S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 Khartuum GUJI..
LETTER FROM OGADEENYA
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia) Read here

G O L E
Golaha Beesha Kablalax GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...
MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA OGAADEENYA
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Cabdul-Majiid Ma Soomaali Mise Argoba? GUJI.LINK
waa link ka baxsan SomaliTalk
"Arimaha Soomaali Galbeed ama Soomaalida Itoobiya waxa ay khuseysaa Soomaalideena halkaan deggan, cidkale ma khusayso" Dr.Cabdul-Majiid Xuseen Safiirka Itooobiya ee UNka, 26/3

Waxaa kale oo kamida waraysiga radio Sagal in C/Majiid sheegay qodobadan.

  • Xuquuq nagamaqan majiraan (Shacabka Soomaalida Itoobiya)
  • Kuwa sheeganaya ONLF, horta hadii umad Soomaaliyeed loo halgamayo waa in la qaato magac Soomaaliyeed
  • Hadii codka 51(%) soomaalida Itoobiya doonayaan in ay ka go'aan itoobiya way ka go'i karaan
  • Waxa ay qorayaan (ONLF) waxba kama jiraan, waana in dadka (dibadaha) loo sheegaa, horta Sannadihii ugu dambeeyey ciidan Itoobiyaan oo meesha ku dhintay majiraan, xabadaha ay furaan (ONLF) shacab Soomaaliyeed ayaa ku dhinta, waana in ay ka jawaabaan.
  • Waxaan u jeedaa (in ay argagixiso yihiin) kuwa looghu yeero (OLF) Oromo Libration Front.
  • Shirka Kenya ee Soomaalida waan taageersanahay.

Wararka Ogaadeenya

Warkii Radio Xoriyo
05 April, 2002

Warka Madaxdiisii

· Wakiilka Jwxo, ee Holland oo ugu baaqay jaaliyadaha Ogaadeenya , ee Dibadaha inay Dedaalkooda Kordhiyaan.

· Maxkamado Ciqaabo oo Laga Sameeyey Magaaladda Jig-Jiga, Xarunta Maamulka ay Itoobiya ka Samaysatay Ogaadeenya

Warkii oo Faahfaahsan

Waraysi uu Radiyo Xoriyo la yeeshay 04 April, 2002, Wakiilka Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya ee Wadanka Holland, Abdulahi Adheys Dhicis (Ayaanle) ayaa sheegay in marka la fiiriyo meesha uu halganku ka marayey Wadamada Yurururbta Galbeed April, 1990-Kii Xili Waxoogaa ka horeeya Sanadahaas uun laga bilaabay Dhaq Dhaqaaqa Halganka Shacbiga Ogaadeenya, uu Halganku ka gaadhay Guulo Dhincacyo Badan ooy ka mid yihiin Siyaasadda,Abaabulka,Faafinta Qadiyadda,Saxaafadda,Aqoonsiga iyo Xaalado kale oo Kal Kaaliya Xawliga Halganka.

Wakiilku wuxuu sheegay in Yururbta Galbeed halganka Gobonimadoonka Shacbiga Ogaadeenya haatan si fiican uga oogan yahay, taas oo ku timid dadaalka hawl wadeenadii iyo masuuliyiinta Jaalliyadaha. Maanta waxaan dhihi karaa Bulshadeenu Guulo aan la soo koobi karin ayey ka gaadhay Dhinacyo badan oo muhiim u ah Geedi socodka Halganka Shacbiga. Wuxuu wakiilku sheegay inay jiraan guddiyo Jaaliyaad, Ururo Bulsho, sida Hooyooninka, Dhalinyaradda, Ardayda iyo Kuwo Xuquuqul insaan oo midiba ay Jaho u qeexan ku dhaqaaqday.

Waxaa kale oo uu wakiilku sheegay in uu Jiro Qorsho Dhamaystiran oo Halganka kor loogu qaadayo ooy ka bilaabi doonaan Xiliyada inagu soo fool leh Wadanka Holland kaas ooy ka hir Galin doonaan Jaaliyadda Ogaadeenya ee deggan Wadanka Holland iyagoo waligoodba Kaalin Muuqata kaga jiray Halgankooda xaqa ah sameeyeyna Xusuuso wax ku ool ah oo kor u qaaday Qadiyadda.

Wakiilku wuxuu Dhamaan Shacbiga Ogaadeenya ee Dibadaha ku nool ugu baaqay in ay labo mid uun noqdaan:

1-Ku u adeega Bulshada iyo Naftood Hurayaasha Waajibka lama huraanka ah ka wada Ogaadeenya, oo ka Matala Dhan Walba.

2-Iyo kuwo Fuliya Jaangooyo kasta oo lagu soo qoondeeyo

Taas oon ugu danbaynta isugu imaan doono Hadafka aan hiigsanayno.Sidaasna Waxaa hadalkii ku soo gunaanaday Abdulahi Adheys Dhicis(Ayaanle) oo ah Wakiilka Jwxo, ee Wadanka Holland.

Sida uu noo soo sheegay Wariyaha Raadiyo Xoriyo taliska Itoobiya ayaa ku amray Maamul ku sheega Jig-Jiga inuu sameeyo waax si goonaya Maxkamad u saarta Shacbiga Ogaadeenya ee lagaga shakiyo in ay taageeraan Jwxo, ee hadda ku jira Xeryaha Milatariga dul gawriira Ogaadeenya. Qorshaha sameynta maxkamadda gaar ah ee la saarayo cid kasta oo lagu tuhmo inay taageersan tahay ama ka tirsan tahay wuxuu bilowday bishii Jan. 2002.

Wuxuu wariyuhu noo sheegay inay u eg tahay in sharcigaas gaarka ah lagu qaadi doono 43dii maxbuus ee in muddo ahba ku xidhnaa maagaalo madaxda gobolka Qoraxay ee Q/Dahare haddana loo soo wareejiyey magaalada Jig-Jiga markii ay maxkamadda Q/Dahare wax dambi ah ku wayday.

Waxaa jira Warar kale oo Sheegaya in maxaabiix kale laga soo qaadayo Magaalooyinka Wardheer,Dhagaxbuur,Godey iyo Meelo kale si oo la keenayo Jig-Jiga si loola tiigsado xukunkaas sharci darrada ah.

Kooshin Sugule
Radio Xoriyo,Jig-Jiga.

Warkii Caawa waa naga intaas.
Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 05 April, 2002

radioxoriyo@ogaden.com


Dhegeyso warkaan oo Cod ah


WARARKA OGADEENYA:
April.5.2002 | April.2.2002 | March.29.2002 | March.26.2002 | March.22.2002 | March.19.2002 | March.12.2002 | Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety