S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 Khartuum GUJI..
LETTER FROM OGADEENYA
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia) Read here

G O L E
Golaha Beesha Kablalax GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...
MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA OGAADEENYA
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya

Warkii Radio Xoriyo
23 April 2002

Warka Madaxdiisii

· Ciidanka Gumeysiga Itoobiya oo dad Shacbi ah ku Xidh Xidhay Magaalada Garasley

· Ciidanka Wadaniga Xoreyta Ogaadeenya oo 54 Askari ka dilay Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya Degaaladii u danbeeyey ee dher Maray

· Shirar lagu taageerayo Halganka Shacbiga Ogaadeenya oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ku Qabatay Galbeedka Australia

Warkii oo Faah faahsan

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo waranta Arimaha Bulshada Maryama Ruun Liibaan ayaa inoo soo dirtay Argagixiso iyo Xidhay lagula kacay Qaar ka mida Shacbiga Ogaadeenya ee ku nool Magaalada Garasley.

03 April, 2002 Wuxuu Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ee ka hawl Gala Magaalada Garasley ee Gobalka Nogbeed halkaas Olole uu ka waday waxaa lagu qab qabtay 08 Qof oo Shacbi ahaa oon waxba galabsanin oo ka mid ahaa Bulshada Garasley ku nool iyadoo isla markiiba Xabsiga loo taxaabay waxayna magacyada 5 ka mid ah 8daas qof yihiin

1. Mohamed Ruun Cismaan
2. Abdifatah Abdulahi Mohamuud
3. Sheekh Ali Barkhadle oo ahaa Iimaankii Masaajidka Garasley
4. Xiis Ahmed Hassan
5. Iyo Muhumed Sh.Abdi Gaboodi

Sida Wariyaheenu soo sheegay dadkaas waxaa lagu sameeyey Jidh dil aad u xun kaas oo nolashooda aaqibo tiri kara waxaana dad Garasley ku nool ay sheegeen in loo baqayo nolasha Shacbigaas.

Falalka Dhanka ka ah Xuquuqda Baniáadamka ee uu Ciidanka Gumeysiga Itoobiya kula kaco Shacbiga Ogaaadeenya waxaa ku dhiiri galiya Ciidanka Itoobiya Beesha Caalamka oo Bahalnimada lagu hayo Shacbigaas indha ka xidhatay waxayna Shacbiga Dulman sugayaan Goorta Itoobiya lagu abaal Marin doono Dhibaatooyinka ay ku hayso Shucuubta ay Gumeysato ooy ugu horeeyaan Shacbiga Ogaadeenya.

Maryama Ruun Liiban
Radio Xoriyo,Garasley
Ogaadeenya

Sidoo kale Waraha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa inoo soo sheegay Degaalo dhawr ah oo dhex maray CWXO iyo Kuwa Gumeysiga Itoobiya.Degaaladaas oo jab loogu geystay Ciidanka Jaahwareersan ee Itoobiya waxay kala dhaceen Xiliyadan.

25 March 2002 Degaal ka dhacay Baraajisaale oo ku taala Goglo Qoraxey waxaa Cadawga lagaga dilay 4 Askari waxaana lagu dhaawacay 5 kale.

06 April 2002 Degaal isna ka dhacay Xero Bilcil oo ka tirsan Gobalka Doolo Waxaa Ciidanka Gumeysiga Itoobiya lagaga dilay 4, iyadoo lagaga dhaawacay goobtaas 5 uu qaar dhaawacoodi halis yahay.

07 April 2002 Boodhley iyo Wargaadsan dhexdooda degaal isna ka dhacay waxaa Ciidanka Jaahwareersan ee Itoobiya laga dilay 3 askartooda ah iyadoo dhaawac loogu geystay 2 askari oo kale.

09 April 2002 Degaal ka dhacay Ceelxaar oo ku yaala Duleedka Magaalada Qabri dahare waxaa Ciidanka Wayaanaha lagaga dilay 8 Askari waxaana lagu dhaawacay degaalkaas 4 askari.

13 April, 2002 Meel u dhow Birqod oo ka tirsan Gobalka Dh/buur degaal ka dhacay waxaa Askarta Itoobiya lagaga dilay 5, iyadoo lagaga dhaawacay 4 kale.

14 April, 2002 Degaal ka dhacay Jiiq oo ka tirsan Gobalka Qoraxey waxaa Cadawga lagaga dilay 15 Askari iyadoo lagaga dhaawacay 4 kale.

Isla 14 April, 2002 Degaal ka dhacay Biyo Khadhaadhe oo ka tirsan Degmada Dhagaxmadaw ee Gobalka Dhagaxbuur Dabaqoodhi Saldhig ku lahaa Goobtaas ayuu Ciidanka Wadaniga Xoreyta Ogaadeenya ee Sida Goonida ah u tababa baran Weerar Kadis ah ku qaaday iyadoo Gebi ahaanba ay Saldhigii halkaas ku yaalay Gacanta ku dhigeen waxaana halkaas lagu hantiyey 12 Qori oo isugu jira Ak-47 iyo BKM iyo Rasaas iyo Saanad wixii Saldhigaas yaalay.Kadib markii Baadhis lagu sameeyey Dabaqoodhiyiintii Saldhigaas lagu qabtay waxaa loo fasaxay in ay Wadankooda dhinaca ka raacaan ayna ka baxaan falalka xun xun eey Gumeysiga ugu kaalemeeyaan.

19 April 2002 Degaal ka dhacay Bali Xagare oo u dhow Wargaadsan degaal adag oo goobtaas ka dhacay waxaa Cadawga lagaga dilay in ka badan 15 Askari,waxaana lagaga dhaawacay inta la hubsaday ilaa iyo 10 Askari.

Isu geyn waxaan degaaladaal lagaga dilay Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya 54 askari, waxaana lagaga dhaawacay 34 askari, sidoo kale waxaa degaaladaas lagaga furtay Hub iyo Saanad muhiim u ah adeegsiga Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya.

Wariyaha Radiyo Xoriyo ee dalka Australiya iyo Asiyada Koonfur Bari Dubad Kooreeye wuxuu noo soo sheegay in beryahay dambe uu abaabul Balaadhan oo ku saabsan sidii loo taageeri lahaa halganka xaqa ee uu Shacbiga Ogaadeenya oogu jiro aaya ka tashigiisa ka socday dalka Austraaliya.

Wuxuu wariyuhu soo sheegay in shirar is dabajoog ah lagu qabtay magalo madaxda Galbeedka Australia ee Perth intii u dhaxaysay 1-21kii bishan April ee aan ku jiro. . shirarkaas waxaa ka soo qayb galay sida wariyuhu sheegay Jaalliyadda ummadda Soomaaliyeed ee ku nool Galbeedka Australia.Kadib markii Warbixino ku saabsan halganka Shacbiga Ogaadeenya iyo Dhibaatooyinka uu Gumeysiga Itoobiya ku hayo dadkaas Soomaaliyeed ee uu Gumeysto laga soo jeediyey Shirkaas ay dhamaan dadkii Soomaaliyeed ee halkaas joogay Guddoonsadeen in halganka shacbiga Ogaadeenya ay Taageero hiil iyo hooba la garag taagan yihiin Walaalahooda Soomaaliyeed ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Galbeedka Australia Degen.

Wariyuhu wuxuu intaas ku daray in Shirkii u danbeeyey Shararka la qabtay oo ahaa ka dhacay 21 April, 2002 ay qabashadiisa lahaayeen Haweenka Soomaaliyeed ee Galbeedka Australia Degen iyagoo uga dan lahaa in ay ku garab istaagaan Walaalahooda Halganka oogu jira sidii ay ooga hoos bixi lahaayeen Gumeysiga Itoobiya iyo iyagoo ka damqaday Silica uu Gumeysiga Itoobiya ku hayo Gabdhaha Ogaadeenya ee uu Xibsiyada ku jidh dilo

Shirkaa waxaa khudbad qiiro leh ka soo jeediyey Sheikh Axmed Soodaani oo dhinacyo badan ka caddeeyey xaqnimad halganka shacbiga Ogaadeenya. Sida oo kale waxaa shirkaas ka hadlay babdho badan ooy ka mid ahaayeen

1. Ardo Diirie
2.Xaali Duale
3.Ardo Ali Nuur
4. Xaliimo Axmed 5. Dahabo Gaarane Wayrax
6. Deeqa Ali
7. Aamina Sheikh Abdi(Aamino Yarey)
8. Raxmo Xasan
iyo kuwo kale oo badan. Waxay gabadha shirkaa ka hadlay caddeeyeen inay dulqaad loo dulqaato Xabashida dhamaatay guushuna ay ku dambeyndoonta dadka Soomaaliyeed ee xaqa ku taagan.

Waxau caddeeyeen in heshiis la'aanta ummadda Soomaali ay ugu wacan tahay Itoobiya oo ka soo horjeedda jiritaanka ummadda Soomaali.

Radio Xoriyo
Dubad Kooreeye
Australiya

radioxoriyo@ogaden.com Dhageystayaal Warkii Caawa waa naga intaas.

Eegana ku soo dhawaada Faaladii Warka.Faaladeena warka ee Caawa waa qaybtii 3aad ee Faaladii inoo socotay.Waxaana inoo soo diyaariyey Abdi-Sayid Moalin Yuusuf iyada oo ay soo akhriday Wariye Ciilan Hiirad .

Walaalayaal inagoo wali ku dhex jirna Faaladii inoo socotay ayaan Qaybeena 3aad ee Ninkii Gurigiisa kuu Diida Kaagana ka mamnuucan ku soo qaadanaynaa Dambiyadda uu Mohamed Haji Ibrahin Cigaal ka galay Qadiyadda Soomaaliyeed Guud ahaan iyo Dibin Daabyooyinka uu La Daba Socdo Halganka Shacbiga Ogaadeenya, inagoo og in Halganka Shacbiga Ogaadeehnya ee Jwxo, Majaraha Siyaasadeed iyo Midka Milatariba u hayso in uu yahay Qadiyad Soomaaliyeed.

In kasta oo intii mudo ahba uu sii jiray Xansi ku saabsan Khayaanooyin Qaran oo ka Buuxa ina Cigaal oo Xubno aqoon u lahi ay Sheegi jireen waxaa arintaas Daaha ka rogay markii uu Falkii arintaas Iftiimiyey isagoo Cad ina Cigaal ku dhaqaaqay kaas oon u qodobaynayno sidan soo socota.

· Isagoo ahaa Siyaasigii ugu horeeyey ee Gobalada Soomaaliyeed ee ku hadhsanaa Gacanta Gumeystayaasha u Citiraafay in ay ka mid yihiin Wadamadaas Gumeysta Shacbiga Soomaaliyeed arintaas oo Shaaca ka qaadan oo Siyaasiyiinta iyo Taariikhyaranada Soomaaliyeed iyo Kuwa Geeska Afrikaba ay ogyihiin kuna Caan ah Heshiiski Caruusha ee Sanadkii 1963dii oo Ujeedooyin Dhan ka ah Dadka Soomaaliyeed uu halkaas ku sixiixay.Cidii Faahfaahin u baahana ha kala soo xidhiidho Radio Xoriyo.

· Isagoo Bishii October 1969 Heshiisyo Dhan ka ah Danaha Qaranimadda iyo Jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed la galay Dawlada Maraykanka kadib markii uu Wafdi ka kooban 10 Xubnood oo uu Hogaaminayey Isagoo ahaa Raiisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed u diiday Kulamaddii iyo Heshiis Yadii uu la galay Dawladda Maraykanka ee Arintaas ku saabsanaa Xubnihii Wafdigiisa ahaa ee uu Hogaaminayey Cidii Faah faahin ooga baahana ha akhriso Buugan .[ eeg. De-classified Decuments, Foreign Relations of the United States, 1964-1968, Volume XXIV-Africa]

· Waraysi uu Telefishinka Layska Arko ee NBC la yidhaahdo Kuna Yaala Wadanka Maraykanka uu siiyey 18 May 2001 ayuu ku sheegay arimo dhawr ah oo dhan ka ah Qadiyadda,Qaranimadda iyo Jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed isagoo yidhi, Midnimadda Soomaalidu waxay khatar ku tahay Dawladaha Itoobiya iyo Kuwa kale ee Geeska Afrika iyadoo intii ay Labada Gobal Waa Waqooyi iyo Koonfur ee Xorta ahaayeen Itoobiya lagu Qaaday 2 Degaal waxaana Hubaa haddii aan ku laabano Xamar in Kii 3aad aan Itoobiya ku qaadanyo.

· Waxaa hale oo uu yidhi Waxaa iyaguna Jira Ururo Diini ah oo Ogaadeenya ka jira iskuna Sheega Xornimo Doon kuwaas oo Wal Wal Weyn ku haya Dawladda Itoobiya taas oo aniga iila Muuqata in ayna Macquul ahayn in Ogaadeenya ay Itoobiya ka go´do.Waraysigaas oo lagula yeeshay Magaalada Hargeysa Taariikhda Sare ku xusan Waxaa la yeeshay Dr.BOB ARNOT oo Caan ka ah Telefishinkaas.Waliba Cigaal wuxuu waraysigaas ku sheegay Arimo badan ooynaan soo koobi Karin.

· March 2002 Isagoo Xaflad lagu qabtay Magaalada Hargeysa ka yidhi hadal aan looga fadhiyin oo ah Kililka 5aad waxaa loo yaqaanaa Gobalka Soomalida Itoobiya, Yuusuf Geraad iyo BBC-duna waxay u yaqaanaan Ogaadeenya isagoo halkaasna Dhul Soomaaliyeed oo kale ugu Aqoonsaday Itoobiya.

· March 2002 Sidoo Kale Heshiisyo Dhan ka ah Qaranimadda Soomaaliyeed kula soo Sixiixday Itoobiya Magaalada Adis-Ababa kaas ooy ka mid tahay u Aqoonsiga Xuduuda u Dhaxaysa Ogaadeenya iyo Waqooyi Galbeed in ay tahay mid uu Ogol yahay taas oo Dawlad Soomaaliyeed ayna horay Itoobiya oogu aqoonsanin.

· U gacan Galin Gumeyste Dad Soomaaliyeed oo Xoriyad Doon ah oon wax dabmi ah ooy Cid ka galeen Jirin kuwaas oo uu intii uu Hargeysa ka qab qabtay u Gacan Galiyey Gumeysiga Itoobiya taas oo dhacday Sanadihii Agust 1996 iyo April 2002.Isagoo waliba dadkii Shacbiga ahaa ee uu Xasuuqay Mooro Duugay.Iyo kuwo kale oon dib ka sheegi doono xiliga ku haboonaada.

Hadaba mar hadii uu Cigaal ku kacay ficiladan dhanka ka ah Dhamaan Ummadda Soomaaliyeed Bal hadana aan eegno dhanka kale in uu yahay mid Sama Fal u sameeya Beesha Waqooyi ee uu Madaxda u yahay?

Sidii aan horay u soo sheegnay markii uu Cigaal ka faaiidaystay Shirkii Boorame ee Madax Dhaqameedyada Waqooyi ay halkaas ku Magacaabeen waxay ujeedada 1aad eey ka lahaayeen ahayd in uu Mudo 2 Sano ah u hayo Xilkaas.Wuxuu markiiba isku dayey in uu Gacanta ku dhigo dhamaan Hayadihii jiray oo dhan oo uu ka buuxiyey dadkiisa.Wuxuu Bilaabay Olole wayn oo uu ku qaaday SNM, isagoo dhamaan Gobihii ay gacanta ku hayeen Banaanka ka dhigay,Waxaa kale oo uu hantiyey Ilaha Dhaqaalaha ooy oogu horeyso Dekeda Barbara isagoo ku meeleeyey Dad si gooniya isaga Bahdiisa u ah iyo Ciidanka Gumeysiga Itoobiya Qaar ka mid ah ooy Canshuuraha Ooga Qaadaan.Waxaa kale oo Xusid Mudan in iyadana uusan Diyaar u ahayn in uu ka dago Xukunkii loogu tala galay in uu ka dago 2 kadib uu hada Caga Cagaynayo ilaa iyo 10 sano oon loo fadhiyin in uu ka dago.

Iyadooy Faaladii Wali inoo socoto Bal Caawana Qaybtii 3aad Halkaas ha inoo joogto. [Faaladii hore]

radioxoriyo@ogaden.com


Dhegeyso warkaan oo Cod ah


WARARKA OGADEENYA:
April.23.2002 | April.19.2002 | April.17.2002 | April.12.2002 | April.9.2002 | April.5.2002 | April.2.2002 | March.29.2002 | March.26.2002 | March.22.2002 | March.19.2002 | March.12.2002 | Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety