S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 Khartuum GUJI..
LETTER FROM OGADEENYA
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia) Read here

G O L E
Golaha Beesha Kablalax GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...
MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA OGAADEENYA
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

»RAYS : C/majiid waa adeege fuliya danaha Itoobiya
» WALWAL: Muqdisho iyo maqala Mid Raac
» RA'YI: Ma Taqaan Cigaal iyo Cabdi Majiid


Wararka Ogaadeenya

Warkii Radio Xoriyo
09 April, 2002

Warka Madaxdiisii

· Ururkii Samafalka Ogaadeenya AWS oo Albaabada loo Xidhay

· Dad u dhashay Ogaadeenya oo shacbi ah Tiradooduna ay 63 qof kor u dhaafayso oo lagu xidh xidhay Magaaladda Hargaysa

· Jaaliyadda Ogaadeenya ee Finland oo Qabatay Shir Sanadeedkeedii Caadiga ahaa

· Ururka Nabadaynta Soomaaliyeed oo ku eedeeyey Itoobiya hubka ay ku dal dasho Soomaliya.

Warkii oo faahfaahsan

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo Warama Magaaladda Adis-Ababa Qamaan Xirsi ayaa inoo soo sheegay Warar naxdin leh oo sheegaya in 6 April 2002 albaabada loo xidhay Ururkii Samafalka Ogaadeenya AWS.Ururkani wuxuu ahaa ka kaliya ee ka shaqeeya Ogaadeenya iyada ooy Itoobiya horay ooga mamnuucday Ururadda Samafaladda Caalamiga ah iyo Kuwa Gobaladuba in ay si Xor ah Ogaadeenya ooga shaqeeyaan

AWS oo in badan loo geystay dhibaatooyin farara badan waxaa jirtay dhawr jeer oo hore in la xidh xidhay madaxda Ururkaas maamusha kuwaas oo hawlo la taaban karo oo baniáadamnimo ka qabtay Ogaadeenya.Hawlaha ay qabteen ooy ka mid ahaayeen Dhisida Dugsiyo Waxbarasho, Quudinta Xarumaha Dhalaanka iyo Dad badan oo ku soo bara kacay Abaarihii Kal hore,Qodida Ceelal Badan oo laga hir galiyey Ogaadeenya oo idil,Dhisida Isbitaalo iyo Adeegyo kale oo muhiim u ah bulshada.

Gudoomiyihii hore ee AWS Dr.Mohamed Gaani ayaa mudo hore lagu xidhay Magaaladda Adis-Ababa iyada oo dhibaatooyin fara badan loogu geystay Xabsiga.Sidoo kale waxaa ciqaab la mid ah midaas ka fakaday intii ayna qabanin Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya bishii May 2001 Afhayeenkii AWS Mohamuud Ugaas Muhumed kadib markii uu Wakaaladaha Wararka ee Caalamiga ah siiyey warar xaqiiqo ah oo ku salaysan Xaalada Dhabta ah ee uu Shacbiga ku sugnaa xiligii Abaartii April 2001 iyo Rajo Laáanta Itoobiya oo doonaysay in ay ku madhiso Shacbiga u tabaalaysnaa.

Sida ay sheegayaan warar naga soo gaadhay Magaaladda Hargeysa ee Gobalka Waqooyi Galbeed Soomaaliya waxaa Xukumada ina Cigaal ay ku xidh xidhay 06 April 2002 dad gaadhaya 63 qof oo u dhashay Shacbiga Ogaadeenya kuwaas oo ahaa Safaro Xoolo,Subag,Hargo iyo Xabag geeyey Hargeysa oo u ahaan jirtay Xarun Ganacsi.

Qab qabashada Safrahan ka yimid Ogaadeenya ayaa hor u dhac u ah Amarka ay Itoobiya ku soo amartay Ina Cigaal in uu hir galiyo Siyaasadda Gumeysiga Itoobiya taas oo Hubka isugu dhiibaysa dadka Shacbiga ah ee Walaalaha ah si iyada looga jeedsado.Ina Cigaal oo dhawr jeer oo hore isku dayey in uu falal noocaas oo kale ah ka hir galiyo Waqooyi Galbeed iyo Ogaadeenya isagoo dad Shacbi ah Qab qabtay una dhiibay Itoobiya kuma uusan guulaysanin Dabkuu afuufayey in uu huro.

Siyaasiyiin u dhashay Waqooyi Galbeed Soomaaliya oo uu Radio Xoriyo kala xidhiidhay arintaas waxay sheegeen in arintan tahay mid kali ku ah Ina Cigaal ayna og yihiin falalka uu ku kacayo iyo Cawaaqib xumada ka imaan karta intii tabartooda ahna ay ka hor tagayaan.Ina Cigaalna Hagardaamooyinka iyo Fidmooyinka uu wado ay yihiin kuwo saameeyey Dhamaan dadka Soomaaliyeed ooy ku jiraan reer Wayooyi Galbeed.

Wariyha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Wadanka Finland Shabeel Raage ayaa inoo soo diray dhambaal Xambaarsan Shir ujeedadiisu ahayd Abaabulka Shabiga Ogaadeenya iyo Kor u qaadiida Halganka oo ka dhacay Wadanka Finland.

Jaalliyadda Ogaadeen ee ku nool dalka Finland ayaa yeeshay shir sanadeedkoodii Caadiga ahaa 5 April 2002 kaas oo ka dhacay Magaalo Madaxda Finland Helsink.Shirkaas oo guul ku dhamaaday kadib markii laga dooday Qodobo badan oo dhamaantood ku saabsanaa Hirgalinta Halganka Shacbiga, waxaa ugu danbayntii ka soo baxay qodobadan.

· In la laban laabo kaalinta ay halganka kaga jirto Jaaliyadda Ogaadeenya ee Finland.

· In dadka iyo dawladda Finland laga dhaadhiciyo dhibaatada ay Itoobiya ku hayso shacabka aan wax galabsanin ee Ogaadeenya.

· In la xoojiyo wada shaqaynta iyo isku xidhnaanta Jaalliyadaha Ogaadeenya ee ku nool dalalka dibadda gaar ahaan Yurub iyo Waqooyi Amerika.

· In kor loo qaado Tayada Xubnaha Jaaliyadda iyo Unuga Jwxo, ee Finland.

· In Cid walba oo u dhalatay Ogaadeenya kuna nool Finland ay kaalinteeda halganka ka buuxiso
Iyo Qodobo kale oo dhamaan Khuseeyey Geedi Socodka Halganka Shacbiga Ogaadeenya.

Addis Ababa oo loogu yeeray inay joojiso hub ay ku dal-dalayso Dawlad Goboleedka Puntland (DGPL)

Ururka Nabadaynta Soomaaliyeed SPR ayaa Warsaxafadeed uu soo saaray 06 April, 2002 kana soo baxay Magaaladda Gaalkacayo, ku eedeeyey Dawladda Itoobiya in ay Hub iyo Qalab Milatari ku soo dal dalayso Soomaaliya, kaas ooy soo siinayso kooxa ay taageerto.Warsaxafadeedkaas oo looga hadlay arimo badan waxay ku bilaabeen.

Waxaa ah wax had iyo goor lala yaabo dhawaaqa Dawladda Itoobiya inay raadinayso xallinta arrimaha Somaliya iyadoo isla markaasna hub ku dal-dalaysa qaar ka mid ah gobollada Somaliya, oo ay ugu dambeysay Dawlad Gobaleedka Puntland.

Waxaa hubaal ah in Dawladda Itoobiya ay lixdii bilood ee u danbaysay ay dhowr jeer hub iyo rasaas soo siisay xubnaha ay taageerto,Hubkaas oo badankiisu soo galay xiligii ay oogned xasardii Tastuuriga ahayd DGPL.

Ma aha hub iyo rasaas oo kaliya ee waxay dawladda Addis Ababa ay soo gelisay cutubyo ka tirsan ciidankeeda xaduudka Somaliya, ayadoo ay markii u dambasay fadhiyeen Garoowe muddo bil ka badan, kuwaasoo ka baxay halkaas gelin ka hor markii uu furmayey shir-madaxweyneedkii IGAD ee Khartoum, bishii 1aad ee sannadkaan.

28kii bishii Maarso 2002, waxaa Golaha Amnigu soo saaray baaq ay ku muujinayaan walaaca ay ka qabaan Hubka ay wadamada darisku ku soo daldalayaan Soomaaliya

Goluhu waxuu Dawladaha dariska ooga digay inay si wanaagsan u dhaqan geliyaan go'aankii hub ka xaaramaynta (Somaliya) ee tiradiisu ahayd 733, lana gaaray 1992, sidoo kale in loo soo sheego guddiga ay khusayso wixii war ah ee ku saabsan jabinta go'aankaas".

Isla waaberiga maalintii 29 Maarso 2002, waxaa magaalada Gaalkacyo soo galay raxan baabuur ah oo sida Hub iyo rasaas ay Itoobiya soo siisay Co.Abdulahai Yusuf si uu ugu wax yeeleeyo maamulka Tastuuriga ah ee Dawlad Gobaleedka Puntland.

Waxay SPR ugu yeeraysaa UNka, OAU, IGAD, OIC iyo Jamacadda Carabta inay xukuumadda Addis Ababa kala xisaabtamaan ficillada hub ku shubidda ee ay ka waddo Somaliya. Waxaannu sidoo kale Itoobiya ugu yeeraynaa inay ogaato in daris wanaaggu dan u yahay Itoobiya iyo reer Puntland

Intaas waxaan ooga gudbaynaa Warsaxafadeedkii ka soo baxay Ururka Nabadaynta Soomaaliyeed SPR.

Warkii Caawa waa naga intaas.

Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 09 April, 2002

radioxoriyo@ogaden.com


Dhegeyso warkaan oo Cod ah


WARARKA OGADEENYA:
April.9.2002 | April.5.2002 | April.2.2002 | March.29.2002 | March.26.2002 | March.22.2002 | March.19.2002 | March.12.2002 | Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety