.


SOMALITALK.COM | Home | FreeWeb | FreeEmail | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

SOMALITALK NEWS
Shacabka Soomaalida Oo Ay Wax Yeeleeyeen Handadaada Maraykanka.
Sidan waxaa yiri Cabdiqaasin Salaad Xassan.

Janaayo 12, 2001.

ARABIC VERSION | ENGLISH.VERSION

abdulkasim salad hassan Sida uu yiri Madaxwaynaha ku meel gaarka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasin Salad Xassan, Soomaalidu iminka waxa ay dareemayaan dhibaato aan farayarayn, tan oo ka dambaysay handaada Maraykanka iyo dacaayada xooga badan ee uu doonayo in uu ku diyaariyo weerarro ka dhan ah Soomaalida, Goor sii hotaysay ayuu Maraykanku sheegay in ay Soomaaliya noqotay beryahan dambe meel aamin ah oo ay galaan Ururka Al-Qaacida kan uu hogaamiyo Usaama Bin Ladin.

Kulan lala yeeshay mar uu ka qayb galayay shirka sagaalaad ee Uurka horumarinta Bariga afrika IGAD ayuu hadaba Cabdiqaasin ku sheegay maanlintii Jimcihii, in cabsida laga qabo dagaal Maraykanku ku qaado Soomaaliya ay Carqaladayn karto dadaalka loogu jiro sidii nabad waarta loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya, Waxaan aaminsanhayay buu yiri "Aniga iyo Soomaalida in ay dhibaato iyo niyad jab ku keenayaan Shacabka Soomaaliyeed weraradan dacaayadeed ee la hadal hayo imika."

Cabdiqaasim waxa uu yiri isaga oo sii wata hadalkiisa "Haa dadku waxa ay dareemayaan quus goorta ay arkaan doowlad wayn oo sida tan maraykanka oo kale ah oo handadaysa doowlad faqri ah sida Soomaaliya oo kale, tan oo ay aafeeyeen dagaalo sokeeye oo toban sanadood socday". Dadku in badan bay is waydiinayaan Maxay Maraykanka iyo Yurubtu kala jeedaan weeraradan oo kale, kuwan oo ay ogsoonyihiin in ay dhibayso nabada iyo deganaanshaha Soomaaliya, halkii ay ka saacidayn lahaayeen …taasi ma in aan Muslimiin Nahay baa?

Maraykankuna waxa uu ku waramay in ay doonayaan in ay Soomaaliya u diraan qolyo sir doon ah, kuwan oo soo xaqiijiya, wararka sheegaya in Ururka Al-qaacida iyo kuwa xidhiidh sokeeye la lehba ay gabbaad ka dhiganayaan meelo kamid ah Soomaaliya.

Cabdiqaasim waxa uu ku celceliyay in aysan jirin haba yaraatee, Soomaaliyana aysan joogin waxa loogu yeeray Al-Qaacida, iyo ururo kale oo Islaami ah toona, waxa uuna codsaday maraykanka in uu ku saacideeyo dejinta Soomaaliya, …..intaa waxa uu ku daray "Waxaan u baahanahay in aan midayno Ummaddeena, sidaa awgeed ayaanu u baahanahay gargaarka dunida, si Soomaaliya aysan u noqon meel ay gabaad ka dhigtaan argagixisada aduunka"

Mar uu ka hadlayay dagaal-Oogayaasha ayuu sheegay Cabdiqaasim in ay iyagu doonayan in ay ka faa’iidaystaan aragtida Maraykanka ee ku jeeda in la gudagalo Soomaaliya, tanoo buu yiri ay isleeyihiin ama ujeedadoodu tahay majaxaabinta Doowlada kumeel gaarka ah..Waxa ay danaynayaan buu yiri "in maraykanku soo galo Soomaaliya, kadibna ay u muujiyaan in Maraykanku baahi uqabo iyaga si markaa ay u noqdaan Isbahaysiga Woqooyi ee Afgaanistaan oo kale". Wuxuu yidhi "Hasayeeshee Soomaaliya Afgaanistaan ma aha, Doowlada Ku meel gaarka ahuna Daalibaan ma aha, Aniguna Mullah Cumar Ma ahi" Isaga oo tilmaamayay markaa Taliyaha mayalka adag ee Daalibaan….

Warka oo dhan halkan ka akhri Halkan

Waxaa soo tarjumey SheriffOsman
editor@somalitalk.com


Janaayo 12, 2002

FAAFIN: SOMALITALK.COM
DISTRIBUTED VIA SOMALITALK.COM


Gabdhaha Soomaalida Minnesota oo Markale Waxbarashada kasoo hooyey Guulo
Warbin uu wargeyska Mankato kadiyaariyey gabar Soomaaliyeed oo guul kagaartay waxbarashada AKHRI.HALKAN Jan 12, 2002

Maxamed Cabdi oo Xabsiga Maraykanka Lagasiideyn doono Janaayo 23
Maxamed cabi, oo horay Numbarka Telefoonkiisa iyo magaciisa lagahelay khariidad saarayd.... AKHRI.HALKAN Jan 11, 2002

djabouti eritrea ethiopia kenya somalia sudan uganda
Djibouti | Eritrea | Ethiopia | Kenya | Somalia | Sudan | Uganda
IGAD oo Isku Raacay in Bisha Maarso 2002 Shirweyne Soomaaliyeed Laguqabto Kenya
Khartoum, Sudan | Janaayo, 11, 2002

Warbixintii shirkii IGAD Ka akhri halkan


. SOMALIA AND WORLD NEWSPAPERS [ENGLISH.VERSION]
. Analysis: Somalia's powerbrokers [BBC.Peter Biles]
. Ethiopian Forces Withdraw From Somalia [AUDIO Listen VOA]
. Ethiopia troops leave Puntland TEXT [CNN]
. U.S. Attack Unlikely" Abdulkassim Salat Hassan
. Powell singles out Somalia - [washington Times]
. U.S. places little trust in Somali terror 'tips'
. Newsweek Interview: Hassan Abshir Farah PM of Somalia's TNG
. Pentagon denies report that US is preparing to bomb Somalia

FAAFIN: SOMALITALK.COM | 2002


MACLUUMAAD

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
smalia flag
oau Ururka Midowga Africa
un Qaramada Midoobey
arab league Ururka Midowga Carabta
Taariikh kooban ee Soomaaliya GUJI..
DOOD FURAN
SOOMAALIYA 1800
1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada gaarey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.
DJABOUTI
isamil omar gelleh
Ismaaciil Cumar Geelle

ERITREA
Issais Afewerki
Issais Afewerki
ETHIOPIA
Meles Zenawi
Meles Zenawi

KENYA
Daniel Toroitich Arap Moi
Daniel Toroitich Arap Moi

SOOMAALIYA
abdulkasim salad hassan
CabdiQaasim Salaad xasan

SUDAN
Kofi Annan
Cumar Xassan al-Bashiir

UGANDA
Yoweri Kaguta Museveni
Yoweri Kaguta Museveni


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety