Make your own free website on Tripod.com
S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 Khartuum GUJI..
LETTER FROM OGADEENYA
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia) Read here

G O L E
Golaha Beesha Kablalax GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...
MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA OGAADEENYA
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya

Warkii Radio Xoriyo
16 April, 2002

Warka Madaxdii

· Shir Balaadhan oo Lagu Taageertayo Halganka Shacbiga Ogaadeenya oo ka dhacay Toronto.

· Gudi Farsamo oo Halganka Taageerta oo laga Sameeyey London

· Dadkii lagu qab qabtay Hargeysa oo Qaar ka mida la keenay Jig-Jiga.

Wariyaha Raadiyo Xoriyo ee Wadanka Canada ayaa soo diray dhambaal ku saabsan Shir weyn oo maaalintii Sabtida ee 13 April, 2002 lagu qabtay Magaalada Toronto ee dalka Canada. Sida wariyuhu noo soo sheegay waxaa shirka ka soo qaybgalay dad aad u badan oo ka mid ah Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Canada. Waxaa warbixin dheer shirka ka jeediyey Xildhibaan Bashir Axmed Makhtal uu ku faahfaahinayo duruufta adag ee shacabka Ogaadeenya maanta ku jiro iyo heerka uu halganka Gobonimadoonku marayo. Markii uu Xildhibaan Bashir Ahmed Makhtal ka hadlayey dhibaatada aan iyadda oo kale la arag ee Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya ku hayo Shacabka Ogaadeenya Dadweynihii Soomaaliyeed ee shirka ka soo qayb galay waxaa ka muuqatay wajigooda murugo, waxayna balan qaadeen inay walaalahood hiil iyo hooba la garab istaagayaan.Wuxuu Xildhibaanku ka hadlay in waxyaalaha horumarka ah ee Itoobiya sheegto ayna waxba ka jirin. Wuxuu khudbadiisa tusaale ugu soo qaatay 48 degmo oo dalk! a Ogaadeenya ka kooban yahay in 6 degmo oo keliya ay hal hal Dugsi ka furan yihiin. Taasina ay la xidhiidho Siyaasadeeda ah inay Shacabka aqoonta kala dagaalanto dhinacayada kale ee noolasha bulshadana Cidhiidhi laga geliyey oon wax horumar ah loo ogolaanin. Wuxuu xildhibaanku intaa ku daray in waxaas oo Cabudhin ah dadka loogu sameynayo si loo hor istaago halganka gobonimadoonka, hase ahaatee ay maalinba maalinta ka dambaysa kacdoon ka sii qaadayaan.Dhagaystayaal Khudbadii uu Bashiir ka jeediyey Shirkaas waxaad ka dhegaysan doontaan barnaamij gaar ah oo Radio Xoriyo ka diyaariyey.

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Wadanka Ingiriiska Gaaweeye Uurdoox ayaa soo sheegay in Jaaliyadda Ogaadeenya ee ku nool dalka Ingiriiska shir degdeg ah ku qabatay magaalada London kadib dhacdadii foosha xumayd ee maamulka Hargaysa Itoobiya gacanta u geliyey dad shacab ah oon wax galabsanin. Shirkaas waxaa ka soo qayb galay aqoonyahano farabadan iyo madaxdii Jaalliyadda. Wuxuu wariyuhu soo sheegay in ka soo qaybgalayaasha shirka xamaasad iyo qiiro badan ka muuqatay.Sida wariyuhu noo soo sheegay markii la qiimeeyey daruufta adag ee shacabka Ogaadeenya ku jiro iyo halgankooda gobonimadoonka ah, xaqiiqsadeena dadka shacbiga ah ee Maamulka Cigaal u dhiibay Itoobiya waxaa la go’aansaday qodobadan:

1. In la xoojiyo halganka Gobonimadoonka ah taageerona la siiyo Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya

2. In Xooga la saaro dhaqaale uruurin mid Gurmad ah iyo midkii aasaasi ah.

3. In abaabul balaadhan lagu sameeyo hawlaha halganka iyo Dadweynaha ku nool Wadankaas sidii ay kaalintooda u buuxin lahaayeen.

Si go’aankaas loo fuliyo waxaa shirka laga doortay guddi farsamo oo hawlahaas loo xilsaaray.Eeggana wariyaha Radio Xoriyo Dhiidhi ayaa arrimaha shirka ka wareysanaya C/hi Maxamed Sacdi oo ah odayaashii shirka soo qabanqaabiyey ahna Madaxweynihii ugu horeeyey ee waxa ay Itoobiya ku magacowdo ismaamulka 5aad Ogaadeenya. Waraysigiina waa kan ee dhegaysi wacan. Haye Dhiidhi.

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo Warama Jig-Jiga Kooshin Sugule ayaa inoo soo sheegay dadkii Maamulka Cigaal Itoobiya u soo gacan geliyey in la keenay Jig-Jiga.Dadkaas oo sida wariyuhu soo sheegay taradoodu tahay 27oo ka mid ahaa in ka badan 170 qof oo lagu qab qabtay Hargaysa ayaa 14 April 2002 la keenay Jig-Jiga. Dadkaas oo dhamaantood Shacbi ah oo isugu jira rag iyo haween waxaa lagu xidhay Saldhiga Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya ee Garab Case ee ku yaala Magaalada Jig-Jiga. Waxaa iyana laga walwalsan yahay kuwa ku hadhay xabisyada Hargaysa in iyana Itoobiya lagu soo wareejiyo taas oo ah sababta markii horeba loo qabqabtay. Wuxuu wariye Suguule noo soo sheegay in dadweynaha ku nool Magaalada Jig-Jiga dareenkooda arintaas ku saabsan aad u kacsan yahay. Wuxuu dadku ka xanaaqsan yahay fal xumada iyo cadowtinimada Cigaal iyo wixii ay isku aragti yihiin. Waxaa la sheegay in dadkaas xidhan la soo mooraduugtay oo maalkoodii laga dhacay. Wuxuu wariyuhu soo sheegay in d! adku wax kale hadal haynin waxayna qaarkood leeyihiin “ haddii ina Cigaal cirka soo dumiyo meeshu ka galo ayaano ka geli”. Qaar kalena waxay leeyihiin”dhiil buuxa iyo mid madhan haddii laysku dhufto midaka buuxa ayuu wax ka daadan”. Taas oo macnaheedu yahay shacabkan Gumeysiga ku jira wax ka daadanaya ma jiro.

Warkii Caawa waa naga intaas.

Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 16 April, 2002
radioxoriyo@ogaden.com

Eegana ku soo dhawaada Faaladii Warka.Faaladeena warka ee Caawa waxaa halku dhigeedu yahay Ninkii Gurigiisa kuu Diida Kaagana ka Mamnuucan.Waana Faalooyin dhawr ah oon Maanta idiin soo daynay Qaybtii 1aad.Waxaana soo diyaariyey Abdi-Sayid Yuusuf waxaana inoo soo akhriyey Dhoodi Danwaa.

Ninkii Gurigiisa Kuu Diida Kaagana Ka Mamnuucan

Walaalayaal ku soo dhawaada Faalooyin ku saabsan Duruufihii kala duwanaa ee uu soo maray Halganka Shacbiga Ogaadeenya iyo Ujeedooyinkiisii rasmiga ahaa.Ogaadeenya waa dhul Soomaaliyeed oo ku jira Gacanta Gumeysiga Itoobiya,Shacbiga Dhulkaas degena isir ahaan waa dad Soomaaliyeed, waa dhul ku yaala Geeska Afrika inta u dhaxaysa Jamhuuriyada Soomaaliya,Jamhuuriyada Jabuuti, Mida Kenya iyo Shacbiga Oramada oo xadad kala leh Jahooyinka Barri,Waqooyi,Koonfur iyo Galbeedka siday u kala horeeyaan.Baaxadda dhulka Ogaadeenya waxaa lagu qiyaasaa ilaa iyo 560,000 Km oo Laba Jibaaran.Waa dhul hodan ku ah hantida uu Eebe ku manaystay Geyigiisa sida Xoolaha oo nooc walba leh,Beeraha, Badrool iyo Macdano kala duwan oon wali la xaqiijinin noocooda in kastoo loo badiyo in uu Dahab ku jiro.

Shacbiga Ogaadeenya wuxuu ku jiraa Halgan adag ooy bilaabeen Xili hore oo Eega laga joogo ilaa iyo 107 sano ka hor wakhtigaas oo wadamo badan oo Xoriyad haatan hadhsanaya ayna Baraarugin iyadoo lagu tilmaamo Halganka Shacbiga Ogaadeenya mid ka mida halgamada Jira kuwa ugu Guunsan.Waxaana farta lagu fiiqaa in Gumeystayaashii Caalamiga ahaa ay Ciqaab ooga dhigeen Shacbigan maadaama ay ahaayeen kuwii oogu horeeyey ee Baraarugay isla markaana Dhiigooda ku daadiyey Geyiga Soomaaliyeed.

Halgamaddii uu Shacbigu soo maray oo magacyo kala duwan ku socday waxay kuligood ka sinaayeen iyagoo waday hal fariin oo isku mid ah taas oo ahayd in uu Shacbiga iska dul qaado heeryada Gumeysiga Itoobiya iyo Kuwii kale eey la wadaageen Shacbiga Soomaaliyeed.Waxaa Xusid mudan in intii ka horaysay Juun 26dii ilaa 01 Julay, Sanadkii 1960-kii ay Dhamaan Halgamaddii Xoriyad Doonka Soomaaliyeed ahaayeen kuwa isku mid ah xiligaas oo labadii Gobal ee Soomaaliyeed ee Xoroobay uguna horeeyey ay ahaayeen Koonfur iyo Waqooyi kuwaas oo Xisbigii Leegada ee Ururka Dhalinyaradda Soomaaliyeed SYL ay Xoriyada Gaadhsiiyeen.

Xorowga labadaas Gobal ee Koonfur iyo Waqooyi wuxuu badalay Jawigii Xoriyad Doonka Soomaaliyeed oo kolkii hore ahaa mid siman waxayna Ogaadeenya oo ka mid ahayd Meelaha uu Halganku sida Xawliga ah ooga socday ay Dedejiyeen Halgankoodii iyagoo ku dhiiraday Guusha ay Gaadheen Walaalahooda ay Halganka ku wada Jireen islana wadeen labada dhinacba.Wuxuu Shacbigu ku dhaqaaqay in uu ku hawl Galo Dhidibadana u aaso Xisbigii ugu horeeyey ee si gooniya loogu Sameeyey in uu Xoriyad Gaadhsiiyo Ogaadeenya kaas oo la odhan Jiray Rasrulaahi, laga bilaabo Halgankaas wuxuu Shacbigu gudoonsaday in uu wado Halganka ilaa ay ka hananayaan Xorad Taam iyagoo ku soo jiray Halgamadii kala ahaa Xisbigii Xoreynta Ogaadeenya OLF, Xisbigii Dhalinyarada Ogaadeenya,OYL iyo Jabhaddii Gobanimo Doonka Soomaali Galbeed WSLF iyo kuwo kale iyadoo Jabhadihii Xisbigii Xoreynta Ogaadeenyan OLF iyo Jabhaddii Gobanimo Doonka Soomaali Galbeed WSLF ay ahaayeen kuwii ay Halgan Xabad ah oo Hubaysan isaga hor yimaadeen G! umeysiga Itoobiya iyagoo Xoreeyey 80% iyo 95% siday u kala horeeyaan.

Waxaa Xusid mudan in Shacbiga Soomaaliyeed Guud ahaan iyo Dawlahoodii kala duwanaaba ay iyaguna Kaalin Muuqata ka soo qaateen Halgamadii Xorid Gaadhsiinta Shacbiga Ogaadeenya.Dhanka kale waxaa waligoodba jiray Siyaasiyiin u dhashay Soomaali oo xidhiidh la lahaa Gumeysigii hore ee Soomaaliyeed iyo Midkan hada taagan ee Itoobiya kuwaas oo neceb Xoriyada, Jiritaanka iyo Xooga Soomaaliyeed.Raga Farta aad loogu godo waxaa ugu horeeyey Maxamed Ibrahin Xaaji Cigaal.Isagoo kow ka ah ragii Soomaali u dhashay ee uu sida Goonida ah wax u baray Gumeysigii Soomaaliyeed iyadoo Daraasaddo Gooniya la siiyey.Cigaal dad aqoon Shaqo iyo Mid Shaqsi ahaanba u yaqaana waxay ku sheegeen in uu yahay nin aad u neceb Qaranimadda,Midnimadda iyo Hor u Marka Soomaaliyeed waxayna ku tilmaameen in uu yahay nin ay ka buuxdo Xumaan,Nacayb iyo Fidno.

Marka dib loo eego taariikhihiisii hore ee Mugdiga ahayd xiligii isu taga Koonfur iyo Waqooyi isagoo ka mid ahaa Waftidii Waqooyi wuxuu hadana ahaa kii kaliya ee Diiday in ay labada Gobal isku darsamaan.Wuxuu Koonfur markuu tagay ka bilaabay Balaayooyin aan horay looga aqoonin isagoo aabo u ah Fidmada Soomaali oo dhan wada Olalisay ee Qudhac,Qansax,Qaydar,Maygaag iyo Bisiq.Wuxu ku guulaystay in uu Koonfur ka abuuro dad uu Dhukaamiyey si uu ugu guuro.Waxaa lagu tilmaamaa in Balaayooyinka uu abuuray ay ahayd mida ugu wayn oo dhalisay Kacaankii 1969-kii ka dhashay Soomaaliya ee Madaxda ka ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliyeed Gen.Mohamed Siyaad Barre.Markii Dawladii hore ee Soomaaliyeed ay dhaqaaqi wayday ee Qaranimadii halis gashay.

Hadaba markii Qaranimaddii Soomaaliyeed ay burburtay Sanadkii 1991kii ee uu Ina Cigaal arkay in uu waagu ku baryey oo la wada fahmay meel banaana oo cadna uu dhag ku soo yidhi ayuu hadana Gedo kale ragay ineen waa Cigaale oo uu is yidhi bal maad Waqooyi ka soo baxdid isagoo hadal labo Ujeedo leh Adis-Ababa kaga dhawaaqay sanadkii 1993dii kaas oo ahaa Anagu Hadaan Nahay Reer Waqooyi Waxaanu ka Hadhnay Riyadii Dhimatay ee Soomaali Weyn.Hadalkaas wuxuu fariin Barasho oo Dabaqoodhinimo ugu dirayey Gumeysiga Itoobiya oo uu ku tusayey in uu Diyaar u yahay in uu u shaqeeyo haddii ay Dirsadaan.Ta kalena waxay ahayd isagoo rabay in uu dad kale ku soo jiito.Waxaa kale oo iyaduna la yaab lahayd Hadal Kale oo uu ka yidhi Shirkii Adis-Ababa ee Soomaalidu Isugu timid Sanadkii 1993dii kaas oo isagoon laga filayn ileen Waa Cigaale ka yidhi Cidii Diidan Somaliland Waxay ku baabí Hawada.

Marka Hadaladaas la fiiriyo waxaad markiiba garan kartaan Xumaanta iyo Nacaybka ka buuxa Cigaal in ay yihiin kuwo ayna fari ka qodnayn Beesha uu Madaxda u yahayna haddii ay sii eegtaan uu Dhaxal Siin Doono Dhibaatooyin ayna ka dabaalan doonin bogsiintooda.Waxaana Maalinba Maalinta ka danbaysa soo ifbaxaya fal xumada uu ka samaynan yahay ee wax ka Daahirin kara ayna Jirin.

Dhegeystayaal iyadoo ayna Faaladii Fari ka qodnayn Qaybtii 1aad Caawa halkaas ha inoo Joogto.

Diyaariye

Abdi-Sayid Yuusuf

radioxoriyo@ogaden.com


Dhegeyso warkaan oo Cod ah


WARARKA OGADEENYA:
April.17.2002 | April.12.2002 | April.9.2002 | April.5.2002 | April.2.2002 | March.29.2002 | March.26.2002 | March.22.2002 | March.19.2002 | March.12.2002 | Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety