUSUB

Haweeneyda la yiraahdo Aurelia Brazeal ayaa loo magacaabay in ay noqoto safiirka cusub ee dalka mareeykanka u fadhiya Itoobiya. Danjire Aurelia Brazeal ayaa haatan ka hor ahaan jirtay safiirka mareykanka ee dalka Kenya iyada oo xilal kala duwan ka soo qabatay Wasaarada Arrimaha Dibbeda ee Mareykanka. Aurelia Brazeal ayaa seminaaro fara badan ka bixisay Jamacada caanka ah ee jaaliyada madowga mareykanka sharaf weyn ka leh, Morehouse.


MAALINTA NAFTI-HURAYEESHA ERITREA OO LA XUSAY JUNE 20

Waxaa June 20, 2002 guud ahaan dalka Eritrea laga xusay munasabada June 20keeda oo ah Maalinta Naftood hurayaasha dalka Eritrea. Maalinta June 20 ayaa
sanad walba Shacabka Eritrea u dabaldagaan Naftood hurayeesha u soo halgamay gobonimada dalkaasi Eritrea.

DOWLADDA ITOOBIYA OO CIIDAN BALAARAN U DIRAY GONDER

Wararka naga soo gaaraya Gonder ayaa sheegayo in ciidanka gumeeysiga Itoobiya ku soo qul qulayaan goobahaas ka dib marka ay jabhad hubeysan dhishay dhowr ka mid ah ciidanka woyaanaha halkaasi ku sugna.

Wararka waxay sheegayaan in ciidanka haatan loo diray Gonder ay wataan hub culus iyo gawarida gaashaamanka.Wararka naga soo gaarayo Gonder ayaa sheegayo in qaar ka tirsan ciidanka woyanaha halkaasi ku sugna ay kabaxsadeen qeybahoodi.


SHIR QARSOODI OO DHEX MARAY MELEZ ZENAAWI IYO MADAXDA HAYADA SIRDOONKA IYO NABSUGIDA ITOOBIYA

Wararka naga soo gaaraya Xafiiska Ra'aisul Wasaaraha Itoobiya Melez Zenaawi ayaa sheegaya in todobaadkii hore uu shir qarsoodi dhex maray Melez Zenaawi iyo
talihaya Hayada Nabadsugida Itoobiya Getachew Aseffa.iyo ku xigeenkiisa Isayas Wolde Giorgis.

Wararku waxay sheegayaan in uu Melez Zenaawi ku amray madaxda hayada nabadsugida in ay si gaar ah isha oogu hayaan kaadirka TPLF iyo shaqaalaha dowladda oo uu dhashay qowmiyada Oromada isaga oo ku amray telefonadooda la dageysto lana socdo wixi dhaq dhaqaaq siyaasadeed ay sameeyaan.

Qaar ka mid ah sarakiisha nabadsugida ayaa si weyn arintan ooga soo hor jeeda isla markaasna oogu baaqay masuuliyiinta TPLF iyo shaqaalaha dowladda uu dhashay
qowmiyada Oromada in ay iska ilaaliyaan hadalada ay ku hadlaan marka ay xafiisyadooda ku sugan yihiin madaama laga yaabo in cajalad laga duubo sida uu codsaday Melez Zenaawi.

Mid ka mid ah sarakiisha nabadsugida oo uu waramay saxaafada Itoobiya kana gaabsaday in uu magaciisa sheego ayaa tilaabadan ku tilmaamay mid ka soo hor
jeeda demoqraadiyada.Waxuu yiri "Qaranka inaan cadow shiisheeye ka difaacno
ayaan dhaar uu marna ay marnaba ma filin madaxda dowlada ka soo jaajuusa nala oran doono"



Qamaan Xirsi
Radio Xoriyo
Abdi-Ababa


Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Jabouti Rooble Mahdi ayaa inoo soo diray Warar isku dhafan inagoo ku bilaabayna

TALIYIHII HORE EE CIIDANKA BOOLIISKA DALKA JABUUTI OO LAGU XUKUMAY 15 SANO OO XARIG AH

Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska dalka Jabuuti Generaal Yassin Galab ayaa lagu xukumay 15 sano oo xarig ah ka dib markii uu go'aankaasi ka yimid maxkamada Jabuuti. Generaal yaasiin ayaa 7da December ee sanadka 2000 isku dayay in uu inqalaabo doowlada jabuuti taas oo ahayd mid si fudud lagaga hor tagay. Wararka wakhtigaas ayaa sheegayay in maalimihii ka horayay inqalaabkii fashilmay uu Generaal Yassin la kulmay Safiirkii Itoobiya ee wakhtigaas u fadhiday dalka Jabuuti.

Waxaa kale oo xarig lagu xukuma 11 sarkaal oo ka tirsanaa ciidanka Generaal Yassin la wada inqalaabki fashilmay iyaga oo lagu xukumay mudooyin uu dhaxeeo 3 ilaa 10 sano midkii.

WAFDI KA SOCDA BARLAMAANKA DALKA JABUUTI OO UU AMABABAXAY DALKAASI LUBNAAN

16ka June 2002 ayaa wafdi uu hogaaminayo Xildhibaan Moussa Baragoita Daoud oo ah Gudoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibbeda ee baarlamaanka Jabuuti ayaa u ambabaxay dalkaasi Lubnaan si ay oogu qeyb galaan shir ujeedadiisu tahay in lagaga wada hadlo xaalada bariga dhexe iyo dalalka carabta. Xildhibaan Muusa waxaa kale oo la socday xildhibaanada kala ah Xildhibaan Ahmed Guirreh Waberi iyo Xildhibaan Mairaneh Boudine Reyaleh.

Dadka u faro dhuu dhuuban Arimaha Geeska Afrika ayaa sheegaya in laga yaabo in ay Wafdigaasi uga faaiidaystaan muunaasibadaas si ay u soo ban dhigaan aragtidoodu ku saabsan dib u heshiisiinta Soomaaliya.


GOLAHA WASIIRADA EE DALKA JABUUTI OO KA SHIRAYO ARRIMAHA SOOMAALIYA

shir u socday muddo labo maalmood Golaha Wasiirada Jabuuti ayaa looga wada hadlay xaaladda dalka Soomaaliya xiisada siyaasadeed ee ka jirta dalka Wararku waxay sheegayaan in Wasiirada ay Madaxweynahooda u gudbiyeen qoraal ay ku caddeynayaan in Jabuuti weli diyaar u tahay doorka kaga aadan dhismaha qaranka Soomaaliyeed, isla markaasna aysan Jabuuti dooneynin shaqsi & qolo gaar ah si loo helo kalsoonida Soomaaliyeedna ay Jabuuti Soomaalida u xaqiijinayso in ay ku taageereyso dib u dhiska qaranka Soomaaliyeed iyagoo cid gaar ah aan wadan.

Waxaa si weyn looga dooday ololaha ay wado urur goboleedka ee IGAD taas oo ah mid ay Itoobiya iyo Jabuuti isku af garan wayeen.


RAADIYAHA DOWLADDA JABUUTI OO HESHIIS LA GALAY RAADIYHA
DOWLADDA MAREYKANKA OO LOO YAQAANO V.O.A.


Raadiyaha Dowladda Jabuuti (RTD) ayaa 20 bisha june 2002 heshiis la galay raadiyaha Voice of America.Heshiiskan oo ay kala saxiixdeen wasaaradaha
warfaafinta ee labada dowladood ayaa la sheegaya in ay wax weyn ka tari doonto maqalka VOA oo ku bixi doonta Af Ingriiska, Fransiiska iyo Carabiga.

Radiyahan oo ku bixi doonta mowjadda FM-ta ayaa laga dhageynsan karaan dhammaan wadamada Geeska Afrika iyo qeybo ka mid ah wadamada Carabta.
Goobta heshiiska lagu saxiixay ayaa ku sugna safiirka mareykanka ee Jabuuti Danjire Donalad Yamamoto.


Roble Mahdi
Radio Xoriyo
Jabuuti


Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Soomaaliya Ahmed Yare Calasoow ayaa inoo soo diray warar Soomaaliya ku saabsan inagoo ku bilaabayna

URURKA CAALAMIGA EE SUXUUFIYIINTA OO CANBAREEYAY MAAMULKA WAQOOYI GALBEED SOOMAALIYA

Ururka caalamiga ee suxuufiyiinta ayaa cambareeyay maamulka waqooyi galbeed ee Soomaliga oo beri dhoweed mamnuucay iridaha uu xiray dhamaan radiyo yeesha madax banana ee waqooyi galbeed soomaliya.

Go'aankaasi oo sida la ogyahay …lagu dhaqaaqay ka dib amar ka yimid dowladda itoobiya ayuu ururka RSF ee si gaar ah uu ilaaliyo xuquuqda saxuufiyiinta aduunka ku tilmaamay mid ka soo hor jeedo nidaamka caalamiga ee lagula dhaqmo saxuufiyiinta.

Xogayaha guud ee ururkaasi RSF Robert Menard ayaa warqad gaar ah uu diray madaxa maamulka waqooyi galbeed soomaliya Dahir Riyaale Kaahin isaga oo uu
sheegay in tilaabadan ay tahay mid ururkiisa si weyn ooga soo hor jeedo isla markaasina yahay mid cabudhinayo codka saxaafada oo ay shacabka baahi weyn
uu qabaan.


GERMALKA OO DOWLADDA KU MEEL GAARKA SOOMALIYA UGU DEEQDAY GAADIID KALA DUWAN

waxa dowladda KMG loogu deeqay Gaadiid kala duwan. Gaadiidkan oo dowladda KMG ay ugu deeqday dowladda Jarmalka ayaa sida warku sheegayaan waxa uu bixintiisa ka dambeeyay codsi ay horey dowladda KMG u weydiisatay dowladda Jarmalka, iyadoo arrintaas uu haatan dalka Jarmalka u joogo wasiiru-dowlaha cadaaladda C/fataax Sh. Rashiid. Gawaaridaas oo aan la caddeyn tiradooda
ayaa la sheegayaa in ay u badan yihiin gawaarida Marcedis loo yaqaano. Waxaa la filayaa in gadiidkaas dhowaan soo gaaraan Muqdishu

GUDDIGA AMNIGA EE QARAMADA MIDOOBAY OO MAR LABAAD
WALAAC WEYN KA MUUJIYAY HUBKA KU SOO QUL QULAYO
SOOMAALIYA.


Baaq ay soo saareen Guddiga Amniga ee Qaramada midoobay maalinta June 18, 2002 ayuu guddiga mar labaad muujiyay sida uu ooga soo hor jeedo hubka ku soo qulqulayo dalka soomaaliya. Madaxweynenimada wareegta ee gudiga oo haatan ay hayso dalka Suuriya ayaa si weyn uu muujisay in xal uu helida dhibaatada soomaliya ay tahay mid muhiim uu ah beesha caalamka.

Baaqaasi ayaa lagu xusay in si weyn loo sugayo in ay soo bandhigaas qorshahooda laba ergey uu guddiga uu magacaabay in ay baaraan isla markaasna guddiga uu
cadeeyaan dalalka soomaaliya hub ku soo qulqulayo.Ergeydaas ayaa la filaya in ay dhowaan howl galaan ka dib marka qorshahooda ay uu bandhigaan guddiga amniga.

Ahmed Yare Calasoow
Radio Xoriyo
Muqdisho,Soomaliya

Dhagaystayaal Warkii Caawa waa naga intaas.

Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 21 June, 2002
 radioxoriyo@aol.com
 radioxoriyo@ogaden.com 

Xusuus : Cidii Rabta in ay radio Xoriyo hawada ka dhagaysato waxay ka heli kartaa Mawjada 19 MB, ama 15530 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30 Fiidnimo.


Dhegeyso warkaan oo Cod ah
WARARKA OGADEENYA:
June.21.2002 | June.18.2002 | June.14.2002 | June.11.2002 | June.7.2002 | June.4.2002| May.31.2002 | May.28.2002 | May.24.2002 | May.22.2002 | May.17.2002 | May.14.2002 | May.10.2002 | May.7.2002 | May.3.2002 | April.30.2002 | April.26.2002 | April.23.2002 | April.19.2002 | April.17.2002 | April.12.2002 | April.9.2002 | April.5.2002 | April.2.2002 | March.29.2002 | March.26.2002 | March.22.2002 | March.19.2002 | March.12.2002 | Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin
SIIRADA RASUULKA KUDAYO»
Tusmo | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30
SAXAABADII RASUULKA BARO»
Casharka toddobaadkan | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18
RAMADAAN SOON»
Macluumaadka Soomidda bisha ramadaan iyo axkaamta Soonka GUJI
SAKADA MAALKA BIXI»
Tusmo | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7
XIGMAD/WISDOM BIXI»
XAYAYSIIS BOOQO» 
KUTUB/BOOKS AKHRI» 
Soobooqo bogga xayasiiska Buugaagta / kutubta GUJI
NEWS 1 | 2 | 3 | 4 | 5
MAQAALLO AKHRI» 
DOOD FURAN AKHRI» 
QORAALO XIISA LEH AKHRI» 
MUSHARAXA SL 2002» 
Barnaamijka C/Risaq Maxamud Saleiman ee doorashada Somaliland Guji»

PUNTLAND, SOMALIA
Summary of Progress Report on the Puntland Peace Mission
PAGE.1 | PAGE.2 | PAGE.3 | PAGE.4 | PAGE.5 | PHOTO
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 Khartuum GUJI..
LETTER FROM OGADEENYA
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia) Read here

G O L E
Golaha Beesha Kablalax GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...




Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety