S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 Khartuum GUJI..
LETTER FROM OGADEENYA
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia) Read here

G O L E
Golaha Beesha Kablalax GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...
MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA OGAADEENYA
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya
Warka Madaxdiisii
May 3, 2002

· Masuuliin Sare oo ka mid ahayd Maamulka Jig-Jiga oo Shaqadii laga eryey

· Males Zinaawi oo loogu Baaqay in uu is Casilo

· Itoobiya oo Hub iyo Rasaas ku sii dal dalaysa Soomaaliya.

· Banaanba Balaadhan oo ka Dhacay Pretoria,Koonfur Afrika

Warkii oo Faahfaahsan

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo Warama Magaalada Jig-Jiga Kooshin Sugule ayaa inoo soo sheegay 71 Xubnood iyo Masuurliyiin Sare oo ka tirsan Xisbiga Dabaqoodhiyiinta eey Itoobiya ka samaysaytay Ogaadeenya oo Shaqadii laga Eryey.

Waxaa maalinba maalinta ka dabaysa sii xaqiiqoobaysa magac u yaalnimada xisbiga iyo maamulka Dabaqoodhiyiinta Jig-jiga.Wararka naga soo gaarayaa magaalada Jijiga ayaa sheegaya in la eryey 71 xubnood oo ka tirsanaa xisbiga lagu magacaabo Xisbiga Demoqraadiga Shacabka Soomaliyeed oo ah xisbi ay Itoobiya danaheeda Gumeysiga ku fuliso kadib amar ka yimid Abay Tsehaye oo ah wasiirka arrimaha Federaaliga Itoobiya. Sidaa waxaa ku dhawaaqay Moxamuud Dirir oo ah Guddoomiyaha xisbi ku sheegaas.

Wararka waxay sheegayaan in 71 kaas qof ee laga saaray xisbi ku sheegaas ka dib markii lagu eedeeyay in ay gacan saar la leeyihiin waxay ay dowladda Itoobiya ku tilmaamtay "xoogaga nabadiidka ah". Taas oo macnaheedu yahay inayna jirin cid Ogaadeenya ku nool oo Gumeysiga Itoobiya aaminayo. Labaatan(20) ka mid ah xubnahaa 71 ah waxay ahaayeen masuuliyiin sare oo kala hayey jagooyin kala duwan ooy ku jiraan waxa ay ugu yeedhaan wasiirada Kiliilka iyo Guddoomiyayaasha Gobolada Ogaadeenya. Waxaa arrintaas sheegay Cabdirashiid Dulane oo ah Madaxa Maamul ku sheega Jigjiga.

Wararku waxay intaas ku darayaan in xubnahaas la eryey qaar ka mid ah si degdega ah maxakamad loo keeni doono, maxkamadadaas oo sida wararku sheegayaan mid qarsoodi ah noqon doonta. Waxaa dhamaan 71 qof lagu soo eedayey inay ka soo horjeedaan danaha Itoobiya xidhiidhna la leeyihiin quwado ka soo horjeeda nabadgelyada Itoobiya ooy ula jeedaan Jabhadda waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO).

Koshin Sugule
Radio Xoriyo,Jig-jiga
Ogaadeenya.

Sidoo kale Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo Warama Adis-Ababa ayaa inoo soo diray dhambaal Sheegaya Males Zinaawi oo loogu Baaqay in uu is Casilo.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Mekkele oo ah Caasimada Gobolka Tigray ayaa sheegaya in Ururka TISJ oo ah urur tigree ah isla markaasna mucaarad ku ah Zenaawi inuu ugu baaqay Melez Zenaawi iyo dhamaan Golahiisa wasiirada in ay is casilaan.

Warsaxaafadeed uu soo saaray ururkaasi TISJ April 30, 2002 ayuu ku cadeeyey in uu ururku aaminsan yahay in dowlada Zenaawi aysan aheyn mid khaladaadkeeda la saxi karo oo loo baahanyahay in gabi ahaan Golaha Wasiirada iyo Rai'sul wasaaraha is casilaan si dalka loogu dhiso Dowlad ku meel gaar ah oo isla markaasna loo diyaariyo doorashooyin .

Ururka TISJ wuxuu ku eedeeyey Melez Zenaawi iyo Maamulkiisa arrimo ay ka mid yihiin.

Isku dirka qowmiyaadka Itoobiya ka kooban tahay Badinta cadowga qowmiyada tigreega sabab la'aan Xir xirka masuuliyiin sare oo ka dhashay qowmiyada Tigreega Dagaalka Eritrea uu ku guul dareeystay iyo arrimo kale.

Waa markii ugu horeeysay uu urur mucaarad oo Tigree ah oogu baaqay dowladda Zenaawi in gabi ahaanba la kala diro oo dib loo dhiso dowladd cusub Ururka TISJ waa ururka ugu weyn gobolka tigree marka laga reebo TPLF oo kala jabsan. TISJ isla markaasna waa urur xubno badan ku leh dibbeda oo shirar ku qabto dhamaan dalalka ay ku sugan yihiin dadka uu dhashay qowmiyada tigreega

Qamaan Xirsi
Radio Xoriyo
Addis Ababa

ITOOBIYA OO HUB CULUS UU DIRTAY HOGAAMIYE KOOXEEDYADA

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Soomaaliya Ahmed Yare Calasoow Ayaa inoosoo diray warar sheegaya in Itoobiya ay si xoogan ugu soo dal dalayso hub iyo rasaas Soomaaliya si ay Qalalaase Cusub u bilowdo.

Waxaa soo gaaray 01 May,2002 Magaalada Muqdisho & Magaalooyin kale oo ku yaala K/Soomaaliya hub ku socday qaar ka mid ah hoggaamiye Kooxeedyada gacansaarka la leh dowladda Itoobiya, hubkaas oo ay keeneen Gawaari waaweyn ayaa la xaqiijiyey in markii ugu horeysay ay ku jiraan hub culculus oo ay ugu deeqday dowladda Itoobiya kuwaasoo ay ka mid yihiin Madaafiicda M.30 & Hoobiyeyaal iyadoo sida warku sheegayo mid ka mid ah hoggaamiye Kooxeedyadaas oo kaliya uu helay 12-Hoobiye iyo dhowr Qoriga M.30, sidoo kale waxaa hubkaasi ku jira sida warku sheegayo Miinooyin fara badan & rasaasta hubka noocyadiisa kala duwan.

Ahmed Yare Calasoow
Radio Xoriyo,Muqdisho
Soomaaliya.


XUSUUSIN: Qoraalka hoose waxaa radio xoriyo diyaariyey ka hor Geeridii Cigaal

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Wadanka Koonfur Afrika Cumar Fandhaal ayaa inoo soo diray Dhambaal Xambaarsan Banaanbax wadankaas ka dhacay 02 May,2002.

Cigaal oo Geeriyoodey May 3, iyo sawiro laga soo qaaday bannaanbixii K/Afrika ee May 2 GUJI.HALKAN
Banaanbax balaadhan ooy ka soo qayb galeen in ka badan 450 qof oo ka mida Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Wadanka Koonfur Afrika ayaa ka dhacay Khamiistii oo ahayd 02 May 2002 kaas oo socday intii u dhaxaysay 08:30 -13:00 ee isla Maalintaas.Banaanbaxaas oo ka dhacay Magaaladda Pretoria ee Wadankaas waxaa dadkii Banaanbaxayey ee Soomaaliyeed ay soo Mareen Madaxtooyadda Wadankaas iyagoo socday ilaa iyo Wasaaradda Arimaha Dibada ee Koonfur Afrika waxayna kaga hor jeeday Siyaasadda Mohamed Ibraahin Cigaal.

Ujeedada Banaanbaxaasi waxay ahayd mid ay dadkaasi ku diidan yihiin Daweynta lagu daweynayo Koonfur Afrika Mohamed Xaaji Ibraahin Cigaal,Ka soo horjeed ay ku diidan yihiin Kala Geynta Dalka Soomaaliyeed iyo Cigaal ooy u arkaan in uu Khayaamo Waligiis kula dhex jiray Qaranka Soomaaliyeed iyo Iyagoo si Cad uga soo hor Jeeda dadkii Soomaaliyeed ee uu Dhawaan u Gacan galiyey Gumeysiga Itoobiya oo uu Bahwadaag la yahay.

Sida uu sheegay Gudoomiye ku Xigeenka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Wadankaasi Koonfur Afrika waxay Dadkii Soomaaliyeed ee Banaanbaxayey la kulmeen Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Arimaha Dibada ee Dalka Koonfur Afrika iyaga oo u gudbiyey Warqad Cabasho ay ooy ku qoran tahay arimaha kor ku xisan iyo iyagoo ka Codsaday

Dalka Koonfur Afrika in si dhakhso ah looga saaro Ina Cigaal oo Dhakhtar Gaar ah oo Pretoria ku yaala lagu daweynayo.Waxaana Hadaladii Gudoomiye K/xigeenka Jaaladda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika Mudane Ahmed Dawlo Ka mid ahaa.

Ideecadeena Caawa ayaan Waraysigaas idiinku faah faahin Doonaa.

Cumar Fandhaal
Radio Xoriyo,Pretoria
Koonfur Afrika.

Warar Rasmi ah oo uu soo diray Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo Warama Koonfur Afrika ayaa soo sheegay in Saaka 10:00 uu ina Cigaal ku Geeriyooday Isbitaal ku yaala Magaalada Pretoria ee Koonfur Afrika.

Dhageystayaal Warkii Caawa waa naga intaas.

Abdi Madaale
Radio XOriyo, 03 May 2002

radioxoriyo@ogaden.com


Dhegeyso warkaan oo Cod ah


WARARKA OGADEENYA:
May.3.2002 | April.30.2002 | April.26.2002 | April.23.2002 | April.19.2002 | April.17.2002 | April.12.2002 | April.9.2002 | April.5.2002 | April.2.2002 | March.29.2002 | March.26.2002 | March.22.2002 | March.19.2002 | March.12.2002 | Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety