.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya

Warkii Radio Xoriyo
24 May,2002

Warka Madaxdiisii


· Urur Ka Tirsan CCGI oo isu dhiibay Dalka Suudaan
· Ururka Xuquuqul Insaanka ee Human Right Watch oo Cambaareeyey Itoobiya
· Jabhad Cusub oo Degaal ka Bilawda Tigray oo ah Gobalka Zinaawi
· Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo Isu Diyaarinaya Difaaca Dalka
· Beesha Arab oo Cambaaraysay Falkii Shacbiga Ogaadeenya loogu dhiibay Itoobiya.

Warkii oo Faah Faahsan

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo Warama Adis-Ababa ayaa inoo soo diray warar isku dhafan inagoo ku bilaabayna qaar ka mida CCGI oo ka Goostay Taliska Adis-Ababa.

120 askari oo ahaa CCGI ayaa isu dhiibay dalka Suudaan.Wararku waxay sheegayaan in 60 ka mid ah askaartaasi ay haatan ku sugan yihiin magaalada khartoum iyada oo ay 60kii kale ku sugan yihiin magaalada Kassala.Wararka waxay sheegyaan in askartan oo dagaal kula jiray Jabhadda hubeysan ee EPPF oo ka soo hor jeeda Xukuumada Melez Zenaawi ay ka goosteen qeybahoodii ka dib makrii uu Degaal dhex maray iyaga iyo Jabhada EPPF oo dabadeedna degaalkii lagu jabiyey Ciidankii Itoobiya..

Wararka waxay intaas ku darayaan in 25 kale oo ka mid ahaa CCGI ay ku biireen Jabhada EPPF.

XIRIIRKA ITOOBIYA IYO JIMCIYADA QARAMADA MIDOOBAY OO SII XUMAANAYO

Xiriirka Itoobiya iyo Jimicayada Qaramada Midoobay ayaa sii xumaanaya ka dib marka ay dowladda itoobiya uu gudbisay Xogayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Kofi Canaan warqad ay kaga codsanayaan in la badalo Taliyaha Ciidanka Qaramada Midoobay oo ilaaliyo soodinta uu dhexeeysa dalalka Eriteria iyo Gumeysiga Itoobiya.

Taliyahaas Ciidamadaas Maj-Gen Patrick Cammaert ayey itoobiya ku eedaysay in uu bilowgii bishan magaalada Badme u kaxeeyay Wariyoyeel ka yimid magaalada Asmara taas oo caro gelisay dowladda itoobiya oo sheegata in ay iyada leedahay magaaladaas inkasto uu go'aanka Maxkamad aduunka Cadeeyay in Badme ay ka mid tahay dalka Eritrea.

Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in ka dib markii ay qaramada midoobay ka diiday Itoobiya codsigooda in jagada laga qaado taliyaha ciidanka qaramada midoobiya Maj Gen. Patrick Cammaert in ay itoobiya ku dhawaaqday in aysan ka
ogolaan doonin ciidanka qaramada midoobay in ay si xor ah uu dhex maraan soodinta uu dhaxeeyso labada dal.

URURKA XUQUUQAL INSAANKA EE HUMAN RIGHTS WATCH OO CAMBAREEYSAY DOWLADDA ITOOBIYA

Ururka xuquuqal insaanka ee Human Rights Watch oo saldhigiisu yahay caasimada dalka mareykanka ee Washington ayaa MAY 22, 2002 soo saartay warsaxaafadeed ay ku cambareeynayso xasuuqa ay dowladda Itoobiya ku hayso ardayda uu dhashay qowmiyadda Oromada. Warsaxaafadeedkaasi ayey Human Rights Watch ku cadeeysay in falalka foosha xun ay itoobiya kula dhaqanto ardayda Oromada ay haatan gareen aan layska indha tiri karin..

Saman Zia-Zarifi oo ah madaxa arrimaha tacliinta ee ururka Human Rights Watch ayaa sheegay in ay ururkiisu si gaar ah u cambaaraynayaan Ciidanka Dowladda itoobiya rasaas ku furay arday u dhalatay Qoomiyada Oromada oo Banaan bax sameeyey Bishii hor.

Warsaxaafadeedka wuxuu xusay xidh xidhka todobaadkii hore ka dhacay Addis Ababa oo lagu xiray in ka badan 250 arday uu dhashay qowmiyadda oromada oo dhigta
Jaamacada Addis Ababa.


MADAXA URURKA MACALAMIINTA ITOOBIYA OO CADEEYAY IN
ITOOBIYA AYSAN KA JIRIN MAXKAMADO MADAX BANAAN

Dr. Taye Wolde-Semayat oo ah madaxa ururka macalimiinta Itoobiya oo dhowaan laga sii daayay xabsi ayaa shir jar'aid uu ku qabtay magaalada Addis Ababa May 20, 2002 sheegay in maxkamadaha itoobiya aysan ahayn kuwa madax banaan oo ay dhamaan amar ka qaatan
taliska Melez Zenaawi.

Dr. Taye waxuu sheegay in taasi ay uu fududeeysay in u uu Melez Zenaawi si sharci daro ah ku xiro dad mucaarad ku ah xukunkiisa iyo xubno ka tirsan ururada bulshada iyada oo lala xisaabtami karin.

Dr. Taye Wolde-Semayat waxuu oogu baaqay beesha caalamka in aysan iska indhatirin xaqiiqada taas oo ah in ruux walba oo dalka itoobiya gudahiisa maxkamad la soo hor taago uu yahay qof go'aanki laga qaadan lahaa mar hore la gaaray oo ay maxkamad taagistiisu tahay
mid micno aan lahayn.


ITOOBIYA OO WALAAC KA MUUJISAY GUDDI AY SAMEEYSAY
JAAMACADA CARABTA OO BAARAYO FARAGELINTA AY ITOOBIYA
KU HAYSO SOOMAALIYA


Warsaxaafadeed ay soo saartay wasaarada warfaafinta May 20, 2002 ayaa walaac ka muujiyay guddi ay todobaadkii hore ay u magacawday Arimaha Soomaaliya Jaamacada carabtu oo iyagoo baadhi doona faragelinta ay Itoobiya ku hayso soomaaliya.Gudigaas oo asaaskiisa ay ka dambeeyeen dowlado Carbeed.

Warsaxaafadeedka wasaarada warfaafinta Itoobiya oo habeenkii isniinta May 20keed laga akhriyay Televisionka Addis Ababa ayaa ku eedeeyay dalalka Carabta in ay u eexanayaan Soomaaliya iyaga oo xaalada Geeska afrika aan si fiican oola soconin.

Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in dowladda Itoobiya ay si gaar ah ooga wal walsantahay Dalka Masar iyo Xoghayaha Guud ee Jaamacada Garabta Mudane Caamar Muuse oo aad u tageersan Gudigaan iyo howshiisaba.Warar kalena waxay sheegayaan in dalalka Carabta qaar
ka mid ah ay haatan si gaar ah isha oogu hayaan faragelinta dowladda Itoobiya ku hayso Soomaaliya iyaga oo sugaya uun warbixinta ay Gudigaasi ka soo saaraan arinta loo xil saaray.

DOWLADDA JABUUTI OO HOR ISTAAGTAY STRATEGIYADA
ITOOBIYA AY RABTO IN AY KU BUR BURISO DOWLADDA KU MEEL
GAARKA EE SOOMALIYA



Dowlada Jabuuti oo ka tirsan Gudiga farsama ee urur goboleedka IGAD oo ka koobaan dalalka Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti ayaa ku adkeeysatay in aysan marnaba ku raaci karin Itoobiya hindisaha ay uu soo bandhigtay guddiga oo ah in dowladda ku meel gaarka kaga soo qeyb galin shirka Nairobi dowlad ahaan oo ay ooga soo qeyb galaan waxay ay itoobiya ku tilmaamtay "koox ahaan".Wararka waxay sheegayaan in wafdiga Jabuuti ay si xoogan uu dideen hindisahaas oo ay ku tilmaameen mid la rabo in lagu burburiyo guulihii carta iyo dowladda ku meel gaarka soomaliyeed.

Xubnaha ka socda wadanka Djibouti ayaa la sheegayaa in ay soo jeediyeen in dadaalka xal uraadinta khilaafka soomaaliya laga sii wado halkii ay iyadu ku daysey oo la kaamil yeelo natiijooyinkii shirkii Karta oo ay ka mid tahay DKMG-ka ah.


JABHAD HORAY LOO AQOONIN OO HOWLGAL KA SAMEEYSAY GOBOLKA TIGRAY

Jabhad horay loo aqoonin ayaa marki ugu horaysay howgal ka sameeysay gobolka Tigray gaar ahaan magaalada WAJA. Jabhadani oo la magac baxday "Salsai Woyane" ayaa weerar military ku qaaday guriga masuul sare oo ka tirsan taliska gobolka Tigray iyado gabi ahaan gubtay aqalkiisa isla markaasana dishay masuulkaasi. wararka waxay sheegayaan in marwada masuulkaasi ay baxsatay oo haatan ku sugan tahay magaalada Maichew ee Gobolka tigray. Ilaa hada ma cada inta qof oo ku dhintay weerarkaasi lakiin wararka naga soo gaarayaa magaalada WAJA ayaa sheegayo in uu haatan ka jiro magaladaasi bandow oo ay
ciidan dhex marayaan isla markaasna dab badan la xir xiray.

9 QOF OO DHINTAY 20 DHAWACMAY KA DIB MARKA MIINO AY KU QARAXDAY GAARI DHEX MARAYAY GOBOLKA TIGRAY


9 qof ayaa dhintay 20 way dhawacmeen ka dib marka ay miino ku qaraxday gaari ka mid ah gawarida waa weynka ee dadka qaada oo dhex marayay gobolka tigray. wararka waxay sheegayaan in minadaasi ay dhigeen jabhad tigray ah inkasto magaca jabhadaas la xaqiijinin. Wararku waxay sheegayan in wadadaas oo ku tiilay waqooyiga gobolka tigre haatan la xiray iyada oo ay ciidamada itoobiya ka eegayan miinooyin kale.

Qamaan Xirsi
Radio Xoriyo
Adis-Ababa

-----------------------------------------

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Soomaaliya Ahmed-Yare Calasoow ayaa inoo soo diray warar Soomaaliya ku saabsan inagoo ku bilaabayna Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo isu diyaaninaya sidii uu u Difaaci lahaa Qaranka Soomaaliyeed.


ABAANDUULAHA CIIDANKA SOOMALIYEED OO UU DIYAARINAYO IN AY CIIDANKA DIFAACAAN QARANKA SOOMALIYEED

Abaanduulaha ciidanka xooga dalka soomaliyeed Generaal Naji ayaa mar uu u waramayay qaar kamid ah ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ayaa u sheegay in haddii wasiirka gaashaan dhiga xukuumadda Kmg ah uu ku amro in ay ka hor tagaan ciidamada Itoobiya ay ka hor tagayaan isagoo intaasi sii raaciyay in maanta cadawga dalka uu leeyahay uu yahay mid ku sugan gudaha dalka iyo dibadaba.

Generaal Naaji ayaa todobaadkan heegan galiyay ciidanka xooga dalka soomaliyeed ka dib marka ay ciidanka itoobiya weerar qaawan ku soo qaadeen gobolka Gedo ee Soomaaliya

Dowladda KMG Soomaliyeed oo yeeshay Shir deg deg ah. Golaha wasiirada KMG ah ayaa May 21keed uu billowday shir deg deg ah oo albaabada u xirnaayeen. Sida wararku sheegayaan ayaa Shirkaasi laga hadlayfaragelinta Itoobiya ku hayso soomaliya iyo tilabooyinka lga qaadi lahaa

BAARLAMAANKA KMG AH OO ASHTAKO U DIRAYO BAARLAMAANADA
CAALAMKA.



Gudoomiyaha golaha baarlamaanka cabdalla deerow ayaa 21 MAY soo jeediyay in dhamaan baarlamaanada aduunka loo gudbiyo warqad ashtako ah taas oo looga dacwoonayo xukuumadda Itoobiya faragalinta ay ku hayso arrimaha Soomaaliya, gudoomiyaha baarlamaanka ayaa arrintan gudi u xilsaaray kaas oo ka kooban todobo ruux kuwaas
oo soo dajinaya qoraal ashtako ah kadibna loo soo bandhigayo dhamaan xildhibaanada xukuumadda Kmg ah iyagoo ansaxin doono. Mudane Dheerow ayaa intaasi sii raaciyay in Ityoobiya aysan marnaba aqoonsanayn dawlad ka dhalata dalka Soomaaliya.

9 NIN OO SOOMAALI AH OO KASHIFAY QORSHAHA ARGAGIXSADA
AY DOWLADDA ITOOBIYA KU WADO SOOMAALIYA


Sagaal nin oo Soomaali ah ayaa May 20, 2002 shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqisho iyagoo sheegay in loo soo tababaray in ay qas iyo jahawareer ka sameeyaan dalka gudahiisa. Nimaankaas ayaa cadeeyay in gaar ahaan magaalada Muqdisho loogu talagay in ay miinooyin dhigaan wadooyinkeeda iyo saldhigyada dowladda ku meel gaarka soomaliyeed.

Waxay sheegeen in ayaga iyo 109 kale ay ka mid maleeshiyaad ay Itoobiya ku tababaray agagaarka magaalada Godey ee Ogaadeenya in ay falal argagixiso ah ka bilaabaan Mogdishu iyo goobo kale oo ka mid ah Soomaaliya. 9ka nin oo kala ahaa

G/lle C/raxmaan Xersi Mursal
1. Dhame C/llaahi Cusmaan Maxamed
2. Dhame Xuseen Axmed Ismaaciil (Xuseen Dheere)
3. C/llaahi Yuusuf Xuseen
4. Salaad Xuseen Mursal
5. Maxamed Maxamuud Cali
6. Axmed Xaaji Maxamuud

Iyo laba kale oo ka gaabsaday in ay magacyadooda sheegaan ayaa sheegay in ay ka goosteen milishiyadaas ay dowladda itoobiya uu tababartay argagixiso iyaga oo go'aankood ku tilmaamay mid ku saleeysan diintooda iyo dhaqankooda.

Ahmed Yare Calasoow
Radio Xoriyo, Muqisho
Soomaaliya.

-------------------------------------------------------

Wararka naga soo gaadhaya Magaalada London ayaa sheegaya Beel Ka Mida Beelaha Waqooyi oo Cambaarasay Goáankii bishii April loogu gacan Galiyey Gumeysiga Itoobiya dadkii u Dhashay Ogaadeenya ee ku sugnaa Magaalada Hargeya.

Go'aano ay soo saaren Beesha Baligubadle (ARAB)


Bulshada beesha Arab ee ku dhaqan dalka ingriiska ayaa maanta soo saaray go,aano khuseeya beesha oo lagaga dooday dhiibitaankii dadka ogaadeeniya iyo dhisitaanka schoolka bali gubadle..iyo arrimaha doorashooyinka..go,aanada lagaadhayna waa kuwan...

1-waxa ay beesha arab cambaaraynaysaa falkii foosha xumaa ee loogu dhiibay shacbiga ogaadeeniya ee aan waxba galbasan dawlada ethiopia waxan ay beesha arab uga tacsiyadaynysaa beeshasi ogaadeeniya arrintaa foosha xune ee uu ku dhaqaaqeen maamulka somaliland. waxana ay beeshu aad uga xuntahay in maamulka somaliland uu dadkaasi ka dhiibay dagamada balikhadar..taaso uu uga jeeday in ay iska hor yimaadan beelaha walaal ahi....

2-waxa ay beeshu ugu baaqaysaa beelaha dariska ah wada noolansho nabad galyo.waxanan u sheegaynaa beelaha deriska ah in wadahadal lagu dhameeyo wixii soo kala dhexgala...

3-qof kastoo beesha arab ka dhashay waa in uu tix galiyaa qaranimada umada somaliland ee aynu u soo halganay,,,

4-waa in aragtida beesha ee ku aadan doorashooyinka soo socda ee madaxtinimada somaliland laga noqodaa isku aragti, shirna la iskugu yimaada ka hore doorashooyinka .


5-waa in ay beeshu taageerta schoolka sare ee baligubadle oo u baahan in laga dhigo boarding, waxana loo baahan yahay in laga taageer mushaharka maclimiinta si aanay macalimiintu uga shaqa doonan meelo kale iyo in la dhiso qayb ay ardaydu u hoydaan waayo waxa jira arday reerahoogu guurguuran oo aan haysan cid noloshooda kafaysa.Wabilaahi towfiiq

ARAB community in BRITAIN........

cali farah nour.. balikhadarr2002@hotmail.com 


---------------------------------------------------------------------

Dhageystayaal Warkii Caawa Waa naga intaas.



Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 24 May, 2002
radioxoriyo@aol.com
 
radioxoriyo@ogaden.com
 

Xusuus : Cidii Rabta in ay Radio Xoriyo Hawada ka dhagaysato Waxay ka heli kartaa Mawjada 19-ka MB,7:30 Fiidnimo, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha.


Dhegeyso warkaan oo Cod ah

 


WARARKA OGADEENYA:
May.24.2002 | May.22.2002 | May.17.2002 | May.14.2002 | May.10.2002 | May.7.2002 | May.3.2002 | April.30.2002 | April.26.2002 | April.23.2002 | April.19.2002 | April.17.2002 | April.12.2002 | April.9.2002 | April.5.2002 | April.2.2002 | March.29.2002 | March.26.2002 | March.22.2002 | March.19.2002 | March.12.2002 | Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin
SIIRADA RASUULKA KUDAYO»
Tusmo | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30
SAXAABADII RASUULKA BARO»
Casharka toddobaadkan | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18
RAMADAAN SOON»
Macluumaadka Soomidda bisha ramadaan iyo axkaamta Soonka GUJI
SAKADA MAALKA BIXI»
Tusmo | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7
XIGMAD/WISDOM BIXI»
XAYAYSIIS BOOQO» 
KUTUB/BOOKS AKHRI» 
Soobooqo bogga xayasiiska Buugaagta / kutubta GUJI
NEWS 1 | 2 | 3 | 4 | 5
MAQAALLO AKHRI» 
DOOD FURAN AKHRI» 
QORAALO XIISA LEH AKHRI» 
MUSHARAXA SL 2002» 
Barnaamijka C/Risaq Maxamud Saleiman ee doorashada Somaliland Guji»

PUNTLAND, SOMALIA
Summary of Progress Report on the Puntland Peace Mission
PAGE.1 | PAGE.2 | PAGE.3 | PAGE.4 | PAGE.5 | PHOTO
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 Khartuum GUJI..
LETTER FROM OGADEENYA
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia) Read here

G O L E
Golaha Beesha Kablalax GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...




Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety