S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 Khartuum GUJI..
LETTER FROM OGADEENYA
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia) Read here

G O L E
Golaha Beesha Kablalax GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...
MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA OGAADEENYA
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

"Arimaha Soomaali Galbeed ama Soomaalida Itoobiya waxa ay khuseysaa Soomaalideena halkaan deggan, cidkale ma khusayso" Dr.Cabdul-Majiid Xuseen Safiirka Itooobiya ee UNka, 26/3

Waxaa kale oo kamida waraysiga radio Sagal in C/Majiid sheegay qodobadan.

  • Xuquuq nagamaqan majiraan (Shacabka Soomaalida Itoobiya)
  • Kuwa sheeganaya ONLF, horta hadii umad Soomaaliyeed loo halgamayo waa in la qaato magac Soomaaliyeed
  • Hadii codka 51(%) soomaalida Itoobiya doonayaan in ay ka go'aan itoobiya way ka go'i karaan
  • Waxa ay qorayaan (ONLF) waxba kama jiraan, waana in dadka (dibadaha) loo sheegaa, horta Sannadihii ugu dambeeyey ciidan Itoobiyaan oo meesha ku dhintay majiraan, xabadaha ay furaan (ONLF) shacab Soomaaliyeed ayaa ku dhinta, waana in ay ka jawaabaan.
  • Waxaan u jeedaa (in ay argagixiso yihiin) kuwa looghu yeero (OLF) Oromo Libration Front.
  • Shirka Kenya ee Soomaalida waan taageersanahay.

Wararka Ogadeenya

Radio Xoriyo
Maarso 29, 2002

· Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo xadhig iyo xasuuq kula kacay meelo badan oo Ogaadenya ka mid ah

· Madaxwene kuxigeenka Bankiga Ganacsiga Itobiya oo baxsaday

· Jabuuti oo shirkada Quwadda Korantada ee Itoobiya ka mamnuucday in ay dalkeeda wax la xidhiidha kiimadakada kala soo degto.

Wariyaha Radio Xoriyo ee arimaha bulshada Maryama Ruun Liibaan ayaa noo soo tabisey Dhambaal Xambaarsan xadhig iyo xasuuq ay Ciidamada Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya kula kaceen meel badan oo Ogaadenya ka mid ah. Dhibaatooyinkii ugu danbeeyey waxay ka kala dhaceen goobahan.

Bishan Maarso 15, 2002 waxaa Fiiq oo ah Magaalo Madaxda Gobolka Nogob lagu xidhay Xasan Abdi Mahd.

Sidoo kale isla taariikhdaas kor ku xusan waxaa magalaada Dig oo ka mid ah Gobolka Dhagaxbuur lagu xidh xidhay dadkan kala ah.

1. Shariif Cabdullaahi Kaafi
2. Shariif Axmed Nuur
3. Shariif Shukri Shariif Axmed Nuur
4. Badri Xaaji Jaamac

Waxaa kale oo isla bishan Maarso 15, 2002 magaalada Galadiid ee Gobolka Qoraxey lagu xidh xidhay dadkan.

1. Cadde Axmed Sulub
2. Kaad Cabdi Salaan
3. Saynab Ugaas Bedel
4. Cabdullaahi Axmed Urur
5. Mood Maxamed Nuur
6. Faadumo Ciilmooge
7. Cabdulaahi Xasan Xirsi
8. Khaliif Nuur Weli
9. Iyo kuwo kale oo badan oo aanan hada magacyadooda haynin

Isla taariikhdaas waxaa Magaalada Caado oo katirsan Gobolka Doolo lagu xidh xidhay laba islaamood oo da’a kuwaas lagu kala magacaabo: Kinsi iyo Dahabo Cabdi Aaden, islaamaahs oo lagu eedeeyey in gabdho ay dhaleen guursadeen xubno ka tirsan JWXO.

Waxaa kale oo bishan Maarso 15, 2002, Magaalada Birqod lagu xidh xidhay dadka kala ah.

1. Bedel Siyaad Fidhin
2. Maxamed Caydiid Kilaas
3. Cali Muumin (Cali Qodhob)
4. Cabdi Faarax (Cabdi Ilow)

Isla Magaladaas Biqod waxaa taariikhdu markay ahayd bishan Maarso 10, 2002, lagu xidh xidhay.

1. Maxamed Cali Xasan
2. Axmed Maxamed Faarax

Sidoo kale waxaa Magaalada Garbo isla taraiikhdaas lagu xidhay,

1. Geele Ismaaciil Galoon
2. Nuur Cabdi Maxamed oo laga dhacay 20.000 00 Birka lacagta Itoobiya ah. Lacagtaas oo uu ka soo shaqeystay Sacuudi Carabiya oo uu mudo ku noolaa.

Dhinaca kale magaalada Geri go’an oo ka tirsan Gobolka Qoraxay ayaa waxaa iyadana bishan Maarso 14, 2002 lagu xidhay laba nin oo kala ah:

1. Nuur Cumar Xareed
2. Cabdiraxmaan oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Gunnagado.

Magaalada Qoriile ee Gobolka Doolo ayaa iydana waxaa lagu xidh xidhay dad aad u fara badan, kuwaas oo ay naga soo gaadhay dadkan hoos ku xusan:

1. Axmed Nuur Sh. Maxamuud
2. Fakad Xaashi Jiir
3. Cabdinaasir Maxamed Cali
4. Axmed Awal Cali Dhuux
5. Maxamed Aw Cali Good
6. Ayaan Aw Cali Good
7. Xiirey Xirsi
8. Muxumed Gaaxnuun Yuusuf
9. Dakhare Maxamuud Xarago
10.Kaldeeq Faarax Madaxex (Indho Yare)
11.Gaambiye oo aanaan hatan magaciisa oo buuxa.

Dhamaan dadkaasi oo aan waxba galabsan waxa ay ku silicsan yihiin xeryaha Ciidamada Gumeysiga Itoobiya.

Maryan Ruun Liibaan
Radio Xoriyo
Galadiid, Qoraxey Ogaadeenya

Wariyaha Radio Xoriyo ee magaalada Addis Ababa Qamaan Xirsi ayaa noo soo diray madaxweyne ku xigeenka Bangiga Ganacsiga ee Itoobiya oo la yidhaahdo Ephrem Negash uu isku dhiibay Wadanka Mareykanka isaga oo ka codsaday in ay magangeliyo siyaasadeed siiyaan.

Wararku waxay sheegayaan in Ephrem Negash uu Washington uu aaday shir, laakiin uu ka baxsaday waftigii uu hogaaminayay oo matalayay dowladda Itoobiya.

Shirarka uu Washington u yimid ayaa ahaa kuwo ay Itoobiya kaga codsaneysay deeq in ay ka hesho Bangiga Adduunka iyo gaar ahaan haayadda lacagata adduunka ee la yidhaahdo IMF.

Wararka waxay intaas ku darayaan in waftigii uu ku khasbanaaday in uu dib Itoobiya ugu soo noqdo isaga oo gacmo maran.

Dhinaca kale wararka naga soo gaadhaya wadankaasi Jabuuti ayaa waxa ay sheegayaan in Jabuuti ka mamnuucday shirkada Quwadda Korantada ee Itoobiya in ay wadankeeda kala soo degto wax la xidhiidha kiimada, taas oo aysan soo marin karin dhul iyo tareen toona.

Go’aankan wuxuu soo baxay kadib markii sun ama waxyaabaha kiimikada ah oo ay shirkadaasi leedahay ay bishii hore ku daateen Dekedda Jabuuti, taasi oo sida ay Hay’dda Cuntada iyo Beeraha ee Jimciyadda Qurumaha ka dhaxaysa sheegtay ay wax u dhimayso caafimaadka iyo waxyaabaha noolahaba ah.

Waa Qamaan Xirsi Radio Xoriyo, Adis-Ababa Abdi Madaale
Radio Xoriyo,29 March 2002

radioxoriyo@ogaden.com


Dhegeyso warkaan oo Cod ah


WARARKA OGADEENYA:
March.29.2002 March.26.2002 March.22.2002 | March.19.2002 | March.12.2002 | Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety