.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya


Warkii Radio Xoriyo
28 May,2002


Warka Madaxdiisii

· Karin Dabayl oo lagu Gubay Gaadhi ay lahaayeen CCGI
· Itoobiya oo Wali Wada Dulmigii ay ku haysay Shacbiga Ogaadeenya
· Ciidanka Gumeysiga Itoobiya oo Xasuuqay Shacbiga Sidaama
· Keenya oo Fiiso ku soo rogtay Muwaadiniinta Itoobiya
· Jaamacada Carabta oo Deeq Maaliyadeed Siiday DKMS
· Madaxweynaha Soomaaliya oo Qoraal Xasaasi ah u Diray Meelo kala Duwan



Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo Warama CWXO ayaa inoo soo sheegay Gaadhi kale oo lagu gubay Karin Dabayl.

18 May 2002 Karin Dabayl oo u dhow Magaaladda Dhagaxbuur Degaal ka dhacay waxaa lagu gubay Gaadhi ah kuwa Milatariga nooca Ciidamada Qaada iyo wixii saaraa iyadoo lagu qiyaasay in Gaadhigaasi uu waday Ciidan tiradiisu tahay ilaa 36 askari,Goobtan oo 21 April 2002 ay CWXO ku gubeen Gaadhi la mida midkan waxay noqotay Qabrigii Ciidanka Gumeysiga Itoobiya.

--------------------------------------------------


Wariyha Raadiyo Xoriyo uga soo Waranta Arimaha Bulshada ayaa inoo soo dirtay dhambaal Xambaarasan Xad Gudubyo ka dhan ah Xuquuqda Baniáadamka oo lagula kacay Shacbiga Ogaadeenya waxaana oogu danbeeyey kuwan

20 May 2002 Aaga Karin Dabayl oo u dhow dhagaxbuur waxaa lagu xidh xidhay dad tiradiisu aad u badan tahay oo isugu jira Odayaal,Hooyooyin,dhalin yaro aan waxba galabsanin.Waxaa sidoo kale la Ooday Xoolo iyana tiradoodu badan tahay.Waxaa sidoo kale halkaas lagu dilay gabadh aanaan wali magaceeda helin.

22 May 2002 Sagag oo ka mida Gobalka Nogbeed waxaa lagu dilay nin Shacbi ah oon waxba Galabsanin magaciisana la odhan Jiray Marxuum Xuseen Ali Afdheer.

25 May 2002 Guna Gada oo ka tirsan Gobalka Dh/buur wuxuu CGI isugu yeedhay Shacbigii halkaasi degenaa wuxuuna Ciidankii Gumeystuhu u sheegay dadkii in ay dhamaan yihiin Jwxo iyo Taageerayaal.Waxaa Goobtaas ka hadlay 3 Oday oo diiday soo jeedintaas Ciidanka Gumeysiga.Kuwaas oo kala ahaa

1. Wali Geele Cilme
2. Aaden Momahuud Guuleed
3. Moalin Mohamed Hassan Good

Waxaana markiiba Xabsiga loo taxaabay 3dii oday ee hadashay iyadoo Odayaashii kalena lagu ilaalinayo isla Guna Gada ooyna dhinacna ooga bixi karin,Wararka hada soo baxaya waxay sheegayaan in ay u badan tahay ugu yaraan in la ganaaxi doono.

Maryama Ruun Liibaan
Radio Xoriyo
Dh/buur, Ogaadeenya

---------------------------------------------------------



Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo Warama Adis-Ababa Qamaan Xirsi ayaa inoo soo sheegay Ciidanka Gumeysiga Itoobiya oo Fal Xumo kula kacay Shacbiga Sidaama.

XASUUQ KA DHACAY SIDAAMO

54 qof ayaa dhintay, dhowr kalena way dhawacmeen ka dib marka ay Ciidanka Gumeeysiga Itoobiya Rasaas ooda kaga qaadeena Shacab Sidaama ah oo tiradoodu gaaraysay ilaa 3000 oo banaanbax ku sameeyay magaalada Awassa May 24, 2002. Banaanbaxaas ayaa ahaa mid lagu tageerayay Jabhadda Xoreynta Sidaama (SLF) lagagana soo hor jeeday Xukumada Kaligii Taliye Males Zenaawi. Banaanbaxaas oo ahaa mid aan la soo qorsheeynin oo carrada Shacabku keentay ayaa dhacay ka dib marka Magaalada Awassa ee dhulka Sidaamada laga bilaabay in dhul looga cabiro niman Tigree ah taas oo ujeedadeeda ahayd in dhulalkaas la siiyo ganacsato Tigree ah. Wararka naga soo gaarayo magaalada Awassa ayaa sheegayo in boqolaal la xir xiray magaaladana lagu soo rogay bandoow, kadib marka ay askar Tigree ah 2 dhinac ka soo galeen magaalada. Wararka waxay sheegayaan, in odayeeshi magaalada guryahoodii lagala baxsanayo oo qaar ka mid ah la xaqiijiyay in reerkooda hortiisa lagu toogtay. Wararka waxay intaas ku darayaan, in dhalinyaro fara badan ay magaalada isaga baxeen iyagoo ku biirtay Jabhadda Xoreynta Sidaama si ay uga qeybgalaan halganka xaq u Dirirka Shacbiga Sidamo ooy wado Jabhadass SLF

Sidoo kale wararka iyaguna naga soo gaaraya Jabhadda Xoreynta Sidama (SLF) ayaa sheegayo in ay Jabhadaasi hada qaban qaabinayso weeraro balaaran oo ay kaga hor tagaan Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ee Woyanaha oo haatan ku soo qulqulaya dhulka sidaamaha.


XUBINKII KA BAXSADAY BARLAMAANKA ITOOBIYA OO SAXAAFADA
UU WARAMAY


Israel Gurmesa oo ahaa xubin ka tirsan golaha Barlamaanka Federaalka Gumeysiga Ttoobiya oo todobaadki hore ka baxsaday dowladda Melez Zenaawi ayaa Saxaafada u waramay May 25, 2002. Gurmesa waxuu sheegay in Cabudhiska lagu hayo Shacabkiisa Oromadu ay ku kaliftay in uu ka baxsado maamulka Melez Zenaawi oo uu isla markaas ku biirto Jabhadda Xoreynta Oromiya
(OLF). Gurmeeysa waxuu sheegay in Doorashooyinka Barlamaanada Itoobiya…ha noqdaan kuwa lagu tilmaamo barlamaan Goboleed ama kan Federaaliga laftirkiisa ….ay wada yihiin kuwa been abuur ah oonay waxba ka jirin, isla markaasna in cid Itoobiya si xor ah loo doorto aysan jirin. Gurmesa waxuu beesha caalamka oogu baaqay in aysan ku sirmin siyaasada itoobiya ay rabto in ay beesha caalamka ka dhadhiciso in ay tahay Dal Demoqraadi ah oo ay xaqiiqada tahay in aanay wax demoqraadiyad ahi haba yaratee ka jirin dalka Itoobiya. Gurmesa waxu sheegay in uu wixi haatan ka dib ku biirtay Jabhadda Xoreynta Oromiya (OLF) ilaa ay shacabka Oromada helaan xoriyad taam ah.

GUDDIGA AMNIGA EE QARMADA MIDOOBAY OO OOGA BAAQAY DALALKA DERISKA LA AH SOOMAALIYA IN AYNA KU XADGUBDIN XUDUUDKA AY LA LEEYIHIIN SOOMAALIYA

Guddiga aminga ee qaramada midoobay ayaa baaq ay soo saareen May 24, 2002 oogu baaqay Dalalka deris la ah Soomaaliya in aysan Xadgudub ku sameynin Xuduudka Soomaaliya. Iyadoo baqaasi si balaaran diblomaasiyiinta uu arkayeen in ay ku socota itoobiya in kasto laga gaabsaday in magaca itoobiya lagu soo qado, ayaa dadka siyaasada indha indheeya sheegeen in ay tahay mid
itoobiya uu ah digniin oo marka soo socda si toos ah itoobiya loo eedeeyn doono haduu sii socdo farageliska ay ku hayso soomaaliya.


Sida ay wararka soo baxaya sheegayaan Baaqan ayaa soo baxay ka dib Culays ka yimid dalaka Carabta siiba Masar, Sacuudi Arabia, Libya, Emaraadka Carabta, Yemen iyo Qatar oo si weyn u doonayey in Guddiga amnigu ay Qoraal ka soo saaraan faragelinta ay Itoobiya ku hayso arimha Soomaaliya.


Dawlada Kenya oo ku dhawaaqday in wixii hada kadib ka Danbeeya ay Muwaadiniinta Itoobiya Dalkeeda ku soo Galaan Fiiso.


War ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibbeda ee Kenya ayaa sheegaya go'aan la gaaray, in wixi hada ka dambeeya muwadiniyiinta Itoobiya ay Visa ku soo galayaan dalka Kenya. Wararka waxay sheegayaan in dowladdu go'aankani gaartay bishan bilowgeedii oo haatan uun lagu
dhaqmayo. Ma cada sababta ay dowladda Kenya go'aankan u gaartay lakiin dadka Siyaasada indha indheeya ayaa sheegayo in tilaabadan ay tahay mid muujinayo in xiriirka Itoobiya iyo Kenya sidii hore uusan ahayn iyada oo Kenya u aragto in Itoobiya ay sabab u tahay Qaxootiga faraha badan ee soomalida oo Kenya soo galayo iyagoo ka soo cararayo gobolada Soomaaliyeed ay Itoobiya dagaal ka abuurtay ama si toos ah u weerartay.

Qamaan Xirsi
Radio Xoriyo
Adis-Ababa

--------------------------------------------------------------------


Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo Warama Soomaaliya Ahmed Yare Calasoow ayaa inoo soo diray dhaq dhaqaaqyo ka socda dhinacyo kala duwan oo iska soo hor jeeda inagoo ku bilaabayna, Ururka Jaamada Carabta oo lacag oogu Deeqay Soomaaliya.


Jaamacadda Carabta oo 56 USD Milyan oogu Deeqday DKMG Soomaaleyeed


Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Qaahira oo ah Xarunta Jaamacadda Carabta ayaa sheegaya in 56 Malyan oo Doolar loogu deeqay DKMS.Wararka waxay sheegayan in deeqdan oo horay looga hadlay..la soo dadajiyay ka dib weerarada qaawan eey Itoobiya ku qaaday jamuuriyada Soomaaliya.Wararka waxay intaas ku darayaan in dalalka Masar,Sacuudi Arabia, Emaraatka Carabta, Libya, Yemen iyo Qatar ay ka dambeeyeen soo dadajinta deeqdan.

Warar kalena waxay sheegayaan in uu dhowaan Muqdisho imaan doono ergeyga gaarka ee Jamacada Carabta uu magacoowday dalka Soomaaliya Saalim Bin Muxumed Al-Khuseybi.Dhinaca kale wararka naga soo gaarya New York ayaa sheegayo in shirar kala duwan ay dhex mareen Safiirka dalka Soomaaliya uu fadhiyo qaramada midoobay iyo safiirada dalalka carabta. Kulamadaas oo is daba joog ah oo ilaa haatan socdo ayaa bilowday ka dib warqad ka timid dowladda ku meel gaarka uu safiirka soomaliya ee qaramada midoobay mudane Cabdi Xaashi u gudbiyay gudiga amniga ee garamada midoobay.


WAFDIGA GUDDIGA FARSAMADA EE URUR GOBOLEEDKA IGAD OO BAAQDAY

Guddiga farsamada ee Urur goboleedka IGAD oo loo xilsaaray qabanqaabada shirka dibuheshisiinta
soomaaliya oo la filayay in todobaadki hore ay socdaal ku tagaan gobolada soomaaliya ayaa baaqday ka dib marka ay dowladda ku meel gaarka soomaaliya ka mamnuucday xubnaha itoobiyaanka ee gudigaas in ay caasimada muqdishu yimaadaan. Go'aankaasi dowladda ku meel gaarka ayaa yimid ka dib marka ay itoobiya weerar aan qarsoneeyn ku soo qaaday gobolka Gedo ee soomaaliya.

Dowladda KMG ayaa cadeeysatay in aysan ogolaan doonin in ay la kulanto guddigaas hadii ay la socdaan xubno ka tirsan dowladda itoobiya oo cadow ku ah ummada soomaliyeed.



HELEKOPTARO ITOOBIYAAN OO HOWLGALO KA BILAABAY GOBOLADA GEDO IYO HIIRAAN.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helekobtaradda ay dowladda itooobiya leedahay ayaa howlgalo ka bilaabay gobolada Gedo iyo Hiiran. Wararka waxay sheegayaan in mid ka mid ah helekobtaradaas ay dhowr sacadood dul maraysay Magalada Belet Weyne todobaadkan. Wararka waxay sheegayaan in helekobtaradaan loo soo diray in ay sawiro ka qaadaan qaabdhismeedka magalooyin ku yaala Gobolka Gedo iyo Hiiraan Si sawiradaas looga sameeyo maabab ay Ciidanka
Itoobiyaanka isticmaali karaan marka ay helaan amar ay magalooyinkaas ku weeraraan.

Helekoptarada oo ah nooca ruusha ee oo loo yaqaano Hukum ayaa saldhigooda yahay magaalada Godey ee Ogaadeenya. Halkaas oo ay Ciidamada Itoobiyaanka saldhig military ku leeyihiin isla markaasna ku tababaraan kooxo loo diyaarnayo in ay falal argagixiso ah ka soo fuliyaan soomaaliya.

Helekoptarada ay haatan isticmaalaan Ciidanka itoobiya waa kuwa u fududeeyay in ay qiyaastaan meelaha ugu haboon in laga soo galo magalooyinka lagu soo duulayo iyo in ay tiriyaan inta gaari ee Teknikada oo ku sugan magaladaas..


MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO QORAAL XASAASI UU DIRAY MADAX KALA DUWAN


Madaxweynaha ku meel gaarka ah C/qaasim Salaad Xasan ayaa May 26keedi uu diray dhambaal xasaasi Guddoomiyaha Midowga Afrika oo haatan ah Madaxweynaha dalka Zambia, wuxuuna Madaxweynaha dhambalkaasi uga warbixiyey xaaladda dalku haatan marayo iyo fara
gelinta Itoobiya ku hayso arrimaha Soomaaliya.

Madaxweyne C/qaasim wuxuu ka codsaday Guddoomiyaha Midowga Afrika inuu cadaadis ku saaro dowladda Itoobiya sidii ay u joojin lahayd hubka ay ku soo daldalayso Soomaaliya iyo weliba sidii ay
ciidammadeeda ugala bixi lahayd qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Madaxweynaja wuxuu dhambaal noocan oo kale ah u diray dhammaan ururada caalamiga ah sida Qaramada Midoobay, ururka Jaamacadda Carabta, ururka IGAD, ururka Islaamka iyo ururro kale, wuxuuna u sheegay in dowladda Itoobiya ay fara gelin ku hayso arrimaha Soomaaliya sababna uu tahay dagaalada haatan ka socdo xamar oo ay ciidamo militia ah oo xiran labiska ciidanka itoobiya soo weerareen aqalka wasiirka arrimaha gudaha ee soomaaliya mudane Dahir Dayax.

Madaxweyne Cabdiqaasim waxuu kale ku daray qoraalkiisa in kooxo argagixso wado oo itoobiya lagu soo tababaray ay haatan ku sugan yihiin xamar.


Ahmed Yare Calasoow
Radiyo Xoriyo,Muqdisho
Soomaaliya

----------------------------------------------------------------------


WASIIRKA ARRIMAHA QAABILSAN ARRIMAHA AFRIKA EE DALKA LIIBIYA IYO XOGAYAHA GUUD EE URURKA MIDOWGA AFRIKA OO LA KULMAY MADAXWEYNAHA JABUUTI

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo Warama Jabouuti Roble Mahdi ayaa inoo soo diray dhambaalkan.

Waxaa subaxnimadii axada May 26, dalka jabuuti yimid xogayaha guud ee ururka Midowga Afrika Amara Essy iyo wasiirka uu qaabilsan arrimaha afrika ee dalka Liibiya Ali Trikki. Madaxdaas oo isla galabtaas la kulmay madaxweynaha dalka jabuuti mudane Ismaciil Cumar Geele ayaa ka hadlay arrimah ku saabsan soomaaliya iyo geeska afrika guud ahaan. Wararku waxay sheegayaan in
dowlada Jabuuti iyo Liibiya ay muujisay aragtidooda oo mideysnaa dhinaca xal uu helid dhibaatada soomaliya iyo siiba faragelinta itoobiya.

Xogayaha Guud ee ururka Midowga Afrika Amara Essy ayaa dhowaan ka yimid shirka ururka barwaaqa sooranka ee dalalka waqooyi afrika oo loo yaqaano COMESA iyado sida wararka sheegayaan uu ka qeyb galay shir gaar uu ahaa arrimaha soomaaliya.

Roble Mahdi
Radio Xoriyo
Jabuuti

--------------------------------------------------------------------------------

Tahniyad ay Jwxo, u dirtay Dawlada Eriteriya taas oo ku aadanayd Maalinta Qaranimadda Wadankaas.


May 24, 2002

Iyada oo ku hadlayso magaca shacabka Soomaalida Ogaadeenya ee u halgamaya xoriyadiisa, waxay Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO) ugu tahniyadaynaysaa shacabka Eriteriya iyo hoggaankiisa toosan munaasabadaas sanad guuradii 11aad ee ay gumeysigii macangaga ahaa ka hoos bexeen.

Maalintaa weyn ee casiiska ah waxay Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya si gaar ah u xusaysaa geesinimada iyo mintidnimada xoogaga difaaca dalka Eritiriya oo naf iyo maalba u huray difaaca dalkooda, middaas oo tusaale iyo darsi aan la iloobi karin u ah caalamka oo dhan. Waxayna amaan ku mudan yihiin sifaha gaarka u ah ee niyaddooda birta ah een la loodin karin difaaca
qaranimad iyo sharafta dalkooda.Sida guusha ay Eriteriya ku guulaysatay xukunkii xadka iyaga iyo Itoobiya u dhexeeyey, ayey xaqiiqada iyo caddaladdu ka lib heli beenta iyo caddaalad darrada.

Iyaga oo ku jira dhufayska dagaalka sharafta ee Ogaadeenya si ay shacabkaas dulman xaqa lama
dafiraanka ah ee xoriyad iyo aayo ka talin u gaadhsiiyaan ayey N/hurayaalka JWXO u soo fidinayaan
tahniyad shacabka iyo hoggaanka Eriteriya iyaga oo u rajaynaya barwaaqo, Nabaadiino iyo mustaqbal farax leh.

Jabhadda Waddanig Xoreynta Ogaadeenya (JWXO)



--------------------------------------------------------------



Dhageystayaal Warkii Caawa waa naga intaas.


Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 28 May,2002
radioxoriyo@aol.com 
radioxoriyo@ogaden.com
 

Xusuus : Cidii Rabta in ay Radio Xoriyo Hawada ka dhagaysato Waxay ka heli kartaa Mawjada 19-ka MB,7:30 Fiidnimo, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha.


Dhegeyso warkaan oo Cod ah
WARARKA OGADEENYA:
May.28.2002 | May.24.2002 | May.22.2002 | May.17.2002 | May.14.2002 | May.10.2002 | May.7.2002 | May.3.2002 | April.30.2002 | April.26.2002 | April.23.2002 | April.19.2002 | April.17.2002 | April.12.2002 | April.9.2002 | April.5.2002 | April.2.2002 | March.29.2002 | March.26.2002 | March.22.2002 | March.19.2002 | March.12.2002 | Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin
SIIRADA RASUULKA KUDAYO»
Tusmo | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30
SAXAABADII RASUULKA BARO»
Casharka toddobaadkan | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18
RAMADAAN SOON»
Macluumaadka Soomidda bisha ramadaan iyo axkaamta Soonka GUJI
SAKADA MAALKA BIXI»
Tusmo | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7
XIGMAD/WISDOM BIXI»
XAYAYSIIS BOOQO» 
KUTUB/BOOKS AKHRI» 
Soobooqo bogga xayasiiska Buugaagta / kutubta GUJI
NEWS 1 | 2 | 3 | 4 | 5
MAQAALLO AKHRI» 
DOOD FURAN AKHRI» 
QORAALO XIISA LEH AKHRI» 
MUSHARAXA SL 2002» 
Barnaamijka C/Risaq Maxamud Saleiman ee doorashada Somaliland Guji»

PUNTLAND, SOMALIA
Summary of Progress Report on the Puntland Peace Mission
PAGE.1 | PAGE.2 | PAGE.3 | PAGE.4 | PAGE.5 | PHOTO
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 Khartuum GUJI..
LETTER FROM OGADEENYA
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia) Read here

G O L E
Golaha Beesha Kablalax GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...




Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety