S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 wuxuu isku raacay in Bisha Maarso 2002 Shir-Weyne Soomaaliyeed laguqabto Kenya GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...
MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda
XASAN ABSHIR FAARAX
Profile | CV

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA OGAADEENYA
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya

Warkii Radio Xoriyo : 25 Jan, 2002

Jwxo, oo Baaq Cad ka soo saartay Degaalada Beelaha Ogaadeenya eey Itoobiya Hubka isagu dhiibtay

Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya Jwxo, ayaa Baaq ay kaga hor jeedo degaalada ka dhex jira Shacbiga Ogaadeenya ee ku nool Gobalka Afdheer Degmooyinkiisa soo saartay 21 Jan, 2002 kaas oo loo qaybiyey Dhamaan beesha Caalamka wuxuuna ku bilowday

Baaq.No.3 21 Jan, 2002

Dabargeynta ay Itoobiya Kula Dhaqanto Shacbiga Ogaadeenya

Gumeysiga Itoobiya Dhibaatooyinka uu ku hayo Shacbiga Soomaalidda Ogaadeenya kuma koobna oo kaliya Dilka, Dhaca, Xidhida, Ciqaabta, Argagixisadda,Xaqiraadda, Bililiqadda iyo Xoolo oodka ee waxaa jira oo kale Siyaasaddo ay Fuliyaan Hayadaha Qarsoon iyo Ciidanka Gumeysiga Itoobiya.

Sanadkii inaga tagay dabayaaqadiisii iyo ilaa iyo Bishan Jan, 2002 waxaa dib u soo Cusboonaaday Degaalo ka dhex dhacaya Beelaha Soomaalidda Ogaadeenya ee ku nool Gobalka Afdheer aagaga Degmada Salaxley.

Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobya, Hayadda Nabad Sugida Itoobiya iyo Maamulka Dabaqoodhiga ah eey Itoobiya ka samaysatay Ogaadeenya Waxay wadeen Qorshe balaadhan ooy Ujeedada ka danbaysa ahayd siddii dhan walba looga dabar goyn lahaa Shacbiga Ogaadeenya eey Itoobiya Gumeysato maadaama ay Joojin waayeen Halganka ay oogu jiraan aaya ka tashigooda.

Beelaha Shacbiga Ogaadeenya ee ku nool Deegaanadda kala duwan eey Ogaadeenya ka kooban tahay ayaa waxaa jirtay in mudo badan laysku dayey in degaal laga dhex oogo oo laysugu dhiibo hub ay isku baabiįyaan.Taas ood moodaysay in in badan lagu hongoobay kadib markii uu Shacbigu gartay danta Itoobiya ay ka leedahay in ay isku baabi“so.Hadaba arintan Salaxley ka dhacday oo ah mid ay Itoobiya abuurtay isla markaana hurisay waxay labada dhinac ee is haya mid walba siinaysaa Rasaas iyo Hub ay isku baabiżaan si tirada dadka ay Gumeysato ooga yaraato.

Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya Jwxo, waxay ugu baaqaysaa Beelaha Shacbiga Ogaadeenya ee ku dagaalamaya Gobalka Afdheer in ay Joojiyaan degaalka dhex dooda ah oo runtii ah mid aan loo baahnay ayna dhib kasta oo dhex yaala ka wada hadlaan isla markaana fahmaan Siyaasadda Itoobiya ee dabargoyntooda ku dhisan.

Sidoo kale waxay Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya Jwxo, u sheegaysaa dadka Fuliya Siyaasadda Gumeysiga Itoobiya ee dabargoynta Shacbiga ku dhisan in la ogyahay isla markaana lagu abaal marin ficilka xun iyo Dambiga ay ka Galaan Dadkooda iyo Dalkooda.

Halganka Shacbiga Ogaadeenya wuu socon, Dhibaatooyinka ka dhaxeeya Shacbiga Soomaalida Ogaadeenyana waxay gebi ahaanba la dhamaan Doonaan Gumeysiga Itoobiya.

Jahbadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya Jwxo, Hogaanka Warfaafinta

Xaaladda Nololeed iyo Mida Siyaasadeed ee Shacbiga Soomaalida Ogaadeenya oo ka sii daraysa.

Wariyaha Wareega ee Radio Xoriyo Qawdhan wayrax oo Socdaal ku marayey Qaar ka mida Gobalada Ogaadeenya ayaa inoo soo diray Dhambaal Xambaarsan Xaaladda Nolaleed iyo mida Siyaasadeed ee inta badan Gobalada iyo Degmooyinka Ogaadeenya.Hawada oo xumayd awgeed aniga oo Abdi Madaale ah ayaa idiin akhriyaya Dhamaalkii

Bishan Jan, 2002 Horaanteedii ayaa socdaal dheer oon ku soo maray Gobalada Jig-Jiga, Dhagaxbuur,Nogob, Qoraxey, Shabeele,Wardheer, Afdheer iyo Shiniile aan soo gaba Gabeeyey 20 Jan ,2002 .Xaaladda Nololeed iyo Mida Siyaasadeed ee Bulsho weynta Soomaaliyeed eey Xabashidu Gumeysato waa mid aad u hoosayso kana daran wax kasta oo loo malaynayo.Magaalooyinka Waaweyn ee Xarunta u ah Gobalada ooy Xarunta Dabaqoodhiyiinta Maamulka Itoobiya ka samaysaytay Ogaadeenya ka mid tahay waxaa ka buuxa Xabsiyadooda dad rayad ah oo dhamaan lagu xidhay tuhun ah uun in la aaminsan yahay in ay taageerayaal u yihiin Jwxo.Dadka Maxkamad lama keeno waxaana awooda lagu sii daayo iska leh oo qudha Sargaarka Xafiiska Siyaasadda ee Dhehinatka loo yaqaano u Jooga Gobalada iyo Degmooyinka lagu xidhan yahay iyadoo dadkaasi ay leeyihiin nooc walba oo bulshada kamda.

Mashaariic ayaa mar walba laga sheegaa Radio Qudhunwada oo Sheegaya in laga dhisay Qaar ka mida Degmooyinka ay Ogaadeenya ka kooban tahay kuwaas oo dadka Goobaha Mashaariicdaas laga dhisay Jooga ay uun ka maqlaan Radio Qudhunwada, Dadka waa la xidhaa iyadoon wax dambi ah lagu hayin, waa la dhacaa kuwii waxoogaa hanti ah yeesha taas oo qayb ka ah Barnaamijka Siyaasadeed eey Itoobiya ku maamusho Ogaadeenya, Ciidanka Tigreegu wuxuu rabo ayuu ku sameeyaa Cid walba oo Soomaali u dhalatay haddii ay noqon lahaayeen kuwo Shacbi Caadi ah ama maamul ku jira Darajaday rabaan ha yeeshaane, Markaad Dadka Caadiga ah la sheekaysato waxay kuu sheegayaan in rajada ay leeyihiin ay tahay oo qudha in Jwxo, ay oogu timaado degmooyinkooda si cida ay iyagu damcaan ay oogu taliso ugana baxaan Cadaadiska Gumeysiga.

Dhinaca kale Ciidanka Gumeysiga Itoobiya waxay ku oodan yihiin Xeryaha Milatariga eey ka degen yihiin Ogaadeenya iyagoo la joojiyey Dhaq Dhaqaaqoodii sahlanaa marka keliya eey bixi karaana ay tahay uun iyagoo Xoog leh haddii ay Gobaladda u kala soconayaana waa in ay Koox aad u xoog baddan oo Tigniko Wadata yihiin oo qudha.Markaad ka baxdo Magaalooyinka adigoon markiiba in yar ka sii soconin waxaa kuu soo baxay Ciidanka Jwxo, oo ah mid marka ay Shacbigu arkaan ay ku diirsadaan aadna u jecel yihiin Soomaalida Ogaadeenya degta ee Gumeysiga Neceb oo idili.

Dabaqoodhiyiinta ayaa mar mar loo diraa in ay soo kor meeraan Jidadka u kala dhaxeeya Gobalada iyo Degmooyinka laakiin waxaa inta badan dhacda marka ay ka soo fogaadaan Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya in ayna aadin meeshii loo diray iyagoo ka cabsi qaba Jwxo, oo heegan u ah, haddii ay dhacdo mar marka qaarkood in ay is helaan ayaa markiiba dabaqoodhiyiinta iyo Ciidanka Xabashida ah ee la socda ay orod is qaadaan ooy Cagaha wax ka dayaan si aan Nolal loogu qabanin.Dhegeystayaan Warbixintan oo dheer intaas baan maanta ku jooginaynaa, Qaybteedii Koowaad.

Qawdhan Wayrax
Radio Xoriyo, Dire-dawa

Khilaafkii ka dhexeeyey Maamulka Dabaqoodhiyiinta eey Itoobiya ka samaysatay Ogaadeenya oo meel Xasaasi ah maraya.

Wariyaha Raadio Xoriyo ooga soo warama Magaalada Jigjiga oo Xarun u ah Maamulka Dabaqoodhiga ah eey Itoobiya ka dhoob dhoobatay Ogaadeenya ayaa soo diray Khilaafkii ka dhaxeeyey Xubnaha Hogaaminta Maamulkaas oo heer aad u xun gaadhay kadib markii ay warar iska hor imaanaya ka soo baxeen ayaamihii la soo dhaafay kuwaas oo gebi ahaanba muujinaya sida Itoobiya ay ugu adeegato Xubnaha Maamulka u haya dabadeedna markay danteeda ku gaadho isla markaana dhooqayso isagoo duful ah tuurto.Wuxuuna ku bilowday

Madax weynaha Killilka 5aad Cabdirashiid Duullane Rafle ayaa kadib markii uu shaqadi ka eryey saddex mas’uul oo katirsan guddiga fulinta isna laga saarey Xisbiga Dimoqraadiga Shacbiga Soomaalida ee ka taliya magaalada Jigjiga.Isagoo faahfaahin ka bixinayey sababta uu raggaas shaqada uga eryey ayuu Cabdirashiid ku tilmaamey iney khatar galinayeen xasilloonida iyo nabad galyada gobolka.Masuuliyiinta shaqadoodii waayey ayaa kala ah Aadan C/llaahi Qaalib Madax-weyne ku xigeenkii killiklka,Cabdi Cali Shagax Madixa Xafiiska Qorsheynta Cabdi Aadan(Cabdi-raaxo) hoggaanka Arrimaha Bulshada ee baarlamanka.Waxa kaloo la sheegayaa in uu shaqadii waayey madixii xafiiska Asluubta ee killilka.

Kadib markii uu madax weynaha killilku jagooyinkoodii ka eryey xubnahaas kor ku xusan ayaa waxaa isna dhinaca kale sheegey inuu cabdirashiid Duullane oo xisbiga guddoomiye kuxigeen ka ahaa ka saarey Maxamuud Dirir Geeddi oo ah guddoomiyaha xisbiga.In kastoo aanu faahfaahin dheeraad ah ka bixinnin Dirir sabata uu Cabdirashiid uga saarey xisbiga haddana waxaa uu yidhi madax weynuhu wuxuu jabiyey sharcigii xisbiga.Hasa yeshee Cabdirashiid Duullane ayaa ku gacan seydhey oo yidhi "Rabitaanka xubno dhawr ah xisbiga waxba kama baddali karo." Xisbiga Dimoqraadiga Shacbiga Soomaalida oo ay masuuliyintiisu yihiin kuwo aan la soo dooranin ee ay soo xulaan saraakiisha EPRDF ee gobolka joogta ayey kala qaybsanaanta dhexdiisa ahi ku soo beegantey xilli aad xasaasi u ah oo khilaaf ka dhex socdo maamulka EPRDF.

Melles Zenawi oo ay xaaladda lagu jiro ku adagtahay cid uu aamino ayaa dibadda uga yeedhey Cabdul majiid Xuseen una direy Jigjiga si uu xiisadda u soo dajiyo.

Kooshin Sugule
Radio Xoriyo, Jig-Jiga

Warkii Caawa waa naga intaas.

Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 25 Jan, 2002
radioxoriyo@ogaden.com

Eegana waxaan wali idiin sii wadaynaa Googooskii ka hadlayey Siyaasadda Gumeysiga Itoobiya ee Soomaaliya ooy inoo Matalayeen Kooxda Ogaal ee Jwxo, oo Maqal ah.Mahadsanidin.
Dhegeyso Goosgooska oo Cod ah


WARARKA OGADEENYA:
January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety