S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 Khartuum GUJI..
LETTER FROM OGADEENYA
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia) Read here

G O L E
Golaha Beesha Kablalax GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...
MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA OGAADEENYA
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya

Warkii Radio Xoriyo
19 April,2002 | FAAFIN: 20/2002 | DAABACAAD: 21/4/2002

Warka Madaxdiisii

· Shacbiga Ogaadeenya oo ka Fiirsanaya Talaabaddii ay Ina Cigaal Oogu Jawaabi lahaayeen

· Jaaliyaadka Ogaadeenya oo Cambaareeyey Dadka loo Gacan Galiyey Gumeysiga Itoobiya

· Jaaliyadda Ogaadeenya ee Finland oo si Goonya ooga Gil gilatay Ficilka Cigaal uu u Geystay Shacbigooga

Warkii oo Faah faahsan

Wariyaha Wareega ee Raadiyo Xoriyo Qawdhan Wayrax oo socdaal ku soo maray Qaar ka mida Gobalada iyo Degmooyinka Ogaadeenya ayaa inoo soo diray Dhambaal Xambaarsan Dareenka Shacbiga Ogaadeenya ee ku aadan Ficilka Foosha Xun ee uu Ina Cigaal ugu Gacan Galiyey Gumeysiga Itoobiya Dadka aan waxba Galabsanin.

Socdaal aan ku soo kala bixiyey intii u dhaxaysay 8-17 April,2002 Gobaladda Jig-Jiga,Nogob,Afdheer,Dh/buur,Qoraxey,Wardheer iyo Shabeele oon ku tagay Magaalo Madaxdayda iyo Qaar ka mid ah degmooyinka Gobaladaas ooy ujeedadiisu ahayd in uu Radio Xoriyo ku Ogaado Dareenka Shacbiga Ogaadeenya ee ku aadan Ficilka Itoobiya loogu dhiibay dad Shacbi ah oon waxba Galabsanin oo ahaa Safaro geeyey Adeegyo looga baahnaa Hargeysa ayaa Gebi ahaanba Shacbigii aan la kulmay uu dareenkooda ku aadan ficilkaas ahaa mid aad u kulul oo meel sare marayey.

Madax Dhaqameedyada Dhamaan meelahaas, Dadka Magaca leh iyo Shacbiga Caadiga ah ayaa kuligood isku meel ka wada taagnaa Talaabadaas iyaga oo ku nuux nuuxsaday in ay si fiican isu yaqaanaan iyaga iyo Waqooyi Galbeed wixii ka yimaadana Masuuliyadeedana Dhakada ka saaray Ina Cigaal ooy sheegeen in uu ahaa ku aan horay wax fiican ooga shaqaynin iyagoo hadaladoodii isaga daba noqday in waxa ay ka filaan Cigaal uu yahay oo qudha Fidmo iyo Balaayo taas oon isaga aan looga doon iyo Daba Xumayn.

Waxayna ugu danbayntii hadalkoodii ku soo Geba Gebeeyeen in Jawaabta ay ka bixin doonaan Ficilkan uu noqon doono mid ay ka fiirsadeen Xanuunkeeduna uu ahaan doono mid meelo badan aahdiisa laga dareemo.

Waa Qawdhan Wayrax
Radio Xoriyo, Wardheer
Ogaadeenya

Sidoo Kale Jaaliyaadka Ogaadeenya ee Dibada oo Qoraalo uga soo diray Xarumahooda intii u dhaxaysay 10-17 April, 2002 ayaa Cambaarayn Dhakada kaga tuuray Ina Cigaal ficilka Foosha xun ee uu ugu gacan galiyey Dawlada Itoobiya dadka Shacbiga ahaa ee Hargeysa Geeyey Badeecooyinka.

Jaaliyaadka Ogaadeenya ee Germany,Holland,Ingiriiska,Denmark,Sweden,Norway,Finlad,Maraykanka,Kanada,Bariga Dhexe Sida Kuwati,Dooxa,Imaaraadka,Sacuudi Carabiya,Suuriya,Suudaan,Masar,Liibiya,Yemen,Kenya,Soomaaliya iyo Jabouti.

Dhamaan Jaaliyaadku waxay fariimihii ay Radio Xoriyo soo gaadhsiiyeen ku sheegeen in Talaabadan Xun ee uu Cigaal Sameeyey ay tahay mid ku cusub Taariikhda Soomaaliyeed ayna noqon doonto mid ku sii korodha Taariikhihii Mugdiga ahaa ee uu Soomaali ku dhex lahaa.

Shir Balaadhan oo 16.04.2002 ka dhacay Galbeedka magaaladda Helsinki ee dalka Finland ayaa waxaa ka soo qayb galay dadweyne aad u fara badan oo isugu jira Hooyooyin,Odayaal ,Dhalinyaro,Aqoonyahano iyo Qaybaha kale ee Bulsho weynta Ogaadeenya ee ku nool wadanka Finland ka kooban tahay.

Ulajeedada shirku waxay aheyd in la muujiyo sida bulshadda reer ogaadeeniya ee ku dhaqan Finland ay uga xun tahay xasuuqa Itoobiya iyo maamulka Hargeissa ee Cigaal ay ku hayaan bulsha-waynta Ogadeenya. Dadkii meeshaas isugu yimid waxay cambaareyn aan xad lahay u soo jeediyeen xishood darada maamulka Cigaal iyo gar-daradda aan meela loogu soo gabanin ee uu sida is-dabajooga ah ugu hayo dadka ogaadeeniya, isagoo ujeedadiisu tahay in uu labadda bulsho dhibaato ka dhex abuuro si danahissa Khaaska ah ay u fulaan. Waxayna xusuusinayaan in aysan marnaba iloobeynin dadka sida foosha xun ula dhaqma bulshadoodda taariihkduna ay sheegeyso iyadoo Buuga Weyn ee lagu keydiyo Dambiyada laga galo Halganka iyo Shacbiga Ogaadeenya Baalashiis ay Xumaatooyin badan oo Shacbiga loo geystay ka buuxdo.

Shirka waxaa qudbado aad xiiso u leh ka soo jeediyey maamulka ururka bulshadda reer ogaadeeniya ee Finland iyo X/Guud ee jabhadda wadaniga ogaadeeniya oo khad telefoon ugu waramey dadkii meeshaas isugu yimid una sheegay xaalka wadanka ogaadeeniya meesha uu marayo, isla markaa X/guud wuxuu warbixin dadka ka siiyey arinta Hargeissa.

Shirka waxaa lagu gaba-gabeeyey si qiiro badan iyadoo la balan-qaadey in hiil iyo hooba dadku taageerayo bulshadiissa iyo sidii Degaalo Ujoojeedooyin Badan laysugu diyaarin lahaa.

Wariyaha radio xoriyo ee Finland "
Waa Dhiidhi Caabi
Radio Xoriyo,Finland.

Warkii Caawa waa naga intaas Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 19 April,2002
radioxoriyo@ogaden.com

Eegana Faaladii Warka ee Ninkii Gurigiisa Kuu Diida Kaagana Ka Mamnuucan Qabteediii 2aad halkii ha inooga sii socoto.Waxaana inoo soo akhriyey Wariye Dhoodi Danwaa.

Qaybtii 2aad Ninkii Gurigiisa Kuu Diida Kaagana Ka Mamnuucan

Burburkii Dawladdii hore ee Soomaaliyeed iyo Midkii Dawladii hore ee Dhergiga ee Itoobiya ka talin jirtay ayaa wuxuu suuro galiyey in Siyaasiyiin Badan oo u dhashay Soomaali ay Itoobiya Dabada Gashadaan si ay ugu fuliyaan Danaha Burburinta ah eey ka leedahay Soomaaliya iyaguna dhankooda ugu Tiirsanaadaan.Hadaba Shirkii ay Beelaha Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ku yeesheen Magaalad Boorame Sanadkii 1993 si ay Beeldaajiye Mudo labo sano ah hogaamiya ugu Doortaan ayaa Jawigiisa markii hore wuxuu ahaa mid uuna Boos ooga banaanayn Cigaal, wuxuuna Gal Galimeysigii aan soo Sheegnay oo idil u samaynayey si Albaabka Iridaha Doorashada Beeldaajiyenimadu ugu faranto.Isagoo adeegsaday kharash Badan ooy Itoobiya soo siisay si uu uga takhaluso una Baabiżo Xisbigii Talada hayey ee SNM, kaas ooy Itoobiya Caqabad u arkaysay in uu ku yahay Qorshaha ay Waqooyi ka leedahay.

Cigaal oon wax taariikh ah ku lahayn Kacdoomadii Beelaha Waqooyigu ay soo galeen ahaana kuwa Curyaamin Jiray ka ugu weyn ayaa si lama filaan ah oon laysku wada raacsanayn halkaas uga soo baxay isagoo adeegsaday Madax Dhaqameedyada.Bulshadii yab yabka ahayd ee Talaabo qaadka ku jirtay wax qabasho uu u sameeyo daayoo wuxuu faraha u galiyey Degaal Sokeeye oo Saqiir Gawraca ka dhacay aan isagoo kale Waligiis uga dhicin aagaas.Wuxuu Burburiyey Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Meelo badan ood dhamaantiid wada og tihiin.Wuxuu Bara Kiciyey Boqolaal kun oo ahaa kuwii ka soo hoyday markaas Dagaaladii hore.Wuxuu Baabiżey dhamaan wixii Hayad Dhismo ah eey Samaysay Xukumadii isaga ka horeysay ee Abdirahmaan.Wuxuu Abuuray Utuno cusub oo ehel oo siday ku bogsoodaan ay aad u adagtahay.

Hadana intaas kuma uusan joogsanin ileen waa Cigaale waxaana isaga dhibta meel nabadi ka jirtee si uu furin kale oo hor leh u furo oo Beelo nabad ah oon balaayo kala dhex oolin uu dab ooga dhex afuufo maadaama sidii aan Qaybtii hore ee Faaladeena ku soo sheegnay uu Dabaqoodhinimo ka qortay Itoobiya ayuu durba qab qabtay 3 Oday oo u dhashay Shacbiga Ogaadeenya 27 August 1996dii iyagoo hab Ehelnimo iyo Xididtinom ku joogay Hargeysa.3dexdaas Oday oo la kaha yidhaahdo

1- Gadh Jubi
2-Abdulaahi Qaje
3-Xaliye

Ujeedada uu u qabtay 3dexdaas nin waxay ahayd labo arimood.1-In Macaaradkiisii oo inta badnayd ku jiray Gudaha Ogaadeenya si dhibaato loogu geysto falkan uu sameeyey intii isku mid lamoodo.2-Iyo mida labaad oo ahayd in uu Dhaqaale iyo Hub uu kula dagaalamo Macaaradkiisa kaga heli Itoobiya.Waxaa nasiib Daro Weyn ku ah Ina Cigaal iyo Intii Itoobiya u dhiibtay 3dexda Oday in Maanta labo ka mid ah ay Banaanada Ogaadeenya ku laafyoonayaan iyagoo og Bohoshii Cigaal ku tuluuray

Waxaa dad badani isweydiiyaan Suaalo badan ooy ka mid yihiin war ninka da“uma dhimanee Sow ma Qaan Gaandho.Taas ooy ooga jeedaan sida aan arki jirnay haddii uu qofku gaadho amaba ku dhowaado meesha uu Cigaal joogo in uu ka waantoobo waxyaalo badan ooy kow ka tahay Dabaqoodhinimadu.Waxaa laga hayaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Waxyaalaha aan u xidhay Cigaal waxaa ugu weyn isagoon Wadani ahayn.Gen.Caydiidse waa wadani ka soo hor jeeda Kacaanka.Waxaa iyadana Maalin Dhoweyd Saleebaan oo ka mid ah raga Caanka ka ah Siyaasadda Soomaaliya laga uu BBC-da Laanfa Af-Soomaaliga u sheegay in Maxamed Siyaad Barre uu wax dhisay ee Kani Dal iyo Dad toona cidi ka dhaxli Mayso.

Iyadoo ay Faaladdii wali socoto Qaybtii 2aadna Caawa halkaas ha inoo joogto.

Diyaariye

Abdi-Sayid Yuusuf

radioxoriyo@ogaden.com


Dhegeyso warkaan oo Cod ah


WARARKA OGADEENYA:
April.19.2002 | April.17.2002 | April.12.2002 | April.9.2002 | April.5.2002 | April.2.2002 | March.29.2002 | March.26.2002 | March.22.2002 | March.19.2002 | March.12.2002 | Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety