S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 wuxuu isku raacay in Bisha Maarso 2002 Shir-Weyne Soomaaliyeed laguqabto Kenya GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...
MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda
XASAN ABSHIR FAARAX
Profile | CV

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA OGAADEENYA
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya

Warkii Radio Xoriyo : 18 Jan 2002

Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya oo Guulo ka soo Hoyiyey Ciidanka Gumeysiga Itoobiya

Wariyaha RadioXoriyo ooga soo warama Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa soo diray Dhambaal Xamaarsan Degaalo lagu jabiyey Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ee ka hawl gala Saldhigyadda Ogaadeenya, waxaana oogu dambeeyey kuwan

30 December 2001 Gooja oo ah buur ku taala Waqooyiga Iimey Koonfurna ka xigta Buuraha Dhaadheer ee Qari Jiqood loo yaqaano Degaal ka dhacay waxaa Ciidanka Gumeysiga Itoobiya lagaga dilay 7 Askari 4 kalena waa lagaga dhaawacay.

Isla 30 December 2001 Caleen-weyne oo ka mida Dhulka Qarijuqood loo yaqaano Degaal ka dhacay Waxaa Ciidanka Gumeysiga Itoobiya lagaga dilay 4 Askari , 6na waa lagaga dhaawacay.

02 Jan, 2002 Hadhaawe oo ku yaala Waqooyiga Gobalka Godey isla markaana ah Ceel uu Geelu ka cabo Caana ka ah Ogaadeenya Degaal ka dhacay waxaa Ciidanka Gumeysiga Itoobiya lagaga dilay 5 Askari, 2na waa lagaga dhaawacay.

08 Jan, 2002 Gudhis oo ka tirsan Gobalka Nogob isla markaana uu maro Jidka isku xidha Iimey iyo Fiiq degaal ka dhacay waxaa Ciidanka Cadawga lagaga dilay 10 Askari iyadoo lagaga dhaawacay 8 kale.Waxaana goobtaas lagaga furtay 2 Qori oo AK-47 ah iyo Rasaas badan oo muhiim u ahayd CWXO.

08 Jan, 2002 Dogobley oo ka tirsan Gobalka Qoraxey oo u dhaxaysa Wijiwaaji iyo Boodhley degaal ka dhacay kaas oo Gaadmo ahaa waxaa lagu dilay 5 askari 3 kalena waa lagu dhaawacay.

09 Jan, 2002 Garaxaare oo ka tirsan Gobalka Nogbeed Degaal ka dhacay waxaa Ciidanka Gumeysiga Itoobiya lagaga dilay 6 askari, 8na waa lagaga dhaawacay.

10 Jan, 2002 Habeed oo ah Ceel Geelu uu ka cabo oo ku yaala Degmooyinka Qari Juqood Degaal ka dhacay waxaa Ciidanka Gumeysiga lagaga dilay 5 askari 4na waa lagaga dhaawacay.

Degaaaladaas isu geyn waxaa Ciidanka Gumeysiga Itoobiya lagaga Dilay 42 Askari iyadoo lagaga dhaawacay 35 Kale.Waxaana lagaga furtay Rasaas iyo Saanad kale oo muhiim u ah adeegsiga Ciidanak Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya.

Bahalnimadda Ciidanka Gumeysiga Itoobiya kula kaco Shacbiga Soomalida Ogaadeenya oo sii kordhaysa

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Arihama Bulshada ayaa soo sheegay dhibaatooyinka iyo Bahalnimadda uu Ciidanka Gumeysiga Itoobiya kula kaco shacbiga Soomalida Ogaadeenya oo ka sii daraysa iyadoo maalinba maalinta ka dambaysa ay sii kordhayso dulmiga lagu hayo dadka rayadka ah een waxba galabsanin markii uu Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ku Jabay Degaalada Dhex Maraya iyaga iyo CWXO.waxaana oogu danbeeyey

27 December 2001 Gobalka Doolo Magaalada Wardheer iyo Degmooyinkiisa kale waxaa lagu xidh xidhay dad badan ooy Ciidanka Gumeysiga Itoobiya kaga aar gudanayeen Jabkii kaga yimid Goobaha Degaalka, iyadoo ay dadkaasi aad u tiro badnaayeen waxaa Radio Xoriyo u suuro gashay in uu helo Magacyada Qaar ka mida waxayna kala yihiin

1-Hassan Ow Ali
2-Cumar Abdi Moalin
3-Cawke Abdulahi Gamaadiid
4-Ahmed Abdirahmaan
5-Abshir Mohamed Salal
6-Abdi Geele
7-Ahmed Badel
8-Cokeyr Mohamed
9-Shariif Sh.Sulub
10-Ali Ugux

29 December 2001 Toon Dixley oo ku taala Ceelxaar agtiisa kana mida Gobalka Qoraxey waxay Goobtaas ku dileen Gabadh aan waxba Galbsanin oo Magaceeda la odhan Jiray Hinda Cali Xassan oo uu Aabaheed ku magac dheer yahay Ina Caliyare, waxayna Goobtaas ku dhaawaceen Gabadh kale oo la yidhaahdo Fartuun Hassan oo hadda la Il Daran dhaawacaas.Gabdhahaasi waxay saaraayeen Gaadhi iyadoo Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya ay rasaas ooda kaga qaadeen Gaadhigii ay Gabdhahaasi saarnaayeen.

Sidoo kale Gobalka Dhagaxbuur iyo Degmooyinka uu ka kooban yahay waxaa isla xiligaas sare isagana lagu xidh xidhay dad aad u fara badan oo isugu jira dhamaan Qaybaha bulshadu ka kooban tahay waxaana Radio Xoriyo soo gaadhay Magacyada qaar ka mida oo kala ah

01-Maryan Mursal
02-Sahra Abdirahman
03-Faadumo Bilaad
04-Nuur Moalin Khaliif
05-Mohad Ahmed Guuleed oo ku magac dheer Mahad Hangal
06-Faarax Ibraahin
07-Mohamed Hussein Budul
08-Iyo Abdi Dhicis Moalin Ahmed.

Tirad Guud ee dadka Rayadka ah ee lagu xidh xidhay Gobalka Dhagaxbuur oo gaadhaysa ilaa 200 qof waxaa dadka qaarkood lagu xukumay iyadoon Maxkamad la saarin 8 bilood oo xambsi Milatari oo Ciqaab nooc walba leh wadata kuwona meel la geeyey war lagama hayo qaar kalena way ku il daran yihiin.

Shacbiga Soomaliyeed eey Xabashidu Guysato ayaad moodaa Ciqaabta lagu samaynayo in ay Beesha Caalamku indhaha ka qabtasatay Taas oo u saamaxday in Gumaysiga Itoboobiya uu waxa uu doono ku sameeyo maadaama aan dabagal lagu samaynayin Dambiyadda Laga galayo Xuquuqda Baniaadamka ee Shacbigaas Dulman.Waxayna Dadkaasi sugayaan in Itoobiya lagu Abaal Mariyo Dhibaatooyinka ay ku hayso dadkaas.

Ciidanka Gumeysiga Itoobiya oo ku sii Qulqulaya Soomaliya

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Xuduuda Sooamaliya iyo Ogaadeenya ayaa soo sheegay Dhaq Dhaqaaqa Ciidanka Gumeysiga Itoobiya oo aad u sii badanaya laga bilaabo bishii November ilaa Bishan Jan, 2002 kuwaas oo ka Gudbaya dhawr meelood oo Xadka ah.

Ilaa iyo Bishii November 2001 Ciidamo lexaad leh oo ah Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya ayaa ka Gudbay Xuduuda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Ogaadeenya.4 Guuto oo Tigniko ah oo ku hubaysan Nooc walba oo Qalabka Milatariga ah ayaa ka baxay Gobalka Qoraxey iyagoo Aaday Gobalka Mudug kana Galay Soomaaliya Xadka Gaadhayna Gaalkacayo iyaga oo ooga sii Gudbay Garoowe.Hadaba Ciidankaas oon ku faahfaahinay wararkeenii hore ee Radio Xoriyo waxaa hada lagu xoojiyey hal Guuto oo Ciidanka Lugta ah.

Intii 27 Decembe 2001-12 Jan, 2002 Ciidan lagu qiyaasay ilaa iyo 1200 oo Askari oo ka kooban Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya iyo Kooxo Soomaaliyeed oo Maleeshiyaad ah oo Tababar Milatari uu oogu soo dhamaaday Xeryo Milatari oo ku yaala Ogaadeenya ayaa ka baxay Magaalo Madaxda Ogaadeenya ee Godey si ay oogu biiraan ilaa iyo 2000 oo Askari oo Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ah oo horay u sii joogay Gobalada Bay iyo Bakool.Ciidankaas oo watay Qalab Milatari oo Casri ah wuxuu qayb ka yahay Qorshaha Argagixisada ah eey Itoobiya ku hayso Soomaaliya iyo Burburinta Qorshayaasha Nabadaynta Dadka Soomaaliyeed eey Wado Dawlada ku meel gaadhka ah ee Soomaaliyeed.

Waxaa iyagana Ciidankaas ka mida dad si gooni ah loo soo taba baray oo Argagixiso ah oo asalkoodu Soomaali yihiin ayna soo Dirsadeen Kooxaha ka soo hor jeeda Dawlada Kumeel Gaadha ah ee Soomaaliyeed oo loogu tala Galay in ay qasaan Nabadgeliyada Magaalada Muqdisho iyo Kismaayo kuwaas oo hab Kali kaliya ku tagi doono Goobaha loogu talo galay halkaas oo laga siin doono Qalabka ay ku hawl gali doonaa.

Warkii Caawa waa naga intaas.

Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 18 Jan, 2002
radioxoriyo@ogaden.com
Eegana waxaan idiin soo wadaynaa Googooskii Kooxda Ogaal ee Jwxo, oo inoo socda Wali isagoo Maqal ah, kaas oon Faaladii warka idiinku badalay.Mahadsanidin.
Dhegeyso Goosgooska oo Cod ah

Liiska Soomaalida Itoobiya ee laguxirxiray Wardheer


WARARKA OGADEENYA:
January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk



Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety