S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 Khartuum GUJI..
LETTER FROM OGADEENYA
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia) Read here

G O L E
Golaha Beesha Kablalax GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...
MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA OGAADEENYA
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya

Warkii Radio Xoriyo
07 May,2002

Warka Madaxdiisii

· Shirkii Xisbiga Dabaqoodhiyiinta oo Ku Dhamaaday Magaalada Jig-Jiga

· Shir Qarsoodi ah oo lagu qabtay Xafiiska Males Zinawi, Adis-Ababa

· Seye Abraha oo Maxkamad la soo taagi Doono

· Madaxweynaha DKMS oo si Kulul u Canbaareeyey Faragalinta Itoobiya

Warkii oo Faahfaahsan

Shir Waynihii 3aad ee Xisbiga Dabaqoodhiyiinta oo Ku Soo Gaba Gaboobay Jig-Jiga

Wariyaha Radio Xoriyo uga soo warama JiJigga, Kooshin Sugule, wuxuu soo sheegay in shirweynihii 3aad ee xisbiga Dabaqoodhiyiinta lagu soo afjaray magalada Jigjiga maalinta Sabtida ee May 4, 2002.

Shirkaas oo uu shir-gudoomiye ka ahaa Abdul Mejiid Hussein ayaa ujeedadiisu ahayd in dad badan oo la socon waayey Siyaasadda Gumeysiga Itoobiya laga saaro Xisbiga Dabaqoodhiyiinta, iyaga oo lagu eedeeyay in ay gacan saar la leeyihiin waxa ay Woyanahu ku tilmaameen "Xoogaga Nabad Diidka". Shirkaas oo u socday qaabkii lagu soo amray Cabdul Mejid Xussein ayaa dib loo magacaabay Maxamuud Dirir in uu yahay Gudoomiyaha Xisbiga Dabaqoodhiyiinta, Cabdirashiid Duulanena waxaa lagu magacaabay Gudoomiye ku xigeen taas oo ka mid ah talooyinkii taliska Addis Ababa.

Sidaan la socono waxaa todobaadkii hore Xisbiga laga saaray 71 qof oo ay 10 ka mid ah ahayeen masuuliyiin sare oo ka shaqeeya xafiiska Cabdirashiid Duulane, 10ka kalena waxay hayeen xilal kala duwaan oo sar sare,Taas oo ah mid caado u ah Gumeeysi in uu hadba cidii fahamta khayaanadiisa beddelo isagoo diidaya in maamulayaal khibrad leh ay ka soo baxaan dalka la gumeysto.

Wariyuhu wuu intaas ku daray in Xisbiga Dabaqoodhiyiinta loo magacaabay Xoghaye cusub oo hawlihiisu yihiin inuu Warbixin gaar ah si toos ah ugu diro Addis Ababa lana socdo talaabooyinka uu qaado Cabdirashiid Duulane maadaama ay Cabdimajiid iyo Dirir ku noqonayaan Addis Ababa iyo New York.

Waxaa kale oo Wariye Sugule soo sheegay in warbixintii Guddiga qaabilsan Dhaqaalaha iyo Xisaab Xirka uu shirweynaha siiyay lagu diiday warbixintaas laguna amray in ay dib ula noqdaan. Sida wararka shirku sheegayaan Warbixintu waxay taabatay meelo xasaasi ah oon maamulka iyo Itoobiyaba raali ka ahayn. Sida wararka xog ogaalka ah sheegayaan warbixinta Guddigu waxay khilaafsan tahay qorshaha Addis Ababa ee la rabo in dad maxkamad la saaro iyaga oo lagu eedaynayo inay lacago dhaceen. Arrintaana waxaa u ololaynaya Abay Tsehaye oo ah Wasiirka Federaalka ee Gumeysiga Itoobiya.Halkaas waxaa ka cad sida la leeyahay in Maxkamaddu tahay “baroortu orgiga ka weyn.

Guud ahaan waxay wararku sheegayaan in Xisbiga Dabaqoodhiyiinta la rabo in laysugu soo reebo xubno dhamaantood fartaag ah oo Awaamirta Gumeysiga si ka fiirsasho la’aan ah u fuliya. Kuwaas oo iyana markay wareegtadoodu timaaddo meeshii kuwii hore mari doona.

Koshin Sugule
Radio Xoriyo
Jig-Jiga

Halkaad warkan ka dhegaysanaysaan waa Radio Xoriyo Codka Shacbiga Ogaadeenya

SHIR QARSOODI AH OO LAGU QABTAY XAFIISKA MELEZ ZENAAWI. May 5, 2002

Wariyaha RX uga soo warama Addis Ababa, Qamaan Xirsi, wuxuu sheegayaa in warar xog ogaal ah oo ku dhow Taliska Addis Ababa ay sheegayaan in xafiiska Rai'sul wasaaraha Melez Zenaawi lagu qabtay shir qarsoodi ah May 2, 2002. Madaxda shirka ka qayb galay waxay ka koobnaayeen Malez Zinawi Raiisul Wasaaraha Itoobiya, Sebhat Nega La Taliyaha Males Seyoum Mesfin, Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya oo dhamaantood u dhashay Qoomiyadda Haysa Talada Itoobiya eeTigreega ah. Wararku waxay sheegayaan in shirkani ahaa mid si degdeg ah u dhacay kadib markii shir balaadhan oo lagaga soo horjeedo xukuumadda Melez Zanaawi looguna baaqay in xukuumadiisu is casisho uu ka dhacay Gobalka Tigraay. Shirkaas qarsoodiga ah ee xafiiska Melez ka dhacay go’aamada ka soo baxay weli lama oga.

Wararka waxay intaas ku darayaan in Melez Zenaawi uu haataan ka wal walsanyahay mucaaradka Tigreega oo awooda leh in ay Gobolka Tigree xukunkiisa la wareegaan. Waxaa la wada ogsoon yahay in Xisbiga (MAGACA) ugu weyn gobolka Tigreega uu hadda ka hor ugu baaqay inuu is casilo Melez. Sidoo kale mucaaradka Tigreegu waxay qabsadeen laba jeer Radiyaha Mekkele ooy ka sii daayeen barnaamij ka soo horjeeda Taliska Melez Zanaawi. Taliska Addis Ababa wuu ku dhici waayey inuu talaabo ka qaado.Halkaas waxaa ka muuqata in ayna taageero badan qaybaha bulshada Tigreega ka haystaan.

Seye Abraha oo ahaa Wasiirkii Gaashaandhiga ee hore ee Itoobiya iyo 3 Walaalihiis ah oo Maxkamad la soo taagi doono Bishan May,2002.

Maxkamada sare ee dalka Itoobiya ayaa sida wariyuhu sheegayo la keeni doonaa Gen.Siye Abraha oo ahaa wasiirkii hore ee Gaashandhiga Itoobiya iyo walaalahiis
Assefa Abraha
Mihiretab Abraha
Fisseha Abrah

Maxkamada waxaa laga yaabaa inay go’aan ka gaari doonto May 13 keeda 2002. Wararku waxay intaas ku darayaan in maalinta Go'aanka la soo hor mariyay ka dib marka uu is casilay Gudoomiyahii Guddiga loo xil saaray in ay baaraan dambiyada Siye Abraha iyo walaalahiis.

Wariyuhu wuxuu sheegayaa in Melez Zenaawi uu ku amaray Guddiga in ay baaritaankooda soo afjaraan oo sida ugu deg degsan u xukumaan Siye Abraha. Waxaa Zenaawi wal wal galiyey sida wariyaha RX sheegayo inuu Siye Abraha sheegay musuqmaasuq badan oo Melez iyo saaxiibadiis sameeyeen. Wuxuu Siye sheegay dhaamaan shirkadaha ay TPLFtu la wareegtay iyo qaabka ay ururka TPLFtu u dhici jirtay lacagta dalka Itoobiya. Waxaa kale oo uu sheegay Siye Abaraha koontooyin lacag oo dibadaha ku yaalo oo ay Melez Zenaawi iyo Seyoum Mesfin mudo 5 sano lacago gaarayo tobanaan milyan oo doolar ku shubanayeen.

Waxaa arrinta ka wal walsan madax sar sare oo ka tirsan TPLF oo raadku soo gelayo. Sida wariyuhu sheegayo Siye Abraha wuxuu diyaar u yahay baa la leeyahay inuu arrimahaas Maxkamadda horteeda ka sheego.

Waxaa warkaas magaalada Addis Ababa nooga soo diray wariyaha RX Qamaan Xirsi.

Madaxweynaha Dowladda KMG Ah oo Si Kulul u Cambaareeyey Dowladda Itoobiya May 5, 2002

Wariyaha RX uga soo warama Muqdisho Axmed-yare Calasow, wuxuu soo sheegay in banaan bax balaaran oo lagu canbaaraynayey faragelinta aan geedna loogu soo gabanin ay Itoobiya ka wado Gudaha Soomaaliya ayaa ka dhacay Garoonka Stadio Muqdisho, Magaalada Madaxda Soomaaliyeed.

Isu soo baxaasi oo lagu xusayey Sanad Guuradii 2aad ee ka soo wareegtey shirkii Carte ee lagu soo dhisay Dowladda KMG ah iyo Maalinta May ee Xoogsatada Adduunka ayaa waxaa ka qaybgalay dadweyne aad u farabadan, ururada bulshada iyo masuuliyiin ka socotey Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Sida Wariyuhu sheegay Madaxweynaha Dowladda Ku Meel Gaarka ah, Dr Cabdiqaasim Salaad Xasan oo la hadlayey dadkii halkaasi isugu yimid ayaa sheegay in cadowga ummadda Soomaaliyeed uu ka faa'iidaystey 10kii sano ee ay dhibaatadu ka jirtey Soomaaliya, isagoo intaasi ku daray in la hubeeyey dad aan damiir lahayn oo siduu sheegay muuqaalka Soomaali ka ah.

Cabdiqaasim wuxuu sheegay in Dowladda Itoobiya iyo Ra'iisal Wasaaraheeda meles Zenawi in ay halbowle u yihiin dhibaatada Siyaasadeed ee Soomaaliya wiiqday. Madaxweyne Cabdiqaasim wuxuu xusay inuu ka xun yahay in Itoobiya oo siduu sheegay ay la hadleen dalal carab iyo afrikaanba isugu jira ay ka waantoobi weydey in ay joojiso dhibaatada joogtada ah ee ay ka wado Gudaha Soomaaliya.

Itoobiya iyo Qabqableyaal aan iimaan lahayn oo iyada jaajuusiin u ah ayaa waxay dadka soomaaliyeed ku sheegeen in ay argagixiso yihiin si ay quwadaha waaweyn Soomaaliya u soo weeraraan oo ay dadkeeda madaafiic ugu laayaan" ayuu yiri Cabdiqaasim. Dr Cabdiqaasim wuxuu ugu baaqay beesha Caalamka in aan Itoobiya laga ogolaan in ay soo fariisato meel shacbiga Soomaaliyeed lagu heshiisiinayo.Waxaana Hadaladii kululaa ee uu Madaxweyne Dr.Abdiqassin Salat Hassan Fagaarahaas ka jeediyey ka mid aha..

Kaasina wuxuu ahaa warkii uu noo soo diray wariyaha RX Axmed yare-Calasow

Qeybtii Labaad ee Hubka Itoobiya oo ku soo socda Soomaalyia May 5, 2002

Wararkii u danbeeyey ee naga soo gaadhay Magaalooyinka ku yaala Xadka u dhaxeeya Ogaadeenya iyo Soomaaliya ayaa sheegaya in Gawaadhi Kolanyo ah oo fara badan iyo Ciidamo Ilaalinaya ooy leeyihiin Hogaamiya Kooxeedyada ka soo hor Jeeda Dawlada ku meel Gaadhka ah ee Soomaaliyeed ay ku sii jeedaan Magaaladda Godey oo ah meesha ay Itoobiya ka dhigatay Xarunta Saadka ee Hawlaha Argagixisa nimada ah eey ka wado Soomaaliya.

Qaybtii hor ee hubka oo u badnayd Hubka Culculus ayey Itoobiya Siisay Kooxahaas iyada oo Kolanyadan u gudubtay Goday lagu soo rari doono sida warar xog ogaal ahi sheegayaan Rasaas,Miinooyin iyo Qoryaha Fudud waxaa kale oo iyadana sida wararkaasi sheegayaan in baabuurta madaafiicda goobta jiidaya la socondoonaa. Baabuurta hubka lagu doonay waxaa la sheegayaa inay xadka Soomaaliya iyo Ogaadeenya u dhexeeya ka gudbeen 3-4 May,2002 lana filayo inay si dheqso ah u soo noqdaan iyaga oo wada hubkii ay raadsadeen. Dhanka kale waxay wararku sheegayaan in DKMS ay si fiican ula socoto Dhaqdhaqaaqa iyo Khayaamooyinka Itoobiya waddo iyada oo rabta inay fashiliso dadaalka loogu jiro nabadda Soomaaliya loogu soo dabaalo.

Warkii Caawa waa naga Intaas.

Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 07 May,2002

radioxoriyo@ogaden.com


Dhegeyso warkaan oo Cod ah


WARARKA OGADEENYA:
May.7.2002 May.3.2002 | April.30.2002 | April.26.2002 | April.23.2002 | April.19.2002 | April.17.2002 | April.12.2002 | April.9.2002 | April.5.2002 | April.2.2002 | March.29.2002 | March.26.2002 | March.22.2002 | March.19.2002 | March.12.2002 | Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety