.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA OGAADEENYA

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya

Warkii Radio Xoriyo
21 May,2002

Warka Madaxdiisii

· Degaalo lagu Jabiyey Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya
· Banaanbax Balaadhan oo lagaga soo hor Jeedo Zeenaawi oo ka dhacay Adis-Ababa
· Masuul Sare oo ka baxsaday Dawlaga Itoobiya
· Ciidanka Qalabka Sida ee Soolaamiyeed oo Heegan Galay


Warkii oo Faahfaahsan

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa inoo soo diray dhambaal Xambaarsan Degaalo lagu jabiyey CCGI, kuwaas oo dhacay Xiliyadan

08 May 2002 Meel u dhaxaysa Garbo iyo Dhagaxmadaw oo ka mida aaga Sibi degaal ka dhacay Waxaa Ciidanka Cadawga lagaga dilay 2 Askari, 3 kalena waa lagaga dhaawacay.


Isla 08 May 2002 Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ee degen Sabati Degaal dhex maray waxay iska dileen 5 Askari, waxaa kale ooyna iska dhaawaceen 6 kale

09 May 2002 Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ee Degan Birqod oo ka mida Gobalka  Dh/buur Degaal isaguna  dhex maray Waxay halkaas isaga dileen 10 Askari, Waxaa Kale oo Degaalo kuwan la mida isla taariikhdan uu ka dhex Dhacay Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ee Degen Saldhiga Dhagax Madaw iyagoo goobtaas iskaga dilay 12 Askari, tiro kalena iska dhaawacay.Waxaa degaaladaas awgood iyaguna ka Goostay Ciidankaas 15 Askari oo ku Jaah Wareeray Siyaasadda Guracan eey ku socdaan.

12 May 2002 Saldhiga Ciidanka Cabudhiska ee ku yaala Dig Degaal adag  oo ka dhacay  ayna Fuliyeen Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya ee sida Goonida ah u taba baran waxaa lagu dilay 10 Askari , 20 kalena waa lagaga dhaawacay.Iyadoo bur bur loo geystay Saldhigaas lana Gubay Dhismayaal ay ku hoyan Jireen CCGI iyo Bakhaaro ay ku Keysan Jireen Hubka iyo Saanadda.

13 May 2002 Deyr oo Magaalada Awaare u dhow Degaal ka dhacay Waxaa Ciidanka Jaahwareersan ee Gumeysiga Itoobiya lagaga dilay 6 Askari, 5 kalena waa lagaga dhaawacay

14 May 2002 Ulo dhawban oo u dhow iyaduna Magaalada Awaare waxaa lagu dilay 11 Askari, tiro aan la xaqiijinina waa lagaga dhaawacay.

16 May 2002 Dalool Goosi oo ka tirsan Degmada Awaare Degaal ka dhacay  waxaa Cadawga lagaga dilay 17 Askari iyadoo lagu dhaawacay tiro badan oo inta ay la eg tahay aan la xaqiijin.

19 May 2002 oo ahayd Doraato Qoolaleey oo u dhaxaysa Dhagax Madaw iyo Garbo Degaal ka dhacay Waxaa Ciidanka Dhiigyacabka ah ee Gumeysiga Itoobiya lagaga dilay in ka badan 29 Askari iyadoo tiro taas ku laban laabmaysana lagaga dhaawacay,waxaana intaas dheeraa iyadoo aad loo Caydhsaday Ciidankii Gumeysiga Itoobiya ee Soo Duulay ninbana Meel lala maray.Degaalkaas oo Saacado dhawr ah socday Wuxuu ahaa mid adag ooy isaga hor yimaadeen Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya iyo Kuwa Guemysiga Itoobiya oo soo Duulay.

Isu geyn Waxaa Ciidanka Gumeysiga Itoobiya Degaaladaas lagaga dilay  102 iyadoo lagaga dhaawacay 54 kale. Waxaa sidoo kale lagu furtay Hub iyo Saanad kale.

-----------------------------------------

Jaaliyaadka Ogaadeenya ee dalka dibaddiisa ku nool oo xawliga halgankooda kordhiyey si ay kaalin u dhiganta midda Ciidanka Qalabka sida u qaataan. Waxay u tartamayaan calanka halganka oo sanadiiba Jaaliyadda lambarka koowaad gasha xagga halganka la siiyo si loogu abaal mariyo dadaalka. Haddaba Jaaliyadda Ogaadeenya ee ku nool dalka Holland ayaa shir isugu timid 11 bisha May, 2002 si ay u laba jibaaraan halganka loogu jiro xoraynta dalka hooyo. Haddaba Abdi Madaale oo ka mid ah wariyayaasha Radio Xoriyo ayaa wakiilka JWXO, Abdulahi Cadhays Dhicis(ayaanle) khadka telefoonka ku wareystay si uu fikrad inooga siiyo shirka iyo wixii uu ku saabsanaa; waana kan waraysigii


------------------------------------------------------

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo Wararma Adis-Ababa Qamaan Xirsi ayaa inoo soo diray Dhambaal Xambaarsan Xaalado kala duwan inagoo ku bilaabayna Banaanbax balaadhan oo lagaga soo horjeedo Siyaasadda Males Zinaawi oo ka dhacay Adis-Ababa

BANAANBAX BALAARAN  KA DHACAY ADDIS ABABA

Banaanbax balaaran oo ay ka qeyb galeen kumanaan kun oo qof oo lagaga soo horjeedo taliska Melez Zenaawi ayaa ka dhacay 19kii May ,2002, magaalada Addis Ababa.

Banaanbaxaas waxaa soo qabanqaabiyay xisbiga mucaaradka ee E.D.P. Xisbiga mucaaradka ah ee EDP wuxuu sameeyey banaan baxaax isaga oo dawladda Itoobiya ay digniin siisay inayna u dul qaadanaynin ciddii banaan baxa sameysa.



Banaanbaxaan ayaa ahaa mid safaaradaha shiisheeyaha iyo ururada xuquuqal insaanka ay si wanaagsan oola socdeen iyaga oo isha ku hayay wixii tilaabo ah ay Itoobiya ka qaadi doonto.

Waxaa  ka khudbeeyey banaanbaxa  Dr. Admasu Gebeyehu oo ah gudoomiyaha xisbiga E.D.P. Waxaa kale oo ka hadlay goobta banaanbaxa xogayaha guud ee xisbiga E.D.P Lidetu Ayalew. Labadaasi madax ayaa hadda ka hor mudo bilooyin xidhnaa iyadoo la si daayay ka dib culeeys ka yimid dhanka dalalka Europe.

Banaanbaxan waxuu ahaa midkii ugu balaarnaa ee ka dhaco Addis Ababa ilaa iyo wakhtigii ardayda mudaharadeen sanadkii hore.


CIIDAN ITOOBIYA AH OO  SI SHARCI DARO AH U GALAY SUUDAAN.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Jabhadda EPPF oo ah jabhad hubeeysan kana soo hor jeedo xukuumada Melez Zenaawi ayey ku caddaysay in ciidan Itoobiyaan ah weerar ku qaaday demooyin dhinaca Suudan ka xiga xadka labada dal. Jabhadu waxay cadeeysay in ciidankeeda aysan xerooyin ku lahayn Sudaan balse ay Itoobiyaanku sida aaminsanyihiin oo ay haatan caado ka dhigteen in ay xadka Itoobiya iyo Sudaan tilaabsadan iyaga oo raadinayo saldhigyada jabhadda EPPF.

Itoobiya ayaa hada ka hor lagu eedeeyay in ay ka gudubto  xadka ay la leedahay dalka Kenya iyada oo raadinayso saldhigo ay leeyihiin Jabhadda Xoreynta
Oromiya (OLF)

Si kasta ba ha ahaate, dadka siyaasada indha indheeya ayaa sheegayo in aysan shaki ku jirin in arintani la isku soo qaadi doono marka ay Addis Ababa yimaadaan
wafdi ka socda dalka Sudaan todobaadkan. Wafdigaas ayaa Addis Ababa uu imaanayo in ay ka qeyb galaan shirka ururka barwaqo sooranka ee COMESA.


BAXSADKA MASUULIYIIN SARSARE OO ITOOBIYAAN AH OON KALA GO' LAHAYN


Xildhibaan ka tirsan barlamaanka federaaliga Itoobiya ayaa baxsaday. Xildhibaankaasi oo la yidhaahdo Gurmeesa oo u dhashay qowmiyadda Oromada ayaa dowladda Germalka ka codsaday in ay siyaan magangelyo siyaasadeed. Waxaa la sheegayaa inuu xildhibaankaasi reerkiisii waddanka ka saaray intuuna baxsan ka hor. Wararku waxay sheegayaan in xildhibaankaasi ay si weyn uu soo dhoweysay Jabhadda Xoreynta Oromiya oo ay haataan wadahadalo uu socdaan.

Gurmeesa waa masuulkii labaad ee qowmiyadda Oromada u dhasahy ee baxsada muddo todobaad ah gudahood ka dib marka uu baxsaday wasiir ka tirsan maamul ku sheega Oromiya oo la yiraahdo Meles Dayesa. Baxsadla masuuliyiinta Itoobaya oon kala go'a lahay wuxuu  gaadhay xitaa ciidanka sirdoonka. Waxay wararka xog ogaalka ahi sheegayaan in todobaadki hore uu baxsaday sarkaal ka tirsan ciidanka sirdoonka Itoobiya isaga oo ku dhuuntay diyaarad Ethiopian Airlines ah oo uu socotay magaalada Washington ee Dalka Mareykanka oo uu markiiba ka codsaday magangelyo siyaasadeed.

Markii ay baxsadka qowmiyadda Oromadu badatay ayuu amar deg-deg ah ka soo baxay xafiiska Melez Zenaawi in xubnaha OPDO OO AH xisbiga Oromada oo ka tirsan is bahaysiga EPRDF  laga mamnuuco safarada dalka dibadiisa ah.

GERMALKA OO QABTAY KUMANAAN BAMBO GACMEED OO SI SHARCI DARO AH LOO DOOFIN RABAY ITOOBIYA

Dowladda Garmalka ayaa gacanta ku dhigay 40,000 oo bambo gacmeed ah oo si sharci daro loogu doofin lahaa Itoobiya.

Wasiirka dhaqaalaha ee Garmalka Hans Eichel ayaa bishan May 17keedi sheegay in hubkaasi uu ahaa mid si sharci daro aah la rabay in loo dhoofiyo Itoobiya iyada oo ay
dowladda Germalka raali ka ahayn. Wararka waxay intaas ku darayaan in dowladda Itoobiya ka dambaysay doonaysayna in hubkaas badankiisa la geliyo dalka Soomaaliya si ay u sii siyaadiso fadqalada ay kula jirto arrimaha gudaha dalkaas dariska la ah.



XASUUQ LAGU HAYO SHACABKA SIDAAMAHA

Wararka naga soo gaaraya  Awaasa ayaa sheegayo in TPLFmagaaladaas ka sifaynayso shacabka Sidaamaha. Taasi waxay ka mid tahay qorsha cusub ee taliska Tigreegu hoggaamiyo ee ah sifaynta qowmiyadaha Itoobiya gumeysato. Waxay wararku intaa ku darayaan in bilihii dambe TPLF du bilowday inay colaad ka dhex abuurto shacabka Sidamaha iyo kuwa Guraage sida ay meelo Ogaadeenya ka mid ah uga abuurtay dagaal sokeeye walaalaha wada deggan. Warar xog ogaal ah waxay sheegayaan in shacabka Sidaamo gadoodsan yahay oo ay abaabul ku jiraan sidii ay gacan buuxda u siin lahaayeen Jabahadda Xoreynta Simaamo (SLF).
Jabhadda Xoreynta Sidaama S.L.F ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay arintan May 18, 2002 oo ay ku cambareeysay xukuumada Melez Zenaawi uguna  baaqday shacabka sidama in ay uu dulqaadanin xadgudubka Woyanaha.


ITOOBIYA OO KA WAL WALSAN  XIRIIRKA MILITARY EE DHEX MARAY DALKA MAREYKANKA IYO ERITREA


Madaxa Wasaarada Gaashandhiga Mareykanka uu qaabishan Arrimaha Afrika Michael Westphal * ayaa sheegay in dawladiisu xiisaynayso  in la balaariyo xiriirka military ay la leedahay dalka Eritrea.

Mr. Westphal  hadalkiisa waxaa xaqiijinaya booqashooyin kala duwan oo sarakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka mareykanka ku tageen dalka Eritrea  bilooyinkaan dambe.  Waxaa sarakiishaas ka mid ahaa Generaal Tommy Franks oo ah taliyaha ciidanka mareykanka ee ka howl gala Dalalka Asia iyo waqooyi Afrika.  Ciidanka bada mareykanka ayaa ka dib dagaalka labaad ee aduunka ku lahaa saldhig  military magaalada dakada leh ee MASSAWA.

Dadka siyaasada indha indheeya ayaa uu arka in ay mareykanka isha si gooni ah haatana isha oogu hayaan MASSAWA.Si kastaba ha ahaatee, dowladda Itoobiya ayaa walaac ka muujisay arintani.. iyada oo  xidhiidhka military ee mareykanka iyo Eritrea uu aragto in ay khatar ku tahay Taliska Zenaawi oo dalalka kale iska xijisiinayey Mareykanka kadib markuu been aan raad lahay ka iibiyey.


Qamaan Xirsi
Radio Xoriyo
Addis Ababa


-----------------------------------------------------

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo Warama Soomaaliya Ahmed Yare Calasoow ayaa inoo soo diray Dhambaal Xambaarsan Xaalado kala duwan oo soo wajahay Umadda Soomaaliyeed inagoo ku bilaabayna Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed oo ka hadlay Ujeedada Itoobiya.

ARAGTIDA ITOOBIYA EE KU SAABSAN SOOMAALIYA

Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Cabdalla deeroow Isaaq ayaa May 18, 2002 warbixin dheer oo ku saabsan waxyaabihii uu kala kulmay safarkiisii Itoobiya ka  aqriyay  fadhiga Xildhibaanada  Golaha Baarlamaanka. "Waxay Itoobiya ina tiri ma idinkoo afrikaan ah ayaad u carareysaan Carab oo  ah cadowgeena koowaad, 'haddii aan nahay Itoobiya waan idiin caddeyneynaa ma ogolin siyaasada Masar & Liibiya ee ku wajahan Soomaaliya, mana ogolaan doono wixii ka soo baxa  shirkii CARTA sida Baarlamaan, Xukuumad iyo Dastuur". ayuu yiri mudane Cabdalla Dheerow Isaaq.


Gudoomiyaha barlamaanka Soomaliyeed ayaa Itoobiya u tagay in uu ka qeyb galo shir ay isugu yimadeen hogaamiye barlamaanada ee dalalka IGAD.


Mudane Cabdalla dheerow Isaaq ayaa shir deg deg ah la qalay Madaxweynaha dowladda Ku-meel gaarka ee Soomaaliya Dr. Abdiqaasim Salaad Xassan iyo Rai'sul
wasaaraha dowladda Mudane Xassan Abshir ka dib marka uu warbixin siiyay golaha barlamaanka

XOOGGA DALKA SOOMALIYEED OO HEEGAN  GALIYAY

Dowladda Ku Meel Gaarka  Soomaaliya ayaa sheegtay in ay heegan gelisay  Ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed si ay uga hortagaan weerarada iyo daandaansiga Itoobiya ka wado gudaha Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Dowladda KMG ah ayaa lagu sheegay in kadib markii ay shir yeesheen guddi gaar ah oo uu ka mid ahaa Madaxweynaha Dowladda Ku Meel Gaarka  Soomaaliya, Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa la go'aamiyey in aan Itoobiya gacmaha laga laaban balse laga jawaabo faragelinta ay ka wado gudaha Soomaaliya.

Lataliyaha dhinaca amaanka ee Madaxweynaha Dowladda KMG ah, Generaal Cali Ismaaciil ayaa sheegay in ay khatar ku jirto ummadda Soomaaliyeed iyo weliba qaranimadii Soomaaliya, sidaas darteedna ay tahay in fadhiga laga kaco lagana hortago Itoobiya. Wuxuu sheegay lataliyuhu in ay Itoobiya tahay cadow aan doonayn nolosha dadka soomaaliyeed.

Safiirka Soomaaliya uu fadhiyo Jimciyada qaramada midoobay, Mudane Axmed Cabdi Xaashi (Xasharo) ayaa si rasmi ah ugu gudbiyay Guddiga Amniga ee Qaramada Midoobay oo ay ka mid yihiin an shanta dal ee joogtada ah ee klaa ah Mareykanka, Ingariiska, Ruushka, Chineeska iyo Franasiiska, dacwad ay dowladda ku-meel gaarka soomaliya ku cadeeysay in ay Itoobiya qabsatay  dhul soomaliyeed, isla markaasna qorsheeynayso in ay qabsato magalooyin iyo degmooyin soomaliyeed oo kale.

Danjiraha Soomaliya uu fadhiyo Qaramada Midoobay ayaa guddiga Amniga uu gudbiyay codsiga Madaxweynaha Dowladda Ku-Meel Gaarka Soomaaliya uu ka codsaday Guddiga Amniga inuu ku soo rogo dowladda Itoobiya cunaqabateen dhaqaleed madaama ay jabisay sharuucda caalamiga lagu ilaaliyo qaranimada dalalka iyo ixtiraamka xuduudada caalamiga.

Iyada oo ay ka muuqatay cadho ayaa Raisu'l wasaaraha dowladda ku meel gaadhka Soomaaliya Mudane Xassan Abshir Faraax ku eedeeyey dowladda Itoobiya in ay
faragelin qaawan ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Mudane Xasan Abshir wuxuu sheegay in aanay Dowladda KMG ahi marnaba ogolaan doonin in ay soo hor fariisato Itoobiya amaba ay ka qaybgasho shir dib u heshiisiineed oo ay Itoobiya lug ku leedahay.“Waxaana Adduunka la socod siinaynaa in dowlada Itoobiya ay weerar qaawan ku soo qaaday dhulka Soomaaliya iyadoo wadata gawaarida  gaashaaman iyo hub fara badan oo ay ku laayeen dad badan oo Soomaaliyeed" ayuu yiri Xasan Abshir.

Waxaa la filayaa in Dowladda Ku Meel Gaarka ay si rasmi ah uu gudbiso dacwad.. guddiga farsamada ee urur goboleedka IGAD oo Todobaadkan wafdi ka socdo socdaal ku maro doono gobolada soomaaliya. Wafdigaas oo uu hogaaminayo wasiirkii hore ee arrimaha dibeda Kenya Elijah Mwangale ku howlan diyaarinta shirka nabadeenta soomaaliya oo la filayo in la qabto dabayaaqada bisha June ama horaanya bisha July ee sanadkan 2002.

Dhagestayaal wararka hada naga soo gaaray Gedo ayaa sheegayo 3 sarkaal oo Itoobiyaan ah lagu qabtay dagaalkii ay ciidamada Itoobiya ku soo qaadday Beled Xaawo ee gobolka Gedo. Saraakiishan ayaa la sheegay in lagu hayo meel howd ah oo u dhow Beled Xaawo. Wixi ku saabsaan arintaasi waan idinla socodsiin doona.


BOOSAASO.

Korneel Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo haatan gacanta ku hayo magaalada Boosaaso ayaa shaqaalihii hore ee Bangiga, Garoonka Diyaaradaha iyo Dekedda Boosaaso shaqadii ka eryey isagoo ku bedeley shaqaale cusub uu ku kalsoon yahay.Wararka waxay sheegayaan in tilaabadan uu qaatay Cabdullahi Yusuf si uu kalsooni uga helo dawladda Itoobiya oo u balan qaaday gargaar hub, tababar iyo dhaqaale isugu jira haddii uu ka sifeeyo meelaha istiraatijiga ah dadka ka soo horjeeda maamulkiisa.

Cabdullahi Yusuf wuxuu  tilaabadan qaatay ka dib marka ay diyaarad Itoobiyaan ah sawiro ka qaaday garoonka diyuuradaha ee magaalada Boosaaso todobaadki hore... taas oo ujeedada Itoobiya ahayd in ay qiyaasato awooda garoonkaasi iyo in ay qaabili karto diyaaradaha
militariga ee Itoobiya oo uu sida hub Cabdullahi Yusuf.

Ahmed Yare Calasoow
Radio Xoriyo, Muqdisho
Somaliya

--------------------------------------------------------------


Dhagaystayaal Warkii Caawa waa naga intaas.

Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 21 May 2002

radioxoriyo@aol.com ama radioxoriyo@ogaden.com


Dhegeyso warkaan oo Cod ah

 


WARARKA OGADEENYA:
May.22.2002 | May.17.2002 | May.14.2002 | May.10.2002 | May.7.2002 | May.3.2002 | April.30.2002 | April.26.2002 | April.23.2002 | April.19.2002 | April.17.2002 | April.12.2002 | April.9.2002 | April.5.2002 | April.2.2002 | March.29.2002 | March.26.2002 | March.22.2002 | March.19.2002 | March.12.2002 | Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin
SIIRADA RASUULKA KUDAYO»
Tusmo | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30
SAXAABADII RASUULKA BARO»
Casharka toddobaadkan | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18
RAMADAAN SOON»
Macluumaadka Soomidda bisha ramadaan iyo axkaamta Soonka GUJI
SAKADA MAALKA BIXI»
Tusmo | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7
XIGMAD/WISDOM BIXI»
XAYAYSIIS BOOQO» 
KUTUB/BOOKS AKHRI» 
Soobooqo bogga xayasiiska Buugaagta / kutubta GUJI
NEWS 1 | 2 | 3 | 4 | 5
MAQAALLO AKHRI» 
DOOD FURAN AKHRI» 
QORAALO XIISA LEH AKHRI» 
MUSHARAXA SL 2002» 
Barnaamijka C/Risaq Maxamud Saleiman ee doorashada Somaliland Guji»

PUNTLAND, SOMALIA
Summary of Progress Report on the Puntland Peace Mission
PAGE.1 | PAGE.2 | PAGE.3 | PAGE.4 | PAGE.5 | PHOTO
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 Khartuum GUJI..
LETTER FROM OGADEENYA
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia) Read here

G O L E
Golaha Beesha Kablalax GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...




Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety