Make your own free website on Tripod.com
S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 wuxuu isku raacay in Bisha Maarso 2002 Shir-Weyne Soomaaliyeed laguqabto Kenya GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...
MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda
XASAN ABSHIR FAARAX
Profile | CV

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA OGAADEENYA
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya

Warkii Radio Xoriyo : 01 Feb, 2002

Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya oo 23 Askari ka dilay Ciidanka Gumeysiga Itoobiya Degaaladii u dabneeyey ee Dhacay Jan, 2002

Warkii oo Faahfaahsan

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa soo diray Dhambaal Xambaarsan Degaalo Dhawr ah oo dhex maray Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya iyo Kuwa Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya wuxuuna Dhambaalku ku bilayday Sababihii Keenay Degaalkaas.

Isaga oo uga jawaabaya Cadaadiska iyo dilka is daba joogga ah ay dadweynaha ku hayaan ayuu Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya laban laabay weeraradii gaadmada ahaa ay ku hayeen Ciidanka Cabudhiska Gumeysatada Itoobiya. Weeraradaas oo ku dhufo oo ka dhaqaaqa ah oon waliba kala joogsi lahayn kuwii ugu dambeeyey ee ilaa hadda na soo gaadhay waxay ka dheceen meelahan:

12 Jan, 2002 Magaalada Dalaad waxaa Ciidanka Xabashida lagaga dilay 1 askari 6 kalena waa lagaga dhaawacay.

18 Jan, 2002 Magaalada Danood waxaa ciidanka cadowga lagaga dilay 4 askari 3 waa lagaga dhaawacay.

19 Jan, 2002 mar kale dagaal ka dhacay Magaalada Dalaad waxaa ciidanka cabudhiska lagaga dilay 8 askari 4 kalena waa lagaga dhaawacay.

21 Jan, 2002 meesha la yidhaahdo Lafweyn oo duleedka Q/Dahare ah waxaa lagaga dilay 2 askari 1 na waa lagaga dhaawacay. Dagaalkaasi markii uu joogsaday wuxuu ciidanka cabudhisku rasaas ku furay Geel meesha marayey oo uu qaar badan ka laayey.

22 Jan 2002 dagaal ka dhacay Gudhis waxaa ciidanka cabudhiska lagaga dilay 8 askari 3 na waa laga dhaawacay. Isla goobtaas waxaa ciidanka Xabashida ka baxsaday 4 askari.

Isugeyn Degaaladaas waxaa Ciidanka Gumeysiga Itoobiya lagaga dilay 23 Askari iyadoo lagaga dhaawacay 17 kale. Halganka Gobanimadoonka eey Shacbiga Ogaadeenya ku jiraan eey Wadaan Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya waxay ku muujiyeen dhamaan ujeedooyinkii ay qaadeen kadib markii ay ku guulaysteen in ay ka gooyaan dhibaato kasta oo Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya u geystaan Shacbiga iyagoo degaaladii u danbeeyey ku muujiyey.

Itoobiya oo Sidii Caadada u ahayd Dhibaato kula kacday Shacbiga Ogaadeenya een waxba Galbsanin.

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Arimaha Bulshada ayaa isna inoo soo diray Dhambaal Xambaarsan CCGI oo dhibaatooyin u Geystay Qaar ka mida Shacbiga Ogaadeenya een waxba Galbsanin.

Sidii caadada u ahaan jirtay Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya Mar kasta oo Jab loogu geysto Degaalada Dhex mara iyaga iyo Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya, waxay ku gaydhadaan dadweynaha Rayadka ah ee magaaladaas ama Aaga Degaalkaasi ka dhoco degen,

23 Jan, 2002 Magaaldda Gudhis oo ka tirsan Gobalka Nogob,Waxay ku xidheen saldhigga Ciidanka Cabudhiska Gumesiga Itoboiya dad tiradoodu kor u dhaafayso 70 qof. Dadkaas oo jidh dil badan lagu sameeyey waxaa magacyadoodu na soo gaadheen 4 ka mid ah oo kala ah 1. Sheikh Ahmed Sagal ,2 .Rashiid Gamaadiid, 3. Maxamed Mowser Aadan ,4. iyo Maxamed Siyaad Cabdille.

24 Jan, 2002 Iyada oo sii wadda Gumaadkii ay Dadweynaha aan waxba galabsanin ku hayeen waxay ku dishay Habaasweyn oo Gurdumi u dhow laba nin oo la yidhaahdo Cumar Dheere iyo wiil uu marxuumkaasi adeer u yahay.

Sidaas oo kale dad badan oo ay magaalada Gurdumi ku xidhxidhay waxaa ka mid ah

1 Shukri Cabdi Dhegoole
2 Iyo Xuseen Cabdullaahi Aadan.

25 Jan, 2002 Magaalada Q/Dahare waxay dadkii badanaa ay xidhxidhay ka daba gaysay Dayiba Xasan Cusmaan.

Isla 25 Jan, 2002 Magaaladda Farmadow waxay iyana ku xidhay 3 nin oo kala ah

1 Kamaal Sheikh Irshaad
2. Haykal Sheikh Irshaad
3. iyo mid aan weli magaciisu na soo gaadhin.

Dhibaatada uu Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya ku hayo Shacbiga Ogaadeenya kuma koobna oo keliya Dilka,Dhaca,Xidhayga,Argagixisada iyo Xasuuqa ee waa kuwo lagu hayo dhan kasta oo nolashooda ah waxayna sugayaan oo qudha in Beesha Caalamku mar uun dhankooda soo fiiriyo.

Dhanka kale

Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Dhagaxmadaw oo ka tirsan Gobalka Dhagaxbuur waxay sheegayaan in dhibaatadii ugu weynayd ee dhex marta Ciidanka Gumeysiga Itoobiya iyo Dabaqoodhiyiinta la shaqeeya ay ka dhacday halkaas kadib markii Dabaqoodhiyiintu amar diideen taas oo ku lug lahayd dhibaatada Shacbiga loo geysto.

24 Jan, 2002 markii ay amardiideen waxaa magaalada Dhagax Madow dhexdeeda isku laayey Ciidankii Dabaqoodhiga iyo kii Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya halkaas oo 2 lagaga dilay Dabaqoodhigii 1 na lagaga dhaawacay. Waxaa Degaalkaas lagu Gaadhsiiyey Ciidankii Cabudhiska Gumeysiga Itoboobiya Khasaare lexaad leh oo Dhimasho iyo Dhaawacba leh kaas oo tiradiisu aad u badnay oon dib ka faahfaahin dooono inta uu la eg yahay.

Sidoo kale Wariyaha Radio Xoriyo uga soo warama Magaalada Jig-Jiga ayaa soo sheegay Banaanbax weyn ooy hor kacayeen Curyaamiintii ku soo dhaawacmay Degaaladdii kal hore ee Eriteria iyo Gumeysiga Itoobiya kadib markii xuquuqdoodii loo diiday.

Magaalada JigJigga waxaa ka dhacay mudaaharaad ay dhigeen curyaamiintii ku soo dhawaacamay dagaalkii Eriteeriya. Markay curyaamiintu ka adkaatay Booliiski ayaa Ciidankii Cabudhisku soo gurmaday si loo damiyo mudaaharaadkaas, waxaana xabiska loo taxaabay kuwo badan oo curyaamintii ka mid ah.

Sida aad la socotaan in dhowaydba khilaaf aad u weyn ayaa ka dhex socday maamul ku sheegga Jigjigga. Waxaa la sheegayaa in Cabdirashiid Duulane oo ku magacaaban Madaxweynaha waxa ay ku tilmaamaan Kiliilka 5aad in digniin culus la siiyey wax amar ah oo uu bixin karaana jirin.

Warkii Caawa waa naga intaas.

Abdi Madaale
Radioxoriyo, 01 Feb,2002
radioxoriyo@ogaden.com

Eegana waxaa idinku soo maqan Faaladdii Warka.Faaladeena Caawa waa qaybtii 4aad ee Faalooyinkii Gumeysi Diid.Waxaana inoo soo diyaariyey Qoraaga Caanka ah ee Ogaadeenya Mudane Hussein Nuur.Waxaana soo akhriyey Wariye Ahmed Gaal-Eri.Waana tan.

Qaybtan 4aad ee Gumeysi diid

Waxaan kaga baaraaan dagnay qeybihii hore gardarada gumeysiga, tabaha uu ku fido, siyaabaha uu u cabudhiyo shucuubta uu gumeysto iyo in Itobiya ay tahay dawlad gumeysi ama mid ay ku midoobeen qawmiyaad kala jaad ah. Qaybtan 4aad waxaan ku bidhaamin doonaa natiijada ka dhalata iska-horimaadka gobanima-doonka iyo gumeysiga.

Waxaa la’isku raacsan yahay in faa’iidada laga helo taariikhdoo la qoraa ay tahay in lagaga beydho khaladaadka ay shucuubta caalamka kala galaan si aan aadamauhu ugu daadan dabkuu shalay ku gubtay mid kale. Waa middaa tan uu Qura’aanka Ilaah ugu soo celceshay ka sheekeynta khaladaadkii quruumihii hore si loogu cibrad qaato oo aan tiiyoo kale loogu dhicin. Ilaah markuu la hadlayay kufaartii ree Qureysh wuxuu ku yidhi – Ma galadiinan ayaa hadaba ka khayr roon kuwii hore -- ( een soo halaagnay) ? Sidoo kale hadaan su’aalno maanta gumeysiga Itobiya oon nidhaahno ma idinka ayaa ka adadag gumeysigii ree Yurub amaba ka xoog badan? Jawaabta dhabta ah waxay noqon - maya. Si aan u xaqiijino jawaabtaa ah mayada, waxaan daraaseyn doonaa taariikhdii gumeysi ee dhawr dal oo aan u qaadanay tusaale ahaan.

Hadaan dhugano gumeysigii Faransa ee dalka Algeriya, wuxuu ku bilowday cunaqabateyn badda ah markii uu boqorkii Faransa ku andacooday in qunsulkiisii fadhiyay Algeria aflagaado loo geystay 1827kii. Markay fashilantay cunaqabateyn-tii ayuu 1830kii ciidan gaaraya 34,000 oo askari ku soo dajiyay Faransiiskii meel u jirta 27km caasimadda. 3ex todobaad ka dibna waxey qabsadeen caasimaddii iyagoo adeegsday hubka madaafiicda oo aanay heysan markaa dadweynihii u soo birmaday inay difaacaan dalkooda. Isla waqtigaa waxaa la riday boqorkii Faransa ee duulaankaa baxshay, waxaana laga dhisay Faransa barlamaan iyo xukuumad ku faanaysa inay sameysteen dastuur leh waji ka duwan kii hore oo ku saleysan in aan la gumeysan shucuubta caalamka. Hasa ahaatee markii ay timid arrinta Algeria barlamaankii waxuu go’aamiyay in sharafta Faransa ay ku jirto in gumeysigii Algeria halkii laga wado.

1848-kiina waxey ku dhawaaqeen in Algeria tahay qayb ka mid ah Faransa waxaana la geeyay maamul gumeysi oo l! agu magacaabay –government of the sword- (xukuumadii siifta) – oo madax uu ka yahay general ciidanka ah oo la siiyay awood buuxda oo dhan walba ah – ciqaab, dil ama abaal marin qofkuu doono ah.

Xukun ka duwan kan Faransa lagu dhaqo ayaana lagu soo rogay dalka Algeria inkastoo ay ku andacoona-yeen inuu yahay qayb ka mid ah dalka Faransa sababna waxey uga dhigeen in qaanuunka Franasa ka jira uu yahay mid aad u fudud oo aan lagu dhaqi karin muslimiinta Algeria. Dhageystaha sharafta leh waxaan siinayaa dhawr ilbiriqsi oo uu dib ugu eego charter-kii ay soo bandhigeen EPRDF-tu markii la riday diktaatorkii Mingiste iyo go’aankii uu gaaray barlamaan ku sheeggii Itobiya markii ay Tigreegu adkaysteen xukunkii. Islamar-haantaa waxyaabaha maanta ay ka wadaan saraakiishooda gayiga Ogadenya, Somalia Oromia iyo meela kaleba

– 1845kii dalka Algeria waxaa loo qaybshay 3ex maamul – 1- goobaha ay ku badanyihiin dadka Yurubta ah waxaa loo ogolaaday inay doortaan duqa magaala-dooda iyo aqalka dawladda hoose. 2- goobaha ay joogaan dad Yurub ah hasa ahaatee aqlibiyadu ay tahay dadkii dalka lahaa, waxaa maamulka gacanta loo galiyay dad la soo xulay oo Faransiis ah iyo dabadhilif-yadiisa. 3- dalka intiisii kalena waxaa lagu maamulay xukunkii seefta. Nidaamka noocaa ahi waxuu ka jiray dalka Algeria ilaa 1962kii oo ah markii ay ree Algeria hantiyeen gobanimadii.

Waxuu gumeystihii Faransa horjoogsaday waxbarashadii ree Algeria, wuxuu la dagaalamay oo uu tirtiray nidaamkii isxukun ee ka jiray qabaa’ilka, dhulkii beeraha ahaana waxuu u qaybshay dadkii ka imanayay Faransa ee cadaanka ahaa, isla mar-ahaantaa waxaa lagu soo rogay dadkii dalka lahaa canshuur dheeraad ah iyo cadaadin joogta ah si ay uga qaxaan magaalda. Nin ka ahaa gudoomiye dalka Algeria waagaa general Jules Cambon 1894kii wuxuu qoray sidan – Algeria waxaa ku hadhay dad qashin ah oo aan qiimi laheyn – isagoo ula jeeda burburka ay u geysteen tayadii dadka.

Dadkii ree Algeria waxey kala hortageen gumaystihii Faransiiska dagaalo ku bilowday si googoos iyo kacdoon aan habeysneyn ah hasa ahaatee dhaawac u geystay gumeystaha.

1dii Nov. 1954kii ciidamada gobanima-doonka ee FLN ayaa si wada jir ah dagaal ugu qaaday goobihii ciidamada gumeystaha, xarumihii booliska, maqaasiinadii hubka, isgaarsiintii, iyo guryahii dawlada, waxeyna kaga dhawaaqeen idaacadoodii Qahira baaq ay u jeediyeen ree Algeria inay ku soo biiraan ciidanka gobanima-doonka ALN si loo soo cesho sharaftii umadda Algeria. Jawaabta Faransiiska uu ka celiyay baaqaa waxaa ku dhawaaqay wasiirkii gudaha Miteraand oo yidhi - .. wadahadalka kali ah ee noo dhexeyn kara anaga iyo FLN waa dagaal.Intaas baan maanta ku ekaynaynaa.Qaybtii 4aad.Inta Dhimana Talaadada soo socota ayaan idiin soo gudbin doonaa.

Diyaariye
Hussein Nuur

radioxoriyo@ogaden.com


Dhegeyso Goosgooska oo Cod ah


WARARKA OGADEENYA:
January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety