S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
SIIRADA RASUULKA KUDAYO»
Tusmo | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30
SAXAABADII RASUULKA BARO»
Casharka toddobaadkan | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18
RAMADAAN SOON»
Macluumaadka Soomidda bisha ramadaan iyo axkaamta Soonka GUJI
SAKADA MAALKA BIXI»
Tusmo | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7
XIGMAD/WISDOM BIXI»
XAYAYSIIS BOOQO» 
KUTUB/BOOKS AKHRI» 
Soobooqo bogga xayasiiska Buugaagta / kutubta GUJI
NEWS 1 | 2 | 3 | 4 | 5
MAQAALLO AKHRI» 
DOOD FURAN AKHRI» 
QORAALO XIISA LEH AKHRI» 
MUSHARAXA SL 2002» 
Barnaamijka C/Risaq Maxamud Saleiman ee doorashada Somaliland Guji»
PUNTLAND, SOMALIA
Summary of Progress Report on the Puntland Peace Mission
PAGE.1 | PAGE.2 | PAGE.3 | PAGE.4 | PAGE.5 | PHOTO
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 Khartuum GUJI..
LETTER FROM OGADEENYA
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia) Read here

G O L E
Golaha Beesha Kablalax GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...


.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA OGAADEENYA
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya

Warkii Radio Xoriyo
10 May,2002

Warka Madaxdiisii


. Xubno Sar Sare oo laga Caydhiy Baarlamaan Ku Sheega Jig-Jiga

. Wasiir Ka Tirsan Oromiya oo ka Baxsaday Maamulka Males Zinawi

. Jaamacada Carabta oo Ergay Gaar ah u Magacawday Soomaliya

. Maamulka Waqooyi Galbeed oo aaskii Ina Cigaal u diiday Wafdi Reer Jabouti ah.

Warkii oo Faah faahsan

BARLAMAAN KU SHEEGA KA DHISAN JIJIGA OO 19 XUBNOOD LAGA CAYDHIYAY

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo Warama Jig-Jiga Kooshin Sugule ayaa inoo soo diray Dhambaal Xambaarsan Xubno ka mida Baarlamaan ku Sheega Jig Jig Jiga oo Xilkii Xubinimada laga Qaaday kuwaas ooy ka mid yihiin Xubno Caan ah.

19 xubnood ayaa laga eryay barlamaan ku sheega ka dhisan Jijiga ka dib marka lagu eedeeyay "musuq maasuq iyo in ay gacan saar la leeyihiin xoogaga nabad diidka"

19 kaas waxaa ka mid ah Aden Cabdullahi oo ahaa Ku xigeenka Abdirashiid Dulane, Suldaan Ibrahim oo ahaa Xoghayaha maamul ku sheega ka dhisan jijiga iyo Maxamed Macaalin Cali oo ku magac dheer "Khadar" oo ahaa Gud.Hore ee Maamulka ay Itoobiya ka samaysatay Ogaadeenya

Iyada oo horay 71 xubnood oo ka tirsan xisbiga dabaqoodhiyiinta looga eryay Xisbigaas ayaa talaabadan 19 Xubnood iyagana lagaga Xayuubiyey Xubinimadii ay Muujinaysaa Ololalaha ay Itoobiya kula Dagaalanto Shacbiga Ogaadeenya,kaas oon u Ogolayn in Shaqsi Shacbigaas ka mida loo arko Siyaasi Caan ah.Musuq Maasuq iyo Gacan Saar buu la leeyahay Nabadiidka ayaa noqotay Siyaasad lagu bartay Itoobiya in ay u isticmaasho Kolba Xubinkii ay rabto in ay ka qaado Xilka uu hayo.

Koshin Sugule
Radio Xoriyo
Jijiga

WASIIR KA TIRSAN KILIL KU SHEEGA OROMADA OO BAXSADAY

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo Warama Adis-Ababa Qamaan Xirsi ayaa inoo soo diray Warar isku dhafan inga oo ku Bilaabayna Wasiir ka tirsan Killilka Oromiya oo Maamulkii Males Zinawi ka baxsaday.

Wararka naga soo gaaraya Oromiya ayaa sheegaya in Wasiir ka tirsan Kilil ku sheega Oromiya uu ka baxsaday Maamulka Males Zinawi.Wasiirkaas oo la yiraahdo Melese Dayessa ayaa gabi ahaanba isaga tagay kilil ku sheega ka dib xir xir balaaran oo ka dhacay dhulka Oromiya. xir xirkaas ayaa ahaa mid lagu xir xiray boqolaal arday iyada oo isla markaas la dilay dhowr iyo tooban arday. Ururka TPLF ayaa bandow ku soo rogay magaaloyin badan oo ka tirsan Oromiya ka dib mudaharaado balaaran oo ka dhashay Xidh Xidhka ardaydaas. Melese Dayessa oo haatan ku sugan dalka Kenya ayaa maalinta May 7 soo saaray Warsaxaafadeed uu ku sheegay in uu u dulqaadan waayay xaq darada lagu hayo shacabka Oromiya iyo ardaydaasi aan waxba galabsanin ee layska Xidhay. Melese Dayessa waxuu sheegay in dowlada Melez Zenaawi aysan ahayn mid ku dhisan sharci eey tahay mid ku taagan maamul shaqsi oo uu kolba dhankuu doono ula kaco.

Melese Dayessa mar uu la hadlay saxaafada ayuu sheegay in wixi hada ka biloowdo uu ku biirayo Jabhadda Xoreynta Oromiya OLF taas oo ah ururka kaliya oo si dhab ah uu matala shacabka Oromiya

JAMACADA CARABTA OO MAGACOOWDAY ERGAY GAAR AH OO BAARA FARAGELINTA AY ITOOBIYA KU HAYSO SOOMAALIYA

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Qaahira ayaa sheegaya in ururka Jaamacada Carabtu ay u magacaabeen ergey gaar ah oo soo baara faragelinta ay Itoobiya ku haysa soomaaliya.masuulkaas oo la yiraahdo Salem Bin Al-Khusaibi ayaa dhowaan imaanaya Magaalada muqdishu si uu oola kulmo dowlada ku meel gaarka ee Soomaaliya. Waxaa la filayaa in uu markaas dabadeed aado Addis Ababa si uu Itoobiya u dareensiiyo sida ay dalalka carabta ooga soo hor jeedaan faragelinta ay itoobiya ku hayso amuuraha soomaaliya

wararka waxay intaas ku darayaan in uu Salem Bin Al-Khusaibi is kaashan doonaan Mukhtaar Al Khanasi oo uu si gaar ah u soo diraday Madaxweynaha Liibiya .Waxaa todobaadkan dhamaaday shir u socday Guddiga Jaamacada Carabta u qaabilsan arrimaha Soomaaliya iyada oo ay shirkaas isku afgarteen in loo baahanyahay in faragalinta itoobiya talabooyin laga qaado. Magacaabida ergeyga khaaska ah waa mid ay jaamacada carabtu ku rabto in warbixin buuxda ay ku hasho inta ay le'eg tahay faragelinta ay itoobiya ku hayso Soomaaliya.

Wararka naga soo gaarayo wasaarada arrimaha dibbeda ee itoobiya ayaa sheegayo in ay dowlada itoobiya arintan aad ooga walwalsan tahay iyada oon rabin in dalalka carabta ay soo dhex galaan qorshaheeda gaarka eey Itoobiya Qalalaasaha iyo Qaska kaga wado Soomaaliya. JABHADDA XOREYNTA BENE-SHAANGUUL OO DISHAY 64 KA MID AH CIIDAMADA ITOOBIYA

Warsaxaafadeed ay soo saartay Jabhadda Xoreynta Bene Shaanguul May 6, 2002 ayey ku sheegtay in ay howlgaladoodii ugu dambeeyay ku dileen 64 askari oo Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya ah iyada oo dhowr kalena lagu dhaawacay.Jabhaddu waxay sheegtay in ay ku guuleeysatay in in ay Gubaan 2 gaari oo waa weyn oo sida aksar woyane in ay RPG.

Jabhadda Benushanguul oo Dagaal la mida midka ay Wadaan Jabhadaha Bahoobay ee Xoreynta Wadaniga Ogaadeenya iyo Jabhada Xoreynta Orimiya, kuwaas oo ku bahoobay Halganka ay dhamaantood kala soo hor jeedaan Itoobiya.

Waa Qamaan Xirsi
Radio Xoriyo
Adis-Ababa

MAAMULKA WAQOOYI GALBEED OO UU DIIDAY WAFDI JABUUTIYAAN AH IN AY KA SOO QEYB GALAAN AASKA MAXAMED IBRAHIM CIGAL

Maamulka Waqooyi Galbeed oo uu haatan madax uu yahay Dahir Riyaaleh Kaahin ayaa dib u celiyay wafdi ka socday Baarlamaanka dalka Jabuuti oo ka qeyb gali lahaa aaska Maxamed Ibraahin Cigaal oo ka dhacay magaalada Berbera May 6, 2002

Wafdigan oo uu hoggaaminayay mudane Idiris Xarbi oo ah Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Jabuuti ayaa diyaaraddii uu saaraa hawada laga celiyey todobo(7) daqiiqo ka hore markay gegida diyaaradaha Berbera soo cago dhigan lahayd. Woftigu wuxuu sheegay inaan loo sheegin sababta loogu diiday daqiiqadihii ugu dambeeyey inay ka qayb galaan aaska.

Dadka Siyaasadda indha indheeya ayaa arrintan ku tilmaamay in dib u celinta woftigaas ay dawladda Itoobiya ka dambaysay. Sida la wada ogsoon yahay Dawladda Djibouti iyo Itoobiya waxay isku khilaafsan yihiin meelo fara badan oo ku saabsan siyaasadda ay Itoobiya kula dhaqanto shacbiga Soomaaliya oo W/Galbeed ka mid tahay iyo mawqifkeeda ka soo horjeeda in nabad waarta loo helo Soomaaliya.

Meesha laga celiyey woftiga Djabouti waxaa loo ogolaaday inuu aaska ka qayb galo wofti Itoobiya oo uu hoggaaminayey wasiir ku xigeenka Arr. Dibadda Tekada Alemu. Khudbad uu Tekada munaasabadaa ka akhriyey waxay ahayd mid ay Itoobiya ugu talo gashay inay ummadda Soomaaliyeed ee walaalaha ah ku kala fogayso. Wuxuu Tekada khudbadiisa ku yidhi “Itoobiya way ka xuntahay in beesha caalamku aqoonsan waydo dalka Somaliland” taas oo ah inuu maamulka cusub ee W/Galbeed sidii hore ugu adeego Itoobiya.

Dad badan oo Soomaali ah oo ku nool W/ Galbeed ayaa aad uga xumaaday arrintaas Itoobiya lagu soo dhoweeyey aaskii Maxamed Ibrahim Cigaal, walaalahood Jabuutina loo diiday. Waxay u arkayaaan inay tahay arrin aad u fool xun kana baxsan dhaqanka Soomaalida iyo midka Islaamkaba. Waxay la yaaban yihiin tixgelinta faraha badan ee Maamulku siinayo Itoobiya isaga oo iska dhego tiraya dareenka walaalahooda dhinac kasta kaga hareeraysan.

Roble Mahdi
Radio Xoriyo
Jabouti

Dhagaystayaal Warkii Caawa waa naga intaas. Abdi Madaale
Radio Xoriyo,10 May,2002

radioxoriyo@ogaden.com


Dhegeyso warkaan oo Cod ah


WARARKA OGADEENYA:
May.10.2002 May.7.2002 | May.3.2002 | April.30.2002 | April.26.2002 | April.23.2002 | April.19.2002 | April.17.2002 | April.12.2002 | April.9.2002 | April.5.2002 | April.2.2002 | March.29.2002 | March.26.2002 | March.22.2002 | March.19.2002 | March.12.2002 | Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety