.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya


Warkii Radio Xoriyo
04 June, 2002

Warka Madaxdiisii

- Degaalo Lagu Jabiyey Ciidanka Gumeysiga Itoobiya
- Hawl Gal Milatari oo ka Fashilmay Ciidanka Gumeysiga Itoobiya
- Itoobiya oo Biyo Xidheenkii ugu Weynaa Qaarada Afrika ka samaynaysa Webiga Nile
- Col.Cabdirsaaq Biixi oo Godey la Keenay
- Kooxo Argagixiso ah oo Qalabkoodii Wata oo lagu soo Daadiyey Soomaaliya Koonfurteeda
- Maxamed Dheere oo Hub Itoobiya u soo Doontay
- Safiirka Liibiya ee Soomaaliya oo Booqday Boosaaso


Warkii oo Faah faahsan

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Cwxo ayaa inoo soo diray dhambaal Xambaarsan Jab Ciidanka Gumeysiga Itoobiya loogu geystay Degaaladii u danbeeyey ee dhex maray iyaga iyo CWXO ee ka kala dhacay Goobahan

17 May 2002 Degmada Caado oo ka tirsan Gobalka Doolo Degaal ka dhacay waxaa lagaga dilay 10 askari iyadoo lagaga dhaawacay 8 kale.

21 May 2002 Galaalshe oo u dhaxaysa Baabili iyo Fiiq Degaal ka dhacay waxaa Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya lagaga dilay 7 Askari iyadoo 6 kalena lagaga dhaawacay.

27 May 2002 Baraajisaale oo ka tirsan Gobalka Qoraxey Degaal ka dhacay waxaa Ciidanka Cadawga lagaga dilay 11 Aska, waxaa kale oo lagu dhaawacay 9 kale.

Isu geyn waxaa degaaladaas lagaga dilay Ciidanka Gumeysiga Itoobiya 28 Askari, iyadoo lagu dhaawacay 23 kale oo la il daran Dhaawacyadaas ku soo gaadhay degaalada ay la galeen CWXO.Waxaa kale oo iyadana lagu furtay Hub iyo Saanad kale.

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Adis-Ababa Qamaan Xirsi ayaa inoo soo diray Warar kala duwan inagoo ku bilaabayna Hawlgal Milatari oo ka fashilmay Ciidanka Gumesiga Itoobiya.

HOWLGAL MILITARY OO AY WADEEN CIIDANKA ITOOBIYA OO FASHILMAY

Dulaan ay qaadeen Ciidanka Cabdudhiska Gumeeysiga Itoobiya oo ay ku doonayeen in ay ku ba'biyiyaan Saldhig ka mid ah saldhigyada Jabhadda EPF ayaa fashilmay. Dulaankaas oo ay woyanahu ku qadeen dagmooyinka Armachiho iyo Zegeden oo labaduba ku yaala meel u dhow Xuduudka Sudaan ayaa lagu
Jabiyay Ciidankii Woyanaha iyadoo tiro badana la dilay 50na ay isu dhiibeen Ciidamada Jabhadda EPF.

Wararku waxay sheegayaan in ka dib markii uu dulaankaasi fashilmay ay woyanahu ku dhaqaaqeen falal fool xun oo ay ku xir xireen isla markaasna jir dil ku sameeyeen Beeraleyda iyo Shacabka Degmooyinka Armachiho iyo Zegeden.


ITOOBIYA IYO DALKA SHIINAHA OO KALA SAXIIXDAY HESHIIS LAGU DHISAYO BIYO XIDHEENKII UGU WEYN EE QAARADA AFRIKA

Dowladda Itoobiya iyo Shirkad Wadanka Shiinuhu leeyahay ayaa May 30 kala saxiixday heshiis ay shiinahu ugu dhisayaan Itoobiya Biyo Xidheenkii ugu weynaa ee qaarada Afrika. Qiimaha mashruucaas waxaa lagu qiyaasay 224 milyan oo doolarka mareykanka ah.

Dadka Siyaasada indha indheeya ayaa tani u arka in ay Itoobiya dib ooga noqonayso heshiisyada ay la gashay dalka Masar dhinaca wabiga NILE. Dowlada Masar ayaan marna ogolaan karin in biyo Xidheen lagu sameeyo wabiyada Itoobiya oo ku soo biyo shubma wabiga weyn oo loo yaqaano NILE.



XOGAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY OO U MAGACAABAY LABA ERGEY OO BAARITAAN KU SOO SAMEEYA HUBKA KU SOO QULQULAYA SOOMAALIYA

Xogayaha Guud ee Qaramada Midoobay KOOFI ANAAN ayaa magacaba laba ergey isla markaasna u xil saaray in ay baaritaan balaaran ku sameeyaan hubka ku soo qulqulaya Soomaliya. Labadaas mudane oo la kala yiraahdo Harjit Singh Sandhu iyo Iyan Anthony ayaa loo qabtay mudo 30 cishood gudahood ah in ay ku soo diyaariyaan barnaamijka ay ku howl gali lahayeen.

Wararka naga soo gaaraya magaalada New York oo saldhig u ah Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in labadaas ergey barnaamijkooda ay hor dhigayaan guddiga amniga ee qaramada midoobay bishan JUNE dabayaqadeeda.Dadka siyaasada indha indheeya ayaa u arka talaabadan
mid dhib ku ah itoobiya oo ka masuul ah hubka ku soo qulqulaya dalka soomaaliya. Si kasta ba ha ahaate waxay tani u muuqataa markii ugu horeeysa ee qaramada midoobay ay si cad u daba galaan hubka soomaliya ku soo qulqulaya iyo meesha uu ka yimaado.

CABDULLAHI YUSUF OO LOOGA YEERAY ITOOBIYA

Col. Cabdullahi Yusuf ayaa fariin ka soo gaartay Xafiisa Taliyaha Ciidanka Itoobiya Generaal Semora Yenus taas oo ahayd mid lagu faray in uu yimaado Magaalada Addis Ababa.Col. Cabdullahi Yusuf ayaa bishii hore qabtay magaalada Boosaaso isaga oo tageero balaaran ka helay Ciidanka itoobiyan.

Lama oga sababta haatan loogu yeeray Cabdullahi Yusuf lakin dadka siyaasada indha indheeya ayaa sheegaya in loogu yeeray arrimo la xiriiro mucawinad military oo loo soo diri doono Cabdullahi Yusuf iyo in lagu xoojiyo in uusan marnaba ogolaanin in uu Jamac Cali Jamac oo ah madaxa maamul goboleedka puntland ee soomaaliya, ku soo noqdo boosaaso.

Generaal Semora waxuu u sheegay Cabdullahi Yusuf in Itoobiya aysan ogolaan karin in ruux ogol dowlad dhexe uu awood ku lahaado gobolka bari ee loo yaqaan puntland.
---------------

DOWLADDA ITOOBIYA OO KU EEDEYSAY MAXKAMADA ADUUNKA IN GO'AANKOODA XUDUUDEED EE ERITREA IYO ITOOBIYA AY KU JIRAAN KHALADAD FARABADAN OO UU BAAHAN IN DIB LOO EEGO


Afhayeen uu hadlay Wasaarada arrimaha dibbeda ee Itoobiya ayaa sheegay in ay khaladaad badan ku jiraan go'aanka ay soo dajisay Maxkamada Aduunka kaas oo Qeexayey xadka Caalamiga ah ee Itoobiya iyo Eritrea.Afhayeenka waxuu sheegay in ay dowladiisu ka codsatay Maxkamada Aduunka in ay dib u eegaan go'aankooda oo ay ka mid yihiin meelo tashuush ku jiro isla markaas ay warqad rasmi ah u gudbiyeen maxkamada aduunka ooy taasi kaga codsanayaan.

Safiirk ku xigeenka dalka Eritrea u fadhiyo Kenya Teweldemedhin Tesfamariam ayaa isaguna sheegay in codsiga Itoobiya ay cadaynayso in Itoobiya aysan nabad rabin oo haatan diidantahay go'aanka Maxkamada Aduunka oo ah mid lagu heshiiyay marka la saxiixay heshiiska xabad joojinta oon laga hadli karin.

Itoobiya ayaa tilabooyin kala duwan qaaday waayahan dambe ay ku muujinayaan in ay diidan yihiin go'aanka maxkamada aduunka kuwaas oo ah in ay codsatay in jagada laga qaado taliyaha ciidanka qaramada midoobay oo ilaaliyo soohdinta u dhaxeeysa Itoobiya iyo Eritrea, iyo in ay ku dhawaqeen in dhamaan shaqaalaha qaramada midoobay oo ku sugan xadka ay la leeyihiin Eritrea in ay visa la'an soo geli karin Itoobiya. Waxa kale oo jirto in mudo 2 todobaad ah ay itoobiya xirtay
xadka ay la leedhahay eritrea iyada oo u diiday xitaa
saraakiisha qaramada midoobay in ay itoobiya soo
galaan.


CIIDANKA ITOOBIYA OO LAGA BALANQAADAY IN MUSHAARKA LOO KORDHIYO OO BALANTII LOO FULIN WAAYAY

Taliyaha Ciidanka Itioobiya Generaal Semora Yenus ayaa bishiI hore ku dhawaaqay in dhamaan Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya loo kordhinayo mushaarka marka la gaaro 28 May 2002 oo ahaa sanadguurada 11aad ee EPRDF.

Hadaba wararka naga soo gaarayo Wasaarada Gaashandhiga Itoobiya ayaa sheegayo in laga noqday go'aankaas taas oo keentay cambareyn balaaran oo ka timid sarakiisha sar sare ee Ciidanka Itoobiya. Wararku waxay sheegayaan in ciidanka itoobiya ay go'aankaasi ugu badashay in sarakiisheedii sar sare oo ka qeyb galay dagaalkii eritrea ay siiso bilad sharafyo.

Wararku waxay sheegayaan in maqasiinada hubka ee Addis Ababa qarkood la xir xiray kadib marka uu soo baxay go'aankaas iyada oo laga wal walsana in sarakiisha qarkood ay hub iibiyaan si ay lacag u helaan ama in ay taliyayeeshooda ka soo hor jeedsadaan

Qamaan Xirsi
Radio Xoriyo
Adis-Ababa

-----------------------------------------------------------

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Jig-Jiga ayaa inoo soo diray dhambaal Xambaarsan Taliyihii Ururka SNF ooy Itoobiya ka soo qabatay Belet Xaawo oo hada ka hor la sheegay in ay dileen oo nool.

Col.ABDIRASAAQ ISAAQ BIXI OO LOO KAXEEYAY MAGAALADA GODEY

Galbihii 1da June 2002 ayaa Col. Abdirasaaq Isaaq Bixi loo soo qaaday magaalada Godey ee caasimada Ogaadeenya isagoo laga keenay tuulada loo yaqaano Suufka oo u dhaxeeyo Soomaaliya iyo Ogaadeenya. Wararku waxay sheegayaan inCol. Biixi uu habeenimadii soo galay magaalada Godey. Wararku waxay intaas ku darayaan in magaalada Godey uu haatan ku suganyahay Generaal moorgan oo ka mida Hogaamiye Kooxeedyada gacan saarka la leh dowladda Itoobiya.

Ciidanka Gumeeysiga itoobiya ayaa qabtay Col. bixi ka dib marka ay weerar ku qadeen magaalada Belet Xaawo ee koonfurta Soomaliya dabayaaqadi bishii hore.



MASHRUUCYO KALA DUWAN OO LAGU FUDUDAYNAYO HOWLGALKA CIIDANKA CABDUDHISKA GUMEEYSIGA ITOOBIYA

Ka dib codsi ka yimid taliyaha Ciidanka Itoobiya Generaal Semora Yonus ayuu Xafiiska Ra'isul wasaaraha Itoobiya ku dhawaaqay in la balaarin doono Garoonka Dayuuradaha ee magaalada Dire Dhaba. Talabadaas ayaa ah mid loogu fududeeynayo howlgalada Ciidamada Cirka Itoobiya ee ku aadan dalka soomaaliya.

Wararku waxay sheegayaan in mashruucan lagu bixinayo lacag dhan 30 milliyan oo bir laguna soo afjarayo sanad gudahiis. Sidoo kale waxay warar la xiriiro arintan sheegayaan in la ogolaaday codsi hada ka hor ka yimid taliyaha ciidanka itoobiya kaas oo sheegayey in Wadada Jayga ah ee Ogaadeenya laga dhigo Laami si Hawlagalada Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ay ugu fududaadaan.Generaal Semora Yonus ayaa codsigaan gaarsiiyay Melez Zenaawi,General Samoore ayaa ah Sargaal ku soo Caan Baxay Dhiiga Shacbiga Ogaadeenya isagoo ahaan Jiray Taliyaha Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoboobiya ee Qaybta Bari Harar.

Kooshin Sugule
Radio Xoriyo
Jig-Jiga,Ogaadeenya

------------------------------------


Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo Warama Soomaaliya Ahmed Yare Calasoow ayaa inoo soo diray Dhambaal Xambaarsan talaabooyin hor leh ooy Itoobiya ku minja Xaabinayso Degenaanshaha Dadka Soomaaliyeed.

ITOOBIYA OO KOOX CUSUB OO FULIYA HOWLO ARGAGIXISO IYO HELIKOPTARO KU SOO GALISAY SOOMAALIYA

Ciidanka Itoobiya ayaa habeenki June 1, 2002 dhowr iyo toban Diyaaradaha Qumaatiga u kaco ee loo yaqaano Helikoptaro ku soo galisay dalka soomaliya ciidan sirdoon iyo kuwa loo tababaray argagixiso iyo gaadmo in ay siyasiyiin ku dilaan iyagoo meel fog ka shiisanaya.

Helikoptaradaas oo waday dhamaan hubkii ay u baahnaayeen kooxahaas argagixisada loo soo taba baray oo ay ka mid yihiin bambo gacmeedyo, qoryaha shiishka dheer iyo qalab isgaarsiin ayaa ku soo dagay meel ku dhow magaalada Jowhar ee koonfur soomaliya iyagoo halkaas ku dajiyey kooxaha aragagixisada loo soo tababaray iyo qalabkoodiiba.

Wararka waxay sheegayaan in kooxdaas oon tiradooda la xaqiijin Karin ay ku sii jeedeen magaalada muqdishu si ay howlaha loo soo diray u fuliyaan. Wararku waxay sheegayaan in helekobtaradaas ay ka soo galeen soomaliya koonfurta Ogadeenya.

Talabadan ay itoobiya qaaday ayaa u muuqato mid ay itoobiya ku gaarsinayso sarakiisheeda sirdoonka iyo Kooxaha gacan saar la leh… qalab iyo tageero inta aysan si rasmi ah u howl galin labada masuul ee xogayaha guud ee qaramada midoobay u magacaabay in ay baaritaan ku sameeyaan hubka ku soo qulqulayo soomaliya.Warar kalena waxay sheegayaan in dhamaan Ciidanka Sirdoonka itoobiya ee ku sugan koonfur soomaliya, gaar ahaan muqdishu, lagu amray in ay sheegtaan in ay yihiin Eritrean mudada ay ku suganyihiin soomaaliya.



MAXAMED DHEERE OO HUB KA DOONTAY ITOOBIYA

Maxamed Dheere oo mid ka mid ah Madax Kooxeedyada Gacan Saarka Milatari iyo Mida Siyaasadeedba la leh Gumeysiga Itoobiya ayaa 8 gawaari oo ah kuwa xamuulka qaadda u diray Xadka Soomaaliya iyo Ogaadeenya halkaas oo looga soo dhiibayo hub isugu jiro ay ka mid yihiin qoryaha loo yaqaan daba miinshaar iyo taararka isgaarsiinta Ciidamada. Maxamed Dheere ayaa todobaadkii hore weerar ku qaaday aqalka Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Ku Meel Gaarka Soomaliya ka dib marka uu amar cad ka helay Sarakiisha Sirdoonka Itoobiya ee ku sugan magaalada Godey.

XOGAYAHA GUUD EE JAMACADA CARABTA OO WARQAD UU KALA
QORAY OAU, IGAD IYO UN


Xogayaha Guud ee jamacada carabta Camr Muusa ayaa warqad uu kala qoray Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD iyada oo uu sheegayo in jamacada carabta ay uu magacowday dalka soomaliya ergey gaar ah.Talaabadan ayaa ah mid la filayay ka dib marka ay guddi uu xil saartay jamacada carabta arrimaha soomaaliya.

Wararka waxay sheegayaan in ergeyga gaarka ah oo dhalashadiisa tahay Cumaani uu tagayo dhamaan gobolada soomaaliya dhowaan. Isla markaas wararka waxay
sheegayaan in ergeyga gaarka ah oo la yiraahdo Salim al-Qasibi uu xog aruurin ku sameeynayo faragelinta ay itoobiya ku hayso soomaliya iyo siiba hubka ku soo
qulqulayo soomaliya oo ka yimid itoobiya.

SAFIIRKA DALKA LIIBYA UU FADHIYA SOOMAALIYA OO KA SO DAGAY GAROONKA DIYAARADAHA EE BOOSAASO

Wararka naga soo gaaraya magalada Boosaasi ayaa sheegayo in safiirka dalka liibiya ee Somaaliya Isat Al Anshuuri uu ka dagay garoonka diyaradaha ee
Boosaaso 3, June 2002.Wararka waxay sheegayaan in Safiirka Liibya uu lakulmay Cabdullahi Yusuf oo bishii hore gacanta ku dhigay magaalada boosaaso isaga oo ay taageerayaan Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya.

Wararka waxay sheegayaan in Safiirka Liibya uu waday warqad martiqaad ah oo lagu casumay Cabdullahi Yusuf in uu yimaado Dalka liibya isla markaasna la kulmo
hogaamiyaha dalka Liibya Mucamar Al Qadaafi.Wararkani waxay so baxeen ka dib martiqaad ka yimid Itoobiya oo ay fidisay Col.Cabdullahi Yusuf.

-------------------------------------------------------


Dhageystayaal Warkii Caawa intaas buu nagaga eg yahay.




Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 04 June,2002
 radioxoriyo@aol.com
 radioxoriyo@ogaden.com 


Dhegeyso warkaan oo Cod ah
WARARKA OGADEENYA:
June.4.2002 | May.31.2002 | May.28.2002 | May.24.2002 | May.22.2002 | May.17.2002 | May.14.2002 | May.10.2002 | May.7.2002 | May.3.2002 | April.30.2002 | April.26.2002 | April.23.2002 | April.19.2002 | April.17.2002 | April.12.2002 | April.9.2002 | April.5.2002 | April.2.2002 | March.29.2002 | March.26.2002 | March.22.2002 | March.19.2002 | March.12.2002 | Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin
SIIRADA RASUULKA KUDAYO»
Tusmo | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30
SAXAABADII RASUULKA BARO»
Casharka toddobaadkan | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18
RAMADAAN SOON»
Macluumaadka Soomidda bisha ramadaan iyo axkaamta Soonka GUJI
SAKADA MAALKA BIXI»
Tusmo | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7
XIGMAD/WISDOM BIXI»
XAYAYSIIS BOOQO» 
KUTUB/BOOKS AKHRI» 
Soobooqo bogga xayasiiska Buugaagta / kutubta GUJI
NEWS 1 | 2 | 3 | 4 | 5
MAQAALLO AKHRI» 
DOOD FURAN AKHRI» 
QORAALO XIISA LEH AKHRI» 
MUSHARAXA SL 2002» 
Barnaamijka C/Risaq Maxamud Saleiman ee doorashada Somaliland Guji»

PUNTLAND, SOMALIA
Summary of Progress Report on the Puntland Peace Mission
PAGE.1 | PAGE.2 | PAGE.3 | PAGE.4 | PAGE.5 | PHOTO
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 Khartuum GUJI..
LETTER FROM OGADEENYA
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia) Read here

G O L E
Golaha Beesha Kablalax GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...




Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety