.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya

Warkii Radio Xoriyo
18 June, 2002

Warka Madaxdiisii

· CWXO oo Jab kale u Geystay Ciidanka Gumeysiga Itoobiya
· Dad Shacbi ah oo lagu Ganaaxay Magaalada Dhagaxbuur
· Madaxweynaha Jabouti oo ka hadlay Xaalada Geeska Afrika
· Madaxweynayaasha Dalalka Masar iyo Kenya oo ka wada hadlay Amuuraha Soomaaliya
· Sargaal Ingiriis ah oo Booqday Waqooyi Galbeed


Warkii oo Faah faahsan

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo Warama Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa inoo soo diray Dhambaal Xambaarsan Degaalo Dooxatays ah oo lagu Jabiyey Ciidanka Gumeysiga Itoobiya kuwaas oo ka dhacay Goobahan.
12 May 2002 Garbo ayaa laga diray Dabaqoodhiyiin uu ka Shakisanaa Ciidanka Gumeysiga Itoobiya in ay Gacan Saar la leeyihiin CWXO kuwaas oo hawl gal loogu diray Ceelka la yidhaahdo Xaba oo u dhow Gari-goán.Wax yar kadib waxaa ka daba baxay Ciidankii Gumeysiga Itoobiya dabadeed degaal ayey markay Gaadheen ku qaadeen.Degaalkaas waxaa Dabaqoodhiyiintii lagaga dilay 3 kuwaas oo kala ah.
1. Mohamed Faarax
2. Ahmed Xirsi
3. Sanbuul Dayib.
Dhankii Ciidanka Gumeysiga Itoobiya waxaa iyagagana lagaga dilay Goobtaas ilaa iyo 5 Askari.
18 May 2002 Degaal ka dhacay Ceel Xaar oo ku yaala Duleedka Magaalada Qabri-dahare waxaa Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya lagaga dilay 8 Askari,waxaana lagu dhaawacay 6 kale.
30 May 2002 Ciidanka Gumeysiga Itoobiya oo Ciqaabo Joogto ah ku ahaya Shacbiga Ogaadeenya ayaa Weerar Xasuuq ah ku soo qaaday Degmada Yoocaale.Shacbiga Halkaas degenaa oo ka warqabay Weerarkaas ayaa u Jilib Dhigay Ciidankii Gumeysiga ee soo duulay waxaana Goobtaas lagaga dilay ugu yaraan 1 askari.Markii uu Jabkaasi ku dhacay ayey dabadeed ka Codsadeen Shacbigii in ay is bad baadiyaan.
10 June 2002 Kalaawan oo ah Meel u dhaxaysa Bulaale iyo Awaare Degaal isna ka dhacay waxaa Ciidanka Isu Keen Keenka ah ee Itoobiya lagaga dilay 9 Askari 5na waa lagaga dhaawacay.
Isug geyn waxaa degaaladaas lagu dilay 23 Askari, iyadoo lagu dhaawacay 11 kale.Waxaana lagu furtay Hub iyo Saanad.
Dhanka Ciqaabta Shacbi Weynaha loo geysto Sida ay Maryama Ruun Liibaan oo Radio Xoriyo uga soo waranta Arimaha Bulshada soo sheegtay
08 May 2002 Magaalada Dh/buur waxaa ka dhacay Olole ay qaadeen Ciidanka Fal Xumada la taagan ee Gumeysiga Itoobiya iyagoo halkaas ku xidh xidhay tiro aad u badan oo Shacbi aan waxba galabsanin ah.
Kadib markii Ciqaabo iyo Caga Juglayn badan oon la soo koobi karin dadkaas loogu geysta intii ay Xabsiga ku jireen ayaa qaar ka mida hada la soo daayey iyadoo lagu gacaaxay Lacag ayna iska bixin karin.Waxaana ka mid ahaa dadkaas 2dan kala ah
1. Cumar Badal Cudhi iyo
2. Xiis Ahmed Siyaad
Oo midkiiba lagu Ganaaxay ilaa iyo 1000 Birr oo lagacata Gumeysiga Itoobiya ah.Waxaa iyagana Ganaax la mid ah kan markii lagu xukumay laga soo daayey Xabsigii ay ku silic Sanaayeen 25 qof ooyna noo suuro galin in aan Magacyadooda helno oo ka mid ahaa Shacbiga Ogaadeenya ee Deegaanka Dhagaxbuur oo Dulmigu uu ka wado Ogaadeenya uu Gumeysiga Itoobiya ku xidhay.
Maryama Ruun Liibaan
Radio Xoriyo,Dh/buur
Ogaadeenya.
---------------------------------------------------------------------

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Wadanka Jabouti Roble Mahadi ayaa inoo soo diray dhambaal Xambaarsan Warysi uu Bixiyey Madaxweynaha Dalka Jabouti Mudane Ismaaciil Cumar Geele.
Waraysi uu Wargayska Al-Sharqul Awsad la yeeshay Madaxweynaha Dalka Jabouti Mudane Ismaaciil Cumar Geele ayuu kaga hadlay Amuuro Khuseeyey Guud ahaan Geeska Afrkia Gaar ahaan Umaada Soomaaliyeed iyo Duruufaha Haysta Xiligan kaas oo ahaa mid loogu talagay Munaasibada 25 Guurada ka soo wareegtay Xiligii uu Dalka Jabouuti ka Xoroobay Gumeysigii Faransiiska, Xiligaas oo ku aadan 25 kii Juun Sanadkii 1977dii kaas oo Calaamad Gooniya isaguna u leh Shacbiga Ogaadeenya iyo Guud ahaanba midka Soomaaliyeed kulmiyana dhawr Munaasibadood ooy Xorowga Jabouti ka mid tahay.
Haddaba Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wareysi dheer siiyay Wargayska Al-Sharq Al-Awsat ee ka soo baxda magaalada London ee dalka Ingiriiska, isagoo wareysigaasi uga hadlay xaalada Gobolka Geeska Afrika oo ay ka mid tahay dhibaatada Soomaaliya iyo Bariga dhexe.
Madaxweynaha Jabuuti waxa uu beeniyay isagoo ka jawaabayay su'aalo loo mariyay dhinaca Isgaarsiinta inay jiraan dhexdhexaadin ay Jabuuti ka dhex wado Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay u dhaxeeyaan khilaafaadyo isa soo taraya, laakiin wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay dadaal kasta oo la isugu soo dhoweynayo labada dal.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo talada dalkiisa qabtay sanadkii 1999-kii isagoo kala wareegay Madaxweynihii hore Mudane Xasan Guuleed Abtidoon oo ahaa Madaxweynihii ugu horeeyay ee Jabuuti ayaa ammaan u jeediyay Boqortooyada Sacuudiga taageerada ay siisay dalka Jabuuti iyo maal gashiga ay Ganacsatada Carbeed ku sameynayaan Jabuuti, taasoo uu sheegay inay tahay dhaqaale koror weyn.
Madaxweynaha Jabuuti waxa uu sheegay inaysan dalkiisa heysan dhibaato uga imaaneysa kooxaha xag jira, isagoo intaas raaciyay in taageerada uu dalkiisu u fidiyo dalalka reer Galbeedka iyo Mareykanka ee ku saabsan dhinaca Sirdoonka inaan looga horjeedin mid ka mida Dowladaha Gobolka.
Mar la waydiidey sida uu ku qiimayn karo mudadii 25-ka sano ahayd ee ay Jabuuti xornimada heysatay ayuu Madaxweynuhu Sheegay in 25-kii Sano ee tagtay arrimo fara badan iyo dhacdooyin waaweyn ayaa dalka soo mareen oo ay ugu waaweyn yihiin dhismaha Hay'adaha Dowladda ee bilowga ahaa iyo kaabayaasha dalka sida Sharciga, Horumarinta Gobolada Koofur iyo Waqooyi iyo sidii loo sahli lahaa nolosha dadka ku nool oo aan xilligaa heysan wax lagu tilmaami karo nolol, sidoo kale waxaa laga shaqeeyay nabadgelyada, midnimada iyo sinnaanta dadka reer Jabuuti, waxaa la horumariyay Waxbarashada, waxaana dadka loo diyaariyay inay arrimahooda maamushaan, in lala dagaalamo jahliga iyo arrimo kale oo laga dhaxlay Gumeysigii, waxaa la xaqiijiyay wadaniyada reer Jabuuti, Carabnimadeeda iyo Islaamnimadeeda, waxayna ku biirtay Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka Islaamka iyo Hay'adaha goboleed iyo kuwa Caalamiga ah, waxaa la xoojiyay Dimoqoraadiyada iyo inuu shacabku ka qeyb qaato Maamulka iyo talada dalka, wax badan oo horumar ah ayaa la gaaray intii aynu heysanay xornimada, inkastoo ujeedooyinkeenu ay aad u waaweyn yihiin, hadana xaalada dhaqaale ee aynu ku suganahay oo la mid ah tan ka jirta dunida saddexaad ayaa naga hortaagan inaan xaqiijino rajooyinkeena fog.
Mar iyadana la waydiiyey sida uu u arko Xaalada Gobalka Geeska Afrika Mustaqbalkiisa ayuu Madaxweyne Geele Yidhi ,Mandiqada Geeska Afrika waxay leedahay duruufaheeda iyo mashaakilaadkeeda u gaarka ah, sida degaan kasta oo Calamka ka mida, waxaa ka dhacay dagaalo sokeeye qaar ka mida dalalka ku yaala Mandiqada, waxaa kaloo ka dhacay dagaalo dhinaca xuduudaha ah oo dowladuhu isaga hor yimaadiin, waxayna taasi ahayd sababta ugu weyn ee dalalka Gobolkan ku keenay masiibooyin waaweyn oo ku habsaday iyo waliba musiibooyin dabiici ah sida Abaaraha oo Gobolku dhibaatooyin waaweyn kala kulmay, anaga Jabuuti ahaan kaalinteenu mar kasta waxay ahayd mid dhexdhexaad ah, anagoo aaminsan in dadka ku dhaqan geeska Afrika duruufaha heysta aysan uga bixi karin inta laga helayo xasilooni joogto ah iyo dhibaatooyinka jira oo dhan oo si nabadgelyo ah iyo wadahadal lagu dhameeyo, lana abuuro bulsho mideysan oo isku xiran, iskaashina u dhaxeeyo.
Anagoo taasi ka duuleyna ayaynu asaasnay Ururka IGAD oo xaruntiisu tahay Jabuuti, kaasoo ay ku mideysan yihiin dalalka Gobolka ahna kan matalaya iskaashiga bulshooyinka Geeska Afrika, waxaan kaloo sameynay martiqaadyo aynu isugu yeernay saddex shirweyne oo looga arrinsanayo dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, waxaana ugu dambeeyay shirkii Carta oo lagu unkay Dowlad Soomaaliyeed kadib markii dagaalo 10-sano ay ka socdeen oo wax dowlad ah shacabka dalkaas meteshana aysan jirin.
Waxaan mustaqbalka aragnaa inay rajooyin badan jiraan haddii loo wada howgalo nabadda iyo xasiloonida Gobolka, lagana horago fidnooyinka abuuri kara in la isku dhaco, oo la dhowro heshiiyadii iyo baaqyada Caalamiga ah ee ku saabsan in la dhowro jiritaanka dowladnimada dal kasta oo aan dalna dal kale faraglin ku sameynin arrimihiisa gudaha.
Mar iyadana la waydiiyey Faragalinta ay Itoobiya ku hayso Amuuraha Soomaaliya ayuu kaga Jawaabay Madaxweyne Geele,Horay ayaan u cadeynay mowqifkeena Soomaaliya, iyo dowlad kasta oo Gobolka ka jirta, kama jireyso nabadgelyo iyo xasilooni Gobolka oo dhan haddii aan nabadgelyo lagu wada noolaan, lagana waantoobin fargelinta arrimaga gudaha ee dalka kasta, waana taas mida aan ugu yeereyno dhamaan dalalka Gobolka oo dhan anaguna aan ku dhaqmeyno.
Rooble Mahdi
Radio Xoriyo, Jabouti
-----------------------------------------------------------------
Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Adis-Ababa ayaa inoo soo diray Warar isk dhafan inagoo ku bilaabayna

MADAXWEYNAHA KENYA IYO MADAXWEYNAHA MASAR OO WADA HADALO XASAASI GALAY


Ka dib marka uu Madaxweynaha kenya Daniel Arab Moi ka soo ambabaxay Magaalada Roma oo uu kaga qayb galay Shirkii Qaramada Midoobay halkaas ku qabatay ee looga hadlayey Cuna Laáanta Dunida FAO ayuu sii maray dalka Masar, halkaas oo uu Shir ay Albaabadu u xidhan yihiin kula yeeshay Madaxweynaha Dalka Masar Mudane Xusni Mubaarak.

Kulankaas oo dhacay 12 bisha June 2002 kana dhacay magaalada xeebta ku taal oo la yiraahdo Sharm al-Shaykh ayaa lagaga hadlay arrima la xiriira soomaaliya iyo faragelinta ay itoobiya ku hayso.

Wararka waxay sheegayaan in Dowladda Masar ay muujisay in hubka lagu soo dal dalayo soomaliya uu yahay mid ka baxsan qaraarki qaramada midoobiya ay kaga mamnuucday in dalalka deriska la ah soomaliya ay wax hub ah u diraan.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Xusni Mubaarak uu muujiyay in dalka Masar uu u arko in ay muhiim tahay in Qaranimadii Soomaliya dib loo soo celiyo oo wax walba oo taasi hor taagana uu yahay mid aan loo dulqaadan karin.

Dadka Siyaasada indha indheeya ayaa sheegaya in Dalka Masar la filayo in uu haatan arrimaha soomaliya aad daneeyo ka dib marka ay Itoobiya ku dhawaaqday in ay biyo xireen ka sameyn doonto Wabiyada ku soo biyo shubo wabiga weynka ee NILE taas oo wal wal galisay dalka Masar. Mashruucaas oo lagu qiyaasay in qiimaha uu ku kici doono yahay ilaa iyo dhowr milian oo doolar ayaa noqon doona biyo Xireenka ugu weynaa ee Qaaradka Afrika isla markaasna ah mid ka mid ah kuwa ugu weyn ee caalamka oo dhan.



SARKAAL KA SOCDA WASAARADA GAASHANDHIGA EE DALKA INGARIISKA OO TAGAY HARGEISA

Waxaa 11 June 2002 tagay Magaalada Hargeysa sarkaal ka tirsan Wasaarada Gaashandhiga ee dalka Ingriiska oo la yiraahdo Major Martin Thomas.Wararku waxay sheegayaan in Major Martin Thomas uu shir Saxaafada aan loo Ogolaanin la galay Madaxa Maamulka Waqooyi Galbeed Dahir Kaahin Riyaale.

Ilaa hada ma cada waxa uu kulankaasi ku saabsana lakiin dadka Siyaasada indha Indheeya ayaa sheegaya in Ingariisku dareensan yihiin in ay suurtowdo in uu jiro khilaaf ka dhexeeya Xubnaha Maamulka Gobalkaas kadib Geeridii Maxamed Ibraahim Cigaal, iyadoo loo arko in Sarkaalkaasi uu Hargeysa u tagay in uu ogaado Xiisada Siyaasadeed ee Jirta intay laég tahay.

5 KA MID AH CIIDANKA CABDUDHISKA GUMEEYSIGA ITOOBIYA OO LAGU DILAY AGAGAARKA MAGAALADA Welkayit

Wararka naga soo gaarayaa Magaalada Welkayit ayaa sheegayo in 5 ka mid ah Ciidanka Gumeeysiga Itoobiya lagu dilay iyaga oo marayo meel u dhow tuulada AY GESHU 09 June, 2002.Wararku waxay sheegayaan in miino loo dhigay gaari ay sarnayeen 5taasi askari iyaga oo dhamaan meeshaas ku dhintay..

Ilaa hada cid sheegatay weerarkaasi ma jiro lakiin waxa loo maleeya in Jabhadda EPRP oo mucaarid ku ah xukunka Melez Zenaawi in ay ka dambaysay Weerarkaas.

Qamaan Xirsi
Radio Xoriyo
Addis Ababa
-------------------------------------------------------

Dhagaystayaal Warkii Caawa Waa Naga intaas.

Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 18 June, 2002
 radioxoriyo@aol.com
 radioxoriyo@ogaden.com 

Xusuus : Cidii Rabta in ay radio Xoriyo hawada ka dhagaysato waxay ka heli kartaa Mawjada 19 MB, ama 15530 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30 Fiidnimo.


Dhegeyso warkaan oo Cod ah
WARARKA OGADEENYA:
June.18.2002 | June.14.2002 | June.11.2002 | June.7.2002 | June.4.2002| May.31.2002 | May.28.2002 | May.24.2002 | May.22.2002 | May.17.2002 | May.14.2002 | May.10.2002 | May.7.2002 | May.3.2002 | April.30.2002 | April.26.2002 | April.23.2002 | April.19.2002 | April.17.2002 | April.12.2002 | April.9.2002 | April.5.2002 | April.2.2002 | March.29.2002 | March.26.2002 | March.22.2002 | March.19.2002 | March.12.2002 | Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin
SIIRADA RASUULKA KUDAYO»
Tusmo | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30
SAXAABADII RASUULKA BARO»
Casharka toddobaadkan | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18
RAMADAAN SOON»
Macluumaadka Soomidda bisha ramadaan iyo axkaamta Soonka GUJI
SAKADA MAALKA BIXI»
Tusmo | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7
XIGMAD/WISDOM BIXI»
XAYAYSIIS BOOQO» 
KUTUB/BOOKS AKHRI» 
Soobooqo bogga xayasiiska Buugaagta / kutubta GUJI
NEWS 1 | 2 | 3 | 4 | 5
MAQAALLO AKHRI» 
DOOD FURAN AKHRI» 
QORAALO XIISA LEH AKHRI» 
MUSHARAXA SL 2002» 
Barnaamijka C/Risaq Maxamud Saleiman ee doorashada Somaliland Guji»

PUNTLAND, SOMALIA
Summary of Progress Report on the Puntland Peace Mission
PAGE.1 | PAGE.2 | PAGE.3 | PAGE.4 | PAGE.5 | PHOTO
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 Khartuum GUJI..
LETTER FROM OGADEENYA
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia) Read here

G O L E
Golaha Beesha Kablalax GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...




Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety