.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya


Warkii Radio Xoriyo
31 May,2002

Warka Madaxdiisii


· Jaaliyada Ogaadeenya ee Wadanka Australia oo shir isugu Timid
· Dadkii lagu xasuuqay Sidaama ooy Tiradoodu sii Kordhayso
· Masuul Sare oo ka Tirsanaa Ilaalada Garoonka Dayuuradaha Itoobyia oo Baxsay
· Taliyihii Canshuur Ururinta Itoobiya oo Xilkii laga Qaaday
· Isgaadhsiinta Ciidanka Nabadsugida Itoobiya ee Koonfurta Soomaaliya oo Badatay
· Madaxweynaha Eriteriya oo Si Xoogan loogu soo Dhaweeyey Dalka Qadar


Warkii oo Faah Faahsan

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Wadanka Australia Dubad Kooreeye ayaa inoo soo diray dhambaal Xambaarsan Shir ka dhacay Galbeedka Wadankaas kaas ooy ka soo qayb galeen Dadkweynaha Soomaaliyeed ee Wadankaas.Haye Dubad.

Waxaa bishan May 22; 2002 lagu qabtay magaalada Perth oo ah magaalo Madaxda Galbeedka Australia (WA) Shirkaas oo ay soo qaban qaabisay Jaalliyadda Ogaadeenya ee Gobalkaas. Shirkaa waxaa ka soo qayb galay Madaxda iyo Odayaal ka mida Jaalliyadda Soomaaliya ee Gobolka WA. Waxaana ka mid ahaa Madaxda ka soo qayb gashay Shirkaaa ee waliba khudbad qiimo lehna ka jeedisay Guddoomiyaha Soomaali Community Mudane Ali Yusuf; Abdi Mohamed Jama; Osman Qaalib Yusuf iyo Axmed Mohamed Xasan (Caalqadis).
Ragaas Madaxda Jaalliyadda Soomaaliyeed waxay Shirka ku Guubaabiyeen in maanta ay tahay kama dambaystii fadhigana laga kaco difaaca dalka hooyo. Waxay balan qaadeen inay hiil iyo hooba la garab istaagaan walaalahooda cadowga Itoobiya sida naxariis darrada ah u gumeysato. Waxaa shirkaas laysku raacay in cadowga koowaad ee ummadda Soomaali yahay Itoobiya, talaabada ugu haboon ay tahay in si midaysan looga hortago. Waxay ragga shirka hadlay isku raaceen in markii la taageeri waayey walaalaha ay gumeysato ee maalin kasta xabisyada ku jidh dilayso maxaabiistooda ay Itoobiya u soo dhigatay tii xorta ahayd. Waxay qaarkood ku maah maaheen murtidii Soomaali ee ahayd "haddii aan aygaygii hore ka dagaalamo kayga dambe lama dileen" oo macnaheedu yahay haddii Itoobiya dulliga ay walaaleheen ku hayso ka dagaalami lahayn Jamhuuriyadda uma ayna soo dhigateen.
Radio Xoriyo
Dubbad Kooreye
Australia
-----------------------------------------------------------------------------------
Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo Warama Adis-Ababa Qamaan Xirsi ayaa inoo soo diray Warar isku dhafan inagoo ku bilaabayna Sidaama


DADKII LAGU XASUUQAY SIDAMA OOY TIRADOODU SII KORDHAYSO

Gudoomiyaha Jabhadda Xoreynta Sidama (SLF) Gelefeto Fekaduma ayaa 28dii bishan May ee sanadkan 2002 sheegay in tiradaha Dadka Shacabka ah ee u dhashay Qowmiyada Sidaamaha ayna Ciidanka Gumeeysiga Itoobiya ku dileen Magaalada Awassa ay haatan marayo ilaa 250 qof
oo isugu jira Caruur, Haween, Duqeey iyo Rag halka uu dhawacuna marayo 500 oo qof.

Gudoomiye Gelefeto Fekaduma waxuu sheegay in Ciidanka Cabudhiska Gumeeysiga Itoobiya laga bilaabo 24kii bisahan ilaa haatan ay guryaha kala baxayaan dad rayid ah, wiilasha dhalinyaradana ay inta badan xir xirayaan iyago qaar kalena guryahooda hortiisa ku dilaya.

Gudoomiye Gelefeto Fekaduma waxuu beesha caalamka oogu baaqay in ay ergey gaar ah u soo diraan dhulka Sidamaha si dambiyada ay Ciidanka Itoobiya ka galayaan Shacabka Sidamaha oon waxba galabsanin shaaca laga qaado oo isla markaasna beesha caalamka ay u ogaato dhibatada lagu hayo shacabka Sidaama.

Warar kale aan ka helnay Jabhadda Xoreynta Sidaamaha (SLF) waxay sheegayaan in Masuuliyiinta SLF ay galeen shir deg deg ah oo ay ka wada hadleen arrimaha ka taagan dhulka Sidaamaha iyagoo isla markaas bilaabay olole dibloomsaasi kaas ooy dowladaha aduunka kula socodsiinayaan xasuuqa, dilka iyo dhaca ka socdo magaalada Awassa.

---------

MASUUL SARE OO KA TIRSAN CIIDANKA ILAALADA GAROONKA DAYUURADAHA ITOOBIYA BOLE INTERANTIONAL AIRPORT OO BAXSADAY


Samrawi Hailu oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa cCidanka Ilaaliyaha Garoonka Dayuuradaha Itoobiya ee Bole International Airport oo ku
yaala Addis Ababa ayaa May 25keedi ku dhuuntay diyaarad ITOOBIYAN AIRLINES ah oo u socotay magaalada Washington ee Dalka Mareykanka. Samrawi Hailu ayaa markii uu ku gaadhay dalka Mareykan isla markiiba magangelyo siyaasadeed waydiistay sarakiil mareykan ah oo
ku ee ku sugneyd Dulles International Airport oo ku yaalo magaalada Washington.

Ma'aha marki ugu horeysay uu sarkaal ka tirsan ciidanka Itoobiya iska dhibo airoportka washington oo
bishii hore ayuu sarkaal ilaaliye gaar ah u ahaa kaliye Taliye Melez Zenaawi isna ku dhuuntay diyaarad
Itoobiyan Airlines oo u socotay magaalada Washingotn. Sarkaalkaas oo magaciisu ahaa Yemane Gebre ayaa weli ku sugan dalkaasi mareykanka.

Wararka waxay sheegayaan in dowlada itoobiya ay ka codsatay dowlada mareykanka in Yemane Gebre dib loogu soo celiyo Addis Ababa si maxkamad loo taago lakiin ay dowlada mareykanku diiday codsigaas iyadoo Yemane Gebre u fidisay magangelyo siyasadeed.Waxaa kale oo jirto in laba nin oo iyagana ka tirsana ciidanka Itoobiya oo la kala yiraahdo Yohanes Asefa iyo Simon Mengesha ay sanadkii hore isla garoonka diyaaradaha ee washington isku dhiibeen sarakiil mareykan.

-------

JABHADDA XOREYNTA OROOMIYA (OLF) OO DISHAY 25 KA TIRSAN CIIDANKA GUMEEYSIGA ITOOBIYA

Warsaxaafadeed ay May 28dii soo sareen Jabhadda Xoreynta Oromiya (OLF) ayey ku sheegeen in ay dileen 25 ka mid ah ciidanka gumeeysiga itoobiya iyaga oo dhawaca 41 kale.jabhadda OLF waxay sheegtay in dagaalada dhex maray ciidankeeda iyo kuwa gumeystaha Itoobiya in ay ka kala
dhaceen Shilanska, Karura, Hilfo, oo dhamaan ku yaala Oromiya.

Jabhadda waxay sheegtay in meelo ka mid ah Oromiya ay haatan dagaalo weli ka socdaan iyado ay ka muuqato ciidanka gumeeysiga itoobiya Moraal xumo iyo kalsooni la'aan.

-------

XUBIN KA TIRSANAA GOLAHA DHEXE TPLF INTA UUSAN KALA JABIN OO SHIRAR KU QABANAYO DALKA MAREYKANKA

Alemseged Gebreamalak oo ahaa xubin sare oo ka tirsan Golaha Dhexe ee ururka TPLF ayaa haatan ku sugan dalka mareykanka siiba magaalada caasimada ee washington. Wararku waxay sheegayaan in Alemseged Gebreamalak uu halkaas u tagay in uu la kulmo mucaarad u dhashay Qowmiyadda tigree iyo xubno kale oo ka tirsana ururka TPLF oo ka baxsaday taliska Melez Zenaawi

Wararku waxay intaas ku darayaan in Alemseged Gebreamalak uu kulamo la yeelan doono dowladda
mareykanka iyo safaarado shiisheeye oo ku sugan washington sida uu oogu fafaahiyo xaalada dhabta ee Itoobiya iyo siiba dhibaatada dhex taagan ururka TPLF


Qamaan Xirsi
Radio Xoriyo
Adis-Ababa
------------------------------------------------------------------------------------



Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo Warama Soomaaliya Ahmed Yare Calasoow ayaa inoo soo diray Warar Soomaaliya ku saabsan inagoo ku bilaabayna Wafdi ka socda Gumeysiga Itoobiya oo tagay Magaalada Hargeysa.

WAFDI ITOOBIYAAN AH OO BOOQASHO KU TAHAY HARGAYSA

28 bisha May 2002 waxaa duhuradii Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Hargeisa ka soo dagay Wasiira Dowlaha Arrimaha Dibbeda ee Itoobiya Tekeda Alemu isaga oo hogaaminayo wafdi ka socdo wasaarada arrimaha dibbeda ee Itoobiya.Wararka waxay sheegyaan in Tekeda Alemu uu waday
warqad ka socoto kaliye taliye Melez Zenaawi oo ku socoto Hogaamiyaha cusub ee Maamulka Waqooyi Galbeed Soomaaliye Daahir Kaahin Riyaale.

Wararka waxay sheegayaan in warqadaasi ay ahayd mid Daahir Kaahin lagu amray in uu sii wado Siyaasada Mohamed Ibrahim Cigaal oo isla markaas uu kala shaqeeyo Itoobiya arrimo kala duwan ooy ka mid ahaayeen Kala Goynta Jamhuuriyada Soomaaliyeed iyo Dibin daabyeynta Halganka Shacabka Ogadeenya.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in Melez Zenaawi uu warqadiisa ku qoray in uu dareensanyahay in aqoonsiga dalka Maamulka Daahir Kaahin ay dhowdahay oo ay Itoobiya ku dadaali in ay beesha Caalamka ka dhadhiciso in ay Waqooyi Galbeed ka go'odo Somalia inteeda kale oo isla markaasna la aqoonsado. Wararka waxay intaas ku darayaan ay Tekeda Alemu iyo Daahir Kaahin ay ka hadleen balaarinta xafiiska dhaqaalaha ay Itoobiya ka furatay Hargeisa.

Dadka siyaasada indha indheeya ayaa taa uu arko ujeedada itoobiya ay tahay in sarakiisha sirdoonka itoobiyaank lagu badiyo magaalada Hargeisa sida loo ilaaliyo danaha Itoobiya isla markaasna isha lagu hayo dhaqdhaqaaqa maamulka waqooyi galbeed.

------

XOGAYAHA GUUDE EE MIDOWGA AFRIKA OO KU DAWAAQAY IN HAATAN LOO BAAHANYAHY ERGEY GAAR AH EE GEESKA AFRIKA

Xogayaha Guud ay midowga Afrika Amara Essy isaga oo shirar kula lahaa magaalada Jabuuti madaxweyne Ismaciil Cumar Geele iyo wasiirka arrimaha afrika uu qaabishan dalka liibiya ayaa mar uu saxaafada uu waramay sheegay in ay haatan laga marmaan tahay in uu Midowga Afrika uu magacaabo ergey gaar ah oo la socda arrimaha Geeska Afrika. Xoghaye Amara oo ka gaabsaday
in uu sheego goorta lagu dhawaaqi doono ergey gaar ah ayaa muujiyay walwalka uu ka qabo dagaalada Soomaaliya iyo muhiimada xog uruurin in lagu sameeyo. Waxuu Amara Essy muujiyay in ay muhiim tahay in lagu xadgudbin xuduudyada soomaaliya.

-------

DIYAARADAHA WAX BASAASA EE ITOOBIYA OO DUL MARAY BALANBALE IYO ABUDWAAQ

2 Diyaarad oo ah kuwa basaaska ee Itoobiya ayaa todobaadkan dhowr goor kor maray Balanbale iyo
Abudwaaq iyaga oo sawiro ka qaadayo. Diyaaradahaas oo uu muuqday in ay tirinayeen inta gaari dagaal oo loo yaqaano Techniko oo ku sugan labadaasi dagmo ayaa si cad ooga muuqday calanka itoobiya.Todobaadkii hore ayaa magaalada bedel weyne kor mareen diyaaradaha qumaatiga uu kaca oo loo yaqaano helekoptaro.


TALIYAHA HAYADA CANSHUUR ARUURINTA OO JAGADA LAGA QAADAY

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegayo in madaxa hayada canshuur aruurinta Itoobiya jagada laga qaaday ka dib marka looga yeeray maxkamada Itoobiya. Wararku waxay sheegayaan in Seye Abraha oo ahaa wasiirkii hore ee Gashandhiga Itoobiya uu maxkamada uu sheegay in Melez Zenaawi iyo Seyoum Mesfin ay si toos ah lacag ooga qaadan jireen hayada canshuur aruurinta taas oo keentay in taliyaha hayadaas maxkamad looga yeero sida loo wareeysto.

Wararka waxay sheegayaan in ciidan dhar cad ah ay gurigiisa ka kaxeeysteen madaxaas inta uusan aadin maxkamada oo isla malintii qof kale lagu magacaabay jagada madaxa haayada canshuur aruurinta itoobiya iyadoo madaxii hore ilaa haatan la ogeeyn meel la gayay.


ISGAARSIINTA DHEX MARAYO CIIDANKA SIRDOONKA ITOOBIYA
IYA SHAQSIYAAD KU SUGAN MAGAALADA XAMAR OO BATAY


Waxaa maalimahan dambe aad uu soo batay wadahadalada dhex marayo sarakiil ka tirsan ciidanka sirdoonka itoobiya iyo shaqsiyaad ku sugan magaalada muqdishu iyadoo raadiyayeesha VHF (fooneeyo) laga maqlayo wadahadalkooda.wararka waxay sheegayaan in sarakiisha sirdoonka
Itoobiya oo amar ka bixiyo iyaga oo ku sugan magaalada Godey ee Ogaadeenya in ay amaro is daba joog ah siinayaan kooxaha argagixisada wado ay iyagu ku tababareen Godey...haatana ku sugan muqdishu.

Wararka waxay intaas ku darayaan in kooxaha aragagixisada wado qaar ka mid ah in todobaadkii hore lagu qabto magaalada muqdishu ka dib howlgal ay sameeyeen ciidanka nabadsugida ee dowladda soomaaliya.Warsaxaafadeed ay May 27, 2002 soo saartay wasaarada arrimaha dibbeda ee soomaaliya ayaa lagu sheegay in in ciidamada sir doonka ee dowladda ku meel gaarka ay dhageysteen isgaarsiin dhex martay mudane Maxamed Dheere oo hogaaminayay militia weerar ku soo qaaday aqalka wasiirka arrimaha gudaha ee soomaaliya iyo sarkaal ka tirsan dowladda Itoobiya.

War saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in Maxamed Dheere uu u waramayay sarkaalka Itoobiyaanka ah u sheegay in uu gacanta ku hayo wasiirka arrimaha gudaha ee soomaliya Mudane Daahir Dayax iyo gurigiisaba iyadoo ay taasi waxba ka jirin.Waxaa kale oo warkan lagu sheegay in dayuuradaha dagaalka ee dowladda Itoobiya xadgudubo ku hayaan meelo badan oo ka tirsan dalka gaar ahaan gobolka Gedo.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa xustay in la arkay 6 dayuuradood oo ay leedahay dowladda Itoobiya oo ku maraya gobolka magaalooyinka ka tirsan gobolka Gedo.



MADAXWEYNAHA DALKA ERITREA OO SI BALAARAN LOOGA SOO DHOWEEYAY DALKA QATAR

Madaxweynaha dalka Eritrea Isiyaas Afwerki uu 27kii May ka soo dagay garoonka dayuuradaha ee caasimada dalka qatar DOXA ayaa isaga iyo wafdi uu hogaaminayay shirar balaaran la yeeshay Emirka dalka Qatar Sheekh Hamad bin Khalifa al-Thani. Wararka waxay sheegayaan in Madaxweyne Afwerki oy Sheekh Hamad ay ka hadleen xiriirka labadooda dal iyo xaalada geeska Afrika siiba dhibaatada ay Itoobiya ku hayso dalalka geeska afrika.

Dhagaystayaal Warkii Caawa waa naga intaas.

Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 31 May.2002
 radioxoriyo@aol.com
 radioxoriyo@ogaden.com 

Xusuus : Cidii Rabta in ay radio Xoriyo ka dhagaystato Hawada waxay ka heli karitaa Mawjada 19 MB, 7:30 Daqiiqo Saacada Geeska Afrikada Bari, Maalmaha Talaado iyo Jicme.


Dhegeyso warkaan oo Cod ah
WARARKA OGADEENYA:
May.31.2002 | May.28.2002 | May.24.2002 | May.22.2002 | May.17.2002 | May.14.2002 | May.10.2002 | May.7.2002 | May.3.2002 | April.30.2002 | April.26.2002 | April.23.2002 | April.19.2002 | April.17.2002 | April.12.2002 | April.9.2002 | April.5.2002 | April.2.2002 | March.29.2002 | March.26.2002 | March.22.2002 | March.19.2002 | March.12.2002 | Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin
SIIRADA RASUULKA KUDAYO»
Tusmo | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30
SAXAABADII RASUULKA BARO»
Casharka toddobaadkan | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18
RAMADAAN SOON»
Macluumaadka Soomidda bisha ramadaan iyo axkaamta Soonka GUJI
SAKADA MAALKA BIXI»
Tusmo | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7
XIGMAD/WISDOM BIXI»
XAYAYSIIS BOOQO» 
KUTUB/BOOKS AKHRI» 
Soobooqo bogga xayasiiska Buugaagta / kutubta GUJI
NEWS 1 | 2 | 3 | 4 | 5
MAQAALLO AKHRI» 
DOOD FURAN AKHRI» 
QORAALO XIISA LEH AKHRI» 
MUSHARAXA SL 2002» 
Barnaamijka C/Risaq Maxamud Saleiman ee doorashada Somaliland Guji»

PUNTLAND, SOMALIA
Summary of Progress Report on the Puntland Peace Mission
PAGE.1 | PAGE.2 | PAGE.3 | PAGE.4 | PAGE.5 | PHOTO
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 Khartuum GUJI..
LETTER FROM OGADEENYA
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia) Read here

G O L E
Golaha Beesha Kablalax GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...




Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety