.


SOMALITALK.COM | Home | FreeWeb | FreeEmail | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

SOMALITALK NEWS

WAREYSI GUDOOMIYAHA BARLAMAANKA C/LE DEEROOW ISAAQ

 

Waxaa Khartuum Caasimada Sudan dhawaan yimi Gudoomiyaha baarlamaanka isagoo Hogaaminayay wafdi baarlamaaneed .wafdiga uu hogaaminayay Mud. Deeroow waxaa ka mid ahaa Mud. Muqtaar Maxamed Yuusuf oo ah ku xigeenka Gudoomiyaha Baarlamaanka , Dr. Ibraahim Dasuuqi oo ka mida Gudiga Xiriirka Dibada ee baarlamaanka .

DHEGEYSI
Dagaal kadhacay magaalada Baardheere, Dhegeyso bbcda
Markab badeeco soomaaliya keenay, kana qaaday dhuxul uu ku gubanayo agagaarka ceel-macaan
Dhegeyso radio banadir

Waxaa xusid mudan in soomaaliya aay u mataleen shirkii Ururada Baarlamaanada Carabta kana Soojeediyeen Qudbad aad loola dhacay. waxaa uu Deeroow uu hogaamiyay Booqasho sharafeed lagu geeyay wufuudii Mashruuc Beereedka caanka ah ee Jasiira sidoo kale waxaa aad loogu riyaaqay Gabar soomaaliyeed oo halkan wafdiga uga biirtay oo qudbad kajeedisay gudiga haweenka Barlamaanda Carabta gabadhaas oo la yiraa Manaal Xaaji Muuse .

Waxaan ka qaaday Gudoomiyaha Baarlamaanka wareeysi dheer oo taabanyay Arimo aad muhiim u ah oo aay ka mid tahay waxyaabuhuu qabtay baarlamaanku , riditaankii xukuumadii Dr cali khaliif ,xaalada Muqdhisho, furitaan la,aanta Dekada , iyo Gegida dayuurada , Argagixisada , ballaarinta Baarlamaanka iyo aragtida uu ka qobo gudoomiyuhu iyo arimo kale. Hadaba waxaa u dhacay wareeysigu sedan :-

S1:- Mudane warbixin naga sii booqashadaadii Khartuum ujeedooyinkeeda iyo wixii idiin qabsoomay ?

Mudane Deerooq :-Safarkan Ujeedadiisu waxaay ahayd inaan ka qeeyb galno shirka ururka Baarlamaanada carabta , waxaana ka soo baxay Go,aano wax ku ool u ah Umada carabta oo dhan .xaga soomaalida aad ayaa noola soo dhaweeyay inaan ku soo laabanay mar labaad Ururka kaasoon mudo toban sanaa ka maqneyn .go,aan ayaan laga soo saaray soomaaliya kasoo ka kooban labo qodob , kan hore wuxuu ahaa hanbalyeeyn naloogu hanbalyeeyay inaan dib u soo laabanay , nalaguna soo dhaweeyay , kan labaad waxaa loogu baaqay in laga qeeyb qaato dhismaha soomaaliya xukuumaadaha carabta waxaa lagu booriyay ineey bixiyaan qeeybta ugu soo aaday sanduuqii dib u dhiska soomaaliya.Dhanka kale waxaan Albashiir madaxweynaha suudaan u gudbinay dhanbaal aan ka sidnay walaalkiis Madaxweyne C/qaasim , kaasoo ahaa dhanbaal uu uga mahad celinayay sidii walaaltinimada ee loogu soo dhaweeyay markuu u yimid Shirkii IGAD, iyo doorka libaaxnimo ee uu arinta soomaaliya ka ciyaaray , sidaad la socotaana wuxuu ahaa madaxweyne bashiir madaxweynihii ugu horeeyay ee dowlada ku meel gaarka si toosa u Ictiraafay . waxaanan Albashiir u gudbinay warbixin ku saabsan xaalada dalku marayo.

S2:-Mudane C/le waxaa Jirta in Baarlamaanka laga sugayay howla muhiima maxaad qabateen Xiligii tagay ?

Mudane Deeroow:-Runtii mudadii sanadka iyo barkaa uu jiray Baarlamaanku howlo badan ayuu qabtay , iyadoo sidaad la socotaan dhibaatooyin badan dalka ka jireen Dhaqaalo xumo , Xafiisyo iyo meelo lagu shiroon jirin,Magaalada muqdisho ookala qeyb qeybsaneeyd, khad cagaaran jiro, socodka magaalada gudeheedu dhib yahay ,ayaan howlaheena bilownay , ugu horeeyn xukuumada ayaan nabada kala shaqeeynay , xukuumadii cali khaliif , xildhibaanada oo dhan oon ugu sareeyo looma kala harin arinkaa , hada xamar isbadal ayaa ka dhacay dhinaca nabad gelyada , khadkii cagaarna ayaan jirin hada ,meeshii la doonaa lamari karaa , tuhunkii laga qabay ineey xamar reer kaliya degan yihiin oon la tagi Karin ayaa soomali isku dhafani meesha ka saareen ,xubno Baarlamaamkaa oon guryahoodii 10 sano tagin ayaa ku laabtay Ilaahay baa mahad leh.waxaa uun haray in Maleeshiyooyinka laga dhigo hubka dadaalkaasna waa la wadaa .

Baarlamaanku 21 sano oo dikteytarnimaa ka dib ayaa la bilaabay dadaal ayaan ugu jirnaa in la helo dowlad Dimuquraadiya taana waxaa lagu xasilin karaa in qof walbo aragtidiisa iyo fikradiisa so jeediyo.

deerowgalaydh
Deerow  - Galaydh

Baarlamaanku waxaa  mudadii uu jiray uu si dimuquraadiya kalsoonidii loogala laabtay xukuumadii Cali Khaliif Taasoo lagu eedeeyay in xoogaa yaroo dhaqaalaa oo carabta laga helay sixun loo maamulay, dhinaca nabad gelyada ,iyo dib u heshisiinta oo sidii wax looga qaban karay wax looga qaban iyo iyadoo maamulkii wasaaradaha oola dhisi karay ka gaabisay.baarlamaanku wuxuu markuu baaritaan sameeyay,cod uqaaday sida dastuurka ku qoran , sida ayaana kalsoonidii loogala laabtay .

Xaga dib u heshiisiinta waxaa uu baarlamaanku dib u dhigay dhisida xukuumada , wuxuuna ogalaaday in golaha wasiirada la siyaadiyo , lagana tanaasulo qodobkii shardinayay in wasuurku haysto shahaado jaamcadeed , si fursad loo siiyo mucaaradka , si nabadu u hirgasho, si mucaaradku ugu qeyb qaataan uguna soo biiraan qaranimada waxna uga dhisaan Dowlada .

S3:-Mudane ,Ra,iisul wasaarihii hore  Cali khaliif sida uu u soo dhaweeyay go,aankii golaha baarlamaanka uu kala noqday kalsoonida ,xilkana ka dib u wareejiyay miyeeysan ahayn mid heersare ah kana tarjumeeysa dimuquraadiyad ,oo ahayd Mid aan looga baran soomaalida mudadii la soo dhaafay?

Mudane Deeroow :- Walaahi aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa walaakeey cali Khaliif waa dimuquraadiyad isaguna waa sheegay waanan ku raacsanahay, nin madaxtinimada u dhashay ma jiro anaa tagi kara C/qaasimaa tegi kara , xasan abshir ayaa tegi kara kalsoonidaa loo diidi karaa , kalsoonidaa haduu qalad galo lagala laaban karaa, waa dimuquraadiyada sidaasi,madaxtinimada xiligaan waa dhibaato waa dhaqaala la,aan waa hurdo laa,aan fakar , waxaan soo dhaweeynayaa walaalkeey Cali Khaliif siduu go,aankii baarlamaanka u soo dhaweeyay, siduu u aqbalay maslaxada umada ,aqoontiisa iyo cilmigiisa ayaa tusay waana ku mahad sanyahay.

S4:-Mudane waxaa saxaafadu qortay in soo xaadirka xubnaha baarlamaanku liito , dhanka kale muda dheer ayaan Baarlamaan xor ah la helin , hadaba dhibaatooyinka ugu badan ee idin soo waajahay maxaa ka mida ?

Mudane Deeroow :- dhanka soo xaadirista waa caadi labo boqol ayeeyna kor u dhaaftaa , xubnaha baarlamaanku waxaay kala deign yihiin magaalada qeybaheedoo dhan , marka ma jirin wax gaadiida ooy ku yimaadaan Baarlamaanka , waxaan la heshiinay shirkad baabuur si loo soo qaado xubnaha , dhowr bilood lacagtii lama siin , dhaqaala xumadaa yaa noogu darneyd .waxaa la helay dukumiinti sidii baarlamaankii lixdankii u shaqeeyn jiray howshana waa lala qabsaday hada .

S5:-Mudane waxaad ka sheeganeeysaan Dhaqaale xumo , waxaa wararka qaar sheegeen in xukuumadu isbeeso politico (laaluush siyaasadeed) badan ku bixisay qab qablayaasha sidii loola heshiin lahaa , Dekedii iyo garoonkii diyaaradaha waa xiran yihiin ,is qab qabsi ,adiga waxaad leedahay shacbiyad badan , dhibaato badan ayaana dadku dareemayaan Lacago ayaa la soo sameeyay sicir barar ayaa dhacay waa side arinku ?

Mudane Deeroow:- sidaad u sheegatay waa jirtaa oo waa runtaa ,xiligii Cali khaliif isbeeto politico la bixiyay ,maamul xumo kale jirtay , inaan ka hadlo dooni mayo waa waqti tagay ,dowladaan sidaan sheegay shacabka ayeey u timid dhib ineey siyaadiso uma iman , Dekada iyo goroonka diyaaradaha waxaay u xiran yihiin kuwa hub haysto Taransate ku ridaya , Dowladu waa haysataa ciidan hada waxaan aaminsanahay in laga xoog badan yahay kuwa hortaagan danta shacabka , oo iyagu garoomo iyo dekado u gaara leh oon rabin in la furo , balse dowlada go,aankeeda ayaa ah inaan qoray la adeegsan inaan dagaal wax lagu xalin , waxaan dooranay in dagaal dhicin nabada ha dheeraato iyadaan rabnaa in wax ku xalismaan .

S6:- Mowliid macaane oo ka mida ragii wax ka saxiixay heshiiskii Nakura ee Kenya ayaa waxaa laga soo xigatay inuusan ka qeyb galeeyn golaha wasiirada ee la dhisayo , hadii aanan baarlamaanka la kordhin , waa side fikradaadu ?

Mudane Deeroow:Mowliid macaane marar badan ayaan kulanay , Fikrada mowliid macaane waa mid Qaldan ,oo wax la qabaa jirin ,xataa beeshiisa ,waxaa uu aamin sanyahay in jareer weyne yihiin Shiidle ,Shanata shanbare mushunguli iyo makane , inta kalena aaysan ahayn jareer .tusaale ahaan wasiirka isboortiga mudane qabiidi oo ku helay
Ma'ogtahay shirkada XAWAALADDA DALSAN in xarunteeda uguweyn ay kutaal Nairobi, mase ogtahay in ay xafiisyo kuleedahay dacalada dunida, mase lasocotaa in ay kuugu khidmaynayaan sidegdega GUJI.HALKAN..
wasiirnimada qeybtii ku soo hagaagtay Jareerweyne , mowliid macaane wuxuu aaminsantahay inuusan ahayn jareer , Fikrada mowliid macaane waa mid gaaban oo khaldan ,waxuu i
isoo qoray dhanbaal, oo iigu sheegayo siduu u fahamsanyahay inta ah jareer, wuxuu Dalbaday in baarlamaanka laga siiyo isaga laftiisa Shiidle 25 xubin baarlamaan, sadex kalana lagu sharfo isaga sidaasna aay ku helaan labaatan iyo sideed 28, dhanka wasiiradana sadax wasiir .wuxuu aaminsanyahay soomaliya ineey tahay shan qabiil hawiye, Digiliyo mirifle, daarood , dir iyo jareer weyn .sidaana wax lagu qeybiyo .fikarada jareer weynana oo uu aaminsanyahayna waa mid kooban oo qeybo badan oo jareerkaa aan ictiraafsaneeyn . anigu waxaan u arkaa fikradiisa mid xal lahayn waan u naseexeeyay waxaanan dalbanayaa in loo naseexeeyo.

Baarlamaanka wuxuu u saaray arinta kordhinta Gudi , waxaana la sameeynayaa wixii suurta gala ayaadoo la ilaalin doono isku dheeli tirka , iyo qaabkii loo qeeybsaday shirkii carte ,ayadoon qofna xaqiis la garab marin.

S7:-Mudane, ka dib dhacdadii 11 Sep , aad ayaa soomaaliya warfaafinta aduunku u soo hadal qaaday , dowlada itoobiya waxaay sheegatay in aay Mareeykanka u gudbisay warbixin ku saabsan argagixisa soomaaliya joogta , qaar ka mida hogaanka SRRC iyagu waxaay sheegeen in aay joogto soomaaliya argagixiso kuna leeyihiin xerooyin , waxaan ku weeydiin ma jirtaa xerooyin argagixsadu ku leedahay soomaaliya ?

Mudane Deeroow :- horay ayaan ku cel celinay ineeysan soomaaliya argagiso xeryo ku lahayn , wariyayaal shisheeye ooy ku jiraan kuwa mareeykana , CNN, NBC carabta ayaa tagay meelihii lagu sheegay xeryo , waxaay soo waayeen xitaa labo qofood oo qoray sidato , waxaa aduunka u cadaatay in dowlada kumeel gaarku run sheegtay waxaa guul daro ka raacday kuwii yiri argagixisaa xeryo ku leh soomaaliya , aduunku waa qancay , soomaaliya waa furantahay, hala yimaado meeshii la doono hala tago waa ku kalsoonahay dalkeena in argagiso xeryo kulaheen . mucaaradka ujeedadooda waa mid cad oo ah in sidii afgaanistaan loogargaaro arinta dhacdayna uga faaideeystaan..

S8:-Weerarkii 11sept markuu dhacay , adigu Bacdamaa aad tahay Madax baarlamaanka , wax xiriira ma la sameeysay Congareeska mareeykanka xukuumaduse xiriir noocaase ma sameeyasay ?

Mudane Deeroow :- haa waxaan u dirnay dhanbaal Tacsiyo madaxweynaha Mareeykanka , Congareska, iyo dhamaan shacabka mareeykanka . Runtii aad ayaan ugu tiiraanyoonay wixii dhacay anaga ayaa dareemi karna dhibaatada aay leedahay in bani,aadam si macno daraa loo dilo. Xukuumadu dadaal la dagaalanka Argagixisadaa ayeey sameeysay xirrir ayaana na dhex yaal mareeykanka oo aad u wanaagsan .waxaanan mareeykanka iyo dhamaan aduun weynaha u cadeeyneynaa in xeryo argagixiso aaysan dalkeena ka jirin.

S8:-Mudane ugu danbeeyntii fariin aad u soo jeedin ama aad dooneeyso inaad gaarsiiso soomaalida , gaar ahaan ku dibada ku nool majirtaa?

Mudane Deeroow :- waxaan soomaalida ugu baaqayaa in dalkoodii ineey dhistaan aay tahay , inaan nabad daradaan lagu jiri Karin in qabyaaladaan dan noo aheen , aqoonyahanada dalka u dhashay ee dibada jiro waxaan leeyahay dalkiinii wuxuu u baahanyahay waxaad barateen , dowlada , baarlamaanka waxaay soo dhaweeynayaan fikradihiina aragtidiina , waxaa loo baahan yahay taladiina , inaad dowr dhismo yeelataan, waxaan ugu baaqayaa in la taageero dalka qof walba wuxuu awoodo oo danta dalkaa qabto.

Waxaa wareeysiga qaaday

C/qaadir Maxamed Caanooy (Barnamij)

Khartuum , Sudan

Email:- barnamij@hotmail.com

SHIRKII  IGAD MAXAAY DOWLADIHII KA SOO QEEYB GALAY KALA KULMEEN GUJI HALKAN

Warqaddii Burhan Jaamac udiray Cali Khaliif

SOMALITALK | NEWS | Febraayo 13, 2002

FAAFIN: SOMALITALK.COM  


MACLUUMAAD

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
MASJIDKA ABUBAKAR
abubakar Mashruuca Masjidka Abubakar
Warbixin kusaabsan halka uu marayo Mashruuca Abubakar As-Saddique ee Minnesota Ka akhri halkan
TAARIIKH SOOMAALI KOOBAN

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.

1961 ayaa lasharciyeey isku taggii labadii qaybood ee Soomaaliya markas xorta kanoqotay.

1970 Xukunkii shacabku soo doortay ayaa latuuray, waxaana la wareegey militari.

1976 Waxaa la asaasay xisbigii Hantiwadaaga kacaanka Soomaaliya [Somali Socialist Revolutionary Party - SSRP]

1977 Waxaa Ogaden kudagaalamay Soomaaliya iyo Itoobiya. Sannadkii 1978 ayaa Soomaaliya dib u giratay, waxaana sannadkii 1988 heshiis nabadeed kala saxiixday Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin Soomaaliya kama noqon sheegashadii Ogaadeenya.

1978 bishii December 26keedii ayaa Addis Ababa  lagu asaasay  SSF [Somali Salvation Front].

1980 bishii October 21keedii ayaa wadanka Soomaaliya lageliyey Heegan [State of Emergency].

1981 bishii April 6deedii ayaaLondon, UK  lagu asaasay SNM [Somali National Movement].

1988 ayaa la asaasay USC [United Somali Congress].

1990 Bishii December ayaa dagaal kaqarxay Muqdisho, Janaayo 1991 ayaa siyaad Barre kabaxay Muqdisho, kadib markii ay dagaal kagahoryimaadeen USC. Dawladii Militariga ahaydna kudhacday.
ISHA.QORMADAN

XASAN ABSHIR FAARAX
Profile | CV


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety