S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 wuxuu isku raacay in Bisha Maarso 2002 Shir-Weyne Soomaaliyeed laguqabto Kenya GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...
MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda
XASAN ABSHIR FAARAX
Profile | CV

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA OGAADEENYA
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya

Warkii Radiyo Xoriyo : 12 Feb, 2002

Warkii oo Urursan

Jwxo, oo Warsaxafadeed kaga jawaabtay Hadalkii uu ku hadlay Safiirka Gumeysiga Itoobiya ee UN-ta Shacbiga Ogaadeenya oo Dareenkooda ku aadan Hadalkii Xuseen Caydiid soo Jeediyey Itoobiya oo Tababaraysa Kooxaha ka soo hor Jeeda Dawladda Ku Meel Gaadhka ah ee Soomaaliyeed.

Warkii oo Faahfaahsan

Wariyaha Radiyo Xoriyo uga soo warama Xarunta Dhexe ee Jwxo, ayaa inoo soo diray Dhambaal Xambaarsan Jwxo, oo Warsaxafadeed ka soo saartay Hadaladdii ay ku hadleen Abdi-Majiid Xuseen Safiirka Itoobiya ee Jamciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa uu ku sheegay in dastuurka Itoobiya uu Shacbiga Ogaadeenya u ogol yahay haddii ay rabaan in ay ka goáan Itoobiya taas oo wax aan jirin ah.Warsaxafadeed kaas oo la soo saaray 09 Feb, 2002 wuxuu ku soo baxay Afka Ingiriiska waxayna Turjumidiisii Soomaaligu noqonaysaa sidan.

><><><><><><><><><><><><><><><><><><
WARSAXAAFADEEDKII JWXO: KA AKHRI HALKAN
><><><><><><><><><><><><><><><><><><


Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya Hogaanka Warfaafinta-Jwxo.

Wariyaha Wareega ee Radio Xoriyo Qawdhan Weyrax oo wali ku jira Socdaal Hawleed oo uu ku kala bixinayo Gobaladda iyo Degmooyinka Ogaadeenya ayaa inoo soo diray 11 Feb, 2002 Dhabmaal Xambaarsan Dareenka Shacbiga Ogaadeenya kaas oo ku aadan hadalkii uu Usbuucii hore ku hadlay Madax Kooxeedka Soomaaliyeed Xuseen Mohamed Caydiid isagoo Jooga Adis-Ababa.Iyo Hadalka aan runta ahayn ee uu ka daba yidhi Abdi Majiid Xuseen oo ah Safiirka Itoobiya ee Jamciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa.

Anigoo wali ku jira socdaalkii aan ku marayey Gobaladda iyo Degmooyinka Ogaadeenya ayaan ku soo aaday xili ay Xamaasad Gooni ah hayso Shacbiga Ogaadeenya oo ku jira halgan adag ooy ku doonayaan in ay kaga Goáan Gumeysiga Itoobiya oo sidii dhagmaayandii ku dhagay kana reebay asaagood.

Shacbiga Ogaadeenya ee ku nool Gobaladda Shiniile,Liibaan,Jig-Jiga,Dh/buur, Nogob, Afdheer,Qoraxey,Wardheer iyo Shabeele oon intaba la kulmay waxay si Xamaasad Qiiro Wadani leh ku jirto u soo dhaweeyeen hadalka uu Usbuucii hore ku dhawaaqay Xuseen Mohamed Faarax Caydiid oo sheegayey in Shacbiga Ogaadeenya Xaq u leeyihiin in ay ka Xoroobaan Gumeysiga Itoobiya.

Sidoo kale waxay Nacalad Dhakada kaga tuureen hadalka aan Kalsoonida dadka uu sheeganayo wadanin ee uu ku hadlay Abdi-Majiid Xusseiin oo ah Safiirka Itoobiya ee Jamciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa iyo kuwa Dabqoodhiyiinta ah eey Itoobiya ku sheegto waxay ugu yeedho Baarlamaan.

Abdi-Majiid Xuseen oo ah Gacan yaraha Kaligii Taliye Males Zinaawi iyo Dabaqoodhiyiinta kale eey Itoobiya ku sheegto kolba wixii danteeda ah waxay indhaha ka qabsadeen Dilka,Dhaca,Xidhayga,Xoolo oodka,Gumaadka iyo Xaqiraada lagu hayo Shacbiga uu asalkoodu ka soo Jeedo, kuwaas oo ku iibsaday Duliga lagu hayo dadkooda dano Shaqsi oon qiimo lahayn.

Shacbiga Ogaadeenya wuxuu soo dhaweynayaa cid kasta oo ka hadasha dulanka lagu hayo iyo in ay ka hoos baxaan Gumeysiga Itoobiya.

Qawdhan Wayrax
Radio Xoriyo, Qoraxey, Ogaadeenya.

Wariyaha Radio Xoriyo uga soo warama Soomaaliya Ahmed Yare Calasoow ayaa inoo soo diray Warar Googoos ah oo ku saabsan Xaaladaha kala duwan ee Shacbiga Soomaaliyeed soo wajahay Xiligan oo dadka Soomaalidu ay Wadnaha Farta ku hayaan iyaga oo ka Walwalsan Falaadho badan oo dhinacyo kala duwan kaga soo fool leh.Waxaana inoo soo akhriyey Wariye Dhiidhi Nuur.

Wararka nagasoo gaadhaya soomaaliya ayaa sheegaya in saddex sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya ay dhowaan tababar u billaabayaan Maleeshiyaad uu Maxamed Dheere ku ururiyey tuulada Mahaddaay. Dhinaca kale warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya laba sarkaal oo ka socda Itoobiya inay gaareeyn magaalada Garoowe, halkaas oo ay kula kulmeen C/llaahi Yuusuf, Guud ahaan Itoobiya ayaa dhaqdhaqaaqyo noocan ah ka wada goobo badan oo dalka ka mid ah, iyadoo isku dayaysa inay diyaariso ciidamo dhowr kun ah si ay dalka uga billowdo qalalaase dagaal.

Kadib markii ay dib ugu soo laabteen ciidamo dhowr boqol gaaraya oo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Kooxaha ee dowladda Itoobiya gacan saarka la leh loogu soo tababaray degaano ka tirsan dhulka Ogaadeenya ee Itoobiya Gumaysato ayaa warar sheegayaan in dhamaan tignigadii ay halkaas la tageen lagala hadhay Tignikadaas oo dhaneed Ilaa 10 Baabuur. Lama oga sababta ay ula hadheen tignikadaas Ciidamada Itoobiya

Shacabka Soomaaliyeed ee Ogaadeenya ayaa si aad ah uga caraysan kooxo maliishiyo ah oo maalmahaan tababar lagu siinayey magaalada Godey. Kooxdaas ayaa la sheegay inay dirsadeen qaar ka mid ah hoggaamiye kooxeedyada, waxaana la sheegay in loo tababaro sidii ay qalalaase uga geysan lahaayeen goobo ka tirsan dalka soomaaliya iyagoo adeegsanaya bambooyin iyo miinooyin. Waxaa fool xumo ah in dad Soomaali ah ay Itoobiya u tababarto dalkooda inay burbur u geystaan ayay yiraahdeen shcabka Godey oo aad uga cadhaysan damiir xumada maleeshiyadaas meesha ku xareeysan .

Warku wuxuu intaa ku darayaa in maliishiyadaas halkaas tababar lagu siinayo ay awoodi waayeen inay ka soo baxaan xeradii ay deggenaayeen iyagoo ka cabsanaya in shacabka gadoodsan dhibaatooyin u gaystaan..

Mas’uul ka tirsan Qaramada Midoobay oo qaabilsan arrimaha samafalka ayaa sheegay in weerar kasta oo lagu qaado Soomaaliya in uu qalqal gelinayo dadka Soomaaliyeed, isla markaasna handadaada Mareykanka ee ah in Soomaaliya uu weerarayo ay cabsi weyn ku abuurtay dadka Soomaaliyeed, taasina ay fowdo cusub ka dhalin karto dalkaas oo 10-sano ku soo jiray dagaalo sokeeye.

Mas’uulkaas oo ay soo xiganaysay Idaacadda Focus on America qeybteeda afka Carabiga ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed oo haatan ku howlan dib u dhiska dalkooda ay tahay in gacan lagu siiyo dib u dhiska dalkooda & sidii ay nabad u heli lahaayeen, wuxuuna xusay in qeybo badan oo Soomaaliya ka mid ahi ay nabadgelyo ka jirto, dadka Soomaaliyeedna ay wax badan ka qabteen dib u dhiska dalkooda

Wararka naga soo gaaraya Laascaanood ayaa sheegaya in degaano ka tirsan gobolka Sool ay ku sugan yihiin khubaro Shiinees ah oo ka socota shirkad shidaalka baarta. Sida warku sheegayo khubaradan ayaa waxaa heshiis la galay Madaxweyne Ku-xigeenkii Puntland Dr. Maxamed Cabdi Xaashi, waxayna baaritaan ku samaynayaan Ceelal la sheegay in shidaal laga helay oo ku yaala degaano ka tirsan gobolka Sool, kuwaasoo horey u calaamadeeyeen shirkaddii Conoco ee meelo badan oo Soomaaliya ah shidaal ka baartay

Ahmed-Yare Calasoow
Radio Xoriyo,Muqdisho, Somaliya.

Dhageystayaal Warkii Caawa waa naga intaas.

Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 12 Feb, 2002
radioxoriyo@ogaden.com


Dhegeyso Goosgooska oo Cod ah


WARARKA OGADEENYA:
Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety