Make your own free website on Tripod.com
S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 wuxuu isku raacay in Bisha Maarso 2002 Shir-Weyne Soomaaliyeed laguqabto Kenya GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...
MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda
XASAN ABSHIR FAARAX
Profile | CV

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA OGAADEENYA
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya

Warkii Radio Xoriyo : 29 Jan, 2002

Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya-Jwxo, oo Warsaxafadeed ay kaga hor jeedo Siyaasadda Cusub eey Itoobiya Rabto in ay ku Xuub Siibato Soo Saartay

Wariyaha Radiyo Xoriyo uga soo Warama Xarunta Dhexe ee Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa inoo soo diray Dhambaal Xambaarsan Jwxo, oo Warsaxafadeed ay soo saartay 25 Jan, 2002 ku Bayaamiysay Siyaasadda Cusub eey Itoobiya rabto in ay ku Xuub Siibato taas oon ku Til Maami karno Habartii Xaabadda Qaadi Wayday ee Mida kale ku darsatay, Wuxuuna ku bilowday sidan

Siyaasadaha Cusub ee Itoobiya ee ah habartii xaabada qaadi wayday midda kale ku dartay

Itoobiya markii ay ku guulaysan wayday in ay Damiso Halganka Shacbiga Ogaadeenya ayey bilowday sidii Caadada u ahayd arimahan soo socoda

1-In ay ka faaiidaysato ololaha caalamiga ah eey beesha caalamku kula dagaalamayso argagixisadda caalamiga ah Dawladda Maraykankuna Horseedayso, iyadoo rabta inay ka dhuumato argagaxa iyo gumaadka ay ku hayso Shacbiga Ogaadeenya een waxba galabsan iyo Shucuubta kale eey Gumeysato.

Itoobiya oo Argagax, Dil, Dhac, Kufsi, xaqduudsi iyo Xabsi lagu jidh dilo maxaabiista ku haysa Shacbiga Dulman ee Ogaadeenya waxaa ujeedada ololaha caalamiga ah ee la dagaalanka argagixisada ujeedadiisu tahay in falalka argagixisanimada laga tiro caalamka. Hase ahaate waxay doodi ka jirtaa cidda argagaxa wadda iyo falka argagaxa ah. Waxaa kale oo doodi ka jirtaa in laga hortago caddaalad darrada ay dawladaha qaarkood oo Itoobiya ka mid tahay ay ku hayaan shacabka ku hoos nool taas oo saldhig u ah dagaalada gacan ka hadalka ah iyo degenaansho la'aanta caalamka. Hadaba Itoobiya oo Argagax galisa Beel Nabdoon oo degen hoygeeda waxaa cad in ayna taas beesha caalamku u dulqaadan karin waqti ay qaadataba gobolka Geeska Afrikana ay deggenaansho ka dheer tahay. Sidaa darteed, codsiga ay Itoobiya codsanayso inay ka mid noqoto quwadaha la dagaalamaya argagixisada waxay uga danleedahay inay qariso xaqiiqada uu taliska Addis Ababa ku dhisan yahay ee ah argagixisnimo iyo gumeysi shu! cuubta ay xaqooda duudsiday.

2-Markii ay Itoobiya hab milatari iyo mid siyaasadeed ku joojin wayday halganka xaqqa ah ee shacabiga Ogaadeenya ayey hada bilowday inay sii xoojiso iska horkeenka shacabka Ogaadeenya si ay u curyaamiso midnimadiisa uu uga soo horjeedo gumeysiga iyo dulliga ay ku hayso. Talaabada cadowtinimo ay maanta qaaday waa mid ka mid ah tabihii ay isticmaali jirtay ay dhamaantood ku fashiltay; waxaana xaqiiqa ah inay iyadana ku fashilidoonto. Sidaa darteed waxaa shacabka Ogaadeenya meel ay joogaaba loogu baaqayaa inay cuduudooda mideeyaan si ay uga hortagaan gumeysiga ilkaha dhiiga ah leh ugana hortagaan shirqooladiisa si ay u soo gabagabeeyaan dulliga iyo gumeysiga uu ku hayo.

Waxaa kale oon ugu baaqaynaa shucuubta kale ay gumeysato sida shacabka Oromada, Sidaamo, Binshanqul iyo kuwa kaleba inay mideeyaan xoogooda si ay u soo af jaraan gumeysiga dhiig miiradka ah ee dullaysan ahayey muddada qarniga ah.

Halganka Shacbiga Ogaadeenya wuu Socon.Ogaadeenya Ha Xorowdo.

Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya, Hoggaanka Warfaafinta

Degaalo Dhawr ah oo Dhex Maray Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya iyo Kuwa Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya

Wariyaha Raadiyo Xoriyo ooga soo warama Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa soo diray Dhambaal xambaarsan Dagaalo dhawr ah oo dhex CWXO iyo CCGI waxaana oogu dambeeyey kuwan.

06 Jan, 2002 wuxuu Ciidanka WXO hawlgal geesinimo ka fuliyey Dibiraweyne oo ka tirsan Gobalka Dh/Buur meeshaas oo ay ku dileen 3 ka tirsan ciidanka cabudhiska Itoobiya mid kalena ku dhaawaceen.

07 Jan, 2002 CWXO wuxuu ciidanka gumeysiga kaga dileen meesha la yidhaahdo Dharkaynley oo ka tirsan Dh/Buur 5 askari 4 kalena way ka dhaawaceen.

11 Jan, 2002 Miirta waxay CWXO ku gaadeen ciidanka cadowga waxayna ka dileen 2 askari 2 kalena wayka dhaawaceen.

12 Jan, 2002 Ceelqod oo iyana ka tirsan Gobalka Dh/Buur waxay CWXO ku dileen 10 ciidanka cabudhiska ah 6 kalen way ka dhaawaceen.

Kacdoonka Siyaasadeed iyo Mikii Milatari ee ka dhex Taagnaa Ururka Talada Itoobiya haya ee EPRDF/TPLF oo wal socda

Wariyaha Wareega ee Radio Xoriy Qamaan Xirsi ayaa isna inoo soo diray dhambaal Xambaarsan Kacdoonkii ka dhex taagnaa Madaxda Sare ee Ururka TPLF oon wali dhamaanin kadib markii Madax sare oo ka tirsanaa Ururkaas shaqadii laga eryey kuwo kalena loo badalay meelo Buul lagaga dhigayo.

Madax Sar Sare oo Jagooyinkooda laga qaaday Iyada oo si socota nadiifinta isbaheeysiga EPRDF iyo siiba ururka TPLF ayaa wararka naga soo gaadhayo xafiiska Raisul wasaaraha Zenaawi sheegayaan in dhowr xubno ururka TPLF laga qaaday jagooyinka ay ka hayeen dowladda itoobiya. Waxaa ka mid ah Debre Tsion oo ahaa ku-xigeenka taliyihii hore ee nabadsugida itoobiya oo la dilay Kinfe Gebremehdin. Waxaa kale oo jagoyinka laga qaaday Aklilu Demberkai oo isla xafiiska nabadsugida ka tirsanaa.

Xubin golaha dhexe ee TPLF oo la yidhaahdo Tewolde Agame oo ahaan jiray safiirka itoobiya ee Sweden ayaa haatan loo badalay xafiis ku yaalo gobolka tigree si looga fogeeyo xafiiska Melez Zenaawi ka dib marka laga shakiyay. Waxaa kale oo laga qaaday jagooyinka Madaxa Dhaqaalaha isbaheeysiga EPRDF oo la yidhaahdo Kahsai KinKin Xubno Kale oo ka tirsanaa TPLFda oo laga qaaday jagooyinkooda waxaa ka mid ah

Feseha MaEsee oo macalin uu ahaa Kaadirka EPRDF, Abebe Hailesellassie – oo madax ka qeybta dhaqaalaha ee shirkada MEGA Printing oo ah shirka ay leedahay TPLF Tsega Berhan oo madaxa uu ahaa qeybta wardoonka (waa wardoon dhaqaleed oo laga wardoonayo dhaqaalaha dalalka deriska ah iyo sida loo ba’bin karo) Atey oo macalin ka ahaa CIVIL SERVICE COLLEGE ama jaamacada lagu tababaro shaqaalaha dowlada Gebre-Meskel madax uu ahaa shirkada Mesfin Engineering oo ah shirkad ay leedahay TPLF

Mulugetta Gebrehiwot (oo naynaastiisu tahay) Chaltu ayaa laga qaaday jagadii uu ka haystay wasaarada gaashandhiga, taas oo ahaa agaasime qeybta ku lug leh dib uu dhiska iyo tababarka ciidanka qalabka sida. Mulugetta waa xubin golaha dhexe ururka TPLF.

Dhegeystayaal Dhambaalkii intaas ayuu ku eg yahay.Warkii ood ka dhagaysanayseen Radio Xoriyona Caawa waa naga intaas.

Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 29 Jan, 2002
radioxoriyo@ogaden.com

Eegana Waxaad ku soo dhawaataan Faaladdii Warka ee Caawa taas oo uu inoo soo diryaariyey AhmedYassin Sh.Abdi, iyadoo ku saabsan Dhibaatada ay Qaar ka mida Madax Kooxeedyada Soomaaliyeed la damacsan yihiin Dhulkooda hooya.Waxaana inoo soo akhriyey Wariye Ahmed Gaal-eri

Hooggaamiye kooxeedyadu ma fulin karaan siyaasaddii Itoobiya ay kufashilantay

Waa hubaal in qof kasta oo dunidan ku nool, oo damiir xalaal ah leh, uu ka naxayo war kasta oo dareen cilladeed xanbaarsan oo ka soo yeedha geyigii uu u dhashay, warkaasi ha noqdo mid ka xogwarramaya waxyeello soo gaadhay dadkiisii iyo dalkiisii ama ha noqdo mid tibaaxaya dhibaato dadkiisa iyo dalkiisa ku soo fool-leh.

Sababtuna waxay tahay, iyadoo noolaha oo dhan uu Eebe ku abuuray dareen ka argagaxa dhibaatooyinka iyo dhacdooyinka naxdinta wata, wuxuuna dareen cilladeedku sii kordhaa mar kastoo ay dhibaatadu ku soo dhawaato noolaha, isla markaana ay taabato ama saamayso dad ama dal uu garanayo ama xidhiidh ka dhexeeyo, waxaana arrintaas si wanaagsan u qeexaya hadalmurtiyeedkii soomaalida ee ahaa „Balaayo waxay ku fiican tahay geeljire iyo nin aadan aqoonin“.

Hase yeeshee dabeecadda noocan ah ee Eebe uu noolihiisa ku abuuray ma aha mid laguma xadgudbaan ah, waxaa marar badan dhacda in nooluhu, gaar ahaan aadanuhu uu ku farxo ama ugu yaraan ka nixi waayo dhibaato ku dhacday ama looga baqayo inay ku dhacdo qof ama dad ay xidhiidh leeyihiin, xidhiidhkaasi ha noqdo mid isir, deegaan, dhaqan ama mid bani’aadanimo.

Marar badan ayuu qofka bani’aadamka ahi u arkaa in dantiisu ay ku jirto dhibaatada duulka kale soo gaadhaysa, waana maahmaahdii carabta ee macneheedu ahaa „Masiibada qolo ku dhacda waxay khayr u tahay qolo kale“, waxaana ugu wacan dareenka wax isla-jeclaysiga ah (anaani) ee aadanaha intiisa badan ku beeran, kaasoo haddii aan loo helin awood caabbida, sida iimaanka, xaqa, cadaaladda iyo xalaal-quudashada, uu qofku isaga uun meherad ka dhiganayo, isla markaana raacayo marba sawirkii uu siiyo, waana gundhigga masiibooyinka, dagaallada iyo xadgudubka ay bulshooyinku isu gaystaan.

Hase yeeshee in kastoo arrintaasi ay tahay gol-daloolo uu Eebe aadanihiisa u yeelay, haddana waxaa wax lala yaabo ah oo waliba laga yaqyaqsado in hooggaamiyayaasha soomaalida intooda badani ay u tartamayaan sidii ay dalkooda iyo dadkooda dhibaato ugu soo jiidi lahaayeen, mana aha arrin ka badbadin ah haddii aan idhaahdo waxay tartan ugu jiraan sidii uu nin waliba u gubi lahaa ama dhibaato hor-leh ugu soo jiidi lahaa deegaanka uu sheegto inuu u dhashay.

Hooggaamiyayaasha dagaalka ee Soomaaliya waxay beryihii denbe oo dhan ku dadaalayeen sidii ay beesha caalamka, gaar ahaan Maraykanka iyo xulufadiisa, uga dhaadhicin lahaayeen in dalka Soomaaliya uu yahay xaruun ay isku uruursadaan kooxaha argagixisada loogu yeedhay, wuxuuna mid waliba dirsaday qayla-dhaan, isagoo leh „Ha la iga soo gaadho argagixisada, haddii kale dalka oo dhan way qabsanayaan, duniduna waxay ka shallaayi doontaa maalin maanta ahayn“.

Waxaan la wadasoconnaa in C/llaahi Yuusuf Axmed uu in badan ka sheeganayay in kooxo mintid ah, oo xidhiidh la leh dhaqadhaqaaqa Al-Qaacida ee uu madaxda ka yahay ninka sida wayn loo raadinayo ee Usama Bin Laden, ay fara kulul ku hayaan, doonayaanna inay la wareegaan deegaanka Puntland, oo ku yaalla goob istiraatiiji ah, lehna marinno badan oo dhinaca badda ah, wuxuuna C/llaahi cabashadiisa ku daray dagaal uu ku qaaday meelo

Puntland ka mid ah, isagoo kaalmo millatari ka helay dalka Itoobiya. Hase yeeshee in kastoo uu C/llaahi ku celcliyay inuu argagixiso la dagaallamayo, deegaanka Puntland ay ku sugan yihiin kooxaha argagixisada lagu tilmaamay ee uu Maraykanku raadsanayo, haddan wariyayaal reer galbeed ah oo xaqiiqo raadis geyigaas u tegay waxay caddeeyeen inaanay soo arag wax raad ah oo muujinaya in deegaankaas ay axruumo ku leeyihiin kooxaha mayalka adag ee Al-Qaacida xidhiidhka la leh.

Xuseen Maxamed Caydiid ayaa isaguna meherad ka dhigtay inuu marba dunida u sheego in Al-Qaacida uu si wayn uga hwalgalo dalka Soomaaliya, isla markaana laga yaabo in Soomaaliya ay Afganistan kale isu rogto haddii aan tallabo degdeg ah laga qaadin.

Xuseen Caydiid waxaa loo tirinayaa inuu warqad dheer u diray wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka, taasoo uu ku faahfaahinayo sida uu dhaqdhaqaaqa Al-Qaacida uga jiro Soomaaliya, iyo xidhiidhka uu ururka Al-Itixaad la leeyahay dhaqdhaqaaqa Al-Qaacida, wuxuuna magac-dhabay ashkhaas iyo sharikado uu sheegay inay la shaqeeyaan Usama Bin Laden.

Xuseen wuxuu dhawaan shaaca ka qaaday in xubno waawayn oo Al-Qaacida ka tirsan, oo ka mid ah xubnaha sida wayn loo raadinayo, ay soo galeen dalka Soomaaliya, haddana ay ku sugan yihiin, hase yeeshee arrimhaas oo dhan waxaa lagu tilmaamay inay yihiin kuwo aan raad lahayn, duniduna tixgelin wayn ma ayna siinin, sababtoo ah waxaa loo arkaa inay taageero siyaasadeed oo kaliya uun dunida kaga raadsanayaan, balse ayna haynin xaqiiqo la taaban karo ama lagu go’aan qaadan karo, sidii arrintii Afganistan oo kale.

Ragga u ruclaynaya inay deegaannadooda dhibaato u horseedaan, dadkoodana shaadh argagixso u geliyaan, waxaa ka mid ah labada jannaraal ee dhinaca koonfurta u sii jiitamaya, Aaden C/llaahi Gabyow iyo Maxamed Siciid Moorgan, oo labaduba shaaca ka qaaday in deegaannada koonfureed ee dalka Soomaaliya ay degashadeen kooxaha mayalka adagee Maraykanku uu argagixisada ku tiriyo, waxayna sheegeen inay hayaan ciidan tirabadan oo ay aaggaas ku xoreeyaan, balse ay taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaalaba u baahan yihiin.

Qofkii u fiirsado dhaqanka hooggaamiye kooxeedyada Soomaaliya - kuwa aan kor ku soo xusnay iyo kuwa kalaba – wuxuu si dhibyar u fahmi karaa in macnaha ay nimankaasi u adeegsanayaan argagixisada uu yahay in qof kasta oon danahooda gaarka ah fulinaynin uu noqonayo argagixiso in lala dagaallamo mudan, meel kasta oo damac kaga jiro, balse ayna haysanina ay saldhig u tahay argagixisada la raadinayo.

Siyaasaddan rakhiiska ah waxaa isku dayday inay dalkeeda uga faa’iidayso dawladda Itoobiya, oo Maraykanka iyo caalamka kalaba la hoos orodday danbiil ay ka buuxaan caddaymo bayn abuur ah oo tilmaamaya in argagixisada lala dagaallamayaba ay Soomaaliya barrinsatay, khatar waynna ay ku hayso gobolka Geeska Afrika iyo dunida inteeda kalaba.

Xukuumadda Itoobiya waxay filaysay in Maraykanka iyo xulufadiisuba ay ku qanci doonaan been-abuurkaas ooy ku taageeri doonaan siyaasaddeeda fooshaxun ee ay ku kala qaybinayso dalka Soomaaliya, si ay fursad ugu hesho cadaadinta iyo cabbudhinta dadka ay gumaysato ee Ogadenya ku dhaqan, isla markaana ay uga gaashaamato in Soomaaliya ay ka dhalato dawlad leh awood ay kula gorgortanto.

Danta kale ee Itoobiya ay ka leedahay faafinta been abuurka ah in Soomaaliya ay argagixiso joogto waxay tahay, iyadoo haddii ay dunidu aqoonsato in Soomaaliya ay tahay goob argagixisadu ay isku uruursato ay markaas iyadana u sahlanaanayso inay khamiiska argagixisada u geliso urur kasta oo siyaasaddeeda mucaarad ku noqoda ama ururrada xornimo doonka ah ee u dagaallamaya xornimo gadhsiinta shucuubta ay gumaysato.

Hase yeeshee waxaa hanjab ku noqotay xukuumadda Itoobiya in Maraykanku uu danihiisa ka horriisiiyay kuweeda, isla markaana ay muuqato inuu garwaaqsaday in haddii uu arrimaha Soomaaliya u adeegsado xukuumada Itoobiya ay arrintaasi dhaawici karto danihii uu goblka ka lahaa, sidaas darteed wuxuu ku gacansaydhay codsigii Itoobiya ee ahaa in ciidammadeedu ay galaan dalka Soomaaliya, si ay u sifeeyaan waxa ay argagixisada ugu yeedhay, Maraykankuna uu arrintaas u fasaxo, isla markaana ku taageero.

Haddaba su’aasha is-wayddiinta mudan waxay tahay hooggaamiye kooxeedyada soomaaliyeed ee u tartamaya inay deegaannadooda shaabad argagixiso ku dhuftaan ma ku guulaysan doonaan siyaasaddii ay Itoobiya, oo iyaga masuul ka ah, ku guuldarraysatay???.

Ahmed Yassin
radioxoriyo@ogaden.com


Dhegeyso Goosgooska oo Cod ah


WARARKA OGADEENYA:
January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety